site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hurda la,aan

SomaliNet Forum (Archive): Health - Caafimaadka: Hurda la,aan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caliqeyr

Sunday, December 10, 2000 - 10:05 pm
waad salaamantihii

Dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee garashada u leh waxa looga hortegi karo hurda la,aanta waxaan ka codsanayaa inay figrad iga siiyaan arrintaas,
waxaan ahay 25 jir afar iyo laabatanka saacadoodna waxaan hurdaa laba saacadood

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abc

Sunday, December 17, 2000 - 01:34 am
<p>font color="red" Who goes there! </font>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caliqeyr

Sunday, December 17, 2000 - 10:04 pm
abc

Walaal warka aad meesha kusoo qortay ma fahmin ee soomaali u tarjun

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 24, 2000 - 02:04 pm
GET NYQUIL UT MAKE U WAKE UP WITH
GOOD MORNINIG,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qeyr

Thursday, January 04, 2001 - 11:54 pm
To:abc & Anonymous

waryaada Axmaqyahay is aruursatay meesha ka baxa, qofkii wax garanayo uun baan wax warsadaye yaa adinkoo kale wax idin weydiiyey,

Habar meel aanan marinkeeda aheyn ayey maradu uga dhacdaa-baa la yiri,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Friday, January 05, 2001 - 02:04 pm
CaliGaleydh Never mind ABC he's just showing off that he finely figured out the basics of "Hypertext Markup Language"
Mind U ABC that HMTL is an old school, now there's such a thing as XML now go and figure this one out.
.
Sxb Hurdo la'aanta waxaa keena waxyaabo badan oo uu ugu hooseeyo Wel-Welka uguna sareeyo cudur xaga madaxa ah.
.
Taada hadaan qiyaaso waxaa laga heli karaa inta u dhaxaysa labada sababood ee aan soo sheegay.
Waxaan kugula talin lahaa inaad Vitamins qaadato ama qudaarta badsato. Vitamin la'aantu waa waxtaabaha ugu waaweyn ee hurdo la'aanta laga qaado.
Haddii aan ku qaldanahay halkaa, bedel dhaqankaaga haddii ay shaqo badan ahaan lahayd iyo haddaad sariirta TV-ga ku dul daawato. Ogow dhakhso loo seexdo hurdo la'aan uunbay sii dhalisaa Jirkaaga saacad baa ku jirta taqaan wakhtigey seexan jirtay, saacadaa seexo hadiyo goor.
haddaad gam'i weydo soo kac koob caano ah qac ka sii (Skim Milk) kursiga kudul fadhiiso buug yara akhri...Haddii HEAT-ku dalacan yahay bakhtii.
.
Nasiib wanaagsan.
.
Sidaa iyo nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Friday, January 05, 2001 - 02:07 pm
PS. Nyquil will only make U drank, nothing more neither less.
.
And ya can become an alcoholic by it.
.
So better leave that advice where it is.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qeyr

Monday, January 08, 2001 - 12:10 am
TO:Hebel

Saaxiib waad ku mahadsantahay taladaada wanaagsan runti wey i qancisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hana

Sunday, February 04, 2001 - 11:20 am
walaalo waxaan kuugu dari lahaa inaad samayso jimicsi inta aanad seexan ka hor waxay kuu keeni hurdo,Nabigana ku sali intaad kartoNNKHA,ama quraan akhri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qalinle

Saturday, February 10, 2001 - 01:58 pm
waar guurso naag ninyow.
walee markaad labo ka dhacdid ee dhabarka laguu
salaaxo,waad seexan lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dheereeye

Sunday, February 11, 2001 - 12:02 pm
xaaji marduufow,iska daa garaabada qadhmuun
oo qaad sharaf leh.cun.
shaahana mid caano leh cab.
heesahana, mid qaraani,iska daa.
oo nooca cusub,dhagayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHDI

Thursday, February 15, 2001 - 06:49 am
WALEE NIMANYAHOW WAAN LAYAABAY WAXYAABAHAAD KULA TALINAYSAAN NINKAA BILEED JAR KA TUURTAAN OO AAD HURDO LA'AAN KU RIDAAN MARKAA FIKRDIHIINA WAXAA UGU WANAAGSANAA NINKII LAHAA KHURADA CUN AYAA UGU FIICNAAYOO KU DAWEEYAY CILMIGII LAGU DAWEEYAY ISLA MARKAA WAXAAN KU ODHAN LAHAA KAN YIDHI ILA TALIYA MA QOF AAN WAXBA GARANAYNBAA DADKA SE MAWAXAAD MOODAYSAA INAY DHAKHAATIIR YIHIIN ANIGU WAXAAN LEEYAHAY FIKRADII AWOWGAA AYAAD KU HADLAYSAA EE QADIIMIGA NOQOTAY EE AHAYD HEBELOOW IDAWEE MAANTA OO ISII GEEDO AAN CUNO, BAL ISLA YAABOO NINWAYN BAAD TAHEE DHAKHTARKAAGA KALA SHEEKAYSO OO U SHEEGO CUDURKA KUHAYE ISAGA AYAA KUDAWAYN DOONE EH TAAGOOW SOOMAALI AYAAD LA TASHANAYSAAA OO WAXBA GARANAYB................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali-Dhab-ah

Monday, February 26, 2001 - 06:25 pm
KU: MAHDI

Walaal wax badan aa kaa qaldan. Ninku haddii uu talo weydiistay, waxaa dhici karta inuu helo qof arintaas ku xeel dheer, ama dhaqtar casri ah noqdo ama kuwii iyagu is-macalinshay ha noqdeene. Mida kale, Soomaalidu waa dadka ugu fiican dhanka daawooyinka, waayo, qof walba wuxuu si daacad ah oo Islaanimo kujirto kuugu sheegaa sidii isiga wax ugu daawoobeen ama sida eey la tahay. Haddii daawada reer galbeedku madaxa kaa gashayna waxaad ogaataa ineey mardhow suuqa ka baxayso, waqtigeedii baa dhamaaday. Marka aduunka cudurada ka jira oo dhan waxeey u baahan yihiin daawooyin cusub ama Soomaali ha kuu sheegtee ama Shiineeys cirbado hakugu duree!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHDI

Tuesday, February 27, 2001 - 04:48 am
KU:SOOMALI DHAB AH

MARKA HORE WAXAAN KU ODHAN LAHAA MALAHA WAXAAD UBAAHAN TAHAY DAD BADAN OODKU DAWAYSO DAWO SOOMAALIDEENA,BALSE TAKALE HADII AYNU NAHAY UMAD DAWADADA TAQAANA CAALMKA OODHAN AYAYNU WAX UQABAN LAHAYNE BALSE WAA NASIIB DARO DADKA SOOMAALYEED HAYSATA OO WAXAY ISKUHAYSTAAN INAN WAXWALBA YAQAANAAN AAD AYEYSE UMADAX ADAGTAHAY.....
SHAYGAN DOKTORKA CIYAAR HA MOODINE EE WAA CILMI AAD UDHEER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon1

Saturday, March 03, 2001 - 10:25 am
To Calikheyr,

Hurdo la,aan waxaa ka danbeeya cuduro badan ee waxaa sameysaa caanaha ey soomaalida u yaqaaniin Caano dhanaan cab oo badso, markasta aad cuntada cuntid ka daba cab malab yarna kula qas. Waxaana intaa wadaa week. Intaa haddii aad wax isaga garan weydo waxaa sameysaa cuntadaa basasha uugu roonoow si aad hurdo fiican u hesho.
Intaa haddii aad wax isaga garan weydo Dhaqtarkaada u sheeg arinta ku heysata si uu DIABAM kuugu soo qoro, hana iska badin waa drugs.

Nasiib wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caliqeyr

Thursday, March 08, 2001 - 11:30 pm
Hoboon Hani iyo hebel

Walaalayaal waad ku mahadsantihiin talooyinkiinna hagar baxa ah, waxaad mooddaa inaad tix raaceysaan falsafaddii ahayd "Dawadaadu raashinkaada ha noqoto, Raashinkaaduna dawadaada ha noqdo" Ninka Mahdi isku magacaabana waxaan oran lahaa Sx Fiqi-duurka iyo dawooyinka dabiiciga ah ayaa mar walba ka hufan kuwa kimikalska ah waana sida uu kuu sheegay soomali-dhalad, intaas keddib waxaa iga waano ah kalsoonida soomaalinnimo ee kaa dhuntay soo cesho .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahdi

Wednesday, March 14, 2001 - 01:31 am
to:caliqayr
baryahan dan baba caliyoow anigii ayaa ba iska yaaban oo waxaa igu dhacday hurdo la'aan siddaadii oo kalle markaa isku cuduree bal tafaasiil iiga soo sii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caliqeyr

Wednesday, March 14, 2001 - 10:03 pm
Mahdi

Talada ay walaalaheen soo jeediyeen ayaan ku bogsadaye Adiguna tijaabi.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.