site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waabari/ Ceelka Calanka

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Waabari/ Ceelka Calanka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fmhagi

Wednesday, October 11, 2000 - 10:56 pm
War aaway dhallinyaraddii reer waabari gaar ahaan reer ceelaka calanka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 05, 2000 - 09:36 am
anigaa degnaa waaberi
cowf agtiisa jid cadaha
waxaana ku jiray dhalinyarada wadaadada misaajidkaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 05, 2000 - 09:41 am
anigaa degnaa waaberi m
misaajidka cabdiraxmaan bin cowf agtiisa
oo jidcadaha ceel calanka u dhawaa
waxaana ku jiray dhalinyarada wadaadada
misaajidkaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Thursday, November 09, 2000 - 08:34 pm
Waaberi is my hometown since i was 12 but i remember many good old days. Do you know anyone who was in the ubaxa kacaanka oktoober? Man i wish i can bring those good ol days back,but hey one day things will go back the way i remember in my childhoods.

By the way i lived right behind the dalfac foorno where there was a jid cade.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Tuesday, November 14, 2000 - 02:35 am
Waaberi aniga ayaa degenaa jiray, waxaana degenaa wadada makka almukarama,hotel weheliya ka soo horjeedkiisa, mayshii ay diyaaradda kudhici jirtay1973-1974. waxaana kamid ahaa wadaadadii ka adijirtay masjidkaas mudadii u dhaxaysay qiyaas ahaan 1985-1991.haddii aad doonaysid wax war ah igalasoo xiriir halkan.
ALMACRUUFATUL QADIIM KHEYRU MINA NASAB!
wabilaahi towfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mukta

Wednesday, November 15, 2000 - 10:17 am
anigabohalkaas ayaan wax ka baran jiray
misaajidka aad sheegeeysid
sheeq yuusuf cali ceente iyo shariif ibraahin iyo cabdilmajiidayaan ka baranjiray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Thursday, November 23, 2000 - 02:08 am
TO mukta waan ku salaamay marka horre.
marka xegta waad runtaa culimadaa sheetay waa shuyuuqdayda ee ILAAHAYkheyr hasiiyo.
walaal xiriir wacan marka hore, waxaan jeclaanlahaa in aan wada xiriirno haddii EEBE yiraahdo, gadaal ayaan kaaga soo sheegi doonaa magcayga oo kaamil ah ee xiriir wacan marla baad
wasalaamu caleykum waraxmatullhi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ReerWaaberi

Sunday, December 03, 2000 - 03:57 pm
Walaalayaal waad salaaman tihiin. Waxaan ahay gabar reer waabari ah. Waxaan deganaa soonaha Via laberia near suuqa iyo masaajidka cali boolaay. Wixii meeshaas deganaa xiriir wacan.
Peace all of you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muktar

Monday, December 04, 2000 - 05:32 am
muktar' walaalayaal waan idin wada salaamay
reer waaberi ramadaan wanaagsan
waadna ku mahadsan tahay xiriirka aad iila soo
yeelateen inta dhimatay alaha u naxariisto
maxaa yeelay school 21oktoobar qabri ayuuw noqday
beerta afisione qeyb dadka dhintay ayaa lagu aasay
qaybna dadka nool ayaa ku ganacsado alaha wadankeeyna hanoo hagaajiyo qurbo ninkii arkay ayaa wax ka shegi karo
waxaan aad ilaah ugu mahad celinaa
dhalinta reer waaberi iyo dumarka
oo aad diinta u fahmay
waxaana aad ugu xumahay wadanka ma arkin
mudo 4sanoiyoxoogaa bye xiriir wacan reer waaberi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ReerXamar

Monday, December 04, 2000 - 01:25 pm
Muktar aboowe waad mahadsan tahay. Ilaahayna ducadaada ha aqbalo. Qof walba murugada way saamaysay sanadkaan. Aboowe intee ka daganeed waaberi inkastoo aan aad u xasuusan. Aad ayaan u yaraa markii aan ka soo tagay laakiin aad ayaan u jeclaa waaberi iyo xamat weyne. They use to be my two home towns.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ReerXamar

Monday, December 04, 2000 - 01:27 pm
Muktar aboowe waad mahadsan tahay. Ilaahayna ducadaada ha aqbalo. Qof walba murugada way saamaysay sanadkaan. Aboowe intee ka daganeed waaberi inkastoo aan aad u xasuusan. Aad ayaan u yaraa markii aan ka soo tagay laakiin aad ayaan u jeclaa waaberi iyo xamar weyne. They use to be my two home towns.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALID YAWELI

Tuesday, December 05, 2000 - 12:06 am
Aqyaarey waxaad marka hore iiga gudoontaan salaanta islaamka inoo jideeyey oo ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.
markaan halkaan ku arkey xaafadeeydii aan iloobeyn,ayaan anuguna jecleystey inaan halkaan isku kiin baro magaceegu waa{ QALID ABDULQADIR AHMED-YAWELI-}waxaan degenaa yaraanteyda xamar jabjab kuna soo korey,gaar ahaan isbitaalka unishef gadaashisa,kadib 1985 ayaan uguurey,dhinaca waaberi,waxaan udhowaa GURIGA TOOKIYOguri ka soo horjeeda,waxaana dukaan ku laheyn dhamaadka via leyberia,carwada TAAHA,OO lagu gadi jurey funaanadaha iyo jeenis iwm,waxaan
kaloo mar ka shaqeyn jirey yawei vidio,qeybta shaqalaha, waxaan dhigan jiray macallin jamac iskul,1986,ayaan ka mid ahaa ardadii kumaandoos
aheyd,wixii faah faahin kale u baahan haiigala soo xiriiro.
EMAIL;- qalidyaweli@yahoo.co.uk

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 05:26 am
waxaan jeclaan qof walbo reer waaberi ah inuuw isu soo cadeyo qaalid oo kale qaalid waa ku aqaanaa nin aad si fiican u taqaabid ayaan ahay
sarifka neyobi ayaan iskuula shaqeeysan jirnay
muktar20@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 05:28 am
waxaan jeclaan lahaa qof walbo reer waaberi ah inuuw isu soo cadeyo qaalid oo kale qaalid waa ku aqaanaa nin aad si fiican u taqaabid ayaan ahay
sarifka neyobi ayaan iskuula shaqeeysan jirnay
muktar20@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahad abdi

Sunday, December 10, 2000 - 04:16 pm
waxaan rabaa inaan ogaado ardaydii ka baxday 21 oktoobar sanadkii 83-84 ka dibna ku qaatay saqada qaranka hargaysa meesha ku danbeeyeen halkan nagala soo xiriir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XassanYare

Saturday, December 23, 2000 - 06:49 pm
slmu calaykum......
Bacdamaa uu boggu yahay mid Waaberi ay si gaar ah u leedahay, aan soo bandhigo magacii la igu waqlalay.
Waxaan ahay walaalkiin Xassan Maxamed,
lagu naaneyso XassanYare....

Lafihii hore iyo ciishoow-milix, sida aad u dhan tihiin salaan sharaf ayaan hawada idiin soo marinayaa. Waaberi waa wadnaheenna, waa meeshii uu rabigeey nagu soo wada barbaariyay, ilaaheey waxaan ka baryaayaa inuu igu simo intaynan geeridu soo dhawaan.

Salaan gaar ah waxaan u soo jeedinayaa Saaxiibkeey Muqtaar oo aan markiiba horay ka gartay anigoonan arag e-mailkiisa...Saaxiib Waaberi ha noolaato..
Sidoo kale, Salaan gaar ah ayaan hawada u soo marinayaa Gabadha la baxday ReerWaaberi, walaashiis anigu waxaan degenaa meesha aad tilmaantay markii aan dhashay ilaa iyo 94tii. Meeshaad joogtaba qeyr iyo horumar ayaan kuu rajeynayaa....

ReerWaaberi, Ciid wanaagsan......
Waaberina ha jirto weligeed....

Walaalkiin...
slmu.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 26, 2000 - 02:13 am
OK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 26, 2000 - 02:39 am
KU : SOOMALI GUUD ahaan, gaar ahaan REER WAABERI dhamaan sida aad u dhantihiin { SOON iyo CIID } ciid wanaagsa, teeda kale aniga waxaan ahay wiil dagan xaafada : WAABERI ( Via leyberia - 1da Maajo )isla markaasne waa u badnaayi : SUUQ YAREEYDA ilaa iyo SHALEEMO SOOMAALI, waxaana ka soo baxay 1982 DUGSIGA SARE EE BANAADIR oo aan rajeeynaayo in qofkasta oo soomaali ah oo doonaayo in uu la xariiro qof SOOMALI jecel iila soo xariiro : macaano@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/raxman Sheikh Axmed

Monday, January 01, 2001 - 03:50 am
REER WAABERI dhammaantiin waan idin salaamey. Aniga waxaa deganaa Ceelka Calanka dhiniciisa iyo buundada agteeda, gurigeenana wuxuu saarnaa jidka suuqa Bali Boolaay taga. Waxaan deris aheyn Mudane C/casis Macalin Mukhtaar "Qariidi" oo hadda loo magacaabey Wasiirka Shaqada iyo Isboortiga. Yaa yaqaana Mowlaca ceelka calanka iyo dukaanka ceelka calanka.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta wax ka soo xusuusto xafeydeydii hore. Ilaahey wadankeena nabad iyo barwaaqo ha nooga dhigo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aweys Cadde

Sunday, January 07, 2001 - 06:22 am
Aqyaarta halkan kuwada kulantay ee Waaberi ka wada yimid marka hore salaan hanta.Marka xigtana anigu waxaan deganaa agagaarka UNICEF, waanna gartay Qalid Yaweli, waxaanna filayaa inuu la dhashay Mukhtar Aweis oo ilmo Yaaweli kamid ah, Xasan Yare iyo Mukhtar adinkuna salaan iga hanta, markaan halkan ku arkayna magacyadiina farxad ayaa i gashay oo durbaba go`aan ku gaaray inaan anna qeybtayda ku qoro sadaradeyda.
Waxaan si gaar ah ugu hanbalyeynayaa dhamaan ReerWaaberiga fursadan wanaagsan ka Faa`ideystay gaar ahaan Alifaha Boggan.
Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALID YAWELI

Monday, January 08, 2001 - 04:37 am
AWEYS CADDE;- Waa sidaad usheegtey muqtaar waxeynu nahay ilmo adeer,waxaan ku leeyahay,iyo iyo dhamaan akhyaarta waaberi,ciid wanaagsan,ku wada ciida meelkasta aadjoogtaan akhyaarey.

Muktar20@hotmail.com;saaxiibow dhowr warqad ayaan,
kugu soo diray adreska aad ii soo sheegtay,ee maxaa ka qalday,mise waa fazuu,emailka aad meesha ku soo qortay.
AKHYAAREY WAXAAN ISKU DARDAARMEYNAA MEELKASTA AAN JOOGNO CABSIDA ILAAHEY.

qalidyaweli@yahoo.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaangoow

Wednesday, January 10, 2001 - 01:43 pm
TO:aways cadde salaamu calaykum walaal waad salaaman tahay waa walaalkaa maxamad nuur hadaad i xasuusan tahay aniga cilmi oo ka imaan jiray xaafadda xamar jajab.walaal halkee ku danbeeysay aniga maraykan ayaan ku danbeeyaa dhalinyaradii waxaaan ka warhaayo ma jiraaan isxaaq xaashi ayaan itoobiya isla joognay waxaan kaloo is aragnay axmadeey cali.walaal hadii aad maseejkan hesho igala soo xiriir halane57@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Thursday, January 11, 2001 - 04:10 am
asalaamu calaykum walaalayaal aniga waxaan ahay gabar waaberi degnaan jirtay marka waxaan halkan ka baafinayaa gabar reer waaberi ah oo magaceeda la yiraahdo maryan xuseen urur please maryan ila soo xiriir waxaan ahay sahra saaxiibadaa walaasheed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Thursday, January 11, 2001 - 04:15 am
asalaamu calaykum walaalayaal aniga waxaan ahay gabar waaberi degnaan jirtay marka waxaan halkan ka baafinayaa gabar reer waaberi ah oo magaceeda la yiraahdo maryan xuseen urur please maryan ila soo xiriir waxaan ahay sahra saaxiibadaa walaasheed.

yaana20001@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muktar

Monday, January 15, 2001 - 07:38 am
waxaan aad ugu faraxsanahay
reer waaberi oo halkaan ku kulmeen
asxaabteyda. qaalid. xasayare.aweys cade.iikar.
maxamed nuurxalane.
ma i fahmi weysay maxamed nuur xalane sorry
cumar yuusuf walaal kiis waaye
qaalid emailkayga waa sax waana kuu soo jawaabay laakiin waa koo soo daahiyiyay
xiriir wacan reer waaberi
waxaan isu dardaarmeeynaa xaqa iyo samirka ama sawarka sidee allah noogu sheegay suurada
walcasri ama suurtulcasr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed nur

Monday, January 15, 2001 - 09:47 am
TO:mukhtar waan ku kasay walaal,waalays iloowey aduunyada cirifkeeda ayaan laga dhacay,ilaahay khayr haku siiyo waanadaas qiimaha badan,mukhtaar waxaad igala soo xiriiri kartaa halane57@yahoo.com
walaal iigu salaan dhamaan asxaabtii reer waaberi.
aweys cadee ayaan ka gartay marka raali iga ahoow.wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed nur

Monday, January 15, 2001 - 09:52 am
walaalayaal waxaan halkaan ka baafinayaa qofkii og meeshii ayku danbeeyaan reer qaali oo daganaa unacheif gadaasheeda gaar ahaan saxiibkeey deeq qaali ,gacal qofkii yaqaaana meeshii ayku danbeeyaan ha igala soo xiriiri email kayga,halane57@yahoo.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yassin Ismail

Monday, January 15, 2001 - 02:16 pm
TO MAXAMED NUUR XALANE

Waad Salaamantahay waa Yassin Mohamed Ismail Email baan kuu soo diray laakiin waxaad iiga warantaa Saaxiibkaa Cilmi maxamed Cilmi iyo Faarax sahal ciise ama Maxamed Aways Shariif halka ay ku danbeeyaan iyo haddii aad war ka hayso Saaxiibkeen Shimbir.
mahadsanid.
Email me please.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Wednesday, January 17, 2001 - 03:02 am
TO:DHAMAAN REER WAABERI
ASLAAMUCALAYKU................................................................................................................
QAASATAN MUQTAR WELI KUMA AANAN GARAN EE MAGARANEESAA WADAADAN HOOS KU QORAN EE MASJIDKAA WAXKARAACAN JIRTAY.
1-IMAAMKA MASJIDKA SH.MAXAMED CAMBARE
2.IMAAMKA LABAAD SH.MAXAMED OO REERDHABOOD AH
3-SH.SHARIIF IBRAAHIM WAANA CASHAR AYUU BIXIN JIRAY SIIRO RAXIIQULMAQTUU.
4.SH YUUSUF CALI CAYNTE OO RIYAADKA AQRINJIRAY.
DHALINYARADDA
1.GUULAYD CADULAAHI CABDI
2.DAAHIR SH. CAMBARE
3. JIBRIL CABDULQADIR WARSAME (SHABIYE )
4.CABDULAAHI SHARIIF XASAN
5. CALI KUUS
6. IBRAAHIM MAXAMED CALISOW
7. ABUUKAR CARAAYE MAXAMUUD
8. CALI CABDI CABDULE
IYO DADKALI OO AAN HALKAN KU SOO KOOBI KARIN.
MAXAMED KANEECO MAGARANEESAA ?
SI DAAS IYO XIRIIR WACAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muktar

Wednesday, January 17, 2001 - 04:36 am
asalaamu calaykum"
dhamaan aqyaarta halkan ku kulantay waad salaaman
tihiin.halkan waxaan kua dhax helay asxaabteey
oo aad iyo aad aan ugu kalsoonahay.sida
xasan yare aweys cade. qaalid yaweli.maxamed nuur xalane .iyo wilka ugu danbeeyay oo aan garan la"ahay .
walaal maxamed inta qof aad soo sheegtay badanaa waan garanayaa
sida sheeqeeyga axaadiista axaadiista iyo siirada
oo aanan iloowi karin
1'shariif ibraahin.almuxadis almuqri"
2"sheeq yuusuf cali ceente oo aan ka baran jiray
buluugul maraam- iyo saaxiibkeeyga guuleed
oo aan isla baran jirnay axaadiista
iyo saaxiibketga daahir oo aan dugsiga qur"aanka
sh.ali suufi isla dhigan jirnay
iyo c/lahi sharif.walaal
aad ayaad u mahadsan tahay .aniga waxaan ku noolahay biljim.oo aan dacwada ka wadaa
in kastoo eey soomaali joogin laakiin
marookaan iyo turki iyo albeenish ayaan
diinta baraa gaar ahaan qur"aanka iyo carabiga
waxaad iiga heli kartaa
muktar20@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reerwaabari

Wednesday, January 17, 2001 - 08:01 am
To: Xasan Yare
Aboowe xageed ka daganeed via laberia. Mataqaan afar boosle gurigii la dhihi jirey iyo wiilashii isla dhashay abuukey iyo ismail abdulahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XassanYare

Wednesday, January 17, 2001 - 05:52 pm
slmu calaykum.....
Akhyaarta iyo asxaabteyda gaarka ah salaan sharaf walaaleed iga gudooma sida aad u dhan tihiin. Si gaar ah: Muqtaar Yuusuf, AweysCadde, iyo Maxamed Nuur Xalane oo aan xusuusto waloow aan u maleynayo inuunan i soo qaban karin. Saaxiibayaal xiriir wanaagsan mar kale.

Waaberi ma ku noqon doonnaa mar dhow? Waxaan hubaa inay niyadu sidaa jeceshahay ee aan u soo duceyno dhulkeennii hooyo.

To: ReerWaaberi,
Walaasheey waad salaaman tahay, aniga waxaan degenaa ku tooska suuqyare, guriga labaad ee bidixda kaa qabanaya una jeeda dhanka qorax ka soo bax marka aad suuqa wejigiisa hore ka soo socoto adigoo soo aadaya dhanka shaqaalaha. Via laybeeriya waxaa noo dhaxeeyay 3guri. Ma xusuusan karo dadka aad tilmaantay, hubaalse inaan wejiyada garan lahaa.

dhammaantiin salaamooyin.....

XassanYare..
Toronto.....
Wassalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Friday, January 19, 2001 - 01:13 am
TO:DHAMAAN REER WAABRI WAAD SALAAMAN TIHIIN.
MKHTAAR WALAAL WAD DA'DAAL EE AAD KU JIRTO.
MAGARANEESAA NIN LA YIRAAHDO MOHAMED SAALAX BUDUL
OO NIN AHLU DIIN AH, RAADI OO ISLA WADA DIINTA.
WALAAL XAALKA MAANTA WAXAAN KU NOOLAHAY OO AAN DIINTA KA WADAA FINLAND,MUDO10 KUWNA KA WADAY.
WALAAL AAN XIRIIRNO
ALJABRA@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed nur

Friday, January 19, 2001 - 08:36 pm
TO:dhamaan walaalahayga reer waaberi salaamu calaykum,salaan ka dib waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu wadankeena noo hagajiyo oo naga qabto wixii dulmu wado,Amiin,walaal xasan yare waan ku xasuuusanahay muddo dheer ayaa laga joogaa.haa waaberi waan ku noqondoonaa haduu ilaahay yiraahdo xaqana wuu soo daahiraa,marka hadag dagin waxaan waa iska dhamaanayaan.
mohamed nur columbus,OH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muktar

Friday, January 26, 2001 - 08:16 am
reer waaberi waad wada salaaman tihiin *dhamaantiina maxaa idinku dhacay
sheekadiina ayaan weheshan jiray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulbaaz

Monday, February 19, 2001 - 02:24 am
Asalaamu caleykum walaal yaal ama saaxiibo yaal,waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida aad bogaan uga dhowrteen aflagaalada,waa astaantii waaberi,oo aheyd tixgelinta qofwalba yar iyo weyn,maxaa yeeley,kuma aad arkeysid bogaan wax dool ah,in taa ka dib asxaabey yaa warkooda haaya
isxaaq xaashi ,oo shirkii jabuti,dhowr mar tv aan ka arkayey iyo wakalkiis bile xaanshi,qofki qabarkooda iihaayo haigala soo xiriiro.
qalidyaweli@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed nur

Monday, February 19, 2001 - 02:03 pm
To:xasan yare,walaal salaamu calaykum waan ku salaamay waan helay e-mailkaaga mid kale ayaan ku soo diray jawaabna kaama helin,malaha adareeskaaga ayaa qaldanaa,iisoo dir adareeskaaga saxa ah,mardhow kanada inaan imaado ayaa laga yaabaa,salaamu calaykum,Mukhtaar yare adiga maxaa kuugu dhacay jawaab kaama helin kolay anigaa ku soo wacaayo haduu ilaahay yiraahdo.salaamu calaykum walaalahayga waaberi aad ayaana ugu faraxsanahay inaan is maqalno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkaa

Thursday, February 22, 2001 - 04:26 pm
slmu calaykum.....
Dulbaaz, Bile Xaashi Jimcaale mar dhoweyd ayuu soo galay U.S. isagoo ka yimid dhanka Pakistan. Atlanta ayuu dhinac ka joogaa ilaa iyo labo isbuuc.

slmu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XassanYare

Thursday, February 22, 2001 - 04:32 pm
slmu calaykum.....
Dhammaantiin akhyaarta waan idin salaamay.

Maxamed Nuur: Ma helin warqadda aad tiri waan kuu soo diray. Addresskeyga waa kan: h_abdu@hotmail.com.

Ha idiin macaanaato ...

Xassan..
Wassalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muqtar

Monday, February 26, 2001 - 07:13 am
reer waaberi waad wada mahadsan tihiin sidaad
bogaan aad u nuuriseen waxaan aad uga farxay
bile xaashi oo maraykan dhinac ka joogo
waxaana ilaah kaaaga baryaa ineey kuu
hagaajiyo noloshaada aduunyo iyo aaqiro
aana wada helno darajada ugu sareeyso uuw
qof helo waana jihaad ilaahay dartiisa ah
walaalayaal aan ku dadaalno ku dhaqanka diinta
iyo gaarsiino xaqa qofkaan lakulano taasana
idinku dardaarmayaa sawabtoo qofkaan dhadhaminin
macanka diinta wax ween baa ka maqan hadaan inga
gaarsiin wayno waajibkeeyna kama soobixin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismahan cali

Thursday, March 01, 2001 - 12:54 pm
ciid wanaagsan to reer waabari oo dhan specially dadkii agagaarka cali boolaay iyo via laberia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XassanYare

Sunday, March 04, 2001 - 08:04 am
slmu calaykum.....
Dhammaan aqyaarta Golahan Waaberi, waxaan leeyahay ciid wanaagsan, tan teeda RABIGEEY ha nagu wada gaarsiiyo nabad iyo horumar labada daaroodba inshalah.

Ismahaan, waan kaa gudoonnay hambalyada gaarka ah ee Ciidda aad la wadaagayso reer Via-laybeeriya iyo Suuqa Cali Boolaay. Mid la mid ah ayaan hawada kuu soo marinaayaa adigana.

Walaalkiin XassanYare..
Wassalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdiraxmaan Qaylow

Monday, March 12, 2001 - 10:38 am
Dhammaan Reer Waaberi,gaar ahaan REER CEELKA CALANKA waad salaamantihiin. Ciid Wanaagsan. Waxan hawada ka salaamayaa inkastoo aanan wax war ah ka helin muddo 12 sano ah asxaabta hoos ku qoran:
Maxamed Yuusuf (BAADARE)
Culus
Axmed ODAY
Mxamed HILOWLE
Maxamuud JINOOLE (raali iga noqo)
Gureey
Mire Cabdulle Magan
Cabdulcasiis (QARIIDI)
Mahdi Xasan
Maxamed Maxamuud (FANAX)
Cabdulaahi Mayow (XAAJI CABDOW)
Cabdi CEEL
AMIIN (Dukaan ku leh Suuqa Anzilotti)
Xuseen Abuukar Nuur (XAMARI)
Maxamed Jees
Cabdulqaadir M. Dacar
Ebyan M. Dacar
Cali Dhusamareeb
Axmed Dhagaweyne
Cabdulqaadir Shafeey

Liiska waan soo dhammeystiri doonaa Hadduu ILAAH yiraahdo. Qof alla qofkii hela farriintan fadlan ii soo jawaaba.

Waa saaxiibkiin Cabdiraxmaan Qaylow (ex-Somali Airlines)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.