site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GOBABKA INA IGARRE.

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: GOBABKA INA IGARRE.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MCM

Friday, August 25, 2000 - 03:59 am
Sheekadanu waa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada BURCO sidii ay u dhacdayna waa sidan soo socota.

Oday iyo islaantiisa ayaa waxay degen yihiin aqalkooda oo masaajidka ku dhow, salaad walba eedaanka ayay maqlaan,islaantii waxay jeclaatay oo ladhacday mu,adinka codkiisa ,habeen walba salaada cishaa,i marka duqeeda iyo iydu ay fadhiyaan daarada ayuu salaada cishaa,i eedaamaa ,markaasay tidhaahdaa ah wakaa wadaadkii codka macaanaa (ala wadaadku cod macaanaa) dhawr jeerna odayga oo ag fadiya ayay ilayn tidhi odaygu ileyn wadaadkan baas ayuu sanifay,habeen habeenada ka mid ah ayay habartii wadaadkii lasoo balantay waxana lagu balamay gobabka ina igarre hoostooda,duqii habarta qabayna waa uu ogaaday in caawa duqdiisii iyo wadaadkii gobabka ina igarre ku balameen.
Waxba yaanan hadal idinku daaline meeshoo balantu ahayd ayuu ugu sii dhuuntay, waqtigii balanta waxyar ka hor,habartii ayaa soo hor martay,meehu waa madow oo cidi is arki maysee intuu usoo dhawaaday ayuu dhangad uu sitay shawdaa kaga saaray,xagii aqalkeeda ayay u carartay ,wuu iskaga hadhow waxyar salaadii cishaa,i ka hor ayuu aqlkiisii yimi,salaadii ayaa la adimay markaasuu duqii habarta qabay yidhi(ah wakaa wadaadkii codka macaanaa)markaasay habartii tidhi(wadaadkee)wadaadna maahee wabiinku (GOBABKA INA IGARRE AYUU DADKA KULAAYAABAA LA YIDHI)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 13, 2000 - 11:21 am
wadaadod shekada maxaad ula jeeda shekadaasu waa sheeko jiri jirtey,gobabka ina igarana waa jiran,balse anigu waxaan u aqaan sheeko somali guud in ay burco ka dhacday iyo meelkalena maan maqal. hadaba adigu xaage isaga keentey,maxaadse iga jeeda.sida iyo malinwaagsan ..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 14, 2000 - 05:24 am
Wadaadoow sheekadu waa sheeko dhacday, gobabka ina igarre ee laguu sheegayaana waa meel jirta oo burco oo kaliya ku taala hadii aanad aqoon adigaa halkaa is dhigay hadii aad soomaali dhab ah tahay waad garan lahayd.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.