site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SARINLEY: GEDO....20KM NW of BAARDHEERE....Welcome all!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: SARINLEY: GEDO....20KM NW of BAARDHEERE....Welcome all!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaliif aduunyo

Thursday, September 21, 2000 - 01:35 pm
SALAAN

Qaliif A.
Sarinley

magaaladan waxaa ku yaal dhismayaal kiro ah oo ku wanaagsan ganacsi, iskuul,iyo hoy intaba. fadlan haddii guryaha Baardheere ay qaali kugu yihiin kaalay, gacmo furana ku soo dhawow.

Sarinley, Gedo...dadkeeda ama bulshadeeda waxaa lagu qiyaasaa 27,000 oo qof. 1990gii waxaa degenaa 3000 oo kali ah. laakiin maanta waa magaalada 11aad ee ugu dadka badan gobolka.

Buraa oo 35 000 ah ayey ku xigtaa. mar dhow waxaa laga yaabaa in bushada magaaldan ay gaarto 50,000 sababtoo ah Baardheere ayaa waxay sii noqonaysaa qaali. sideed iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay Feb 1999 ilaa hada waxa ay qiimaha guryaha kacayeen 20% lixdii biloodba. ilaa 200 oo guri oo afar 3 ilaa 4 qol kooban ayaa suuqa yaal maanta oo bisha ay tahay 21 Sebtembar 2000.

la soo xiriira Q. Aduunyo
Sarinley, Gedo
Aargada Dukaanka Cilmi dheere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A bdi diini

Friday, September 22, 2000 - 09:38 am
war ina aduunyo

ma jiraan guryo laga dhigi karo hoteelo? waxaan rabaa in aan ka furo baardheere agagaarkeeda hoteel ugu yaraan 40 ilaa 50 qol ah.

hadii ay jiraan fadlan soo sheeg. waxaan jooga columbus ohio...maxaa yada u soo fax garee magacyada dadka lagala xiriiri kar.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALIIF

Tuesday, September 26, 2000 - 10:47 am
TO: CABDI DIINI

WALAAL WAXAAD HELAYSAA GURI KA KOOBAN 80 QOL HADII AAD DOONAYSO IN AAD IMAADO SARINLEY. WAXAA JIRTA XAAFAD DHAN OO GURYAHA UGU YAR YAR AY KA KOOBAN YIHIIN 5 QOL IYO WAX KA BADAN WAXAANA LOOGU TALA GALAY DADKA DIBADAHA DALXIISKA UGA IMAANAYO. HADII AAD GANACSI U SOCOTO SE WAAD HELI INTA QOL AMA XAFIIS AAD RAADINAYSO MARKA HORE CAGO UN SOO DHIG SARINLEY

QALIIF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

a-rahman

Wednesday, October 04, 2000 - 01:40 pm
hello reer sarinley,

Dadyahow ka warama xaalada Sarinley iyo Baardheere. Dadka ku nool Sarinley maanta imisaa lagu qiyaasaa?

Waxaan reer Gedo ilaah ua baryayaa una rajayanayaa Caafimaad iyo dhaqaale wanaagsan.


c/raxmaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Thursday, October 05, 2000 - 09:30 am
Asalama calaykum

walaalayaal yaa yiri Sarinley waxay ku taal waqoogiya galbeed ee Baardheere? Sarinley waxay xaga koonfor Galbeed uga toosantahay Baardheere. wabiga wuxuu Baardheere u kala baraa koonfur iyo waqooyi.

Marka wixii labada dhinac wabiga ka xiga Baardheere waa koonfur ama waqooyi. marka maadaama Sarinley ay dhinaca Buraa ka xigto waxaa xaqiiq ah in ay Koonfur xageeda xigto.

intaa un baan idinku toosinayaya. Insha Allah dad badan ayaa wadanka u soo socda sanadka cusub ee soo socda. Beerihii iyo dhulkii waxaa loogu jiraa tartan culus. insha allah meel aan guryo ka dhisano waan heli doonaa.


wasalaama calaykum
walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dalmar

Friday, October 13, 2000 - 10:51 am
to Qaliif


walaal goormaa kuu dambaysay Sarinley? waxay ila tahay in Baardheere lagu badiyo hoteelada iyo guryaha kirada ah maxaa yeelay dadkeeda ayaa afar jibaar ka badan kan Sarinley. Sarinley meel lagu nasto ayay ahaan jirtay markii aan maqlay jiritaanbka magaaldaas.

khayr illah ha ka dhigo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.