site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KU: QOF WALBA OO SOOMAALI AH (WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO)

SomaliNet Forum (Archive): Health - Caafimaadka: KU: QOF WALBA OO SOOMAALI AH (WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Management (Admin)

Thursday, December 07, 2000 - 08:16 am
Inaa Lilahi wa inaa ileehi Raajicuun! Qof walba oo Soomaali ah waxaan kula talin lahayn inuu dhegeysto barnaamijkan ay soo diyaarisay idaacada Sagal ee magaalada Altanta, USA laguna waraysanayo Baarliin Xuseen Faarax.

rtsp://sagalradio.net/sagal.rm

Barnaamijka qaybta u danbeysa Baarliin waxay ka hadlaysaa gabar yar oo Soomaali ah oo runtii aad u dhibaataysan aabeheed iyo hoyadeedna aanay haysan lacag ay dibada ugu diraan si loo soo daaweeyo.

Gabartan yar ee Soomaalida ah oo kaadiheystedu banaanka taal isla markaana aan lahayn meel laga kaadiyo waxay ubaahantahay kaalmo degdeg ah. Adduunka way ka dhashaan ilmo waxyaabahaas oo kale ku dhacaan laakiin sida lala socdo Soomaaliya waxay kamid tahay dunida sadexaad oo ay u sii dheer tahay maamul la'aan iyo isbitaalo caalami ah la'aan.

Su'aashu waxay tahay maxaan qaban karnaa hadaan nahay Soomaali? Qof walba oo Soomaali ah waxaan ka codsanaynaa inuu ka qayb qaato sidii gabartaas yar ee Soomaalida ah loogu soo qaadi lahaa wadamada horu maray sida Maraykanka, Germany, Canada, iwm.

Maadaama Somalinet ay tahay meel luugu talo galay inay dadka isu keento, awoodayadu waa kaliya inaan dadka la socodsiino dhibaatadan, sidii loo xalin lahaana waxay u taal dadka Soomaaliyeed. Hadaba, qaybtan waxaan u furnay in la isku dhaafsado wixii talooyin ama tusaale ah. Sawirada laga qaaday gabartaas yarta ah wali nama soo gaarin laakin sida ugu dhakhsaha badan ayaan usoo galinaynaa.

Waxaa jirta in isbitaalo badan sida Toronto's Hospital for Sick Children ay dunida sadexaad kasoo qaadaan ilmaha ama dadka qaba cudur aan isbitaalda caadiga ah lagu daweyn karin, marka dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo ardayda barata caafimaadka waxaan ku baraarujinaynaa inay la xiriiraan Baarliin ama meeshan ay talooyinka iyo sida ugu haboon oo gabartaa Soomaaliyed lagu daaweyn lahaa figradooda meeshan kasoo dhiibtaan.

Sida ugu dhakhsaha badani waa in lafuro santuuq lacageed oo qof walba wixii awoodiisa ah uu ku shubo si waaridkaa Soomaaliyeed oo Somalia ku dhibaataysan loogu gurmado. Santuuqu hadii uu noqdo mid weyn waxaa loo adeegsan karaa in lagu kaalmeeyo Soomaalida qabta cudurada aan caadiga ahayn.

Maadaama Baarliin tahay qof baratay caafimaadka isla markaana ay tahay qofta soo aragtay gabarta yar iskuna dayeyso inay u hesho hab loo soo qaado gabarta yar, waxaa aad u wanagsanaan lahayd in qof walba oo Soomaali ah uu Baarliin ku kaalmeeyo sidii ay ugu guulaysan lahayd soo qaadida iyo daaweynta gabatraa yar.

Sagal Radio web page:
http://www.sagalradio.net/ Teleefonka Baarliin misla meesha ayuu ku qornayahay.

Waraysigii oo cod ah:
rtsp://sagalradio.net/sagal.rm

Waxay ka dheheen dad idaacada Soo wacay:
rtsp://sagalradio.net/Sagal110.rm
Teleefonka idaacada:
Tel. 404-296-3496
Email: sagalradio@hotmail.com

SomaliNet sbe@somalinet.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUAD

Thursday, December 07, 2000 - 09:18 am
Ramadan Kariim.

Walaahi waa sheeko aad u naxdin badan. Wxaan kaloo la yaabay kiniiniga Soomaaliya lagu gado oo caano booro dhexda ugu jiro. Haddii la helo dad wadinayaal ah Soomaaliya dhinaca caafimaadka waxbaa laga qaban karaa waana arrin u taal soomaaliyoo dhan gaar ahaan inta caafimaadka wax ka taqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ELMI

Thursday, December 07, 2000 - 11:14 am
SWW:
Waa naxdin aad u weyn. hal fari fool ma dhaqdo oo kaligay wax ma tari karo laakiin waxaan balan qaadayaa inaan ka qayb qaato hadii qaaraan loo aruurinayo inanta xanuunsan iyo waaridkeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muuse

Thursday, December 07, 2000 - 11:33 am
Subxaana laaaaah waa mucjiso ilaahey ina tusaayo oo ah in wax lagu qaato
sidee baa dadka jooga yurub ay uga qeyb qaadan karaan WAA MAHAD SANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahad

Thursday, December 07, 2000 - 12:45 pm
maasha allaah. waa arin wax ka qabasho u baahan soomaaliyey. markaan aqriyeyna waan ku farxay marna waan ku naxay gabadhayar dhibaatada heysato.marna waan ku farxay oo maanta hadan helay meel aan ku caawin karno midkeena dhibaateysan. waana caawin karnaa soomaliyey gabadhaas dhibaateysan.qofkasta wixii uu awood u leeyahay hasiiyo oo santuuqa la furayo ha ku shubo .wax saas u badan ma aha qofkasta ee soomaaliyeed eedibda jooga waa ka godaa ($10)
marka aan isugu darno gabadhaas .anaa ugu horeeya diyaar ayaan la ahay .. waa mahad santihiin intii soo abaabushay barnaamijkaan .ilaahey kheyrbato ha idinka siiyo. Aamiin aamin. waxaana laigala soo xiriiri karaa .(mmj88@hotmail.com)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ShiiL

Thursday, December 07, 2000 - 12:51 pm
Sagel aad baan kuugu mahad celinayaa. waad ku mahadsantahay sida bini aadnimada leh eed gabadhan walaasheen ah u caawinaysid.waxaana rajaynayaa in qof walboo soomaali ahi uu danqadaa oo uu kaa tusaale qaataa sidii deg deg ah ee wax loogu qaban lahaana lagu dhaqaaqa... please dadyahaw aan is caawino kuweena dibada jooga iyo kuwa dalkii ku dibaatasanba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 12:51 pm
Innaa lillahi wainna ilayhi rajicuun.Alxamdu lillahi cala kulli xaal,Runtii waa arin murugo badan waxaana maraka hore allaha qaadirka ah uga baryaynaa Allaha qaadirka ah inuu u gargaaro gabadhaas yar ee muslimadda ah isaga ayaa awoodda kulligeed iska leh marka labaadna waa inaan u samaynaa wixii awoodeenna ah.Wassalamu alaykum waraxmatullah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuukar

Thursday, December 07, 2000 - 01:01 pm
WALAAHI WAA MUCJISO LAAKIN SOOMALIYEY ILAAH HALAGA CABSADO MAANTA WAX KASTA WAAN LA KULANAY HADDI AAN SOOMALI NAHAY TAASINA WAXAA SABAB U AH ANAGOO KA TAGNAY KITAABKII ILAAH OO AAN KA DOORANAY QABIIL IYO DHAC IYO DIL MARKA WALAALAYAAL HA LAGU QUUSTO GABARTAA YAR EE MAANTA SAAS U IL DARAN ANNAGA WAA IN ILAAH LOO NOQDAA ,MARKA WALAALAYAAL HA LA TAAGEERO GABARTAA YAR EE SOOMALIYEED OO DHIBKA KU JIRTA IDNKA ILAAH WUU IDINKA ABAAL MARINAA ,BAARLINA OO AHEED GABARTII NA SOO GAARSIISAY WARKAAN IYADANA EEBE QAYR HA SIIYO,MARKASTANA AAN CAAWINO INTA DHIBAATEESAN OO SOOMAALIYEED ,NINKI QOF MUSLIN AH OO WALAAKIISA UGU KAALMEEYO WEJIGA ILAAH ASNA ILAAH WAXUU KA HELAA ABAALMARIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal

Thursday, December 07, 2000 - 01:21 pm
Alla naxdin badanaa.

Anigu waxaan soo jeedin lahaa hadal haan ma buuxshee somalinet maadaama ay tahay tan dadka meeshan wax ku qoraya isku keentay inay masuul ka noqoto sidii gabartaas wax loogu aruurin lahaa baarliina ay noqoto qofka maamulaya soo qaadida iyo taakulaynta inanta. Somalinet idinkoo aad ugu mahdsan sida sharafta leh ee aad dadka isugu xiraysaan hadana waxaan idinkula talin lahaa cid gabartaas yar idinka xigta ma jirtee noo soo sheega meel aan lacag ku soo dirno. Waa sidaan u sheegay, markaan soo noqdo beri saacadaan camal waxaan sugaa waa account somalinet masuul ka tahay namberkeeda iyo sida aan lacag ugu soo shubi karo. Dhib maleh meesha ay ka furantahay oo xawilaada lacagaha intaan u geeyo ayaan oran karaa account-kaas ku shuba.

Mahadsanidiin dhamaan. Waa inaan taakuleyno keena liita.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Thursday, December 07, 2000 - 01:30 pm
Salamu caleykum to u all,
waa marki ugu horeysey oo uu somalinet soo qoro wasx muhiim intas kadib, hadal yar iyo howl badan
ayey soomali ku maahmahda, sidas darteed runti somali amin beshey balse wax un halasameyo, sanduuq majiro warkiis laakin ogeysiis kan oo kale ah kadibna wadan walboo uu iska aruursho lacago iyagoo kafaa iideysanayo bisha barakeysan oo dadka oo dhan masjidka isugu imanayo i hope inaan habeen dambe taraawixda kasheegi doono waxan loo baahan yahey ciwaan iyo shaqsiyad lagal xiriiro. Ugu dambeyn ilaaheey waxaan uga baryayaa walaasheey caafimaad wanaagsan waan dareemi karaa xanuunka familigaa kujiro, waxwalban diyaar baan la'hey.
Wacaleyku salaam, gafna halaiga cafiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHIIGA

Thursday, December 07, 2000 - 01:52 pm
Subxaana LLah Waa abuuris Alle; Inta wax awoodo iyo intaan awoodinba Jisaaka LLah hadal yaynaan ku dheeraan, sidaan wax u qaban lahayn iyo meeshaan ka bilaabayno un aan ka hadalno hadii aan Fikradayda dhiibto; waxay ila tahay in aan sanduuq caam ah oo somalidoo dhan ay garan karto sida Al-barakaad,Dahabshiil,I.W.M aan furno islamarkaana somali meel walba ooy joogto ay tabarucaas uga qaybgasho, Ruux waliba waxa uu hormarsado un buu lee yahay,markaad suuligasho ood kaadidiso iska sawiro walaashay dhibaatada ay marayso yaysan waqti badan nagaqaadan kaalmadaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jcadde

Thursday, December 07, 2000 - 02:14 pm
Fadlan hadal badani haan ma buuxsho. Ha looga furo xisaab socoto Al-barakaat ama dahabshiil tii roon, kadibna aan codsanno $10 qofkiiba. qof waliba oo dibedda jooga wuu awoodaa arrintan. Insha allah fadliga bisha barakeysa awgeed waxaan Ilaah uga baryayaa in uu sahlo caafimaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 02:24 pm
walaal anigu aad ayaan oga naxay arintaa hadal badana ma sii oranayo oo waxaa dhamaysay barliin ilaahay haka abaal mariyee.sidaa daraadeed anigu diaar ayaan u ahay waxaan laigala soo xiriiri karaa e mailkan (FARAHGRCC@YAHOO.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI FROM SOMALINET

Thursday, December 07, 2000 - 03:33 pm
Mahadsanidin dhamaantiin.

Anigoo ku hadlaya magaca Somalinet, waxaan beri la hadlayaa shirkadaha lacagta xawila mid kamida ee Toronto. Waxaan weydiinayaa:
1- Inay arrinkan santuukh u furi karaan;
2- Inay hadda ka hor howshaan oo kale qabteen;
3- Inay lacagta loo dhiibo ayan khidmo ka goosnayaan iyo in kale;
4- Inay usbuuc walba soo gubdin karaan liiska meeshay marayso lacagtay qabteen iyo dadkay ka qabteen magacyadooda iyo meelaha ay kala joogaan. (Somalinet lacag ma qabanayso, liiska "waraaqda" kaliya ayey weydiinaysaa)

Hadaan is fahamno qolada xawilaada, waxaan furaynaa sanduukhaas, waxaana qoraynaa inay lacagta ku dhacda ay maamuli karto Barliin loona adeegsan doono soo qaadida iyo daaweynta Faisa.

Hadaan is fahmi weyno, waxaan wacaynaa xawilaad kale ilaa aan ka helno mid free of charge santuukhaan donation-k ah u furta.

Haddii la waayo xawilaad oo free of charge santuukhaas ku maamusha, waxay noqonaysaa in dib la isugu soo laabto loona helo hab kale oo soomaalida aduunka joogta oo dhami ay uga qayb qaadan karto sida trust fund account ay dadku jeegag ama money order u diri karaan.

Hadaan usoo noqdo dhinaca somalinet, dhamaantiin waad mahadsantihiin waana sida aan u sheegnay oo waxaa loo baahanyahay in arinkan wax laga qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Arinkani wuxuu nasoo gaaray maanta. Qof Sagal Radio link u samaynayey oo Somalinet kamida ayaa dhegeystey waraysiga kadibna aad uga naxay.

Baarliin waan la xiriirnay, waxayna noo sheegtay inay aad arimuhu markii hore tartiib ugu socdeen iyo in special surgery aad qaali u ah ay gabadhu ubaahnaan doonto.

Anaga awoodayadu ma dhaafsiisna inaan fariintan geyno guryaha Sooaamlida ee Internetka laga isticmaalo.

Maalmaha soo socda:
Markaan helno meel amaan ah oo lacag lagu xawili karo waxaan samaynaynaa:
1- "Flyer" Internetka laga print gareesan karo oo qof walba oo Soomaali ah u sheegaya arinkan iyo sida uu lacag ugu deeqi karo. Qofkii printgareeya wuu sii badin karaa si loogu dhejiyo meelaha soomalidu isku aragto.

2- Sida fund raising-yada caalamiga ah, mar walba waxaan soo qoraynaa lacagta la qabtay iyo dadka soo diray.

3- Waxaan isku dayaynaa inaan shirkadaha Soomaalida ka dhaadhicino sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrinkan.

3- Shirkadii ka qayb gasha taakulaynta gabarta yar "Faisa" waxaan siinaynaa xayeysiin iyo amaan aad u balaaran anagood adka tusayna inay shirkad x ama y ay ka qayb qaadatay taakulaynta Faisa;

4- Waxaan isku dayaynaa inaan gaarsiino arinkan iyo wax walba oo soo kordha dad aad u badan;

5- Waxaan la soconaynaa waxna ku qaadaynaa talooyinka ay soo jeediyaan dadka ka qayb qaadanaya qaaraankan loogu gurmanayo Faisa iyo waaridkeed.

6- Haddii arinkani hirgalo, waxaan xoogga saaraynaa sidii mar walba loo heli lahaa hab nadaamsan oo looga hortago arinkan oo kale.

7- Waxaan waraysi dheer ka qaadaynaa Baarliin, waaridka Faisa iyo dhakhaatiirta faraha ku haya.

8- Haddii lacagaha yaryar ee dadku iska aruuriyo ay ku filnaan weyso, waxaan la hadlaynaa dowladda Soomaaliya hadday wax ka qabatana waxay u noqonaysaa magac iyo sharaf aan la hilmaami karin.

Wixii talo iyo tusaale ah fadlan aan meeshan ku isku dhaafsano anagoo dadnteena guudi tahay sidii aan walaasheena dhibaataysan u kaalmeyn lahayn.

Arinkan in lagu fiirsado dadweynaha kaliya maahan ee dadka shirkadaha leh oo lacagta ka sameeya dadka soomaalida ah waa inay ka qayb qaataan.

Haddii santuukha fursitiisu hirgasho, waxaa loo baahandoonaa dad intay ka print gareeyaan qoraal "flyer" aan soo diyaarin doono Internetka isla u qaybiya dadka asxaabtooda, meelaha ay tagaan iwm.

Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HABOON

Thursday, December 07, 2000 - 03:52 pm
somlinet! - Allah ha idin ka abaal mariyo soomaalinimada aad meesha ka muujiseen. . Mahad ayaa iga mudan tihiin. Anigu $100.00 ayaan diyaar la ahay cid aan magac uga raadsanayo oo aan Allah ahayna ma jirto. Baarliin haday internetka isticmaasho meeshan usoo tilmaama si ay uga qayb qaadato. Waxaa la yiri talo keen noqo ama talo raac, aniga iigu imaada inaan idinku kaalmeeyo wixii tabartay ah idinkuna natusa sida ugu fiican oo arinkan lagu dhamayn karo. Waxaan kaloo balan qaadayaa shirkadii diida inay ka qayb qaadato inaan wax danbe ka gadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHALIQ

Thursday, December 07, 2000 - 04:20 pm
waraada anigu wax ma heysto oo arday baan ahay, aad baana uga xumahay in aan gabadheena maanta kaalmadeeda aanan wax ka geysan karin, laakiin waxaan daabici doonaa qoraalkan oo aan ku dhajin doono meelaha ey soomalida isku yimaadaan si ey iyagu u ogaadaan arinta maanta noo taalo. Somalinet aad baad ugu mahasantihiin sidaad noola socodsiiseen arintaan. ABDIKHALIQ, USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumar

Thursday, December 07, 2000 - 04:33 pm
asalaamu calaykum....
waxaan mahad u celinayaa dhamaan walaalaha ka hadlay meeshaan iyo maamulka somalinet dadaalka ay bixinayaan,,waxaan anigu aad ugu baraarujinayaa somalinet in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo furto sanduuqaas maxaa yeelay dadku aad bay diyaar u yihiin waxaan kaloo ku baraarujinayaa in ay arintaan si fiican u faafiso meel ksatana ku qorto si uu qof walba oo soomaali ah oo fura internetkauu u arko iyo in ay u gudbiso webabka kale ee soomaalida iyaguna ka qayb qaataan sida...
hiiraan
somaliainter
somalitolk
somaliland
puntland..
somalicov

waa tusaale ahaan intaasi ee dhamaan meelaha soomaalidu ku kulanto.
walaalayaaloow waxaan rajaynayaa sidaad arintaan usoo gudbiseen in aad ugu sii dadaashaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XUSEEN

Thursday, December 07, 2000 - 05:32 pm
somalineeeeeeeeeeeeeeeeet You showed me that you are true Somalis.

Diyaar ayaan ahay inaan ka qeyb qaato, waxaana ballanq aadayaa inaanan dadaal joojin inta inantaas yaree walaasheen ahi ka heleyso qaliinka ay u baahantahay.

Waa markii ugu horeysey oo aan arko qaaraan wata magaca soomaali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALI JAMAC XIRSI

Thursday, December 07, 2000 - 07:16 pm
RAMADAAN KARIIM ,
DHAMAANTIINA WAXAAN ILOWDEEN INAAD U MAHAD CELISAAN RAADIYAHA SAGAL ATLANTA OO RUN AHAANTII SOO BANDHIGAY ARINTAN ,ISLA MARKAANA SI SOOMALI NIMO AH UGA HADLEY ARINTAN,RUNTII MARKAAN DHEGEYSTEY RAADIYAHA SAGAL WAAN U BOGEY WAANA KU MAHAD SAN YIHIIN.
ARINTA SOMALINET SOO BANDHIGTEY OO AH IN LA SAMEEYO SANDUUQ KAALMO WAAN KU RAACSAN NAHAY WAXAANA NOO NOQON DOONTAA TAN BILOOW AAN KU BILABI DOONO KAALMO SOMAALIDA DHIBKA NAXDINTA LEH KU DHACA OO TAN KELIYA AHEYN .
MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Thursday, December 07, 2000 - 07:45 pm
salaamu caleykum
waad salaamantihiin dhamaan walaalaha soomaalida & somalinet qaas ahaan:
somalinet waxay isku darsatey inay soomaalida halkaan kuwada xiriiriso gudaha & dibadaba , hadana raacisay intii dhibaataysnayd inay soo gudbiso oo waliba sidii wax loogu uruuri lahaa ay gacan weyn ka geysanayso !!!!!!
hadaba hadal badan wax tari maayo dhibaatada wax laga qabto dadka meesha soo galay qora emailkiina iyo magaalooyinka aad joogtaan qasabna maaha in aad qorto lacagta aad awoodo.
waa iga talo aniga diyaar ayaan ahay waliba in aan dad aad u badan gaarsiiyo kana soo uruursho maxaa yeelay sida la sheegay waxaan ka mid ahay dadka soomaalida ay wax ka gataan jecelna ama ka shaqeyn jiray meelahaas.
alhudda@homail.com
c/qafaar m. xirsi abu dujaana al salafi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Thursday, December 07, 2000 - 07:46 pm
iga raali noqda waan qalday emailkayga waa :
alhudda@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hawa

Thursday, December 07, 2000 - 08:34 pm
Allaah ha fududeeyo arinta gabadha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nafiso

Thursday, December 07, 2000 - 09:28 pm
Qaaaluuu inaa lilaahi waa inaa ilaahi
raajucuun!!!!
Waa amar ale. walaahi waxaan oo kale wali ma isoo marin waa wax naxdin leh ilaahoow inantana u gargaraar mar danbana ha na tusin aamiin.
Somalinet, dadka afarta baynajaho joogaa sidee bay ayagu wax u soo dirikaraaan??
Baarliin sis guulwayn in aad ku gaarto baan kuu rajaynayaa walaahi ilaah xagiis baad kahelaysaa.
intaas iyo ramadaan wanaagsan
asalaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatahu.
Nafiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

astur

Thursday, December 07, 2000 - 09:45 pm
Ambiyo walalayaal waa arin cajiib ah wax la fufudeysto ma ah arrinta gabadhaas,waa in wax laga qabto wixii awoodeena illaah baa awood leh.
marka afka ayeynu ka noolnahay ee waxaan u baahananahy wax qabad inaan muujiyo iyo somalinimo caad ah iyo isku xiraan dhinackasta ah walalayaal haddii aad tihiin bahda somalinet.
diyaar baan u nahay gabadha yar ee dhibaateysan.
wixii kaalmo ah waa ka geysaneynaa walalayaal ee soo sheega sidii aan idin ku soo gaarsiin lahayn
wa bilaahi towfiiq.
astur86@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ghariibi daar

Thursday, December 07, 2000 - 10:23 pm
Wanaag Illaahay ha siiyo Baarliin, Radio Sagal, Somalinet iyo dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee caadifadda iyo naxariista muujiyey. Sida uu wiilka Soomaalinet sheegay waxan ka warsugaynaa sida loo qorsheeyo in tabarucaat loo ururin lahaa.
Illaahayna ha inaga dhigo kuwii sidaa ugu guntada dhib kasta oo dadkeena iyo dalkeenaba qabsata, Aamiin.
Waxanan aad ugu faraxsanahay sida labo maalmood gudahood intaas oo fariimood loogu soo jawaabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halimo Abdullahi

Thursday, December 07, 2000 - 10:29 pm
WALAALAYAAL WAA ARIN AAD UNAXDIN BADAN UNA BAAHAN IN SI DHAQSO AH WAX LOOGAGA QABTO ARINTA GABADAAS YAR EE SOOMAALIYEED HAYSATA. WAANA ARIN UTAALA DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED MEELKASTO OY JOO GAANBAW WAAXAANA KA COD SANAYNAA UMADA SOO MAALIYEED IN AY IL NAXARIISLEH KU FIIRIYAAN ARINTAAN. WALAALAYAAL ILAAHAY WUXUU YIRI MARKAAD ISU GAR GAARTAAN AYAAN IDIIN GARGAARAYAA. DHAMAAN DAD WAYNAHA SOOMAALIYEED WAXAAN KACODSANAYNAA IN UU QOF WALBA KA DANQADO ARINTAAN NAXDINTA LEH.OO AAN SIDA UGU DHAQSAHA BADAN UCAAWINO.WALAALAYAAL RAMADAAN WAANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Thursday, December 07, 2000 - 10:38 pm
salaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuhu
salaan ka dib ilaahay caafimaad ha siiyo gabadha yar ee cudurku la soo darsay ruux walba oo soomaaliyeed waxaa wanaagsan inuu ku kaalmeeyo wuxuu awoodo waxaana xaq ah in arimahaan oo kale uu qofku ku tusaale qaato hadii caafimaadka laguu dheereeyana aadan hilmaamin xusida ilaahey
sida in badiniba sameeyaan oo marka ay caafimaad iyo dhaqaalaba ay helaan ay la yimaadaan xadgudub, wa salaamu calaykum waraxmatulaahi,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 10:44 pm
salaamu aleykum
waa amuur ale
waxaan diyaar la ahay u.s.$ 100.00
fadlan igala soo xidhiidha
lasanod@allways.net
waxaan kale oo gaarsiin doonaa dadka soomaaliyeed ee ku nool chicago haddii sanduukh la furo i soo ogysiiya
waxaan u tahniyadaynayaa dhamaan dadka ka qabqaatay ogeysiinta howshan iyo isku soo dubaridisteeda
thanx.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GARSOORE

Thursday, December 07, 2000 - 11:29 pm
Asalaalamu calaykum soomaali.
BAARLIIN, aad iyo aad baad u mahadsantahay walaal, maadaama oo aad ahayd gabadhii na soo war galisay,marka xigta anigu wax aqoon ah uma lehi, xaga dhakhtarnimada,waxaanse samayn karnaa`dee waxaa la yiri LUGTU hadba sidii ay u jabto yaa loo kabaaye`enagu hadaba sidii aynu wax igu uruuri lahyn inaantaa yar ee soomaalida ah ee ilahay sida u abuurey,lagana yaabo hadii uu in ilahay uu inaku guulaysiiyo.
..........waa mucjiso rabaani....ilahay ha inala garab qabto.kuligeenba....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Thursday, December 07, 2000 - 11:36 pm
waxaa mahad rabi ah inaan maanta awood u yeelanay in aan helo meel aan isku gaarsiino dhamaan dhibaatooyinka haysta dadkeena liita.

waxaan ilaahay uga rajaynaynaa in uu ka dhul qaado dhibka haysto walaasheena xanuunsan iyo waalidkeed..

waxaan u mahad celinayaa dhamaan intii ka qayb qaadatay fidinta iyo u gurmadka arintan.

walaalayaal somalinetna si qaas ah ayaan idiinku mahad noqaynaa. ku dadaala inaad si dhaqsa ah noosoo gaarsiisaan meeshaan taakuladeena kusoo dhiri lahayn..

waxaan ilaahay uga baryaynaa in walaasheen barakada bisha ramadaan owgeed uu u fududeeyo dhibkeeda..

guledyarre@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadaawe

Thursday, December 07, 2000 - 11:39 pm
ramadaan- kariim

war waxaa farxad leh mar hadey sameysteen reer atlaanta meel ay isku wargaliyaan oo ay dad iska dhigeen. mida kale reer atlantow waad ku filantihiin gabadhaa soomaaliyeed howsheeda ku dhaqaaqa.

thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Thursday, December 07, 2000 - 11:44 pm
inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun.
waxaan mahad iska leh ilaahayga mucjisadaas na tusay..
waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu ka dulqaado walaasheen faisa dhibka. asaga ayaa awoodee.

waxaan u mahad celinaynaa dhamaan inta kasoo shaqaysay ugurmadka arintaan.
walaalayaal ilaahay wanaag ha idiinka abaal mariyo..

waxaan idinka codsan lahaa walaaleheen somalinet maadaama aad iska xilsaarteen arintan inaad walaalayaal dadaalkiina sii kordhisaan anagana aan marwalba idin garab taagnaan doono..

meeshaan wax kusoo diri lahayn inaan sida ugu dhaqsaha badan ku helno ayaan jeclaan leheen. waxaan gaarsiinaynaa dhamaan arinta intii awoodeena ah..
wabilaahi towfiiq..

ilaahayow adiga ayaan gurmad ku waydiisanaynaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kalid

Friday, December 08, 2000 - 12:04 am
hallo

am appealing to the somali ccommunity in europe and the usa to come together in the agent of helping this little young girl in somalia who needs medical attention for this familiy is suffering alot and they have come out to appeal to somali peaple am personaly contributing what i believe can help them for you can contact themthe agents and please contribute put a smile in her face for allah will put in yours its god will that this happened to them and they sstill believe allah will give it away .
muslims always know this awarning to us we should take this into considaration for this can happen to you or your child for that matter.

happy ramadan all .

kalid (london)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hamid

Friday, December 08, 2000 - 12:08 am
asalaamu caleykum waraxmatulaah wa barakaat kuligiin sida aas u dhantihiin marka xiga waxaan halkan ugu mahad celinayaa dhamaan umada soomaaliyeed meel walba aay joogaan iyo intii ka danbeysay soo wacyi gelinta mucjisadan soo korortay teedii kale la yaab malahan waa uun ilaah yaan lala yaabin ilaah baa ina abuurtay siduu doonuu noo abuura waa in aynu ku quus qaadanaa sida aan u kibirnay oo aan u ilownay iney aaqiro jirto oo aan dalkeenii u baabi inay hadda iyo dan gacan haddi ay jabto gunbey dhex taalaa arintan mucjisada ahi ilaah baa iskale abuurkiisa yeeynaan u caroonin ilaah dhibkan gabadheeni muslimada ahayd ee soomaaliyeed arintan la soo gudboonaatay soomaali weyn bay u taalaa aniguna wax ala wixii aan u tari karo gabadhan yar ilaah baa iga sareeya waan u tarayaa insha allah iyo meeshii aad isku raacdaan ee loogu s hubayo lacagtaa ilaaheeyna ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo waxaa la igala soo xiriiri karaa adreeska aan hoos ku soo qori doono intaasi iyo nooli kulante amaana alle iyo amaana rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kalid

Friday, December 08, 2000 - 12:12 am
hii its me again my email is kalidabdulle@hotmail.com please send any information we can use here in london please we we will set up agathering in london to help her please do so thNKS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farah M.Igal

Friday, December 08, 2000 - 12:17 am
Asalaamu calaykum

waxaan jeclaan lahaa in arintaan hadii ay xaqiiqo tahay lala socodsiiyo dhamaan dadaka somaaliyeed
ee ku nool europe iyo woqooyiga ameerika iyo
waliba jaaliyahooda waxaan rajeynayaa in arintaan
gabadhaas looga faa,idaysto bisha ramadaan loona hawgalalo sida ugu dhaqsaha badan
waadmahadsantihiin
farah
Denmark

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KALID

Friday, December 08, 2000 - 12:19 am
this is the true spirit of somalis we need in this world please keep on the good spirit this the new somalia come show the world we can do it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilbax

Friday, December 08, 2000 - 12:31 am
inaalilaahi wainaa ileyhiraajicuun maanta somaali siwalbaa wax waalookutusay haday waxkuqaadankarto walaalayaal lacak ookaliya waxmatarto ee haloosooduceyo gabadhaas xanuunmsan in uuilaahay caafiyo dhibaatada haysado in uu ilaahay kaqaado qof walba oosomali ah in uu ilaahay siiyo caafimaan aamiin

walaalayaal inka waxaan diyaar la ahay waxwalba oolaisku afkarto waxaan rabaa in aan lasoc do kabadhaas walasheen ah xaldeeda maasha ay kudhamaan toonto igalaso xirira
email >mursal80@hotmail.com
ilaahaygabadhaasyar hacaafiyo
asalaamuccaleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MohamedYare

Friday, December 08, 2000 - 01:10 am
walaalayaa aad & aad ayaa umahadsantihiin soomaalinimada aad muujiseen hadey noqonlahayd somalinet & dhalinyarad muujisay ina ay gabadhaasi yar ay hiil & hool lagarabtaaganyihiin xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxay arintaas alaha awooda lehna waxaan inan taas oga baryaa inuu arintreeda ufududeeyo aamin walaalayaal waan jeclahay in aan kaqayb qaato arintaan marka sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa marka sanduuqa lafuro in aad arintaan ilasoososcsiisaan iyo halka aan ugu dirayo aniga waxaan deganahay wadanka SWEDEN(göteborg) Email kayga waa MohamedSaid@goplay.com mahadsnidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani51

Friday, December 08, 2000 - 01:42 am
to:dhamaan soomaalida asalaamu caleykum.
waxaa jirta marka aan aqiriyay dhacdadaan waa mid imtixaam ah ee INAAHILAAHI WA INAA ILEYNAA RAAJICUUN. waxaan awoodaa in aan saacido intii karaan kayga, balse waxaan soomaalida u sheegilahaa inta (Hantida haysata) waxhaysata ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa joogta inay ku filnaanokarto oo kaliya ZAKAATUL FIDRIGA oo kaliya haddii loo diro reerkaas ee udhalatay sifadii kur lagu soo xusay.
waana in loo sameeyo AKOON si aan ugu soo shubno inta kahartay bisha barakaysan ee RAMADAAN.
L/H WADANI51@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Friday, December 08, 2000 - 01:44 am
Asalamu Calaykum.

Inaalilaahi wa inaa lilaahi raajicuun.

Waxaan allaah uga baryayaa Faa'isa caafimaad taama, waxaan allaah ka sokow u mahad celinayaa inta soo gudbisay dhibaatada iyo inta ka qeyb qaadatay boganba. waa sida walaalaha sheegeenee hadal badan wax ma taro, ee sida ugu dagdagsan noogu soo gudbiya meesha wax lagu soo hagaajin karo, anigu arday ayaan ahay oo meel cidla ah ayaan ku noolahay, hase yeeshee hadii aan noolahay waxaa igu balana inaan gaarsiiyo magaalo noo dhaw soomalida dagan, oo aan masaajidka magaaladaas looga sheego somalida iyo magaalooyin kaleba, insha allaah.

email: huska90@hotmail.com

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayman

Friday, December 08, 2000 - 02:55 am
SOOMAALI OO DHAN RAMADAAN KARIIM

Bacda salaan INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN WAA MUCJISO, waase abuurista rabi oo la yaab ma laha waa in ciddii dhashay gabadhaa yar ay ku samraan ilaahoodana baryaan.

Walaalaha soomaaliyeedna waxaan leeyahay nin waliba ha iska soo qaado inay isaga ku dhacday oo kale hana u damqado gabadhaa yar ee soomaaaliyeed ee naga wada dhalatay magacase ay yeesheen cidda sida gaarka ah udhashay oo ah hooyadeed & aabeheed
shaqsiyan waan ka qayb qaadan haddii lay soo siiyo tel-ka ama cinwaanka cidda arinteeda gacanta ku haysa

e-mail: ayman_abdullah@hotmail.com

ALLAHA KA JAZAA SIIYO DHALINTA SOMALINET

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmaarke

Friday, December 08, 2000 - 02:59 am
ASALAAMU ALEYKUM W.W.

Runtii waa arin aad iyo aad looga naxo ama looga qaracmo. waxaan ilaah ka baryayaa in uu gabadhaa dhiban dhibka ka qaado iyo in uu ilaah caafiyo inta kale ee aan hada meesha ku xusneyn ee iyagana dhiban
Runtii siduu sxb huska sheega hadal badan haan ma buuxsho ee meel aan la soo xiriirno noosoo gudbiya si aan wixii aad awoodno ama qabankarno uga dudbino/caawino

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Friday, December 08, 2000 - 03:05 am
A/caleykum marka hore waxaan u mahad celinayaa Somalinet oo runtii kasoo baxday baahinta dhibaatada gabadhaas yar haysato.waxaan filayaa in arrintaan aysan qof kale sugeeynin ay sugeeyso dadka Somaaliyeed oo dhan oo meel kasta joogo ha
ahaato carabta,Yurub iyo Amerikada waqooyi.Hadda aniga waxaan soo jeedin lahaa takuleynta gabdhaasi in goob kasto guddi uu iska magacaabo soo uruuriya lacagtaasi loona sameeyo sanduuq.
Arrintaan waa mucjiso ilaahey oo qof kasto ku dhici karta. haddaba walaayaal meel kastaba aad joogtaan waa inaad xoog weyn saartaan taakuleynta inantaasi.


thnx


Ismaaciil Gooliyeet (Kuwait)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 03:13 am
asalaamu calaykum...

Inantaa yar Eebbe ha u gargaaro intii daryeeshana ha u naxariisto. Waxaa ila haboon in sida degdega wax looga qabto oon la dhayelsan..

Anigu waxaan joogaa Holland wixii karaankayga ah iyo cidaan wax ka soo qaadi karo waan dadaalayaa.

Igala soo xidhiidha: Budhcad@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. M Hassan .dhakowayne

Friday, December 08, 2000 - 03:30 am
bismali laahi raxmaani raxiim salaan waxaan salaan ugudbinayaa dhamaan shaqaalaha idaacada sagal waxaan ala ogabaryaa gabadha yar oo ku dhalatay mucjisada in alaha ku daweeyo sharafta iyo cisiga ayleedahay bisha ramadaan ee barakeesan ilaahayna ufududeeyo sida caafimaadkeeda ku soo noqonayo eecaadiga ah dhamaan umada soomaaliyeed meeelkasta aan joogno gabadha yar iyo waaalidkeed in siwajir ah loo caawiyo ilaahay hanagu garabgalo aaamiin aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiin wasamacaleekum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 03:45 am
asalaamu calaykum. walaalayaal ilaahay baa mahad leh ka dibna dhamaan dadka hawshaan ka qayb qaatay anigu waxaan talo ku bixinayaa 1. in ilaahay gabadhaa walaasheen ah iyo wixii kale oo muslimiin ahba caafimaad siiyo 2. in ay ku sabraan gabadha qaraabadeedu waa qadar ilaahaye
3. inaan ku waano qaadano oo ilaahay u toobad keeno uguna mahad naqno caafimaadka uu na siiyey
iyo inaan ka qaybqaadano waxtarka inantaas inoo ilaahay dartii iyo inaan ajar ka helno u caawinayna. waxaan diyaar u ahay wixii la isku qoro waana kan e-mailkaygu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban Alas

Friday, December 08, 2000 - 04:18 am
Subxaana Laah.
Barlin waxaan oran lahaa Illaahay hakula garabgalo howshaas waxaa laga yaabaa inay dad badan ku abuurto siday dhibka walaalahood wax uga qaban lahaayeen. "Khayr Allaha kaa siiyo"
Wey wanaagsan tahay hadii si Somalinimo ah loo caawiwinayo keena dhibaataysan. Laakin dadka balan qaadayow lasoco arintaas ee hayska ilaawina. Asalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUUL

Friday, December 08, 2000 - 04:23 am
Alxamdu Lilahi Rabilcaalamiin. Midda koowaad aad ayaan uga naxay arinta ku dhacday inanta yar Allah ha u ufdudeeyo, diyaarna waan la ahay inaan ka qayb qaato kaalamdeeda. Tan labaad waxaan aad ugu farxay waa anoo arkay dad aad u badan oo Soomaalinimo isu keentay jecelna inay kaalmeeyaan kooda dhibaataysan. Yaa yiri soomaali waa dad xun?Waan ku faraxsanahay inaan soomaali ka dhashay.

Hadda waxaan sugayaa somalinet iyo xawilaada waxay isla soo meel dhigaan. Allah somalinet, sagal radio, raabliin iyo inta rabta inay kaalmadan ka qayb qaadato abaal marin wanaagsan haka siiyo. gaar ahaan somalinet ilaa markii la furay ayaan ku xirnaa waligyna waan rumaysnaa inay soamli dhab ah yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULLAAHI

Friday, December 08, 2000 - 04:36 am
Salaama Caleykum


Subxaana Laah.

Marka xiga waxaan anigu oronlahaa arikaan waxaa wax ka qaban karan labada Magaalo oo kale ah Atlanta iyo Toronto sababtoo ah Soomalidu waxay ka fureen Masaajido iyagu Gacanta ku hayaan, meelahaa waxaa laga furikaraa trust fund oo gabadha magaceeda loogu magac daray. Account ayaa lacagta lagu dhubikaraa oo iyadaa kafiican Xawilaadlayaasha.

Mida kale Somalinet maha meel soomalida oo dhan Jecelyihiin waa meel dhaqan xumada lagu faafiyo, aniga hada waxaa i keenaya dhibka gabartaa ee meeshaan ma imaado. Bal fiiriya Formkooda waxa dadku ku hadlaan sida Cayda Diinta Islaamka iyo Khaniisiita oo isku raadsada formka, ilmaha yar yar oo chatlagu lumiyey ay u furuun, marka SOMALINET CREDIBILITY MALAHA AY ARINKAA WAX KAGA QABATO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUUL

Friday, December 08, 2000 - 04:59 am
Waa anigii mar labaad. Cabdulaahiyo aabahay waa shiikh wuxuuna nagula dagaalaa somalinet waa najaaso laakiin intaan isticmaalno waxaa ka badan intuu aabe isticmaalo. tusaale ahaan shalay dhan somalinet bogeeda hore ayuu hor fadhiyey isagoo leh jabuuti baa inqilaab ka dhacay. Marka Acabdulahiyow anigu somalinet ma difaacayo laakiin marka aabahay laga reebo dhamaan intaan aqaan somalinet qalbigay uga taal maalin walbana way imaadaan. Waxaan kaa hilmaamay hadaa soomantahay runta sheeg ee somalinet ma ka dhaaran kartaa? tan kale hadaadan aad u isticmaalin maxaa ku tusay meelaha aad ka hadlayso ee xumaantu ku qorantahay? maxaase uga hadli weydey meelaha wanaagu ku qoranayahy? hadaa taahy c/lahiga hore maxaa ka wadaa santuuq warki ma jiro iyo somali waa aamin beeshay?

somalinet: ninkan suufiga ah hadalkiisu yuusan tashwiish gelin wanaaga aad wadaan gaar ahaan shaqada culus oo aad u wadaan inantan yarta ah. mida kale fiiriya 50 jawaabood ayaa hesheen midan kaliya maahee inta kale howsha ayey aad ugu faraxsanyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Friday, December 08, 2000 - 05:30 am
Naxdin badanaa!!! Soomaaliyeey qof walba oo dareen leh markuu sheekadan dhegeysto aad ayuu u naxayaa. Anigu diyaar ayaan ahay marka ugu horeysa oo la iis heego meelaan lacag ku bixiyo.

C/Laahi waxaan kula talin lahaa waxaa jira wax common goal ay gaaladu tiraahdo marka khasab maaha inaad somalinet jeceshahay siaad uga qayb qaadato arin muhiim ah oo ay samaynayso. Dhibaatada meesha nakeentay waa anagoo qofkii aan kala figrad duwanahay u aragna inuu cadaw yahay. Dadku ayagoo kalafigrad duwan ayey hadana wixii markaas loo arko muhiim wax ku wada qaybsan karaan. Dadkani waaba soomaali ee walaahi haday gaalo ahaan lahaayeen waan kala qayb gali lahaa wanaaga ay wadaan. Dhalinyarada kalena waxaan kula talin lahaa inaan mowduucan la badalin maadaama hadda walaasheen luul ay cabdulahi u jawaabtay aniguna u jawaabay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirazaqwaamo

Friday, December 08, 2000 - 06:17 am
sagal aad iyo aad ayaad xaaladaa u asiibtey
waadna ku mahad santahay 100%
koley walaal waxaan ka sii nax sanahay waqtiga xaalka ah gabadha yar haddii uu xanuunkii siihayo maxay ku gaareeysaa waqtiga taakuleeynta?
xanuun kaasi ma,ba ahan mid meel kugu simaayo subxaa nallaah soomaaliyeey dhexdeena aan isu
naxariisano
qaasatan aniga nafsad ahaan waxaan isku carbinayaa
in aan ka qeebqaato taa kuleeyntaa ayada ah
dhamaan waxaan leeyahay waxtar wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysalyare

Friday, December 08, 2000 - 06:28 am
inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun marka aqriyay arintaan mucjisada ah waxaa ilaahay igu ogyahay inaan ooyay aniga oo sooman waa arinti iigu naxdinta badnayd aan maqlo marka soomaali net waxaa kacodsanaynaa inay noo soo sheekto meesha lagu hagaajinaayo lacagta wacalaykun salaaam wa rax matulaahi wabaraa kaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf...

Friday, December 08, 2000 - 06:38 am
asalaamu calykum...

bacda salaan...
inaaa lilaahai wa inaa ileyhi raajicuun...
waxa qofkasta ku waa jiba in uu ku waano qaato samaynta ilaahay iyo waqtigii oo gebo gebo ah waa wax yaabaha lagu garto calaamadaha qiyaamaha .. marka aan unoqono ilaahay isagana aan talo saarano ..
arinta gabadhana wixii loo qabanayo waxa an u ahay diyaar u ahay in loo furo sanduuq lugu uruuriyo kaalmo...
wixii wara waa idin kasugayaa...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falastin

Friday, December 08, 2000 - 06:48 am
Ramadan Kariim
Mahadsanidiin dhammaan - Sagal Radio, Dr. Barliin, Somalinet, Soomaaliiyoo idil oo ka qayb qaadaneeyso arrintan gabadha yar ee naxdinta leh wax qabadkana u baahan - Ilaahayna ha inaga wada siiyo khayr, aamiin.
Guud ahaan carruurteena Soomaaliyeed wax qabad badan ayeey inooga baahanyihiin - Arrintan Faiza ha inoo noqoto - haddaan nahay Soomaalida dalka dibaddiisa ku nool - middi inoogu horreeysay Ilaaheeyna ha ka dhigo kaalmadeena mid aan istaagin ee aan ku ekaan arrintan Faiza (Ilaahay ha sahlo amuuraheeda, aamiin!).
Waxaan aniga awoodaa kaalmo lacag ah (markii aan ogaano meeshi aan u diri lahayn), inaan badiyo flyer'rada kuna dhajiyo rugta aan ka shaqeeyo iyo meelo kale, inaan u fasiro arrintan qolooyinka (aan Soomaali ahayn) ee aan isla shaqeeyno haddi ay rabaan ineey wax ku biiriyaan, iyo inaan ka qaybqaatoo wixii ficil ah ee Faiza iyo waalidkeeda ay u baahdaan haddi ay noqoto ineey yimaadaan magaalada Toronto (Canada)!
Jizaaka Allahu Bi-Kheeyr!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BELLAKIN

Friday, December 08, 2000 - 07:00 am
WAXA AAD IYO AAD UMAHADSAN WALAALAHA SOOMAALIYEED OO KAALINTA WEYN KA QAATAY SOO BANDHIGIDA GABADHAA SOMAALIYEED EE MAANTA CAAWINAADA UBAAHAN TII RABI KASOKOW, ANIGA AHAAN WAXAA ILA WANAAGSAN SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN IN LOOHELO GABADHAA MASAWIRADEEDA IYO WARBIXIN TEEDA OO BUUXDA IYO MEESHA XIRIIR KEEDA TOOS LOOGU HAGAAGI KARO SI LOOGU WEYDIIYO CAAWINAAD MEELO KALADUWAN MARKA LAGA REEBO MIDA GUUD EE SOMAALIYEED, SOON WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Friday, December 08, 2000 - 07:37 am
Ramadaan Kariim;

Runtii in qaadhaanka laysku taageero waa dhaqan Soomaali guun ah, diinteennana arrintan oo kale taakulaynteeda waajib baa inaga saaran.....

Anigoo raacsan fikradda ah in qaadhaan Soomaaliyeed loo ururiyo ilmahan dhibaataysan, waxaan ku kordhinlahaa Somalinet iyo ciddii kale ee arrinka war-buuxa ka haysaa inay;

1- La-xidhiidhaan hay'adaha Samafalka Caafimaadka oo tiro farabadani ka-jirto waddamada Galbeedka

2- La-xidhiidhaan hay'adaha Samafalka ee Islaamiga ah oo iyana dalal badan ka jira

3- La-xidhiidhaan WHO iyo hay'adaha caalamiga ah ee caafimaadka ka shaqeeya sida Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn....

Eebbe(SWT) sidii roon haka-dhigo...

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adan

Friday, December 08, 2000 - 08:23 am
Ramadaan wanaagsan.
runtii markaan akhriyay maqaalkan wan jiriirocooday waana arin u baahan in si dhakhso ah wax looga qabta. Somalinet waxay kumahad sanyihiin siday u soo ogaysiiyeen walalahooda soomaaliyeed walaashooda xanuunsan ee maanta u baahan gargaarka, markaa walaa layaal waa inaynu caawinaa ilaah baa caawimolehe sida ugu dhaqsaha badan.
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lugooyo

Friday, December 08, 2000 - 11:46 am
Ramadanul Kariim to all :)

Aad iyo aad ayaan uga xumaaday xaaladaan.

wixii aan ku caawin karin xag lacageed gabadhan walaasheen ah, ha duceeyaan marka ey salaada tukadaan fadlan :(

Lugooyo
http://lugooyo.pyar.com :(

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kirbaag

Friday, December 08, 2000 - 01:31 pm
Alaahu Akbar:
Illaahoow u gargaar. Illaahoow caafi iyada iyo intii jiranba waa arin mucjiso ah ee aan ku dadaalno Soomaaliyeey inta samaha jecel in aan gurmad deg deg ah ka geeysano,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI FROM SOMALINET

Friday, December 08, 2000 - 01:53 pm
SWW:

Aad iyo aad ayaan u mahadinaynaa dhamaan dadka soomaalinimadu ka muuqato oo raba inay kaalmeeyaan walaasheenan yar oo ubaahan surgery-ga.

Baarliin sawiro way soo qaaday laakiin wali nama soo gaarin waana sugaynaa.

Dhinaca shirkadaha xawilaada. Maanta waxaa isku darsamay soon iyo Jumco oo xafiisyadooda way ka maqnaayeen waqtiyo aad u badan oo aan wacnay. Laba teleefona guryo ayey ku dheceen oo qofkii xawilaadaha masuulka ka ahaa wuu maqnaa. Barri ayaan xoogga saaraynaa haddii Rabbi idmo.

Flyer-ka waxaan diyaarinaynaa marka qolada xawilaada ay noo sheegaan habka aan lacagta ugu direyno.

Sagal Radio xiriir ayaan samaysanay aad ayey ugu faraxsanyihiin sidaad ugu soo gurmateen kaalmada gabatra yar "Faisa"

Dowladda cusub ee Soomaaliya oo magaceena meel walba ku maraysa berri ayey samaynayaan conference ay ugu talo galeen dadka dibada jooga. Qofkii teleefonku u galo intay su'aalaha ka jawaabayaan fadlan arrinkan ha xasuusiyo hana u sheego inay masuuliyada Soomaalida qaadeen maalinta laga aqoonsaday qaramada midoobay. E-mailkooda iyo teleefonadooda raba wuxuu ka heli karaa boggan:
http://somalinet.com/news/snet/05Dec2000172901.shtml

Bogga officialka ah ee dowladda:
http://www.somaligov.com/

Mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 01:54 pm
soomaaliya soomaali baaleh haduu sic iyo dhib gaaro sareeddo haday timaado samaanteed iyo xumaanteed soomaaliya soomaali baa leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdiasis

Friday, December 08, 2000 - 02:11 pm
Subxaannalaah, Subxaannalaah, Subxaannalaah,

Waxaan Ilaahaygeenii cisadda Sharafta mudnaa oo na abuutay ka baryanaa inuu inantaa saqiirkaa ee Soomaaliyeed uu caafimaad buuxa siiyo.
Inta dhalin iyo waayeel ama dhakhaatiira ee isleh u gurmadana ilaahay isagaa qaadiru Raxmaanee how sahlo inay ka gungaaraan inantaa yar caafimaadkeeda hadiiba waqti u hay wayo ma aanu ogin barri waxay noqondoonto xag Alle.

Waxaan hadaba talo ku soo jeedinayaa waxaani waa mucjiso Eebe mara waa in ilahay xusustiisa aan la ilaawin ilaah loo soo laabto lana iloobo talosaarida cidaan talo lasaaran karin, waxaan kaloo tale ku soo jeedinayaa inaan inantaa yar lala sugin qaaraan la aruuriyee, dhakhaatiirtu ay isku howlaan awooda saaraan wixii karaankooda Aduunk waynaha iyo meelihii kalee ay laxariireen ee, waayo waxaa laga yaabaa taasi inay keento in arintuba, sahla hadii qaraanla sugana inayba horteed dhimato ama u saxariirto cudurkaa haya, markii la helo qaraankana dee iyadii ma anfacayee cid kaluu anfici doonaa oo booskaasi banaanaa waxqabadkii inantaa saqiirkaana meeshii waa uu ka baxaye ogaada.

Laakiin hadii degdeg loo helo dhakhtar dibadeed markaa ka dib ayaa qaaraanku wax tarayaa iyada iyo qoykii ku rafaaday iyo cidii kaloo uu gaari karo.

Xaga Qaaraan waxaan iyana ku talin lahaa inaydaan waqtiba dhumine hadda aad la xiriirtaan meel kastoo Soomaali ku nooshahay aadna sekada waydiisataan si bal loo helo wax yar oo soo ded- dega inta qaaraanka guud socdo.

Waxan talada ugu dambaysa oo mahad naq wayni ku jiro u soo dirayaa Inanta soomaaliyeed ee Baarliin X, Farah iyo dhakhtarkii Arintaas soo baahiyay iyagana waxaan leeyahay waqti yuusan idinkaga dhumin Qaaraan Soomaaliyeede Haya'dihii aad la xiriirteen awooda saara waa intaas oo wax ka dhaw Ilaahay ka keenaan, iskusa kalsoonaada waxa laga yaabaa inba qaraan laga maarmee.
Aadbay u mahadsan yihiin radio Sagal iyo dahalintii kaloo ka qayb qaadatay soo shaac bixinta mucjisadaan rabi......
Wasalaama Calaykun Waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

igala soo xiriira wixii xal ah amaba arina
Abdiasis Jamac Osman
Phone 00644211221850
New Zealand
Wellington

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AWAD MOHAMED

Friday, December 08, 2000 - 03:20 pm
RAMADAAN KARIIM DHAMAANTIIM

MAHAD WAXAA ISKA LEH ALLE: WAXAAN MAHADGAAR AH HALKAN UGA TABINAYAA DHAMAAN DADKII ARINTAAN ISKA XILSAAREY DADKANA SOO WARGALIYEY. WAANA ARIN LOO BAAHABYAHEY HALKAAS KASII WADA DADAAALKIINA.
HADAL BADAN WAX MATARO HADALNA WAA INTII AY YIRAAHDEEN WALAAHEGA JECEL SOOMAALINIMADA WEYNA KU MAHADSANYIHIIN.WAA ARIN KHUSEEYSA SOMAALI WEYN OO DHAN WAXAAN ORANAYAA INTIINA WAX TARI KARTOOY KAALMEEYA GABADHAA YAR EE XANUUNSAN EE WALAASHIIN AH ANIGU WIXII AAN AWOODO DIYAAR BAAN U AHEY MARKII AAN HELO MEEL SUGAN OO AAN WAX UGU DIRO.

MOHAMED E.A FINLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concerned

Friday, December 08, 2000 - 03:27 pm
Can Someone please give me a just of what this is all about? My somali is very poor and so I gave up reading the post from the admin...I would like to do whatever I can to help, but I'm not sure I quiet understand what is going on. So please someone help.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mhmmdweh

Friday, December 08, 2000 - 03:51 pm
walaalayaal aad ayaan ugu faraxsanahay intaas oo walaal soomaali oo u diyaar ah in ay walaashood wax u qabtaan, lana murugoonaya.
walaalayaal waxaa jira urur fara badan oo dowli ah iyo kuwo aan dowli ahayn oo dadka xaaladaas oo kale ay soo wahajahdo caawiyo,sidaas darteed waxaa aniga ila wanaagsan in aan la kaashano.
Run ahaantii in qax laysku daro ma xumo laakiin waxaa dhici karta in aan awoodi wayno kharashka qaliinka oo kaliya,maraka aniga ha igu qaato wax kasta waxaan u raadinayaa international organisations wax gabadhaas noo caawiyo ama noo sponsara,hadaba waxaan idin ka codsan lahaa in la ii soo diro masawirkeed iyo macluumaadkeeda.
waxaan ugu daba marsinayaa ilaahay ajir iyo naxariis ha idinka siiyo kuwa soo bandhigay iyo kuwa macaawinadeeda ka qayb qaadanaya.
I AM REALLY PROUD TO BE A SOMALAIN.

mhmmdweh@aol.uk.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadde

Friday, December 08, 2000 - 04:04 pm
Ramadaan Kariim,
Si wax loogu qabto gabadhaas waxaan soo jeedin lahaa in Baarliin ay si deg-deg ah ula xiriirto Dr Foodcadde iyo Nuur Cadde oo ah madaxda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Nairobi. Ururka bisha cas waxaa uu si toos ula shaqeeyaa Ururka caalamiga ah ee ICRC oo loo sameeyay inay wax ka qabtaa arrimahan oo kale. Wixii kharash ah ee ku baxaya qaadista gabadha waxay u taalaa dadkeena Soomaaliyeed. Waxaan 98.9% ku kalsoonahay in Dr Foodcadde iyo Nuur Cadde haddii la gaarsiiyo ay wax ka qabanayaan inta awoodooda ah. Waxaa kaloo lala xariiri karaa Dr Fuje oo ah wakiilka WHO ee Soomaliya oo fadhigiisu yahay Muqdisho. Fadlan Baarliin waxan kaa codsanayaa inaad na siisisid Diagnosi-ga oo sax ah oo u qoran hab medical terminology ah bal si aan ula xariirno cusbitaalada ajnabiga ah.

Waxaan hubaa in qof kasta oo u gargaara gabadhaas Ilaahay samadda uga soo gargari doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 04:18 pm
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Walaal sagal runtii arinkaa aad soo sheegtay waan kanaxay markii aan akhrinayayna xaadu way i' istaagtay walaal diyaar baan u ahay inaan waxsadaqaysto waana kufarxay wargalintaada, waana kula soo xiriirayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Friday, December 08, 2000 - 07:47 pm
Waa arin xag ala ka timid, inaga weyn, Faisa.
Sidaa aawgeed yeeynan noqon emitional oo lacag la hada ka dib la aruurin wax weyn ma tarayso this is emergency sidii ugu haboon uguna dhaqsiiyo badan in lagu baahiyaa News media (kuwa interested ku ah arinta la yaabka leh) waxaan hubaa ururo caalami ah oo inag awood badan inay hayaan fund ay diyaarad & takhaatiir emergency ah u geeyaan meesha ay gabadhan joogto, nin waliba is xil saar sida TV & Radio International ah la xidhiidha, for example Dadka jooga Atlanta all they have to do is call CNN oo dunida ha lagu baahiya.
waxba yeeynaan is daalin oo lacaga intaan iska aruurina hadhow mid afmiishaar ah qaad ku cuno.

Urura caalami ah ayaa jiraan oo howlahaan oo kale qabtaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wariyaasha Sagal

Friday, December 08, 2000 - 08:06 pm
Asalamu caleykum ,Ramadaan Kariim,
Anagoo ah Wariyaasha Radio Sagal,waxaan Mahad aad u balaaran u celineynaa Somalinet oo qeyb weyn nagala qaadatey faafinta warkan aan ka qabaney Barliin,Runtii waa arin guul ah oo loo baahan yahay in Isgaarsiinteena Somali aan sidaa u wada shaqeyno,haddii sidaa isula shaqeynanay waxaan hubaa in aan heleyno sumcad somalinimo iyo islaanimaba,Laakiin in isgaarsiinteena (Sida Idaacadaha jira ama Internetka ) midba dhinaciisa war ka soo daayo midba kan kale uu u arko cadowgiisa waa inoo ayaan daro taas,Calaa kuli xaal mar labaad ayaan leenahay haddaan nahay Bahda Radiyo Sagal Mahadsanidiin Somalinet.

MIdda kale Barliin,Waxay aad ugu faraxdey Arintan siday u dareemeen Somalida waxayna balan qaadey inay kala hadli doonto radiyo Sagal Berito oo Sabti ah insha Alaah .
Ra'yiga kala gedisan ee la soo bandhigayna waxaan rajeyneynaa inay ka soo bixi doonto Natiijo aad loo farxo insha alaah,waana u mahad celineynaa inta fikradahooda halka ku soo dhiibtey tan iyo shaley oo arintaan la soo bandhigey ,waxaana dareeney in weli jiraan Somali dareen Somalinimo leh ,oo ka fog Qabiil Qurmoone.
Guul Wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARIYAASHA RADIO SAGAL

Friday, December 08, 2000 - 08:34 pm
ASALAMU CALEYKUM,RAMADAAN KARIIM

Anagoo ah Bahda Wariyaasha Radio Sagal waxaan Marka hore u mahad celineynaa Somalinet OO si weyn noogala qeyb qaadatey Faafinta warkan Mucjisada leh oo aan ka qabaney Barliim,Runtii wey ku amaanan yihiin Somalinet,waxaana hubaa in guul aan gaareyno isgaarsiinteena somaliyeed (Raadiyaasha iyo Internetkaba) Haddii aan sidaa u wada shaqeyno,Laakiin waa inoo ayaan daro haddii midba dhinaciisa war ka soo daayo isla markaana midba midka kale u arko cadowgiisa,Calaa kuli xaal mar labaad ayaan u mahad celineynaa Bahda Somali net iyo inta jecel somalinimada kana fog qabiil qurmoone .
DHamaan ra'yiga ay soo bandhigeen aqristayaasha Somali net iyo kuwo badan oo E-mail nagula soo xariireyba waan ku faraxney waxayna na dareensiiyeen in weli jiraan Somali u damqaneyso Somali kale . Waxaana rajeyneyaa in go'aan ka soo baxaayo fikradahaas aan is dhaafsaney waxaana ka rajeyneynaa somalinet inay Natiijo kama danbeys ah ka soo saari doonto arinta gabadhan yar oo dhibaateysan oo somalida badidood nala dareemeen.

Walaasheena Barliin waxay aad ugu faraxdey sida warkan u faafey iyo siday somalida u dareemeen dhibka heysto gabadhan yar ,waxayna balan qaadey inay kala hadli doonto berito oo sabti ah dadweynaha idaacaddan sagal radio insha alaahu tacaalaa .

GUUL WACAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Friday, December 08, 2000 - 08:59 pm
Assalama Allaykum.....
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Ugu horayntii waxaan mahad u celinayaa dhamaan inta na soo gaarsiisay gabadhaas yar dhibaatadeeda.Illahayna khayr ha ka siiyo.
Marka labaad waxaan illaahay uga baryayaa in u caafimaad sare saqiirkaas uu siiya.{Salalaahu calayhi wasalam}. Amiin Amiin Amiin.....
Inta Gabadhaas hawsheeda ku jirta waxaan ka codsanaynaa in ay naga soo gaarsiiyaan inta Ramadaanka lagu jiro meelaha accountiga lacagaha loogu shubaya.
Email...Burciideed1Hotmail.com.au

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussien Mohamed

Friday, December 08, 2000 - 11:05 pm
Asalamu aleykum:

We are inviting you to participate in Sagal Radio Call in Show. Our Telephone number is 404-292-1420
Our radio program starts from 2.00PM TO 4.00PM.
Sagal Radio wants to hear from you. Please give as a call

Hussien
Sagal Somali Radio Service
Atlanta Georgia USA
Email: sagalradio@hotmail.com
www.sagalradio.net

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shacnii

Saturday, December 09, 2000 - 01:39 am
Salamu calykumu dhamaantiiin

Ramadan kariiim dhamntiin. Walaalyal aad iyo aad ayaan ugu xumahay gabdha yare ee somalida ah walaahi markaan arkeey treas in my eyes walaal aad iyo aad ayaan ugu xumadaye sagal arinkaani'm verey soryy to hear it ... walaahi i'm crying right now but sis i'll help here i'll do any think for here so i'm in canada, and i'll pray for here my sweeti somalia sister insha alah every think is gone be alright aamin aamim aamim aamim i'l pay my share bye guys. happpy ramdan dhaamntiin.my email is iman99@lovemail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somSiss

Saturday, December 09, 2000 - 02:07 am
Salamu Alaykum
Ramadan Kariim

There is nothing i can say for the moment
but what you guyz decide to do plz contact me from my email and let me know how i can help//??
i'm ready to do what eva
InshaAlaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdimalik

Saturday, December 09, 2000 - 04:22 am
wixii oraah ee la oran lahaa layiri, waxa kelya ee aan doonayo waxay tahay in aan ogaado meesha lacagta lagu shubayo iyo cidda loo shubayo.
fadlan igala soo xiriira
Abdimalik@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

najma

Saturday, December 09, 2000 - 04:33 am
Ramadan wanaagasan.

Naxdin - Intiina kore siaa uga naxdeen ayaan u naxsanahay ugana xumaaday walaasheen waxa ku dhacay.

Farxad - Waa markii iigu horesyey oo aan arko dad Soomaalinimo wax u qabanaya. Guul ayey noo thaay waxaana u baahanahay sida wariyayaasha Sagal ay sheegeen is la iskaalmeeyo oo la isu arko inaan nahay hal. somalinet, sagal iyo baarliin waxaad na tusteen inay jiraan wali dad soomaalinimo ku danbeyso.

Saacadaha kor ku qoran waan shaqaynayaa ee suaasha an qabo waxay tahay:
sawirada somalinet balan qaaday inay mar dhow soo gelinayso internetka goormaa laga yaabaa inaan aragno?

dhinaca waxtarka waxaan sugayaa marka la i yiraahdo meeshaas lacag ku soo shuba.

walaashiin naxsan hadana faraxsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 09, 2000 - 04:41 am
ramadaan kariim waa arin aan ka xumadey arrinta walaashee heesato ee diyaar baan u ahay wixii awodeydi ah waxaan la farxay sida isku duuban ee howsha loo galay ee somalinimada ah ee wxaan rajeynayaa in sidaas oo kale aan wadankeena ugu gurmadnaa asalama aleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amin. o .liban

Saturday, December 09, 2000 - 08:24 am
asalaamu calaykum ,ramadaanul kariim inaalilaahu wa-inaanilaahu raajicuun walaala yaal adduunka wax kasta way kadhacaan ,marka waxaan odhan lahaa qof kasta oosoomaali ha iska xil saaro sidiilacag loogu ururin lahaa,baarliina waxaan leeyahay ilaahay ha kaa abaalmariyo fariinta aad nasoo gaadh siisay salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamal Ahmed, Atlanta, Georgia

Saturday, December 09, 2000 - 02:52 pm
Walaal waxan idin Ka codesaneyna gebedha soomaaliyed ee dhibaateysan ee joogta dalkena somaliya gacan ha laga geeysto.
Jamal Ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIHAKIIN

Saturday, December 09, 2000 - 04:14 pm
ANIGA AAD AYAAN UGA NAXAY GABADHA SOOMALIYEED EE DHIBAATAYSAN HADANA ITUSTAY INAY SOMALI MAALINYTAY U BAAHATO WAX U QABANAYSO,,HORTA WAA GUUL TEEDA KALE ANIGA WAXAAN JOOGAA WADANKA MARAYKANKA MAGAALADIISA MINESOTA WAXAAN WACI DOONAA CISBITAALADA AAN IS LEEYAHAY WAX BAY U QABAN KARAAN GABADHAAS,SIDA CISBITAALKA WAYN EE MAYO CILNIC OO DAAWEEYO DAD BADAY OO AAN U DHALAN WADANKAN WAXAAN KA HELOBA WAAN SAMEEN,TEEDA KALE PLEASE NOOGU SOO DHAQSADA SANDUUQA QAARANKA,INTAYSAN TOO LATE NOQON?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Saturday, December 09, 2000 - 05:30 pm
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun runtii waa arin laga naxo waxaana ilaahay uga rajeynayaa inuu u gargaaro inan taa yarta ah isagaa meelkasta gargaarkiisu joogaaye.
walaalayaal waxaan ka mid ahay dhalinyarada sida jogtada ah bogaan ugu xiran waxaaan marka leeyahay sidee ugu fudud ee loogu soo xawili karaa gabadhaa wixii caawimaad ah waxaan diyaar laahay caawimaad inaan u fidiyo inantaas yar ee dhibaataysanmarka ha laigala soo xiriiro emailkaan amiin_22@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaji Muxumud

Saturday, December 09, 2000 - 05:52 pm
Salaan kadib,
Gabadha hawshada wada, dhalinta Somalinet iyo dadwaynaha taageerada muujiyey intuba way mahadsanyahiin.

Taa kadib waxaan filayaa inaan dhamaantiin aad idiinka da'waynahay oo laga yaabee inan aabeyaashiin ama awooweyaashiin la'da ahay.

Marka talo yar baan idin siinayaaye i dhagaysta:
1.Ugu horayn waa waajib inaad u gargaartid qofkii muslim ah ee dhibaataysan, aadna awood dhaantid.
Dee kii aad Somalinimo wadaagtaana kaba sii jiree!
2. Haddaad jaanta isla heshaan ood arintan wax ka qabanaysaan. Si ay habsami ugu fusho waa in arinta uu guddi maamulaa ee aanu 1 ama 2 qof maamulin. Taa macnaheedu ma'ahan in inanta is xilqaantay aysan aamin ahayn. Anigu arimo kuwan la mid ah baan horay usoo arkay, sidaas awgeed trustee inaad samysiin oo ay xaga dhaqaalaha iyo fulinteedaba maamulaan baa haboon.
3. Haddii trustee-gaas uu guulaysto, way sii jirikaraan oo mustaqbalka waxii yimaada oo tan la mid ah bay wax ka qabandoonaa.
4. Trustee-gu wakiilo hawlahooda co-ordination u sameeya bay wadan walba ka samaysankaraan.
5. Markay hawshan guulaysato Trustee body-gu waa inay report u soo gudbiyaan dadkii hawshan ka qaybqaatay iyo kuwa awoodikariwaayeyba.
6. Maamulka Somalinet, ayagoo mahadasan, waxaan ku baraarujinayaa inay horseedkooda ka dhabeeyaan, maadaaam ay shirkad ayaguba yahiin, oo hawsha ay ilaa iyo hada qabteen mid dhaqaale ay ku yaboohaan ay ku daraan. Si shirkadaha, Dukaamada ama Hudheelada somalidu ay ayana ugu daydaan! Oo Soomali wayn bay arintu u taal ha kaga harinee leadership muujiya oo waxuun ku yabooha dee!
7. Waxaan kaloo Barbaarta Somalinet ugu baaqayaa dee inay lacag ka qaadaan Dawlada ku sheegtan ay had iyo jeer sanka naga galinayaan! ee malaayiinta Dollar ku guraynasa magaca inaantaa yar ee dhibaataysan iyo kuwo la midka ah, iyo magaceenoo dhanba.
Dee lacagahan ay wadamada carabaha iyo aduunka ka daldalanayaan ee ay hoteelada ku jiifaan, diyaaradahana kolba meel ugu kiraysanayaan amaba jeebka ku shubanayaan magaca umaddaa lagu siinayaaye ayagu ma ay shaqaysane!
8. Ugu dambayn waxaan rajaynayaa in illaahay inoo fududeeyo arinatan, waxii tabartay ahna diyaar baan la'ahay.
PS. Haddii uu kharashka wadamada westernku uu qaali noqdo, ha la raadiyo wadamo kale oo cilmigii iyo farsamadii haya kana raqiisan.
Waxaan kaloo iloobay waa muhiim in dad cilmiga dhakhtarnimada yaqaani ay abaabulka arinta wax ka galaan.

Wa Billaahi Tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KhadarYare

Saturday, December 09, 2000 - 08:56 pm
Asalaamu Caleykum

walaalayaal waxaan ka mid ahay dhalinyarada sida jogtada ah bogaan ugu xiran waxaaan marka leeyahay sidee ugu fudud ee loogu soo xawili karaa gabadhaa wixii caawimaad ah waxaan diyaar laahay caawimaad inaan u fidiyo inantaas yar ee dhibaataysanmarka ha laigala soo xiriira bogaan

Riix halkaan
http://come.to/puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Saturday, December 09, 2000 - 10:34 pm
Assalaamu-Caleykum Waraxmatulaahi.
Inaalilaahi Wa inaa ileyhi Raajicuun.
Walaalaheyga soomaaliyooday arintaan ku timid walaasheen Faa'isa aadbaan uga naxay sidaad uga naxdeenba waana jiriiricooday markaan arkay. waxaan kor fadhiyay oon aqrinayey mudo ku dhow sadex saacadood.mahad dhamaanteed waxay usugnaatey ilaaheygii na qalqay waxaan ka baryayaa inuu dhibta hayo walaasheen Faa'isa ee sabyaanka ah ka qaado isagaa awooda leh. siduu walaalkeen Ishaareyba qof walbow fadlan markaad salaada ku jirtid xusuuso dhibta heysa walaasheen una soo ducee rabina hanaga aqbalo Ramadaanka Fadligiis. teeda kale waxaan umahadnaqayaa Sagal Radio, bahda somalinet,iyo Dr Baarliin. howsha culus aad wadaan ilaahey haydinku garabsiiyo soona dedejiya fadlan sida sanduuqa oo la furo sida ugu dhaqsaha badan sababtoo ah walaasheen yari waxay daremeysaa xanuun every sigle day.teeda kale shirkadii diida inay furto free churge of caawinada gabadhayada soomaaliyeed ee xanuunsan sanduuqeeda nala soo socodsii fadlan, si aan besiniskeena ugu geyn markale ana waxaa diyaar la'ahay wax kastoo lagu taakuleynayo walaasheen iyo inaan badiyo waraaqahaad soo gelisaan meesha oona geeyo meelkasta ooy soomaali isku timaado ee labada state Ohio iyo Mn. waxaa hubaal ah qaar badan oo naga mid ah inay war u heyn. Naftayda iyo tiinaba waxaan udardaarmayaa cabsida Alle. Wabillaahi Towfiiq. waxaa layga heli karaa. Xussein@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 09, 2000 - 11:04 pm
Asslaamu Aleikum?

Waxaa mahad leh Ilaahayga naa ummay ee na galiyay dareenka aan uga naxno Faiza(I hope that is her name). Insha Allah, waxii uu ilaahay ugu tala galay waa loo qabini doona. Balso inta aan u galin Faiza, waxaan jeclaani laah inaan marka hore u mahad noqo shaqada wanaagsan eey qabteen Somalinet, Sagal Radio iyo Baarliin. Marka labadan, Faiza danbi ma laah waaba intaas yar lakiin inaga ayaa wax leyna tusinaya. Ilaahay kuwa kuwa ku waano qaato ha naga dhigo. Intaas ka dib, Baarliin abaayo waxaan jeclaani lahaa inaan u qabto Faiza wax alle iyo waxaan awaado, oo aan ka bilaabo inaan Dhakhtiir aan asxaabo dhahay iyo dad kalo oo aan isku fiicaanahay gaarsiiyo arrinteeda. Abaayo waxaan ku qoray emailkeyga, please ila soo socodii meesha eey joogta, da'da, marka aad sawiirada soo dhameysid iyo wax alla iyo wixii war aah ee aad ka heysid. Inta intaas ka horeysona wixii kaalmo aah diyaar ayaan ula aahay. Abaayo magaceyga waxaa la dhaha Hodan, emailkeygana waa Hodan_80@yahoo.com. Feel free inaad ila soo xiriirta aan wixii war aah waan ku soo jawaabi(insha allah). I will try inaan aqriyo warka somalinet iyo meesha eey xalaad maryeso. Ilaahay ha inoo dhib yareeyo arrintan, and one more thing, Baarliin iyo gudi Somalida rabta iney caawiso, please aan wax uga qabano sida ugu dhaqsaha badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c.raxmaan

Sunday, December 10, 2000 - 12:50 am
asalaamu calaykum

salaan ka dib, gabadhaas yar ilaahay ha caafiyo aadbaan uga naxay, meel hoo u baahan hadal wax kama taro marka fadlan noo sheeg toos waalidkeed aan la xiriirno oo nin walba si toos ah waxa hagu diro oo ha u xawilo, soomalinet iyo qofkii kale eearintaas mas,uul ka noqon kara hanoo sheego waxaa batay hadlakii ilaa hada lama hayo cod la la xiriiro, gabdhii in wax lala gaariwaayo ayaa suurta gal ah. marka fadlan mar labaad sheega cid lala xiriiro sida waalidkii ama qof ay wakiisheen
haddii xataa tii rabbi gabdha ku timaado waalidkii il wax loo diro oo murugadaas lala qaybsado. sidaa iyo nabadgelyo wabilaahi towfiiq.

Qore.c.raxmaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, December 10, 2000 - 03:52 am
S/C


aad iyo aad baan uga xumahay gabartaas yar
waxaan diyaar u ahay in aan bixiyo wax kasta
oon awood Lacag ahaan sidaas darteed waxaan
u baahanay meeshii iyo cidii Lacagtaas lagu
hagaajin lahaa ama cidii aan la xiriiri lahaa,
ilaahayna caafimaad ha siiyo gabartaas iyo
dhammaan intii muslina, haddii ay jirto muslinimo
ama soomaalinimo haloo gurmado gabartaas iyadoo
lala kaashanayo dawlad ku sheegtaas.

looma baahna hadal badan waxaa loo baahan yahay
wax qabad, halkan iigu dhaafa cidii aan la
xiriiri lahaa haddii ilaahay idmo.

ramadaan wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 10, 2000 - 04:29 am
s/c

waxaan doonyaa inaan ka qabya qaato cawimadaa intii aan karo markaa waxaan u bahanhay inaad igala soo xidhiidhtaan e-mailkan casaanyo@hotmail.com

sidaa iyo ramadaa wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahan

Sunday, December 10, 2000 - 06:06 am
waa arrin yaab badan naxdina leh, wax kastoon
awoodo diyaar baan u ahay igala soo xiriira
hassanabdikarim@hotmail.com sida ugu dhaqsaha
badan, haddii allaha awooda leh ogolaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Sunday, December 10, 2000 - 01:17 pm
sida ay iila muuqato arrintani waa mid gaabis ah,
dad badan oon ka mid ahay waxay diyaar la yihiin
dhaqaalihii lagu taakuleyn lahaa gabartaas yar
ee dhibaataysan ilaa haddana ma jirto cid iska
xil saartay sidii wax loo ururin lahaa meeshii
lagu ururin lahaa.


saaxiibayaal miyeysan idinla ahayn in aynu
arrintaas wax uga qabano sida ugu dhaqsaha
badan inta aanay noqon too late.

ramadaan wanaagsan, waxaan kaloo ku talin
lahaa in leysku dayo in gabartaas yar la
keeno dalalka Ethoipia ama kenya, waxaan
diyaar la ahay in aan bixiyo bil kasta wixii
aan awoodo, sababta aan sidaas u leeyahay
waxaa la geyn karaa safaaradaha dalalka yurub
ama north america ee ku yaal kenya ama Eth.

arrinkan waxaa haboon la abuuro guddi qaabilsan
sanduuq loo abuurayo gabartaas yar ilaahayna
caafimaad ha siiyo iyo dhammmaan umadaha islaamka
oo dhan, arrinku yaanu noqon hadal uun ha noqdo
mid miraha dhala dhaqsana wax loo qabto,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raaxo

Sunday, December 10, 2000 - 01:31 pm
salaamu calaykum aadbaan uga naxay gabartaas yar ee xanuusan alaha caafiyo waxaan ahay hooyo qaaraankeedana waxba kama qabo eesoomaaliyay isu naxariista ilaahay ha idin naxariisto hala kaalmeeyo qof walba awoodiisa arintaan qayr alaha ka dhigo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamuud.M

Sunday, December 10, 2000 - 10:47 pm
ACWB.
RAMADAAN KARIIM SOOMAALIYEEY.

WALAAHI ARINKANI WAA MID LAGU IMTIXAANAYO UMADDA MUSLIMIINTA AH MEELWALBA OO AYJOOGAAN,GAAR AHAAN KUWA SOOMAALI KU ABTIRSADA.

ILAAHAY GABARTAAS SOOMAALIYEED HASIIYO CAAFIMAAD,ILAYN ISAGAA WAX CAAFIMAADIN KAREE.WAXAAN U AHAY DIYAAR INAAN ILAAHAY HORTIIS UGA QAYBQAATO KAALMADA LAGU DAWAYNAYO GABADHAAS SOOMAALIYEEY EE DHIBAN.LAAKIIN SU,AASHU WAXAY TAHAY YAA MAANTA AAMINA OO DHABARKA U RIDANAYA ARURINTA QAARAANKA EE GABADHAAS SOOMAALIYEED EE DHIBAN.ANIGU WAXAAN KUTALIN LAHAA INAY DHABARKA URIDADO GABADHII AYADU ARINKAAN SOO BANDHIGTAY AHNA MIDA AYADU INDHAHEEDA KUSOO ARAGTAY.
CALAAKULIXAAL DIYAAR AYAAN UAHAY KAQAYBQAADASHADAAS QAARANKA LOO URURINAYO GABADHAS SOOMAALIYEED.

NABADGALYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Monday, December 11, 2000 - 12:53 am
walaalayaal runtii waa naxdin murugo iyo tiiraanyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahma

Monday, December 11, 2000 - 12:57 am
naxdin waaye alaylahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Monday, December 11, 2000 - 02:31 am
Asalaamucalaykum,Ramadan karim.
Dhamaan waa salaamantihiin, gaar ahaan somaalinet,
sagalradio.

Waa arin ilaahay keenay waxaana ilaahay ka baryaynaa inuu noo fududeeyo. Si gabadhan yar ee soomaaliyeed daawo loogu heli lahaa.

RAMADAAN KARIIM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiilyar

Monday, December 11, 2000 - 06:00 am
Anigu waxaan ogahay in Somali wixii ay ku dhaqaaqaan ay ku guuleysanayaan, waad aragtaan waagii ay go'aansadeen inay waddanka burburiyaan siday u galeen. Maxaa u diiday inay waxa wanaagsan samayntiisa ku degdegaan, War Somaliyeey ka soo qaad gabadhaa yar inay tahay taad dhashay ama kula dhalatay sidaad ugu degdegi lahayd wax u qabashadeeda ugu degdeg waxaa kaa abaal marinaya Allaah (swt)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Monday, December 11, 2000 - 06:53 am
marka hore waan idin salaamay walalayaal marka labaad kuligeen aan {fataxada }u wada marno in uu ilaahay {swt}cafimaad siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxamdulilaahi

Monday, December 11, 2000 - 08:10 am
Alxamdulilaahi ilaahay lacag waa igu siiyay
waxaana diyaar u ahay inaan bixxiyo $100.000
wadankiina waan maal gellinlahaa laakiin masaakiintaas oo kale ayaa ka buuxa wadanka ku wa hortaagan dawlad nimada iyo horumarka maxaa lagu sameenayaa iyo kuwa amarka kaqaadanaya dambiilayaasha....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 11, 2000 - 08:21 am
AWW.
Alxamdulilaah ayaa ah marka hore i aad tidhaa
xaaladwalba oo aad ku jirto. ta xigtaana waxa ay tahay in aad Ilaahey baridaa in uu kaa dulqaado
wax kasta oo ku haya. Markaa waxaan Ilaahey uga baryayaa gabadhaa yar in caafimaad siiyo in uu sahlo sidii sidii ay u heli lahayd caafimaad.
Talo.
Waxaan walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed iska naxa ku odhan lahaa in ay bishan rabadaan
ee lagu jiro ka faa'iideystaan oo ay ururiyaan
Fitrida amaba Zakada iyo welibba ninkii ku daraya
Zakaatumaalkaba.
Warbixin.
Ta kale waxaan odhan lahaa walaasha warbixinta keentay ku dadaal in aad xusuusiso dadka una sheegto in macquul tahay in la samayn karo inta
aanay rabadaan dhamaan iyo weliba meesha ay ugu hagaajin karaan Waxani waa sadaqo umana baahna Qorid ninkii doonase hala'isku dayo in loo sameeyo.
Mahasanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed Hussein

Monday, December 11, 2000 - 08:25 am
AWW.
Alxamdulilaah ayaa ah marka hore i aad tidhaa
xaaladwalba oo aad ku jirto. ta xigtaana waxa ay tahay in aad Ilaahey baridaa in uu kaa dulqaado
wax kasta oo ku haya. Markaa waxaan Ilaahey uga baryayaa gabadhaa yar in caafimaad siiyo in uu sahlo sidii sidii ay u heli lahayd caafimaad.
Talo.
Waxaan walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed iska naxa ku odhan lahaa in ay bishan rabadaan
ee lagu jiro ka faa'iideystaan oo ay ururiyaan
Fitrida amaba Zakada iyo welibba ninkii ku daraya
Zakaatumaalkaba.
Warbixin.
Ta kale waxaan odhan lahaa walaasha warbixinta keentay ku dadaal in aad xusuusiso dadka una sheegto in macquul tahay in la samayn karo inta
aanay rabadaan dhamaan iyo weliba meesha ay ugu hagaajin karaan Waxani waa sadaqo umana baahna Qorid ninkii doonase hala'isku dayo in loo sameeyo.
Mahasanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malyun

Monday, December 11, 2000 - 09:59 am
Ramadanu Karim

Walaaxowla walaa quwatu waa arin naxdin leh oo lagu tusaale qaato walaalayaal waa ka qayb qaadanaayaa fadlan ii soo sheega meesha lagala xiriiro.
S.calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDIRISAAAQ

Monday, December 11, 2000 - 02:35 pm
Innaa Lilaahi Wa-Innaa Ileehi raajucuun!

Allaah weyn oo awood leh, Mucjisooyiinkiisu la yaab laheyn! Tani waa aayad cad oo cidka kasta ugu filan iney siisu waqtey ku fakarto, ayagoo adeegsanaya indhaha maskasda ama caqliga, kuna waana qaataan.

Waxey kaloo tahay arrin nagu noqoneysa XUJO haddii aan laga qeyb qaadan sidii wax looga qaban lahaa, oo loogu istaagi lahaa, qof walba iyo tabar tiis.


Gaar ahaan waa in la nadaamiyaa siddii iyo habkii loogu deeqi lahaa CIIDUL FIDRIGA IYO SAKADA bixinayaan Soomaalida iyo intii muslim ah ee la gaarsiiyey qabarkan.

SUBXAANA YAA ILAAHI!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibrahim H. Jamawadad

Monday, December 11, 2000 - 04:02 pm
Dhamaan dad weynaha Soomaaliyeed ee dhegeystey Barnaamijkii wareysiga ahaa ee ku saabsanaa gabadha yar ee dhibaataysan ee ay la yeelatay idaacadda Sagal Somali Radio Service Atlanta, Baarliin. Aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa. Waxaanu ka rajaynaynaa wax qabad dhab ah oo loo qabto Gabadhaas yar ee dhibaataysan, Qof kasta oo Soomaali ahina uu qaybtiisa ka qaato,xildheeradd ahna uu iska saaro.
Mahadsanidin
Radiyaha Laanta Af soomaaliga ee Sagal Radio Atlanta,Georgia
Ibrahim H.Jama(wadad)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malik

Monday, December 11, 2000 - 07:55 pm
Assalamu Alaikum walaalyaal.
Many greating to all of you out there. Salaan kadib Ilaahay waxaan Gabartaas yar oo xanuunsan uga baryayaa caafimaad qab iyo nolol fiican, anaga oo idilna sidoo kale ayaan ilaahay inooga wada baryayaa baryayaa. Walaalayaal Arintan gabarta heysata maha arin hadal iyo nac nac u baahan, hadaan nahay Somali or may I say Humans we must act ASAP "As soon as posible". Aniga arintaan waxaan arkay laba cisho ka hor hadana waxaan noo haaya talada aan la soo kulmay after been researching for help from different types of organistions that can help. Waxaan La hadlay oo ugu muhiimsanaa Mamulka Toroto Sick Children hospital oo aad u caawiya ilmaha dunida sadexaad oo qaas ahaan kuwa arimahaan oo kale haystaan, waan wacay oo message yaal ayaan uga tagay and fortunatly they have returned my calls and said they are WILLING to help, but they have requested from me to get some details of the girl. Marka waxaan Somalinet ama Sagal radiyoo ka codsanayaa inay ii soo gudbiyaan codsigaas oo uu isbitaalka codsadey sida ugu dhaqsaha badan si aan isla markiiba u gudbiyo oo aan uga daba shaqeeyo, Bari o ah Talaado inay i soo wacaan Ayey u badan tahay marka walalayaal qofkii informationka hayoow soo gudbi please. Waxaan jeclaan lahaa Hadey Barlin Email ii soo di ri karto sababtoo ah aya da ayaa la kulante gabarta waxayna ka jawaabi kartaa su'aalaha qaarkood oo aanan aniga jawaab u heyn sida who is taking car e of her right now, what is the doctor that who is giving her the care and so on. In any ways Hadal badan haan ma buuxhsee lets get to work and be in touch ASAP so we can see what we can do. Also I wonder if Somalinet set up the fund account at Barakar or dahabshiil or,,,. If you did not did so far please do so ASAP so we can roll on as time goes we don't need to go back on time cause it will not be posible to do so.

Yours Muslim brother
Malik

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalah Mohamed

Monday, December 11, 2000 - 09:38 pm
Asalamu Aleikum Warahmatulah
This is a sad moment for all somalis lives in and outside somalia about this baby girl.waana amr rabaani ah marka wahan Illah uga baryayaa inuu dhibka ka qaado.
In the other hand I am happy to see if there is an emergency account for that girl,to make a contribution. Please send me any relevant info or progress about our sister/daughter to my email abdalahm@hotmail.com
Insha Allah, I look forward to hear from the management soon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 01:39 am
asalamu caleykum.ilaahey hanoo gargaaro anagoo dhan gabadhaas yarta ahna ilaahey hacaafiyo.iin sha alah.hadalwaxay ila tahay inuusan harin.laakiin hiilbaa laiska rabaa cida wax aruurineysa waxa aad igala soo xiriiri kartaan emailkeyga ooah.shukri_m@hotmail.com.waad mahadsantihiin.wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 01:51 am
asalamu caleykum.ilaahey hanoo gargaaro anagoo dhan gabadhaas yarta ahna ilaahey hacaafiyo.iin sha alah.hadalwaxay ila tahay inuusan harin.laakiin hiilbaa laiska rabaa cida wax aruurineysa waxa aad igala soo xiriiri kartaan emailkeyga ooah.shukri_m@hotmail.com.waad mahadsantihiin.wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guled isssa

Tuesday, December 12, 2000 - 03:40 am
walaalayaal anigu waxaan jeclaan lahaay in aan gabartaas aan wax u qabano sida ugu dhaqsaha badan loona sheego booqdayaasha somaliyeed ee bogan in ay isk soo uruuriyaan qofkiiba 5 dollar ama iwm waayo waa in aan midka nool wax u qabanaa ama aan sileenahay wey nolaan karaan hadii la daweeyo kii shintayna aan ka sabarno waayo wax aan qabankaron ayaan jirine, waa in aan dadyahow si wanaagsan iskugu qabanaa wax oo aan iku xirnaan muujino marka ay tan oo kale ansoo wajahdo oo aanan reer loo eegin marka dadkeygow adinkoo mahadsan ama waliba isjecel aan sameyno wax isku qabad wanaagsan oo isjecel dhab ah waxaan hadaba jecelahay in dadkeynu ay gartaan tantooda iyo tan walaalkooda dhibaateysan
in aad is ku dishaan wax xunba waad taqanaane in aan is caawunana aan aqoonsano iyo waliba darisnimadii iyo walidnimadii soo jireenka aheyday anigoo aan sii wadin waxaan diyaar u ahay in aan bilowga arintaan aan qeybka qaato cidii aan awoodana aan gaarsiyo...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Said

Tuesday, December 12, 2000 - 04:12 am
Tani waa mid aan weligay dhegahayga kusoo dhicin please I would like to help in anyway I can. This young somali girl needs help. Please People who 're involved this story should contact me as soon as possible, I need more information about her, I also need her picture so I can give so many somalian people, My Email is "ADAN2001@HOTMAIL.COM" OR "ADAN2001@GARBAGE.COM" or please my website "www.members.theglobe.com/jalaafo/jalaafo
We could collect money please get in touch with me

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malik

Tuesday, December 12, 2000 - 06:21 am
Hello Assalamu Aliakum, Walaalayaal arinta ma sheeko aan u baahneyn inaan isku mada daalino wmise waa arin aan u baahneyn inaan xasuusano baniaadanimada iyo muslinimada, marka hadey maaweelo aheyd please arinkan naga joojiya, HADEY EMERGENCY TAHAYNA, Please sent the prober information so those of us who are willing to help for the sake of God will be able to help. Aniga xalay waxaan soo codasada inay maamulka Somalinet iyo Sagal radioba ay ii soo diraan the details of the girl sida Medical history and pictures of the Girl Sababta aan taas u codsadeyna waxey aheyd Waxaan la kulmay maamulka Toronto Sick children and they said they are WILLING to help the guy May even Financially, Marka Maanta about 5minutes ago ayey isoo waceen waxeyna idheheen so file garee applicationka gabarta ayada oo detail ah oo la xiriir dadka haya informationka sababtoo ah application la approve gareenayo ayaaba ilaa iyo 2-4 weeks qaadan karee, Marka I cannot file the application without the information Marka PLEASE PLEASE PLEASE pass me over the Baby girls information so we can proceed with applying the prober steps of the Hospital. I know inaan xaley lee soo dalbada walaaleheey Somalinet iyo Sagal Radio iga raali ahaada lakin waxaan filaaya in arintan aad ku hayseen monitoring QAAS ah o mar walba fiiri gaar ah lagu haye as it is and URGENT and EMERGENCY matter, in any ways Hadal Badan haan ma buuxshee lets get together and start our plans of how we can help, and start with sharing the in formation also set up and account so in the event that the hospital do not approve the financial appliction for her treatment they said they will sent me an estimate of how much the cost will be so we can be ready by then. Marka Accountiga hala suubiyo and lets start rolling brothers and sisters. Thank you and May God help us all and show us the righteous path to Janah.

Yours Muslim brother,
Malik
email address abdul_25@hotmail.com
P.S. Please sent the prober information to me so I can answer all the concern the Hospital have such as Medical history and pictures and Name and loctaion and Tellephone numbers and people who have the girls infor like Barlin Xuseen. Thank you in Advance for your help and co-opretion guys.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HODAN

Tuesday, December 12, 2000 - 07:26 am
Aslaamu Aleykum my dear brothers and sisters?

Waxaa mahadleh Ilaaheygii inaa siyey aqli iyo awood aan isku daayno inaan ku cawino walaasheen. Walaalayaal, waxaan jeclani lahaa inaan helo more info oo ku saabsan walaashen xanuunsan. It will be better if we can have more info during the holidays. Walaalayal, waxaa igu adag inaan soo check garaaye Somalinet, sababto aah schoolkeyga iyo shaqada. Haddii aad awaado inaad so dirto info aad baad u mahadsantihin. Macaaliinteyda caafimaadka oo dhan baan uu sheegay, marka iga sugayan. Please let me know any info ASAP and this is my email add Hodan_80@yahoo.com
thanks
Aslaam Aleykum my dear brother and sisters

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barlinh farah

Tuesday, December 12, 2000 - 05:59 pm
hallow everybody
Waad mahadsatihiin dhamaan somalida somalinet kusoo qortay, sagal radio iyo dareenka aad muujiseen. Maanta waxaan dareemayaa inaan dad leenahay.. oo waa sidii qof kuyiri FAR kaliya fool madhaqdo, sidaas daraadeed horta walaalayaal mahad ilahay baa leh , adinkana personally thanks
Arintii Faisa si wanaagsan ayay usocotaa, meelo badan ayaan rajo wanaagsan ka sugaynaa, oo jimacaha jawaab ayaan ka sugaynaa, anigaana idiin la socodsiin doona. Si kastaba ha noqotee Faisa waa la daaween, Ilaahyna ha nala gacan qabto. Xagii lacag aruurinta isbuucaan ama kan soo socda ayaan ka furaynaa either dahashiil .. AMAL ama albrakaad iwm. Anagaa idinla socodsiin doona. Umalayn maayo in wax badan qaadanayso saa tan ugu muhim san waa tan dhakhtarka in la helo si dhakhso leh. I am sorry my somali expression is not that great even I am somali and proud of it.
anyway we will let you know everything ASAP.
Thanks again and again by dear somali brothers and sisters
barlin H Farah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed

Tuesday, December 12, 2000 - 07:06 pm
Salam all brothers and sisters.
Allah (S.W.)"Kuwa markey Masiibo gaarto dhaha Inaa Liaalhi wa inaa Ileehi Rajacuun kuwaas waxaa kor kooda ahaadey nabad waana ku hadeysan" surtal baqara. Marka ilaahay halkaas wuu na tarbiyeeynaya oo waxan dhihilaheen hadi massibo nataabato ayaa nala baryaa, masiibada hada nataabatoo kale ee ku dhacday walasheenaa yar.

waxaa kaloo xaussinyaa walalayaahsa wax sadeqyesanaya in eyna sadqadooda u bixin somlibaa is la nahayee ee u bixin yaan Niyad iyo naxariis ey ke sugayaan Ilaah. No prblem qofkii Somalinom u bixiya lakkin Ilaah dartiis ayaa ka fiican.

Qof walboownaa ugu bari saladaad ka dib Ilaah inuu cafiya in lagaa aqbalo oo gabadhaa yar dartaa lagu caafiyo laga yaabe.

Insha Allah sadaqo ani diyaar ayaan la ahay ee waxii sidii lagu bixin lahaa ha nala la soo socod siiyo waxaan jooga dabada aduunka Australia, may dahab shiil in aan u dhiibo dadkeenan rer Australia ayaa ila gudboon.
Salam aleikum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malik

Tuesday, December 12, 2000 - 10:50 pm
To Barlin Abaayo waad salaaman tahay, salaan kadib thanks for the info. Abaayo I am so glad to see that every thing seems to be going well from your and the others in your side. Abaayo as I said before in my earlier writing I talk to the Toronto sick children hospitals Managment and they are Willing to help but requested more info, so if the plans that your hopping will not work let me know so we can talk to these people again, as you know the Toronto sick children hospital recentlly brough a philibino gal who has a tumor on her noise and they even funded her medical treatment. Any ways I talk to the Same lady who helped that kid and she is willing to do the same but she requers more info, so she send me Application to fill and she also get back to me for the past two day but neither Somali net nor Sagal Radio is returning my email messages. I would apprecieted if they can say that help is not needed so i can tell the people Thank you atleast. Other wise if you think this will be a good option that we should try too please contact me at my email address abdul_25@hotmail.com

Malik

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Wednesday, December 13, 2000 - 01:57 am
Halkani waa abdi oo marlabaad ku soo laabtey oo waxaan kaa hilmaamey e-mailkeyga,waa

lee2@iobox.fi

thanks to all:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Wednesday, December 13, 2000 - 02:09 am
Asalamacaleykum waraxmatulahi
Walaahi waa arin aad aan uga murgey marka walaalayaal aan isku deyno sidii aan gabadhaa u caawin lahayn
dhamaan dadweynaha soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo gudahiisaba jooga.Baarliin abaayo ilaah ha kula garab kalo anaguna waan ku garab taaganahay hiil iyo hooba wixi aqbaar ah waxad igala soo xiriiri kartaa ciwaanka kor ku xusan.
Ramadaanul kariim:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed from SomaliNet

Wednesday, December 13, 2000 - 05:29 am
SWW Walaalayaal:

Bahda Somalinet beryahan waxay sheekadan uga qayb qaadan weysey waxaa ugu weynaa waa sawiradii gabarta oo baarliin balantu ahayd inay noo soo gudbiso weekend-kii la soo dhaafay oo ilaa iyo hadda aan dhinaceeda naga soo gaarin. Baarliin aad ayey u mashquulsaneyd somalinetna lama qurxanaan in ayadoo aan Barlin wax sax ah la isku ogeyn ay santuuq iska furto.

Hadda waxaa soo kordhay in maanta uu nasoo gaaray hal sawir iyo warbixin oo aad ka heli karto bogga hore ee Somalinet.

Hadaanu nahay bahda Somalinet diyaar ayaan u nahay sidaa aan markii horaba aduunka ugu bandhignay sheekadan naxdinta leh inaan ka qayb qaadano kaalmeynta gabartan yar iyo dadka lamidka ah.

Marka Soomalaiyeey warbixinta waxaa ku qoran teleefonada dadka gabarta gacanta ku haya iyo organization raba inuu kaalmeeyo ee talooyinka inta la isu keeno wax ha lagu dhaqaaqo. Waxaan filayaa anagu qaybtayadii waan kasoo baxnay hadaan aduunka dhan gaarsiinay dhibaatadan, walina diyaar ayaan la nahay inaan noqono dadka ugu horeeya oo ka qayb qaadanaya taakulaynta gabartan yar. Hadda waxaa loo baahanyahay howd degdeg ah in la qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisal Yare

Wednesday, December 13, 2000 - 05:49 am
God help her and the rest of our kidz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir

Wednesday, December 13, 2000 - 08:16 am
Asalamu Caleykum,

Inaa ililaahi wa inaa Ilaahi raajicuun. Walaalayaal waad salaaman tihiin, anigu waxaan ku talin lahaa in magaalo waliba dhankeed isku xilqaanto oo sameyso sanduuq dhaqaale oo lagu gargaaro cidda tabaaleysan iyo gabadha dhibtu hayso sida ay sameeyeen walaalaha reer Atlanta, haddana anagu aan rabno in aan ka sameyno Ottawa, Canada. Taladana haloo daayo walaasheen Baarllin.

Allaah waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwa ku cibra qaata arintaan, gabadha yarna arinta Allaah u fududeeyo. Soomaali dhamaanteedna quluubteeda Allaah ha isu soo jeediyo.

Mahadsanidin,

Bashir

Ottawa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Loolow

Wednesday, December 13, 2000 - 11:09 am
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKATUH TO YOU ALL

Walaalahayga Islaamkow salaantaa ka dib, waxaan aad iyo aad aan uga naxay warkan murugada leh, waxaanan lee yahay (INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN) Waa mucjiso rabaani ah ee walaalayaal ha lagu waano qaato, gabadhaa yar ee walaasheen ahna Ilaahay ha caafiyo isagaa wax walba awoodo e.

Waxaan ka codsanayaa qof walba oo Soomaali ah inuu:

1) Marka hore Allaah Subxaanahu watacaalaa inuu u baryo gabadhaa yar ee walaasheen ah, si uu Alle u caafiyo, gaar ahaan marka uu Sujuudsan yahay, waayo waa markuu Alle ugu dhowaan badan yahaye.

2) Marka labaad inuu qof walboo innaga mid ah uu xil iska saaro siduu arintan u gaarsiin lahaa cid alla ciddii uu awoodo, hadday ahaan lahayd Soomaali, Muslimiin iyo xitaa gaalada, isla markaana uu qofkii awoodaa uu intuu daabaco sawirka iyo akhbaartanba uu kusoo bandhigo goobaha lagu kulmo, sida Masaajidada, xarumaha ganacsiga iwm.

3) In sida horay loo sheegayba uu qof walba waxa uu bixinayo uu u bixiyo Alle dartii si uu ajir iyo xasanaad uu uga helo Alle, sidoo kale u niyayso wax alla waxaad arintan ka qabato Alle dartii.

4) Ay arintan noqoto mid horseeda kaalmaynta dhammaan caruurta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee dhibaataysan, markaa waxaan soo jeedinayaa in la furo hay'ad amaba Trust loogu magac daro walaasheen Fa'isa, si ay joogto u noqoto.

5) Fadlan ha la gaarsiiyo arintan dhammaan hey'adaha samafalka iyo ciddii kale ee wax ka qaban karta.

6) Intii isku xaafad amaba magaalo degani ha isu xilsaarto arintan sidii lacag loogu ururin lahaa, ka dibna ay ku xawisho hadba xawilaadii ugu habboon, yaana lagu koobin hal xawilaad, waxaanan aaminsanahay inaysan ka qaadan doonin wax khidmo ah.

7)Ugu danbayntii qof walbow arintan ku waano qaado, una towbad keen Allihii ku abuurtay, kana faa'iidayso bishan fadliga badan ee Ramadaan oo qofkii aan ka faa'iidaysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo Aamiintii Nabigeena Muxamed (CSW).

Soomaaliyeey ka dhabeeya muslinimada aad sheeganaysaan, Allena ka baqa, una qaata Islaamnimada si dhab ah, Iyada kaliyaa lagu badbaadayaaye.

Waxaan ku dadaali doonaa faafinta warkan iyo ka qabqaadashada kaalmada walaasheen Faa'isa.

'MU'MINIINTA UUNBAA WALAALO AH'

Qofowna wax kale ha isku lug gooyn

Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Walaakiina Muslin

Maxamed Xuseen Loolow-London-UK
E-Mail:Mloolow@AOL.COM
WWW.SAHANPRESS.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Wednesday, December 13, 2000 - 11:34 am
ramadaan wanaagsan.
Ina lilahi wainaa ilaahey raajicuun.Walaal halkan waxbadan kama oranayo, laakin waxaan leeyahay caawiya inantan yar oo aan samayno fund-raiser, sida ugu dhaqsaha badan, anigu wax walba diyaarbaan la ahay.Waad mahad san tihiin, wabillahi towfiiq.

Seattle WA USA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SADIA

Wednesday, December 13, 2000 - 02:42 pm
RAMADAAN KARIIM SOOMAALIYAY
SUBXAANALAH,SUBXAANALA,SUBXAANALAH
ARINTAN WAA MID NAXDINLEH EEWAXAAN KA CODSANAA
UMADEENA MUSLIMKA AH INAAN GABADHAN WALAASHAYNA AH
AAN U KAALMAYNO SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SADIA

Wednesday, December 13, 2000 - 02:46 pm
RAMADAAN KARIIM SOOMAALIYAY
SUBXAANALAH,SUBXAANALA,SUBXAANALAH
ARINTAN WAA MID NAXDINLEH EEWAXAAN KA CODSANAA
UMADEENA MUSLIMKA AH INAAN GABADHAN WALAASHAYNA AH
AAN U KAALMAYNO SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Wednesday, December 13, 2000 - 09:12 pm
Ramadan Kariim

Miyaa la waayey cid lacagta caawindda uririsa, waxay ila tahay nimankan xawaldaha in ay yihiin kuwa ugu haboon in lacagtan uririyaan kara, iyaga ayaa khibrad iyo qalab isgaarsiinba u leh hawshan oo kale, Dahabshiil, Barakat iyo iwm waa in ay arrintin wax ka qabtaan, hadii nin u xawaladaha wakiil u ah ka soo qaad dahabshiil for example isaga ayaa lacagt loo dirayaa, xitaa qof walba lacagta xawaalad waa ku dari karii.

Markaas walaalyaal meeshan waxaa loo bahan yahay nin xawalda leh in uu isagu isoo sharaxa oo gabartan yar ee somaliyeed caawiyo. Wixii cawina diyaar ayaan u ahay. Email ayaan u diray Sagal radio weeg horteed, jawaabna kama hayo.

Wasalammu Calaykum


Ahmed, Michigan, USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf-Garaad

Thursday, December 14, 2000 - 05:14 am
Waa ra'yi aad u wanaagsan in arrinta gabadhan yar la soo bandhigo. Waxaan qabaa in ay wanaagsan tahay in cad kasta oo awooddaa ay gacan ka geysato.
Waxayse iila muuqataa in ay habboon tahay in sawirka gabadha laga saaro internet-ka. Waxaan qabaa in hadalka meesha ku qorani, uu qof kasta ugu filan yahay in ay wax ku qaadato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Thursday, December 14, 2000 - 05:44 am
Asalaamu Calaykum

SUBXAANA MAN LAHU DAWAA'A


Walaalayaal Ammin wanaagsan

Waxaan Oran lahaaba walaalahay baa horey u yiri, wax walba oon awood u leeyahay diyaar baan la ahay.

Mahad ALLAA leh, waxaan mahad kale iska leh Somalinet iyo dadaalka ay ugu jirto isku xirka bulsha-weynta Soomaaliyeed.

Markaan maanta soo booqday golahaan runtii aad ayaan u qushuucay, anigoo midna ka naxay midna ku farxay, waxaan ka naxay gabadha yar ee walaasheen ah ee Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaanna ku farxay sida qiirada leh beni-aadanimaduna ku jirto gurmadkana loogu yahay walaasheena dhibaateysan.

ALLAHUMA CAAFINAA WACFU CANAA
ALLAAHUMA SIDNAA WALAA TANQUSNAA
ALLAAHUMA AHDINAA FIISABIILIKAL MUSTAQIIM

Alloow adaa caafimaadka haya ee gabdhaas walaasheen ah CAAFI ....AAAMIIN.

Wabilaahi towfiiq

NABAD iyo CAANO

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 14, 2000 - 07:12 am
Can someone explain to me?Is the girl actual missing a virgina orgam?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anisa

Thursday, December 14, 2000 - 11:45 am
Asalaama calaykum waraxma.
I seem to be the last person to find out about this, Ilaahay Ha caafiyo gabadhan una dhib fududeeyo subxaanaho watacaalaa.

Hadii aan deganahy Minnesota, xagee baa gabadhan wax ugu qabanayaan dadka jooga gobolkan? Ila socodsiiya walaalayaal.

Can someone tell me if there are donations being collected for the girl and also if there is,
Where in Minnesota Can I take What I want to contribute.
Asalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TUFAAX

Thursday, December 14, 2000 - 07:53 pm
LAA XAWLA WAA QUWATA ILAA BILAAHI CALIYUL CADIIM

SOMALINET AAD IYO AAD BAAD U MAHADASANTIHIIN OGEYSIINTA AAD NASOO OGEYSIISEEN DHIBAATADA GABADHA YAR EE SAQIIRKA AH HAYSATA ILAAHAYNA HA IDINKA ABAALMARIYA, ILAAHAY WAXAAN UGA BARYAYAA IN GABADHAAS YAR CAAFIMAAD DEGDEG AH SIIYO ISAGAA QUWAD LEHEE. TEEDA KALE ANIGU WAXAAN ODHAN LAHAA GABADHAAS SIDA UGA DHAQSA AH BADAN WAX HA LOOGU QABTO DIYAARNA WAAN LA AHAY WAX ALA WIXII AWOODAYDA AH EE AAN KU CAAWIN KARO WAXAAN RUMAYSANAHAY QOFWALBA OO SOMALI AH OO QURBA JOOGANA INUU SAMEYNKARO AMA ARDAY HA AHAADO AMA HA SHAQEEYEEE, AGAIN ILAAHAY CAAFIMAAD HA SIIYO INANATAA YAR, IGALA SOO XIRIIRA
DEGAN_1@MSN.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Thursday, December 14, 2000 - 08:53 pm
Xaalada caafimaad ee gabadhaan yar waxaan ku daawaday bogga hore ee www.somaliawatch.org muddo hadda laga joogo hal sano. War la'aan maanta nama heyso. Su'aashu waa sidee wax deg-deg ah wax uga qabannaa xaaladaan? Haddii lagu guuleysto u gargaarka gabadhaan dhibaateysan, waxay jaaliyadaheena dibedda ku nool u furi karta waji cusub, kaasoo ah wax ka qabadka caafimaadka, tacliinta, natural calamities, IWM. Hadaba HADAL YAR IYO HAWL BADAN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guled

Friday, December 15, 2000 - 01:35 am
Innaa lilahi wa innaa ilehi raajacuun
Arrintanni waa arrin nalagu imtixaamayo dhamaanteen, oo kuma eka oo kaliya inta dhashay iyo ehelkeedaba, oo ninba si buu u imtixaaman yahay.
Waa arrin u baahan wax ka qabad iyo sabar, laakiinse uma baahna hadal aan dhamaaneyn, waxa aan arkay qof codsanaya sawirada gabadha, haddii uu yahay walaal codsigaadu mid aad wax ku qabaneeysid ka furo sawirkeeda hoosta.
http://www.somaliawatch.org/archivedec00/001213101.htm

Wa Bilaahi Towfiiq
Mohamed Hassan Guled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaamac

Friday, December 15, 2000 - 01:58 am
salaan kadib waxaan rajeynayaa in waano iyo guubaabo labaduba aysan noo dhinayn, wixii is xasuusis ahna waa meesheeda.

waxaa iga talo ah hadii maanta ama bari Baarlin
iyo asxaabteeda inoo soogudbiyaan goobta lacagta
shubayo aanu fadhiga ka kacno, oo Alan ku dadaalno in Alan kordhino tirada dadka ka qayb qadanayo
ayadoo qofwaliba uu wacyi galinayo asxaabtiisa iyo dadka ku xeeran.

ilaah hanala garab galo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaafo

Friday, December 15, 2000 - 02:05 am
Waad salaaman tihiin dhamaantiin.
waxaan mahad gaara ah u soo gudbinaya dadka
ku shaqada leh amaba soo abaabuliyay Somalinetka
walaalayaal aad baad ugu mahsan tihiin.
hadii aanu somalinetku jirin dadka aduunyada ku kala baahsani iskuma aanay dayeen inay gabadhaa yar caawiyaan,Barliin adiguna sidoo kale mahsanid ilaahayna hakula garbagalo dadaalkaaga.
intaa ka dib waxan jeclaan lahaa dad badan ayaa u diyaar ah inay gabadha caawiyaan markaa
bal sida ugu dhakhsaha badan talaabo u qaada
wakhtigu waa orad badan yahaye.
anigu waxa aan diyaar u ahay wax kasta oo gabadhaa yar lagu tageerayo iyo umada soomaliyeed ee dhibaataysanba.
waxaa la igala soo xiriiri karaa qaafo@hotmail.com.
sidaa iyo gargaar wacan.ilaahay idinkana ha idiin gargaaro dhamaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/kaadir A/kariim Hassan

Friday, December 15, 2000 - 03:34 am
Walaal yaal intii dhagaysatay iyo intii maqashayba amaba akhrisatay waxaan filayaa in wax-aysan fillanaynin kunoqotay aniga qaasatan A/kaadir waan dhagaystay markii ugu horaysay waxana igu-dhacay ar-gagax-iyo cabsi qof muslima- gasho tii ugu badnayd illaa mudo aan hadli-kari-waayay waana nax-din dalkii hooyo iga-soo gaartay-waxana iga talo ah in mu-caawinadaa deg-dega ayan-lookalaharin rag-&-dumarba ajarkeeduna allaa inaga abaalmarinayo, ogaadana qof waliba oo inaga-mida alle waa awooday inuu isaga-kadhigo amaba ku-badelo gabadhaa saqiirta ah muc-jisada kudhalatay,
balse waa inagu-muc-jiso iyo aakhiro-zabanka-calaamadihii lagu-sheegay, wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 15, 2000 - 06:54 pm
Salaama alayum waraxmatulah wabarakaat !!!!!
Aad ayaan uga xumahay dhibatada haysata gabadha Yarta ah ee somaliyeed waase amar ilaah waa, Calaamatu cajaib..dadka muslimiinta ah ayaa, Waxlagu tusayaa awooda ilaah.
waa bil Barakaysan ilaahay ha u fududeeyo,
Anagana Denbigena ha dhaafo.
Plz wixii cawimaad ah this is my email.
Deqa@exite.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussien Mohamed

Friday, December 15, 2000 - 07:40 pm
Dhamaan dadka jecel inay caawiyaan walashoodo dhibaateysan ee Faisa waxay lacagta ugu soo hagajin karaan cinwaankan hoos ku qoran.

To- Fisa

C/o Barliin Farax

C/o DahabShiil, Atlanta USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Saturday, December 16, 2000 - 10:04 pm
Ramadan kariim


Somaliyey hadda waad haysan ama taqanaa meesha lagu diraya cawinda. Intii ku dhaaftay email boggan waxaan u diray email. Markaas u soo gurmadda gabadhan yar.


Wasalamu calaykum


Ahmed, MICHIGAN, USA


Dhamaan dadka jecel inay caawiyaan walashoodo dhibaateysan ee Faisa waxay lacagta ugu soo hagajin karaan cinwaankan hoos ku qoran.

To- Fisa (waxaan u malaynayaa in uu jeedu FAISA)

C/o Barliin Farax

C/o DahabShiil, Atlanta USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Sunday, December 17, 2000 - 12:24 am
HAPPY RAMADAN

For those of us who can read the Somali language but can not write in Somali, due to the fact that we were born outside of Somalia or left Somalia as kids, find at times comminicating with Somali based websites difficult to say the least. Where can we send money to help this young girl and others like her?!! SAGAL RADIO and Somlinet I'm disappointed at your service.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED SOOMAALI

Sunday, December 17, 2000 - 01:02 am
ASALAAMU CALEYKUM,
SALAAN KADIB WALAALAYAAL WELI INTII AAN AKHRINAYEY WARKAN MA ARAG MEEL LA LEEYAHAY WAX HA LOO DIRO EE XAGEE WAX LOO DIRAYAA OO GABADHA YAR LOOGU URURINAYAA. MIDDA KALE TALADII WARIYE YUUSUF-GARAAD EE AHEYD SAWIRADDA GABADHA YAR HALAGA SAARO INTERNETKA MA LA SAMEEYEY, RUNTII ANIGA WAAN LA QABAA FIKRADAAS.
GOOD BLESS SOMALIS AND SOMALIA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 17, 2000 - 11:12 am
Anigu Waxay ila tahay in mas'uuliyadda gabadhani ay saarantahay dowladda la magac baxday Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Yuusuf.

Dhulkan aynu deggennahay ee qurbaha haddii ay soo wajahaan muwaadiniintu arrimo sidan oo kale ah gaar ahaan caafimaad shaqsi oo weliba arrintu tahay cudur naadir ah waxaa markiiba bulshadu u gurmataa ruuxaas iyagoo dowladahooda ku qasba in ay wax ka qabtaan dhibaatada.

Innagu haddii aynu Soomaali nahay weynu naqaan sida qabyaaladda loo buun buuniyo iyo sida loogu dagaallamo kursi. Marka uu ruuxu kursiga helo ama qabiiladu hesho kursiga siyaasadeed garan maayaan waxa ay ku qabanayaan kursigaas iyo ujeeddadiisa oo aheyd in loogu adeego bulshada.

Haddaba anigu waxaan reer Puntland u soo jeedinayaa in ay arrintan hordhigaan maamulka halkaa ka jiro. Ila ma aha in lacag la'aani ka jirto dowladdaas puntland.

Dowladda puntland, haddey dowlad tahay, waxaa la gudboon in ay arrintaan laba siyoodba wax uga qabtaan: 1- in ay bixiyaan lacagtii gabadhan lagu soo dhoofin lahaa 2-in ay la xariiraan dowladaha leh isbitaallada daaweyn karo gabadha oo ay uga raadiyaan fiiso.

Anigu waxaan aaminsanahay in dowladda Cabdullaahi si dhibyar ay ku qaban karto hawshaas haddeyban horey ugu dhaqaaqin. Ilamaha in hadal internet la isku dhaafsadey lagu xallin karo arrintan. Cabdullaahi dhowr jeer ayuu isbitaal u dhoofey oo mar walba waxaa daaweynayey reer puntland. Gabadhaa yarna taa ayeey mudan tahay maaddaama ay u dhalatey gobalkaas. Muwaadin ka qiimo badan muwaadin kalena Soomaali uun baa lagu yaqaan. Marka reer puntland ha ku cadaadiyaan dowladdoodu in ay sidaa yeesho.

Waxaan ogahay in Cabdullahi uu had iyo jeer qoro warqado siyaasadeed oo uu ku canbaareynayo dad kale. Waxay ila tahay in uu qori karo warqado codsi ah oo uu dunida kaga codsanayo in la daaweeyo gabadhaas. Haddii kale ha ku bixiyo lacagtii uu dhawaan lahaa waan bixinayaa markii lagu qabsadey lacagihii uu dhunsadey. Lacagtaa waxay gaareysaa ilaa 40 bilyan oo shilin.

Sidoo kale waxaa dadka la gudboon in ay ku cadaadiyaan Cabdullaahi in uu arrintan wax ka qabto. Dad ayaa oran arrintan siyaasadda ha laga daayo. Anigu waxaan leeyahay haddey arrintan siyaasad aheyn wax siyaasad ah ma jiraan. Siyaasaddu waxay ka kooban tahay "power" and "resource allocation and its fair distribution" Soomaalidu waxay aad u taqaan tan la xariirto "power" ka iyo xukun jeclida mase taqaan in taasi ku xirantahay hadba sida uu siyaasigu u doonayo siduu u qaybin lahaa kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.

Haddaba anigu waxaan leeyahay in reer puntland siiyaan gabadhaa yar qaybteedii. Waana waajib saaran dowladdaas. Dadkeennaan boggan ku wada hadlayaa waxaa la gudboon in ay arrinta sidaa u abbaaraan oo ay xasuusiyaan maamulka puntland in ay arrintan u taal wixii kaalmo ay u baahdaanna ay iyaga dadka soo weydiistaan. Umana maleynayo in ay kaalmo u baahanyihiin. Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed from SomaliNet

Sunday, December 17, 2000 - 11:25 am
SWW - RAMADAN KARIIM:

Sida brother Husein uu kor ku sheegay Dahabshiil Atlanta iyo Barliin ayaa ku heshiiyey in santuuq lacageed laga furo magaaldaas marka qofkii raba inuu ka qayb qaato lacag aruurinta waa sida uu xuseen kor ku sheegay.

Dadka e-mailska badan noo soo diray waxaan u sheegeynaa:
1- Wixii lacag uruuris ku saabsan Baarliin la xiriira.

2- Suaalihiina ku saabsan meeqaa la qabtay, meeqaa loo baahanyahay, etc, somalinet kama jawaabi karto sababtoo ah kama warqabto. La xiriira Baarliin wixii su'aalahaan ku saabsan.

3- Somalinet kama mid aha dadka ku hawlan lacag aruuriska kamana warqabto meel ay wax marayaan ilaa hada, baarliin e-mail aan u dirnay laba usbuuc ka hor ayaa noogu wardanbaysey marka fadlan wixii ku saabsan taakulaynta gabadhan yar ee walaasheen ah kaalmadana u baahan kala xiriira baarliin. Raali noqda dadkiina somalinet email usoo diray oo aan weli jawaab naga helin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

inaa lilaahi wa inaa ileehi raagicuun

Monday, December 18, 2000 - 02:34 am
AS/CALEYKUM. WALAALAYAAL RAMADAAN KAREEM, waxaan dhahayaa inaa lilaahi wa inaa ileehi raagicuun iyo inaad ii soosheegtaan meesha aan lacagta ugu dirayo gabadhaa iyo samir wanaagsan iyo in la is cafiyo iyo in la,ogaado danbiga aan galno oo mucjisooyin koodu siibadan doono waxaan idiin ku dar daar mayaa ale ka cabsi iyo cibaado suuban alaah ha caafiyo iyada iyo intii islaamaba iisoo sheega meesha aan lacagta ku bixinayo AS/CALEYKUM (susan_us_21@yahoo.com):(

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Debutati

Monday, December 18, 2000 - 07:05 am
First of all, Waad salaaman tihiin my somali brothers and sisters. Waxay u egtahay inaan soo yara daahay. laakiin waxaan ku faraxsanahay in wax badan oo wanaagsan laga qabtay arrintan gabadhan yar ee walaasheen ah ee ay nasiib darrada weyn ku dhacday. Waa dhacdo naxdin badan oo u baahan dadaal iyo ficil badan. For the sake of humanity. Waxaana u fahmay iney Barlin iyo reer Atlanta ay allready ku jiraan wax ka qabashada arrintan.

In case of - ay dhacdo iney socon weydo "strategy" giina aad ku hawl jirtaan Barlin & Co., waxaan idiin sheegayaa iney jiraan many other options. Tusaale ahaan inaan aniga iyo dad badan oo kale ee reer Denmark ah isku dayeyno inaan soo aruurino "informations" ku saabsan "potential organisations, institutions etc" oo arrintan wax ka qaban kara. And as soon as I find some relavant information, than I´ll contact u Barlin.

Barlin waa walaalkaa C/kariim Debutati oo ku leh "U doing good job. So keep on doing, couse its a necessary thing.

To my other somali brothers and sisters - I like the way u show sympathy and feelings for this case. And I wish the best for u all. Keep moving and making progress. One day we will be a strong nation. (Iinsha alaah).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 18, 2000 - 08:45 am
Walaalayaa Gabadha Meeqo sano ayay jirtaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullhai-Dheere

Monday, December 18, 2000 - 01:12 pm
Salaan muslimnimo kadib,
Aad baan uga naxay arinta inanta yar! qofkii ilmo dhalayna wuu dareemikaraa walwalka haysta waalidiinta gabadhaa yar.

Qofkii somalinimo iyo Muslimnimo inantaa u kaalmeeya xag rabi buu abaal marin habeenka aakhiro ka helidoonaa.

Waxii tabartay ah waan la soosocdaa, waxaan kaloo ku hawlanahay, oo aan xadhiidh la sameeyey, dhakhaatiir hawlahaas wax ka qaban karan ee jooga Dalka Ingiriiska. kolkaan natiijada soo helana, haddii eebe idmo, waxaan la xadhiidhidoonaa Barlin iyo dadka arintan ku hawlan.

Ugu dambayn waxaan ku waanin lahaa dadka ay ka midka yahiin qofka magaciisa qariyey ee isku sheegay "Anonymous" war adeer nacas baa tahay haddii qof maskiin ah oo Somali ah oo muslim ah uu maanta kuu yimaado oo magan allaa ku yiraahdo ma waxaad ku odhan lahayd orod wax waydiiso Mohamed I Igal ama Cabdulllahi Yusuf ama A/qaasim Salad ama Shaantigaduud?

Waar nasakhyahow xumi inantaa yaree saqiirka ee dhibaataysan caawi ama adigoo kale wax ma quuree muslimka kale ee caawinaya ha u qoonsane shut your filth mouth. Dee hadaad tahay dadka siyaasadu madaxa ka gashay, waadba u egtahaye, dee orodoo Somaliya qabo. Aad iyo aad bay u haboonaan lahayd haddii ay Cabdullahi Yusuf iyo maamulkiisu ay inantaa wax u qaban lahaayeen, laakiinse ujeedada meeshan arinta loogu soo bandhiagy ma ay ahayn inay wax u qabteen iyo inaysan u qaban karin toona!

Bal horta adigu do bit before you advice other people what to do!

Teeda kale dee maxaad magacaaga la qarin maad sidayadoo kale magacaaga qodhid? ma cidbaa qudha kaa jaraysa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirahman

Tuesday, December 19, 2000 - 06:04 am
TO: Soomaali oo dhan




From: Siad Abshir
Sent: Tuesday, December 12, 2000 2:36 PM
Subject: Please caawin Gabar Somaliyeed oo lahyn meel laga kaadsho

Inaa Lilahi wa inaa ileehi Raajicuun! Qof walba oo Soomaali ah waxaan kula talin lahayn inuu dhegeysto barnaamijkan ay soo diyaarisay idaacada Sagal ee magaalada Altanta, USA laguna waraysanayo Baarliin Xuseen Faarax.Barnaamijka qaybta u danbeysa Baarliin waxay ka hadlaysaa gabar yar oo Soomaali ah oo runtii aad u dhibaataysan aabeheed iyo hoyadeedna aanay haysan lacag ay dibada ugu diraan si loo soo daaweeyo.Gabartan yar ee Soomaalida ah oo kaadiheystedu banaanka taal isla markaana aan lahayn meel laga kaadiyo waxay ubaahantahay kaalmo degdeg ah. Adduunka way ka dhashaan ilmo waxyaabahaas oo kale ku dhacaan laakiin sida lala socdo Soomaaliya waxay kamid tahay dunida sadexaad oo ay u sii dheer tahay maamul la'aan iyo isbitaalo caalami ah la'aan.Su'aashu waxay tahay maxaan qaban karnaa hadaan nahay Soomaali? Qof walba oo Soomaali ah waxaan ka codsanaynaa inuu ka qayb qaato sidii gabartaas yar ee Soomaalida ah loogu soo qaadi lahaa wadamada horu maray sida Maraykanka, Germany, Canada, iwm.Maadaama Somalinet ay tahay meel luugu talo galay inay dadka isu keento, awoodayadu waa kaliya inaan dadka la socodsiino dhibaatadan, sidii loo xalin lahaana waxay u taal dadka Soomaaliyeed. Hadaba, qaybtan waxaan u furnay in la isku dhaafsado wixii talooyin ama tusaale ah. Sawirada laga qaaday gabartaas yarta ah wali nama soo gaarin laakin sida ugu dhakhsaha badan ayaan usoo galinaynaa.Waxaa jirta in isbitaalo badan sida Toronto's Hospital for Sick Children ay dunida sadexaad kasoo qaadaan ilmaha ama dadka qaba cudur aan isbitaalda caadiga ah lagu daweyn karin, marka dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo ardayda barata caafimaadka waxaan ku baraarujinaynaa inay la xiriiraan Baarliin ama meeshan ay talooyinka iyo sida ugu haboon oo gabartaa Soomaaliyed lagu daaweyn lahaa figradooda meeshan kasoo dhiibtaan.Sida ugu dhakhsaha badani waa in lafuro santuuq lacageed oo qof walba wixii awoodiisa ah uu ku shubo si waaridkaa Soomaaliyeed oo Somalia ku dhibaataysan loogu gurmado. Santuuqu hadii uu noqdo mid weyn waxaa loo adeegsan karaa in lagu kaalmeeyo Soomaalida qabta cudurada aan caadiga ahayn.Maadaama Baarliin tahay qof baratay caafimaadka isla markaana ay tahay qofta soo aragtay gabarta yar iskuna dayeyso inay u hesho hab loo soo qaado gabarta yar, waxaa aad u wanagsanaan lahayd in qof walba oo Soomaali ah uu Baarliin ku kaalmeeyo sidii ay ugu guulaysan lahayd soo qaadida iyo daaweynta gabatraa yar.Sagal Radio web page:http://www.sagalradio.net/


WALBA OO SOOMAALI AH (WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO)

Somalia - SomaliNet's Forum: Health - Caafimaadka: KU: QOF WALBA OO SOOMAALI AH (WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO)

Management (Admin) Thursday, December 07, 2000 - 01:16 pm Inaa Lilahi wa inaa ileehi Raajicuun! Qof walba oo Soomaali ah waxaan kula talin lahayn inuu dhegeysto barnaamijkan ay soo diyaarisay idaacada Sagal ee magaalada Altanta, USA laguna waraysanayo Baarliin Xuseen Faarax. rtsp://sagalradio.net/sagal.rm Barnaamijka qaybta u danbeysa Baarliin waxay ka hadlaysaa gabar yar oo Soomaali ah oo runtii aad u dhibaataysan aabeheed iyo hoyadeedna aanay haysan lacag ay dibada ugu diraan si loo soo daaweeyo. Gabartan yar ee Soomaalida ah oo kaadiheystedu banaanka taal isla markaana aan lahayn meel laga kaadiyo waxay ubaahantahay kaalmo degdeg ah. Adduunka way ka dhashaan ilmo waxyaabahaas oo kale ku dhacaan laakiin sida lala socdo Soomaaliya waxay kamid tahay dunida sadexaad oo ay u sii dheer tahay maamul la'aan iyo isbitaalo caalami ah la'aan. Su'aashu waxay tahay maxaan qaban karnaa hadaan nahay Soomaali? Qof walba oo Soomaali ah waxaan ka codsanaynaa inuu ka qayb qaato sidii gabartaas yar ee Soomaalida ah loogu soo qaadi lahaa wadamada horu maray sida Maraykanka, Germany, Canada, iwm. Maadaama Somalinet ay tahay meel luugu talo galay inay dadka isu keento, awoodayadu waa kaliya inaan dadka la socodsiino dhibaatadan, sidii loo xalin lahaana waxay u taal dadka Soomaaliyeed. Hadaba, qaybtan waxaan u furnay in la isku dhaafsado wixii talooyin ama tusaale ah. Sawirada laga qaaday gabartaas yarta ah wali nama soo gaarin laakin sida ugu dhakhsaha badan ayaan usoo galinaynaa. Waxaa jirta in isbitaalo badan sida Toronto's Hospital for Sick Children ay dunida sadexaad kasoo qaadaan ilmaha ama dadka qaba cudur aan isbitaalda caadiga ah lagu daweyn karin, marka dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo ardayda barata caafimaadka waxaan ku baraarujinaynaa inay la xiriiraan Baarliin ama meeshan ay talooyinka iyo sida ugu haboon oo gabartaa Soomaaliyed lagu daaweyn lahaa figradooda meeshan kasoo dhiibtaan. Sida ugu dhakhsaha badani waa in lafuro santuuq lacageed oo qof walba wixii awoodiisa ah uu ku shubo si waaridkaa Soomaaliyeed oo Somalia ku dhibaataysan loogu gurmado. Santuuqu hadii uu noqdo mid weyn waxaa loo adeegsan karaa in lagu kaalmeeyo Soomaalida qabta cudurada aan caadiga ahayn. Maadaama Baarliin tahay qof baratay caafimaadka isla markaana ay tahay qofta soo aragtay gabarta yar iskuna dayeyso inay u hesho hab loo soo qaado gabarta yar, waxaa aad u wanagsanaan lahayd in qof walba oo Soomaali ah uu Baarliin ku kaalmeeyo sidii ay ugu guulaysan lahayd soo qaadida iyo daaweynta gabatraa yar.

Saturday, December 16, 2000 - 12:40 am

Dhamaan dadka jecel inay caawiyaan walashoodo dhibaateysan ee Faisa waxay lacagta ugu soo hagajin karaan cinwaankan hoos ku qoran.

To- Fisa

C/o Barliin Farax

C/o DahabShiil, Atlanta USA


The child's father can also be contacted at:
Abdihakim Said Awale C/o Bosaso Somalia, Tel: 252-523-4644, fax: 252.523.4501, and P.O.Box 28074 Dubai, UAE.


Hadaad waalidka gabadha aad doonayso kala xiriir


Soo diyaariyey . Abdirahman Abdullah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 19, 2000 - 02:11 pm
TO ALL CONCERNED somalia's

The tradidy of this little girl will not be the
last,and the reason is this.Bari,i don't know if
any of you is aware of this or not,has been sold
To Hart Group an english outfit that espicalizes
in exporting industrial and medical toxions to
poor 3rd world.

Abdullahi yusuf has signed a deal with Hart Group
to dispose PCP and Dioxion in Bari and we know
that he stashed the money in Swiss bank account.
The people who are concerned about this little
girl and the many others who will follow her,should write to abdullahi yusuf and ask him
to donate some of the money that he got from
Hart Group.

Also we should ask him to get out of the Hart Group deal and stop dumping toxic waste like PCP
in Bari.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 19, 2000 - 08:14 pm
Iga raalli ahaada waxaan jecleystey in aan u jawaabo Cabdullaahi-Dheere ood mooddo in uu xanaaqay. Waxaan isku dayey in aan u diro email gaar ah waanse geli waayey oo ma uu soo qorin emailkiisa.

Marka ugu horreysa Cabdullaahi ruux waliba fikirkiisa ayuu hadlayaa xanaaquna waa ceeb ee bal iska raalli ahow haddaad xanaaqdey, Waxaanba ka baqey in aad internetka iiga soo boodde e. Sida hadalkaadan hoose ku qoran ayaad igu tilmaantey in aan magacayga qarinayo oo aad la yaabtey waxaa taa kalifey waxaad tiri:

("Teeda kale dee maxaad magacaaga la qarin maad sidayadoo kale magacaaga qodhid? ma cidbaa qudha kaa jaraysa?" ) Jawaabta waxaad ka heleysaa isla hadalkaaga. Oo haatan oodba magaceyga aqoon ayaad igu soo xadgudubtey. Markaa haa oo in aan kaa nabadgalo ayey ujeedadu tahay.

Bal eeg hadalkaagan hoos ku qoran. U fiirso kalmadda labaad eed isticmaashey. Ogow in aanan is aqoon. Ogow in ay xitaa suurta gal tahay in aan isaga dhownahay sidaad mooddey:

{"Waar nasakhyahow xumi inantaa yaree saqiirka ee dhibaataysan caawi ama adigoo kale wax ma quuree muslimka kale ee caawinaya ha u qoonsane shut your filth mouth. Dee hadaad tahay dadka siyaasadu madaxa ka gashay, waadba u egtahaye, dee orodoo Somaliya qabo."}

Bal eeg sida uu hadalkaagan isu burinayo. Mar waxaad leedahay:"Aad iyo aad bay u haboonaan lahayd haddii ay Cabdullahi Yusuf iyo maamulkiisu ay inantaa wax u qaban lahaayeen,"

Haddana sidan baad oraneysaa: "laakiinse ujeedada meeshan arinta loogu soo bandhiagy ma ay ahayn inay wax u qabteen iyo inaysan u qaban karin toona!
Bal horta adigu do bit before you advice other people what to do!" .}

Ujeeddada arrintan meesha loo keeney waxa ay aheyd in la isku dayo in aynu caawinno gabadhaa yar. Aniguna waxaan uun ka hadley si ka mid ah siyaabaha faraha badan ee arrintan wax looga qaban karo. Runtii sida ugu fudud oo ugu qurxoon waa in dadku mas'uuliyaddooda ka soo baxaan. Taas uun baan anigu ku nuux nuuxsadey. Welina halkaa ayaan arrintaa ka taaganahay sida aan hoos ku faaf faahin doono.

Hadda iyo dan, Waxaan mar kale ku baaqayaa in aynu cadaadis saarno sidii ay dowladda la magacbaxdey Puntland wax uga qaban laheyd arrintan. Mar kale ayaan leeyahay arrintan waa siyaasad waana in loo ciyaaro sida ay tahay. Wax kala ma ahe ee waxaan uun codsaneynaa in gabadhaa xaqeedii la siiyo.

Midda kale waxaad mooddaa in aynu hilmaan sannahay kumaanka kun ee carruur, waayeel, dhallinyaro iyo haween leh ee ay u dhammaanayo qaaxada,malaariyada, daacuunka iyo cudurrada kale ee faraha badan. Miyeynan aheyn in dhammaan kuwaana loo gurmado? miyeyna dhibku ka socon dowlad la'aanta? miyeynan waajib ahayn in kuwa dowlad ayeynu leennahay ku andacoonayo in ay madaxda ka talisa goobahaas wax ka qabtaan dhibaatada caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale ee ka jirta goobahaas ay ka taliyaan?

Sida qaar ka mid ah walaaleheen boggan ay noo soo tabinayaan, waxaa cad in Cabdullaahi yuusuf iyo dagaal oogayaasha kaleba ay sun ku duugayaan dalkiinnii oo ay lacagta ay ka helaanna u dirsadaan bangiyo dibadda ah. Tani waa xaqiiqo jirto oo dowladihii lahaa shirkadahaas ayaa caddeeyey.

Marka maxay nagu qabatey in dhowr nin oo dagaal oogayaal ah na sumeeyaan oo cudurro nagu ridaan in ay na daaweeyaanba daaye? Oo aynu weli u sacabbo tunno oo niraa hoggaamiyayaal?

Arrintan iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ku habsadey dalkeenna dadka ka mas'uulka ah baa ah in wax laga qabto. Marka Soomaaliyeey hurdada ha laga kaco. Sida kali ah ee aynu wax ugu qaban karno gabadhaa iyo kuwa kale ee faraha badan ee aan caafimaad iyo waxbarasho heysan waa in aynu wax ka qabanno kuwa madax-isku-sheegga ah ee iyagu inta ismagacaabo iibsanaya dhiiggeenna.

Dad baa oran taa wax lagama qaban karo. Waxaan ku oran kuwaa haa weynu ka qaban karnaa haddii aynu yeelanno diricnimadeeda iyo garashadeeda. Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay in dad badan ay murugo gelisey arrinta gabadhan. Taana waxay i tuseysaa in damiirka dadka Soomaaliyeed uu weli nool yahay. Waxaan rajeynayaa in aad xasuusataan kumaanka kun ee iyadoo kale ah ee u dhammaanayo cudurro la daaweyn karo. In la daweeyana waxaa ka hor taagan kuwaa dagaal oogayaasha ah.

Dagaal oogayaashu waxay u haystaan in madaxtinnimadu tahay in iyaga uun loo adeego oo loo shaqeeyo. Maba ay fahansano ama wey inkirayaan arrinta ah in hoggaamiyuhu ay isaga tahay in uu u adeego bulshada. Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magdasom

Wednesday, December 20, 2000 - 02:09 am
ASSALAMA Calaykum

Soomaaliyeey hadal badan wax ma taro.Waxqabad bey u baahan tahay inaantaas yari ee sanduuqa amaba xawiiladda soo sheega.Aan gargaarno gabadha yari Allena ha inoo sahlo hawsha iyadana caafimaad taam ah Alle ha siiyo.

Fadlan arrintaan aad baan u daneynaya ee sidaan u caawino karo igala soo xiriira:
Magdasom@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleiman

Thursday, December 21, 2000 - 12:56 am
Salaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatu,

Aad iyo aad ayaad igu mahadsantihiin fikradaha ay soo jeediyeen Somalinet iyo dadweynha ka qayb galay arintan. Anigu Shakhsi ahaan diyaar ayaan wixii aan arintan ka qaban karo. Arinta Sanduuq sameyntuna waa mid lagama maarmaan ah, laakiin waxaa shardi ah in ay gacmo aamin ah loo dhiibo oo mar kasta dadweynaha la soo socodsiiyo waxa ay gacanta ku dhigeen. Iyadoo xoogga la saarayo arinta waqtiga, taasoo waqti go'an loo qabanayo arintan. Tusaale ahaan mudo 4 bilood.
In la helo report inta ay gaadhayso lacagta ku baxayso ama loo baahan yahay.
Suleiman_fadal@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Thursday, December 21, 2000 - 09:41 pm
RAMADAN KARIIM


DAD BAAD MOODA IN AYNA AKHRI KARIN, WAXA KU QORAN BOGGAN, MEESHAAD LACAGTA KU XAWILAYSAA WAA CADAHAY, MAXAY TAHAY II SOO SHEEGA MEESHA LAGU DIRAYA, MIYAADAN INDHA LAHAYN.

PLEASE SENT ALL DONATION BELOW ADDRESS:-


Dhamaan dadka jecel inay caawiyaan walashoodo dhibaateysan ee Faisa waxay lacagta ugu soo hagajin karaan cinwaankan hoos ku qoran.

To- Fisa (waxaan u malaynayaa in uu jeedu FAISA)

C/o Barliin Farax

C/o DahabShiil, Atlanta USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badow

Friday, December 22, 2000 - 05:42 pm
Salaamu calykum.

Waxaan aad u jeclaan lahaa in lagu soo qoro meesha gabadhan yar ee caruurta ee dhibatada haysata wax loogu qaban lahaa xag dhaqaale si aan xasanaad ula baxno
Wasalaamu calykum

Badow99@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Islam

Wednesday, December 27, 2000 - 08:33 pm
Asalamu alykum wr. wb.

Walaalayaal xaalka gabadha halkan kala socda haddii Allaah uu idiin idmo

WWW.geocities.com/fowsiya_abdi

halkaa iskuna dhaafsada wixii fariimo iyo wax qabadba ah.
salaamu alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MARAAM

Saturday, January 06, 2001 - 03:59 am
WAXAAN KU FARAX SANAHAY SIDA LOOGU GURMADAY GABADHA SOMALIDA OO U BAAHAN CAAWIMAADA SHEEKADA WAAN LA SOCDAY ILAA IYO BILOWGIIBA LAAKIIN WAXAAN RABI LAHAA IN AAN OGAADO MEESHA AY MARAYSO IYO INTA TABARUCAAD LOO ARUU RIYAY WAXAAN KALOO JECLAAN LAHAA IN DHAMAAN DADKA SOOMALIYEED EE BALWADA LEH AY ISKA JOOJIAANM AMABA KA MAAR MAAN BALWADOODA MAALIN KALIYA SI AY UGU TABARUCAAN LACAGLA GABADHAN SOMALIDA AH OO U BAAHAN CAAWIMAADA .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteexo & Rahma

Sunday, January 07, 2001 - 12:16 pm
Asalaam-Aleikum.
Subxanallah! Walaaloyal, aad iyo aad iyaan uga naxay dibaatadan walaashena yar haysata. Allah Rahmanka ah haufududeeyo dibaatada heysato. Waxaan ka codsanayaa dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee jooga meelaha wax laga qaban karo in ay caawiyaan gabadan yar ee dibatadu heysato. Waxaan Allaha awoda leh uga rajayneynaa cafimaad inuu xagiisa kasiiyo. Insha-Allah.


PS: Illahey waatu yiri, "Isunaxa aan idiin naxariistee."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arap

Sunday, January 14, 2001 - 03:28 pm
WHAT CLAN DOES THIS GIRL COME FROM?
WARSANGELI OR MIJEERTEEN???
MAY GOD GIVE HER HEALTH!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maryanneey

Friday, January 19, 2001 - 05:46 am
To: somalinet!

Waxaan raali ku ahay wax walba aan ka caawini karo
gabadhaan dhibaateeysan inaan qeyb weyn ka qaato.
Fadlan, wax walbo oo farriin aad haaysiin waxaad
iigu soo diri kartaan cinwaankan..

E-mail: maryanneey_x@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YOUR HELP IS NEEDED NOW

Friday, February 23, 2001 - 02:36 am
SALAAMA CALAYKUM

I HAVE SOME GOOD NEWS HERE BROTHERS AND SISTERZ
INSHA-ALLAAH...

WELL WERE CAN I START I'M SOOOO HAPPY....
LITTLE FAIZA HAS BEEN ACCEPTED AT THE "ROYAL CHILDREN HOSPITAL IN AUSTRALIA" WHICH MEANS SHE WILL BE HAVING HER OPERATION HERE,,,,,
EVERYTHING IS TAKEN CARE OF ECCEPT ONE LITTLE THING A LITTLE BIT OF MONEY HAS TO RAISED,, WELL INSOME WAYS MORE THAN A LITTLE...BUT IF EVERYONE GIVES HAND IT WILL BE NOTHING..

(YOUR HELP IS NEEDED NOW)

TO CUT A LONG STORY SHORT,,,ANYONE WHOSE WILLING TO HELP PLEASE CONTACT ME FROM

MY EMAIL WHICH IS " saymyname112@hotmail.com"
or
"quencyque_18@hotmail.com

waiting for as many replies

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HEBLAAYO

Tuesday, March 20, 2001 - 10:26 am
HEBEL KU MEE MISE WAXAAD EHEYD REER BUNTALAND WAABA MUJISO HEBEL OO LAGA LA`YAHAY MEELAHAAN MISE WUU GEERIYOODEY ALA KUUMA NAXARIISTO LAAKIIN WAAN KUU XIISEY

salaama caleykum waraxmtulaahji wabarakaatu
alahja caafiyo intii bukta oomuslimiin ah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.