site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waar Hayaay Waar Hayaay Waa Waraabe, Cali Khaliifaa???

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Waar Hayaay Waar Hayaay Waa Waraabe, Cali Khaliifaa???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Osman

Wednesday, October 11, 2000 - 09:20 am
Dear to all


Waxaan daywaynaha sharafta leh usheegayaa, dhawaaqan
kasoo yeedhay Jabuuti in si fiican la iila eego oo aan
ladhayalsan.

Somalidu madayso aan shirno aan shirno ee
isku keen keena, hayeeshee marka lagaadho go’aanka
kamabaaraan degto oo way arkaane ninkastaaba wuxuu
yidhaahdaa yaan adiga lagu odhan cid gaar ah ayuu
ujeedaa.

Waar nimam yahaw marka aad maqashid nin aad
aqoon fiican uleedahay in uu shaqo wanaagsan helay
laba shaybaa maskaxdaada kusoo dhaca. Mid waxa weeye,
wallee camalkaan ogaa ee hebel shaqadaa kuma
raago,waxad kaloo oo aad tiraahdaa wallee kuma
cayaaro.

Hadaba dadkeena reer Somaliland/noow mawaxa
inaka iyo koonfur inoo xeer ah ninka caadada uleh in
uu wax xado ama wax lacararo in aan laysku sheegin.

Saaxiibayaal, Cali Khaliif waa dhab in uu haysto PHD
laakiin Cali waa ninkii ugu horeeyey ee reer waqooyiga
ahaa ee warshsadii ugu horsaysay ee Sonkorta
labaxsaday inta uu dayaarad soo kiraystay. Cali isaga
oo wasiira oo masuuliyad dawladeed haya oon is casilin
ayuu baxsaday.

Cali muu ahayn reerihii seeftu dushooda
saarnayd oo looguma garaabeyn in uu iska baxsado,
wakhtigaas oo ahayd markii dadka reer soomaaliya ay
dagaalkii Ethiopia kasoo laabteen oo dhaqaale loo
baahnaa ayuu cali intii yaradba lacararay.Mida kale
Cali shirkii Burco ee 1991 wuu yimi wuuna kaqaybgalay,
markaasna wuxu codsaday in Prime Minsate laga dhigo.

Markii layidhi Constitutionka SNM in Prime Minster
lasameeyo madaxwayne ku xigeen mooyaane Constitution
qaranna lama samey wuu cadhooday. Hadana shirkii
Boorama ee 1993 ayuu yimid oo hadan uu yidhi Prime
Minster hala sameeyo oo aniga halayga dhigo, waxaana
Cali loo sheegay in aanay taasi kujirin
Constitutionka.Cali Khaliif wuxuu kufakarayey mooyaane
markaana wuu cadhooday.Hadaba yaa iminka huba inaanu
cali khlaliif marlabaad aanu dadka iyo dalka baahan
aanu waxa yar ee soogala kalabaxsan doonin??

Reer koonfureedow idinkana waan idin aqaanaa oo 20 shilin
hadii laydin kala tago 20 sano waydin xasuusnaan
doontaan. Shirka Carta reer koonfureedow malaa Somali
laguma dhisayne Somali baa lagu burburinayaa.Dawladda Jabuuti baana taa kadambaysa.
Wallaahay Iyo Billaahay Iyo Tollaahay in aanaan shilin
bixinayn goordhow wixii ninkaasu gesyto hadaanu reer
Somaliland nahay.Markaan sidaa leeyahay waxan ujeedo waa fahamteenbaan umalaynayaa.Cali Khaliif oo nin reer waqooyiya marka uu maalindhow sidii lagu yaqiin xoolaha dadka lacararo yaan reer waqooyi loo iman oo lawaydiin xoolahaas.

Dhamaantiin dadwaynaha sharaftaleh waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal kismayo

Monday, October 16, 2000 - 10:22 am
Iima muuqato waxa ay ku kala duwanyihiin
Cali khalif iyo Cigaal, waayo khaldaan warshad xaday iyo khaldaan dameer wasay waa isku mid.

Faysal kismayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Thursday, October 26, 2000 - 12:19 am
to osmaan

sxb sida aad sheegtayba waad saxday taariikhdii tuuga balse ma ogtahay iminkana inuu damacsan yahay marka aay dawlad kusheega dhadhabaan intii mid kadaran uu samaynayo walee soomaaliyi run isuma sheegtee waa loo wada joogi waxa uu digo ninkaasi

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.