site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLOW MAXAANU KA HADALNEY ARIN AAN WAXBA NALAGA WEYDIIN

SomaliNet Forum (Archive): Somali Children - Caruurta: ALLOW MAXAANU KA HADALNEY ARIN AAN WAXBA NALAGA WEYDIIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ZAPPOW

Monday, March 05, 2001 - 02:30 pm
WAA MAXEY QODOBKA AYNU KA HADLEYNEY MARKA HORE
MUHIIM WAXAA AH INTA AYNAAN KA HADLIN BADBAADADA CARUURTAAS "GURI LA'AANTA HEYSATO" IN AYNU FAHANAA WAXAA MOWDUUCU YAHAY,ISKA HADAL WAX MA TARO,WAA LAHADLAANA LOOMA HADLO,EE QOLADA SOMALINET WAAXEY FIKRAD AHAAN SOO BANDHIGTEY SIDII LAGA YEELI LAHAA IYO WIXII LAGA QABAN KARO,IYO WAXEYNU TARI KARNO,EE KADAAYA MOWDUUCA QALADKA AH AMA FAHAM LA'AANTA AH EE AAD MEESHA SOO GALINEYSAAN.
RAALINA AHAADA HADII AANQALDAMEY MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 05, 2001 - 03:52 pm
Walaalayaal runtii waa arin aad iyo aad u naxdin badan inay caruurteena sidaa ku dabeeso, sidaa awgeed aynu sida isku dhaano oo wax tarno walaalahayn yaryar oo soo koraya, marka hadaynaan hadda wax ka qaban arintaa ayada ah, ogaada inaan hadhow waxba laga qaban karin, walaalayaal qof walba mas'uul buu ka yahay ubadkaa la dhayacay ee intay awoodaada tahay gacan kasii oo yeena ka tagin naxariistii iyo raxmadii uu Ilaah nagu deeqay, Ilaahayow Soomaliya caawi oo quluubta dadkaa walaalaha ah isu soo dhawee, aamiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirashiid Cawed Diiriye

Tuesday, March 06, 2001 - 12:05 am
Asalaama caleykum waraxmautulaahi wabarakaatahu

Salaantaas ka bacdi waxaan raba bal innaan xooggaa ka idhaahdo carruurteena derbi jiifka ah.

Runtii waa nasiib daro in ay carruurteenu toban sano ay waxna waxbarasho seegeen waxna ay noqdaan wax silic iyo saxarriir ugu dhammaaday meelahaas. Hadaba badbaadinta waxaa iska leh Illaahey, waxaan a laga rabaa dadaalkii dadka soomaaliyeed. Waynu ognahay waxa u sabab ah in ay carruurtu noqdaan derbi jiif, noqdaana kuwo ka hadhay khayrkood, waynu la soconaa innay yihiin dadkii beri jiilkan bedeli lahaa ee dalka iyo diintaba wax u qaban lahaa. Hadaba waxaa tan looga bixi karaa waa: Iyadoo ay soomaalidu noqoto mid midaysan, waayo dad badan oo halkan wax ku soo qora ayaa ka mid ah kuwo la rabo innay badbaadiyaan carruurta waana kuwa hadeer ka sheekaynaya Qabiil iyo reer hebel. Dadku waa innay midoobaan oo ka midoobaan dhinac kasta oo wanaagsan. Dadku waa innay ka gudbaan caqabadan Qabqablayaasha ee u aabaha in carruurta soomaaliyeed ay silcaan. Dadku waa innay gartaan cadawgooda dibada iyo dhibkii soo maray meesha uu ka yimi iyo wixii sababay. Carruur ma badbaadin karo ilaa aynu ka takhalusno nimanka dagaal oogayaasha ah ee maanta Itoobiya loogu heshiisiinayo innay mid ka noqdaan baabiínta dalkooda, dalkooda iyo diintooda. Nin baal la yiri waar qodaxda badhida kaaga jirta iyo tan lugta tee lagaa horgooyaa markaasuu yiri: Waar qodaxda badhida iga gooya bal aan salka u fadhiistee. Taas waxaan ula jeedaa bal marka hore intaynaan odhan sidee carruur u badbaadinaa aynu ka hadalo waar sidee u midownaa waayo midnimadaa wax walba ka horaysa waaya marka iyada la helo ayaa loo gudbi karaa in meelaha kalena wax laga qabto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirashiid Cawed Diiriye

Tuesday, March 06, 2001 - 12:07 am

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.