site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BAARDHEERE, GEDO, SOMALIA .-..---... Rugta Manaafacaadka Dalka

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: BAARDHEERE, GEDO, SOMALIA .-..---... Rugta Manaafacaadka Dalka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dini Elmi

Wednesday, September 13, 2000 - 07:01 am
Waan idin salaamay. Baardheere waxay maanta noqotay magaalada ugu muhiimsan uguna nabada badan Koonfurta dalka. Bardera waxaa dadeeda lagu qiyaasaa 117 000 oo qof. Beeraha ku yaal agagaarka magaaladan waxaa khayraadka ka soo baxa loo suuq geeyaa ilaa iyo Jabuuti. Bariis, Qumbe, Galey, Sisin, Basal(guduud & cadaanba) baqaarada ugu waa wayn dalka, tubaako (inkasta oo khayraad aan lagu sheegi karin), liin 2 nooc, cambe, qamadi iyo digir intaba waxay si xad dhaaf ah uga soo baxaan beeraha ilaah nimceeyey ee Bardera,Gedo. Mar aan joogay magaaladaas Janaayo 20-29 1989 waxaa cilmi baaris ku jirey arday iyo professoro jaamacada umada ka yimid iyo qaar Holand ka yimid. Sanadkan 2000 waxaa howl gelin bilaabay reer shirkado reer Holand ah. insha Allah soo saarista khayraadka beeraha ee Baardheere wuu sii fidi doonaa marka howl gelin saa'id ah la sii siiyo, insha Allah.


barasho wacan ee dalkaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed Dheere

Wednesday, September 13, 2000 - 07:13 am
sir,


Baardheere waan kaaga marqaati furay in ay tahay magaalo wax walba tarta dalka. waxaa magaaldan mara webiga juba wuxuuna bilaabaa in uu webiga fido oo ilaa iyo 3 kiilo mitir uu noqdo balac ahaan. Basasha ayaa ugu caansan waxa ka soo baxa magaaladan waxaana lagu gadi jirey dhamaan suuqyada dalka oo dhan: xamar, kismaayo, Baydhabo, Hargaysa, Beledwayne iyo wixii la mid ah. Ha ilaabin laakiin Luuq iyo Doolow iyagan waxay soo saaraan nafacaad beero.


nabad & khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

f jaamac

Thursday, September 21, 2000 - 01:54 pm
alxamdu lilaah


ilaah baa mahad leh
Baardheere maanta waxay dib ugu laabatay hawshii ay ku jirtay oo ahayd quudinta qaranka soomaaliyeed.

nafacaadka ka soo baxa Baardheere halkan laguma soo koobi karo.

Ilaah ha siyaadiyo caafimaadka iyo horumarka magaaladaas iyo dadkeeda.

Baardheere runtii weel beerta raaxada! webiga jubana waxaa mar dhow laga furayaa Markabley!!!!!!!!Markableey!!!!

ha la isku arko Baardheere, beesha raaxada, cilmiga iyo edebta dadka...


farah jaamac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

a/rahmaan sheekh

Monday, September 25, 2000 - 11:43 am
Asalma calaykum

Baardheere waxaan tagay Janaayo 19keedi 1989, waxaana joogay ilaa iyo todobaad. dhabtii waan u bogay magaaladaas. waxaa la isoo baray suuqa beeraha iyo bakhaarada basasha ee looga suuqgeeyo dalka afartiisa gees.

waxaan la cajaa'ibay quruxda iyo degenaashaha magaaladaas. waxaa kale oo la i soo tursay guryihii ay hooyaday ku noolaan jirtay iyo ehelkeedi. Buundada, dugsiga sare iyo jidadka magaalada ku xira magaalooyinka kale sida saakow, uuq, sarinley intaba waa la i soo tusay. Qaasin s. Abuukar ayaan u mahad celinyaa hadii uu akhristo faaladan.

Baardheere markaas ayaa iigu danbaysay laakiin hada waxaan maqlay in ay noqotay magaalo soomaali oo dhan ay isigu timid. waxay hada bedeshay ayaan maqlay xamar. dadka ku nool baardheere waxay ka kala yimaadeen dhinac walba dalka gudihiis iyo dibadiisa. tani dhabtii ma aha hawo iyo rajo midna ee waa xaqiiqda jirta.

Baardheere ilaah ha u sii siyaadiyo wanaaga ay ku hayso muwaadiniinteeda. AAMIIN AAMIIN

a/rahmaan sh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xassan dheere

Monday, September 25, 2000 - 11:48 am
salaan wanaagsan


dhalin yaro magaaladan waxay si deg deg ah ugu baahan tahay in loo dhiso ugu yaraan labo dugsi sare oo kale iyo 4 dugdi hoose. fadlan ka kaca meesha oo wax tara. sidoo kale waa in la helaa

jaamacad!
jaamacad!
jaamacad!
jaamacada Baardheere! now! now! now! now!

Juunyo 23, 2001da ayaa dhagaxa la qaadayaa. dhismaha jaamacada baardheere... alhamdu lilaah


saciid cilmi(xassan dheere)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baardheere maanta

Thursday, September 28, 2000 - 08:04 am
to: dhamaan

waad salaamantihiin. salaan ka dib. waxaan idiin sheegi lahaa in arinta jaamacad dhisida ay howl gelayso bisha Octoobar 2000. insha allah. waxaa la furayaa Account numbar Maraykanka iyo Kanada labadaba.

Dhexdhexaadka bisha ayaan soo qori doonaa lambarka accounka iyo qaaraan ahaan qiimaha qofkiiba lagu soo qori doono.

Dad badan ayaa ayag jeebkooda ka bixin doona 10 jibaar inta qaaraan ahaan la iskugu soo qoray. Tusaal, $100 U.S,waa qaaraanka la isku af gartay. markaa ilaa hada waxaa la hayaa 3 qof oo bixin doona($100 x 10) = $1000.00.

Qof walbana wuxuu yeeli karaa in uu bixiyo wixii saa'id ah oo uu awoodo maadaama arintan ay tahay arin qusaysa Gobolka. Jaamacadana ay jiri doonto inta soomaali ay jirto. Masaajid ayaa laga dhex dhisi doonaa jaamacada gudeheeda marka mashruuca mid yar ma aha. ilaa iyo 7 dhismo ayaa la rajaynayaa in la dhismahooda la gaba gabeeyo Ogosto 2001. insha Allah.


Yusuf & saylac
columbus

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Friday, October 13, 2000 - 04:45 am
W/SALAAMANTIHIIN Aniguna waxaan idinku darsan lahaa rayi ah in baardheere loo dhiso kooxo f/bool
waayo markii iigu dambeeysay 99 waxay ahay hogaanka f/bool team whole somalian citys marka waxaan gadaal kamaqlay inay dhaqaalo daro darteed lakala jabirabaan teamamkii taagnaa anigoo ah mohamed canjeex oo ah ex captankii horseed team
ee baardheere waxaan idinka codsanayaa in la ila gacan qabto teamkaas wixii faah faahin dheeraad ah igala soo xiriir

koombe@hotmail.com

sidaa iyo nadab galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xuseeney

Monday, December 25, 2000 - 03:45 pm
salaamu calaykum
walaalayaal waxaan diyaar uahay inaan ka qayb qaato dhisida jaamacada runtii waa magaalo aad qaali uah waxaana aan ku noolaa 10sano walaalayaal dhisida jaamacadan ma ahan mid magaaladaas oo kaliya wax tari doonta ee waa mid dalka anfacaya ninkiinraba inuu ila soo xiriira waxuu igala soo xiriiri karaa [army @hotmail] xuseeney toronto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xuseeney

Monday, December 25, 2000 - 03:49 pm
salaamu calaykum
walaalayaal waxaan diyaar uahay inaan ka qayb qaato dhisida jaamacada runtii waa magaalo aad qaali uah waxaana aan ku noolaa 10sano walaalayaal dhisida jaamacadan ma ahan mid magaaladaas oo kaliya wax tari doonta ee waa mid dalka anfacaya ninkiinraba inuu ila soo xiriira waxuu igala soo xiriiri karaa [army @hotmail.com] xuseeney toronto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xuseeney

Monday, December 25, 2000 - 03:52 pm
salaamu calaykum
walaalayaal waxaan diyaar uahay inaan ka qayb qaato dhisida jaamacada runtii waa magaalo aad qaali uah waxaana aan ku noolaa 10sano walaalayaal dhisida jaamacadan ma ahan mid magaaladaas oo kaliya wax tari doonta ee waa mid dalka anfacaya ninkiinraba inuu ila soo xiriira waxuu igala soo xiriiri karaa [army @hotmail.com] xuseeney toronto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/waaq

Tuesday, December 26, 2000 - 01:39 am
walaalayaal waadsalaamantihiin reer baardheere
runtii waad saad u sheegteen waana idinku raacsan
nahay anigu qudhayda diyaar baan u ahay
inkastoo aniga aanan arag oo waxaan kasoo jeedaa
xaggaa iyo galgaduud/caabudwaaq.

e mail waa faraxsiyad@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rer afwaax

Saturday, January 20, 2001 - 01:51 am
ina aboyiin wax rer afwaax majogaan halkaan
anigu baardheere ku madhalan ee aderadey ayaa degan, marka sidaa darteet hadii rer afwaax idinku jiro waan u baahnaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faafaxdhuun

Thursday, March 01, 2001 - 03:07 am
Ina aaboow anigaaa reer af-waax ah kolay waxaan umalayn inuu ruux af-waax ah halkan kujirin oo ilkayar ayaa leh waxbaan baardheere kadhisanaynaa ileen guri kaliya oo ay magaalada kusheegtaan malahane.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.