site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cudurka Sokorta

SomaliNet Forum (Archive): Health - Caafimaadka: Cudurka Sokorta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ugaaso

Thursday, October 12, 2000 - 04:44 pm
Waxaan ku noolahay Canada (North America) waxaana aan qabaa gabar qabto cudurka sokorta oo looyaqaano (Diabetes)oo waxaad moodaa in caruur aad u farabadan ay cudurkaas qabaan. Waxaan rabaa in la ii sheego somalia markaan joognay ma maqal caruur qabto sokor oo dadka waaween kaliya ayan ku maqli jiray? Bal ha la'iga soo jawaabo haddii aad iiga aqoon roontihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamiilo

Thursday, October 26, 2000 - 10:56 am
To Ugaas, Aboowe waan ku salaamey marka hore, ilaahey waxaan kaaga baryaa in uu gabadhaada caafimaad qab siiyo iinsha alaah.

Cudurka Sonkorta waagii la joogi jirey somaliya, ilmo badan ayuu ku dhici jirey, lakinse dadka waa weyn buu u badnaa.

Cudurkan wuxuu ka imaada xaga ilaahey, lakinse Doctor ka waxey dhahaan waxaa kaloo keena "NAXTINTA QOFKA MARKA LAGA NIXIYO", iyo QOFKA MARKUU BADSADO MACAANKA BADAN.

Koley waad ogtahey baan filaa ilmaha dhibka uu ku haayo cudurkaas, sababtoo ah wax walba oo sonkorleh in laga celiyo waaye, waxaa ugu daran ilmaha markey badan yihiin oo ay gabadha aragto kuwa kale oo cunaayaan wax sonkorleh, ayadana markey dhahdo aniga gormaan cunikaraa waxaas oo kale. walaahi waan ka naxaa in aan iska ooyo baa i qabata.

Cudurkaan koley dadka dhib buu ku haaya sababtoo ah daawo maleh, iinsha alaah wixii oo jiran oodhan ilaahey caafimaad hasiiyo, Aamiin....

bye Jamiilo from London, UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilhan

Thursday, October 26, 2000 - 10:47 pm
Ugaaso abaayo:
WAa kaxumahay laakiin waa cudur aan daawoobayn laakiin wuxuu leeyahay sharciyo badan hadii aad kusocotaan sida dhaqtarku idinyiri inkasta oo dhibbadan thahay ilmayar siduu isku dhowro, cudurkan waa mid aad ugu badan dadka madow gaar ahaan dad waa wayn hadana wuxuu qofku ugu dhici karaa labo dhinac sida ay jamilo sheegtay iyo Dhaxal familka labada dhinacba sida reerka hooyada iyo aabahaba, lagayaabe ayeeyo ama awoowe inay ka dhaxashay.
ilaahya ha caafiyo [aamin]

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey doolli diloow

Sunday, November 05, 2000 - 07:14 am
Ugaaso lagu salaan
kaadi macaan ama kaadi sokoroow...maxay tahay!!
sonkorta dhiigga ku jirta oo kor u kacda!!
waxaa loo qaybiyaa laba nooc
1-IDDM.(type 1)..mar walba waa in insulin lagu duro qofka ,intiisa badana wuxuu ku dhacaa caruurta
2-NIDDM (type 2)..qasab ma ha qofku inuu insulin qaato,wuxuuna ku badan yahay dadka waaweyn
haddaba aan u soo noqdo cunugaaga ,waad nasiib badan tahay oo waxaad joogtaa canada,marka si fudud baa loo ogaan karaa nooca uu yahay(iddm,or niddm).kolleey daawo waa jirtaa oo waxaa jira dad ku dhashay oo sagaashankii kor u dhaafey.laakiin...wuxuu kaa rabaa dagaal joogto ah.ogoowna daaweyntiisa marka hore waxaa ka wanaagsan qofka qaba ama waalidkiisa oo aqoon fiican laga siiyo cudurkan sida
1.sida aad daawada u qaadan lahayd adigoo la kaashanaya kaadida
2-sida raashinka loo dheeli tiri lahaa,oo contorool loogu samayn lahaa,isla markaana koriinka cunuga aan la carqaladayn
u tag dhakhtarka ,waxaa laguu furayaa tababar ku saabsan cudurkaan iyo sida ugu fudud ee aad cunugaaga u daweyn lahayd ,isaga laftiisa aad ugu ababin lahayd siduu isu dhawri lahaa
kolleey waa dagaal ee guul baan kuu rajeynayaa
bal intaa ku jooji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadiija

Monday, December 18, 2000 - 02:41 am
Ugaaso waan ku salaamay allaha kuu dhib yareeyo waa dagaal sida uu abkeey kuu sheegayba, waana uu kuu sheegay labada nuuc ee uu u kala baxo. Anna waxaan intaa kuu raacinayaa sidan: Horta waa inaan is weydiino waa maxay Diabetes?
1. waa marka ay sokortu raacdo diiga ama kaadida ama labadaba,
2. waa cudur ka yimaada xubinta loo yaqaano pancreas oo ka mid ah xubnaha uur ku jirka ah marka ay soo saari weydo ama in yar soo saarto (insulin) oo ah dheecaanka jejebiya ama guba sokorta aan qaadano ama carbohydrates sida rootiga iwm.
wuxuu u kala baxaa labo IDDM oo ah mid qofka ay tahay inuu qaato insulin inj oo qofku is durayo maalinkastaa marmar galab iyo subax badanaa waa kan sokortu ay ku badan tahay qofka dhiigiisa waxaana loo yaqaanaa (Hyperglycemia), caruurta iyo dhalinyarada ayuu ku dhaca inta badan.

Midka kale waxaa weeye midka loo yaqaano NIDDM oo ah midka aan isagu ku xirnayn in la qaato insulin inj cirbada.noocan qofka sokortiisu way cacsan tahay marna way dhacsan tahay. Marka ay dhacdo waxaa loo yaqaanaa (Hybogleycemia). wuxuu badanaa ku dhacaa dadka waaweyn badanaa siiba dadka buurbuuran obesity, noocan waxaa lagu cotrolaa kaniiniyaal stamulation ku sameeya pancreaska oo markaasna sababa inuu pancreas ku soo saaro insulin ku filan gubista socorta jirka, iyo exercise inuu qofku sameeyo oo uu ku dadaalo siduu u dhimi lahaa culaabta jirka.

CALAAMADAHA LAGU GARTO.
IDDM oo aan horay u soo xusnay waxaa lagu gartaa sidan: OON BADAN, BAAHI BADAN, DAAL BADAN, KAADI BADAN,CALOOL XANUUN, QOFKA HADII AAN LAGA DAAWEYNA WAXAA LAGA YAABAA INUU QOFKU AAD U XANUUNSADO OO COMA UU GALO SOKORTA OO DHIIGA KU BADATA AWGEED.
WAA MARKAA QOKA IN INSULIN HOREY LOOGA DURAA JIMICSI BADANA UU SAMEEYAA SI SOKORTII DHIDID UGU BAXDO.
KAN KALE WAA NIDDM OO AH KAN DADKA WAAWEYN OO BUURBUURAN KU DHACA, WAANA NOOCA BADANAA AY SOKORTU LOWGA TAHAY, WAXAA LAGU GARTAA SIDAN. DAAL BADAN, KAADI BADAN, QOFKA OO INDHAHA WAX FIICAN KA ARKI WAAYA AMA AY LABA NOQDAAN SHAYGA UU ARKO, DHIDID, WAREER, WADNAHA OO AAD U GARAACMA, GARIIR FARAHA, CAABUQ HADII QOFKAA NABAR GAARO OON HORE U RAYSAN. MARKA AY SOKORTA QOFKU HOOS U DHACDO EED CALAAMADAHAN ARAGTO SII ORANGE JUICE IMMEDIATELY SOKORTANA KA CABIR AMA DHAQTAR LA GAAR. WALAAL UGAASO SOO QAADO BUUGAAGTA DIABETESKA OO BARO CUDURKA SI AAD INANTA YAR WAX UGU QABATO INTA AY KUU BAAHAN TAHAY MAADAAMA CUDURKANAI AANU DAAWO LAHAYN IN LAGA HOR TAGO OO KALIYA DHIBAATOOYINKAUU KEENI KARO MAAHEE, SIDA WADNO XANUUN DHIIG KAR CUDURADA XIDIDADA DIIGMAREENKA, KU WAASOO DHAMAAN UU U NUGUL YAHAY QOFKA SOKORTA QABAA, MARKA DADAAL ALLHA KUGU GUULEEYEE. INTII AAN KA XASUUSTAYNA WAA TAA HA LA IGA RAALI NOQDO HADAAN WAX QALDAY WALAASHAA KHADIIJA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.