site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BAARDHEERE:...best town in SOMALIA

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: BAARDHEERE:...best town in SOMALIA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Goodtown

Thursday, October 05, 2000 - 09:53 am
SALAAN DHAMAAN

WAXAAN HALKAN KU SOO BANDHIGI LAHAA ARIN AAD KU FARXAYSAAN HADII KALCAL SOOMAALI IDINKU JIRO.

BAARDHEERE WAXAY WELIGEED AHAYD MAGAALO AAD IYO AAD UGU GACMO FURAN MUWAADINIINTEEDA MEEL WALBA HA KA YIMAADEENE. HADII AAD BOOQATO BAARDHEERE WAXAAD OGAANAYSAA SIDA DADKA ISKUGU KALSOON YAHAY.
MAGAALDAN WAXAY NOQOTAY MAGAALO AMAAN GELISO DADKA SOOMAALIYEED OO DHAN. ALXAMDU LILAAH.

TAARIIKH AHAAN BAARDHEERE WAXAY SOO JIRTAY ILAA BOQOLAAL SANO. BEERAHA K YAAL MAGAALADAAS IYO DHISMAHA WAA WAX KU CAJAA'IBIYO. DADKA MAGAALADA MAANTA WUXUU KU XIGAA XAMAR. KISMAAYO IYO HARGAYSA WAXAA ILAA 40% KA DAD BADAN BAARDHEERE. TAASI WAXAA SABABAY NABADA IYO DEGENAASHAHA. ILAA 1992GII MARKII CAYDIID(ODEYGII) UU KA GUURAY ISAGA IYO CIIDANKIISA MAGAALADAAS WAXAY AHAYD NABAD. INTAAN KA AHAYN MAR MAR AY XABASHI XAGA BAYDHABO KAGA SOO DUULAYSAY.

WAA LA ISKU ARKAY BAARDHEERE. ILAAH KHAYR HA KA DHIGO.

GOOB JOOG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Friday, October 06, 2000 - 06:57 am
war goob joog,

war Baardheere baararkeedii dheeraa iyo geedihii siinka ma sidaas bay usii caan baxeen? Dad badan ayaa raba in ay Baarka ka dhigtaan hoy maadaama Xamar cade uu Xamar madoobe isku bedelay,Hargaysana uu haysto nin iimanka la', kismaayana dee xabadaa laga yaabaa in ay ku leefto, Bari iyo boosasana laga raysay baa horey loo yiri oo bariis iyo baastaa la helay. Baardheere runtii aad ayaan ula dhacay. Walaahi haduu ilaah nafta igu daayo waxaan ka dhisanayaa guri 4 qol ah summerka soo socda, Insha allaah. Waxaa la shaqeeya Saciid dheere, nin aan waligii tagin Baardheere laakiin go'aansaday in uu Baardheere dego marka uu dalkii ku laabto. hadan wuxuu u shaqeeyaa sidii uu ugu raaxaysan lahaa magaaladaas.

war nin yahow mahadsanid sida aad u soo bandhigtay wanaaga magaalada Baardheere

A. Cilmi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal

Friday, October 06, 2000 - 11:58 pm
Suaashu waxaa weeye, kuwa baadheere ku haya, ma kuwii bililiqaystay baa, mise waa dadkii asalka ahaa, ee diinta fidin jiray.
Haddaad ilka yarta hadda timid tihii, waa la isaga daba iman, ee farxadda dib u dhigta.

Faysal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CILMI

Wednesday, October 18, 2000 - 10:59 am
fAYSAL,
WHAT R U TALKING ABOUT NIGGA?
MAN, WHO ARE U? WHO KNOWS U?

WHAT THE F*CK U TALKING ABOUT?
COME TO BAARDHEERE AND I WILL BUMBAAYEE UR ASS.

GET LOST BUSTARD

SE YA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muqtaar

Monday, October 23, 2000 - 10:00 am
muqtar


Baardheere waa magaalada labaad ee ugu muhiimsan dalka maanta. Qofkii ay deganaan jiray wuxuu wili xaq u leeyahay in uu gurigiisa dhisto wixii taageero uu ka mudan yahay dowladana wuu heli.

ku soo dhawaada magaalada dhaqaalaha Soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAADIQ

Wednesday, October 25, 2000 - 09:13 am
ku dhamaan


DIGNIIN: yaan la idinku qalqaalin wax aad ka shalayn doontaan. Ha ka dhisanina guryo qaali ah agagaarka wabiga, maxaa yeeley 10kii sanaba wabiga mar buu butaacaa wuxuuna gaystaa qasaare aad u ba'an.

TALO: dhinaca saakow markii loo socdo wixii wadada bidix ka xiga ilaa 8-12km waqooyi un baa ku haboon guryo qaali ah.

SAADIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

piz 4ever

Thursday, November 02, 2000 - 07:44 am
how is collecting the money? I have $200 us dollars.

insha allah the school shall be opened on Maayo am June 2001.

se ay later


peace!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daadirow

Wednesday, November 08, 2000 - 05:13 pm
Annaa kuu huba inay tahay magaalo kala xiran,anna waa i soo korisay,aabahayna way soo korisay iyo ilaa farac awoowe.

Hadda iyo abid intaan noolahay waan ku noqon.

No matter what anybody says that city is in my heart, to prove that I am Daadirow and my father is AFAAQOW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sade

Tuesday, November 14, 2000 - 02:19 pm
Baardheeeeeeeeera aad ayay u wanaagsan tahay walaal ninkii yaqaanaana yaqaan. In looga sheekeeyo jaahiliinta qaarkoodna maaha, waayo waligoodba maysan arag mana yaqaanaan.
F.G: BAARDHEERE SXB WAY LAWADA SOCOTAA INAY AHAYD MAGAALADII UU RABAY SIYAAD BARRE ALAHA UNAXARIISTEE INUU KASAMEEYO MUSHRUUCA UGU WAYN AFRIKA OO DHAN INTAYSAN DAWLADIISU DHICIN. WAXAA DAWLADU AY TAASI U KAASHANAYSAY KENYA IYO TANSANIYA IYO KUWO KALE. Hadana dadka Reer Baardheera ah ayaa ka samayn un Iinsha Allah, Sidoo kale Kismaayaa lagu furi Mashruucaas markii hada labilaabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XUSEENEEY

Tuesday, December 12, 2000 - 01:36 pm
waxaan idiinsheegaayaa nin kastoo aqoon Baardheere inuusan ku fududaan ama waxba ka sheegin waa magaalo jirta,wax soo saar leh,dhaqaale leh,caan ah, laga dambeeyo, nabadgalyadeeda ay aad u fiican tahay, dadka degana ay yihiin dad isku xiran. Qabyaaladna aysan ka jirin,kana dhisan yahay tiimka ugu ciyaarta fiican dalka...............ee (QAAMA)...-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xuseeneey

Monday, January 01, 2001 - 11:40 am
waxaan halkaan uga hambalyeeynaayaa dhamaan dhalinyaradaydii baardheere anigoo idin leh sanad cusub wanaagsan waxaan halkaan hal hal uga salaamaayaa asxaabtaydii uuka kow yahay
cabdi xakiin axmed carab sh.cabdi
siciid caydiid
tuutuule
liibaan aadan k.
duraan dilaaciye
boonkaay
jareere
wixii star iyo qaama ah
asxaabtii shineemooyinka oodhan
run ahaantii waan uxiisay magaaladaydii mana isku doorsanaayo baardheere iyo toronto waxaynu isu imaan doonaa haduu [ILAAHEY]nagaarsiiyo2003da anigoo idin leh sanad wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/QAADIR

Thursday, January 04, 2001 - 09:00 pm
BAARDHEERE WAXAAN KU NOOLAA MUDO DHOWR BILOODA.WAA MAGAALO FOOL XUN WAXAA WADA DEGA MAREEXAAN,OGAADEEN,COWL YAHAN LAFTA AH,RAXANWEYN,DAD GIBIL CAD AH WAA JOOGAAN INKASTOO AYAN BADNEY.WAXAA MARA WEBIGA JUBA.WAXAA JIRTA MAGAALO AAD UGU DHOW OO LA YIRAAH SERINLEEY OO MAREEXAN DEGO.BUUNDO AYEEY LEEDAHAY.WAXAAN SEEXAN JIREY HOTEL U DHOW AARGADA DHINACA JIDKA UFUROOW TAGA IYO XAMAR DHINACIISA.MASJIDO BADAN AYEEY LEEDAHAY WAA MAGAALO CULUMAA UDIIN.JIILAALKA AAD AYEEY U KULUSHAHAY.DADKEEDU WAA DAD FAQRI U BADAN.MAREEXAAN GAAJO AH OO WAX AY CUNAAN HEYSAN WAQTIGII SIYAAD BARRE ATOORAHA AHAA AYAAN KU ARKAY.WAXAAN KA HADLAYAA SIDEETA MEEYADII.ISBITAALKA MAGAALADA ILAHAY KUMA TUSO.HAL LAAMI MAGAALADU MA LEH.GAAL DIL GARTIISANA SII,BAARDHEERE DADKEEDU AAD IYO AAD AYUU U FIICNAA WAAGAA.WAXAAN KU TUKUN JIREY MASJIDKA SHEEKH CABDULQAADIR.OO SHEEKH C/LAHI ALLAHA U NAXARIISTEE DHISAY. INKASTOON AAN GALKACYO GURI KA DHISTAY HADANA ILAAH IMA DILO ANOON ARKIN BAARDHEEROO NABADA IYO BARWAAQO AH.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.