site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wax weyn baa ka qaldan hab barbaarinta caruurteena

SomaliNet Forum (Archive): Somali Children - Caruurta: Wax weyn baa ka qaldan hab barbaarinta caruurteena
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomaliGuy

Unrecorded Date
waxaan shaki weeyni ku jirin in wax weeyni ka qaldan yihiin habka aan caruurta u barbaarino, oo isagu aan ku dhisnayn wax ujeedo ah, iyo weliba aqoonta aan u leenahay habdhaqanka caruurta oo inagu yar
sida aad ogtihiinba caruurtu ilaa maalinta ay dhashaan ilaa inta ay ka qangaadhayaan , qaabka dhaqankoodu waa uu isbedelaa oo hadba xaalad buu maraa, waxaana loo baahan yahay in caruurtaasi hadba xaalada ay ku jiraan loola dhaqmo, lana siiyo barbaarinta saxda , taasi oo weliba ka caawinaysa in caruurtu wax bartaan oo weliba ay maskaxdoodu korto, balse inaga soomaali ahaan waxaanu u haysanaa in caruurt aysan u baahnayn fiiradaasi oo dhan ee ay iska korayaan, hadii ay edeb daro sameeyaana ay tahay in la xanuujiyo, halkii malaha loo baahnaan lahaa in caruurta si kale wax loogu sheego, lala hadlo, ama loo caqli celiyo, waxaanan aaminsanahay in dhibaatada maanta ina haysataa soomaaliyeey ay mas,uul ka tahay habkeenii barbaarineed ee hore oo ahaa mid agresive ah ama ku dhisan nidaam gacan kahadal, kaasi oo saameeyey qaranka oo idil
hadaba si aynu u gaadhno hab dhaqan caruureed o faaiido leh waxaan kula talin lahaa dadka caruurta yaryar lihi bal horta in ay bartaan qaabka dhaqanka caruurta iyo dabeecadahooda
in kuwa doonayaa in ay guursadaan xil iska saaraan in bartaan sidii ay ula macaamili lahaayeen hadii ay caruur helaan, taasi oo faaiido weyn leh
waayo hubinta barbaarin sax ahi waa hubunta mustaqbalka soomaaliyaa, caruurtuna waa hogaamiyaashii berito

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliwoman

Unrecorded Date
Somaliguy horta hore waxaan ku waydiiyey caruur maleedahay?waxaad tiri waxaad nahaysta dhibaata ka timit sidii hore oo lanku soo barbaariyey,
waxeey ahayd barbaarin tan caruur lagu soo barbaariyo tan ugu sharaf badan.Marka hadii ay
xumatay siday kuu soo koriyeen hooyada iyo abaha,
ma waxaakula fiicnaatay siday gaalada ukoriyaan
curuurtooda?sidaan u jaclaa walidkay u
malaymayo kuwaan dhalay oo ku koriyo qurbahaan
inay ee jeclaanayan ama ee ixtiraamayeen.Marka
wadaayoon kuma racin arintaada. good bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Somaliguy,

Walaal, caruur waaridkood lunsan yahay...ma waxaad ka sugaysaa wax kale? Fadlan, intaynaan caruurta u kicin...bal aan dadka waa-weyn eegno! Geed hadii uu salka ka jiran yahay---caleemaha korena waa ay jiranayaan! Adios!


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaliGuy

Unrecorded Date
gabadha isku magacawday somaliwoman iyo Ahmedba waadku mahadsan tihiin in aad mawduucan qayb ka qaadateen, aniga oo filaya in uu noqdo mid wax lagu kala faa,idaysto
hadaan ku horeeyo inanta soomaaliyeed, marka hore arintu ma taagna halka aan ku soo koray iyo cida isoo korisay, arinta aan kia hadlaynaa waa mid caana, mana doorbidayo inay noqoto mid gaara , inanta soomaaliyeedeey sidaad ogtahayba barbaarinta caruurtu waxa ay ku saabsan tahay arimo badan , ujeedadan barbaarinta caruurtuna waa sidii ilmahaasi yar akhlaaqdiisa dadnimadiisa iyo sidii uu bulshada ula noolaan lahaa loo síi dhisi lahaa , hadaba si8 loo gaaro arimahaasi waxaa waalidka la gudboon inay waxyaabo badan ka taxadaraan iyagoo waxyaabo badan fiiro gaara siinaya, waad ogtahay tusaale ahaan caruurtu inta ay yaryihiin aad ayaa dreenkoodu u nugul yahay , markaa waxaa haboon in waxyaabaha qaarkood si kale loogu fasiro ee caruurta si kale wax loo fahamsiiyo iyada oo loola dhaqmayo sidii dad waaweeyn, balse waad ogtahaye soomaalidu caruurta waxba kama qariso, arimahaasina caruurta dhibaato ayeey u keenaan, waad ogtahay oo caruureta been fara badan ayaa loo sheegaa taasina waxa ay keentaa in caruuru cid alaale ciduu la kulmo uu been ku hafiyo markuu weeynaado, amaba uu noqdo qof aan lagu kalsoonaan karin, waad ogtahay oocaruurta waxaanu ula hadalnaa sidii wax aan waxba garanayn, taasina waxaa ay bahdishaa caruurta oo ku barbaara in ay mas,uuliyad qaadi waayaan amaba ay ka baqaan in ay mas,uuliyada qaadaan, waad ogtahay oo waalidka soomaaliyeed waqti yar ayeey la qaataan caruurtooda , iyaga oos sida digaaga dibada u sii daya oo u haysta inay isku filan yihiin caruurta keligood, uma iibiyaan waxyaabaha ay ku ciyaaraan iyo qalabka la midka ah, oo qaar badani waxaa ay miisaaniyadaasi u diraan dibada liisku waa uu dheer yahay somaliwoman
hadaan u gudbo ahmadoow, saaxiib, waxaa haboonaan lahayd inaad fiira gaara siisid waxa laga hadlyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliwoman

Unrecorded Date
TO,Somaliguy.
waad salaamen tahay,aad baad jawaat ugu mahad
santahay,in inkastoo anan jawaabtada kahelin.marhore baan kuusoo jawabi lahaa lakiin
wadanka ayaan kamaqnaa.sidaan isleeyahay habayaratee wax aqoon ah uma lehid xaga caruurta.
Somalida maha kuwa curuurtoda wax u sheega ee waa
gaalada,curuurta somali waxkasta ugad amasii wadamada western US or Canada,xataa hadii lageeyo
muslim school wax wayn iskama badalaan.taas waxaa
ugu wacan TV guriga uyaalo oo maskaxdooda kuriday
hilmam,dhaga'adayg.marka walaakiis hadii aankaga
jawaabo lacagta loodiro dibada ma xuma qofkii
lacag udira waalidkiis,hadii aan haysan lahaa waalid aan lacag udiro waan udiri lahaa.marka waxaad ogaata waalidka inuu ubaahan yahay lacagtaas aad caruurta aad ugu gadaysid Toy.
Ama toy gad ama hagadim caruurteena markay xoogaa
kuciyaran ayey ka xiisayan lagama yaaba inay mardambe ku ciyaaran qaali kasta ha'ahaado.
to;Axmed waxaan kuu sheegayaa inaynan somalida oon
dhan lunsanayn hidii aad aragtay ku dhunsan ogow inay jiraan kuwa fiican.saan idinka jeedo adiga iyo somaliguy waxaad tihiin dhalinyaro iyaga ubaahan inla xanaaneyo kaligiina ma'aha ee waa
Somalida nimankeeda oo dhan.Igana raali ahaada
hadii aad idhibsatan. good by.
kiis, maanta waxaa iificnan
lahayd waalid aan wax udirsado inaan haysan lahaa.
Caruurteena somalida oo halkan joogta marnaba lama
mid'noqonayaan kuwiinee lugu barbaariyey Somalia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAID JAMA 26

Unrecorded Date
Ku Dhammaan doodayaasha gaar ahaan reer Denmark

Fadlan eega cinwaanka doodda cusub ee ah MA BADBAADIN KARNAA MUSTAQBALKA CARRUURTA WAX KA BARATA dENMARK?


MAHADSANIDIN

SAID JAMA 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Unrecorded Date
Meeshii waxayba ka dhigeen maqaayadii Axado Gabayr
Fadlan ookiyaalashaaya iska siiba oo aqriya cinwaanka inta aadan sidii daqsi caano ku dhacay dalaq soo dhihin dooda....


Iga raali ahaada

Tolk xanaaqsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulmar

Friday, October 20, 2000 - 10:39 am
Somaliguy aad iyo aad ayaan kuugu mahadnaqayaa walaal si wanaagsan ayaad mowduucaan ooga hadashay runta ayaadna sheegtay aad ayey u qaldantahay sida maanta caruurta loo barbaraarinayo mana aha inaan is difaacno waa inaan runta sheegno.Aniga gabar soomaliyeed ayaan ahay oo laba caruur ku haysato qurbaha waana fahmi karaa caruurta iyo sida ay u yareen in lagu koriyo qurbahan waase dadaalayaa aniga iyo aabe hoodba,walaal waan kugu raacsanahy in ay waxyaabo badan ka qaldaneyd korinteenii hore taas macnaheeda ma aha iney waaridkeen xumaayeen ee waxay ahay sida ay ayaga u arkayeen iney tahay sida ugu saxsan ee elmo loo koriyo iyo waxaa jiro dhaqamo xun oo ay waaridkeen iska caadeysteen ayna ogeyn in ilmaha wax u dhimayeeen waxaan aad ooga xumahay maanta iney caruurteenii qurbaha ay korayaan badankood aabe la aan waayo aabaha qeyb weyn kama qaato caruurteena korintooda,waan arin aad u saameynayso aayaha caruurteen.caruurto wey u baahan yihiin labadooda waarid mana aha xaq in hooyada lagu dhaafo,waayo wadankeenii iyo qurbaha isku mid ma aha.walaalayaaloo aniga waxa iga waano aha gabar kastoo soomaaliyeed oo nin qabto iney si wanaagsan oo ixtiraam ku jiro u fahansiiso ilmaheeda aabahood in uu yahay qeyb weyn oo noloshaada kamid ah waana iney ayadana fahansantahay arintaas.caruurta heysto laba dhinac hooyada iyo aabaha wey ka tarabiyo iyo moral iyo niyad wanaagsanyihiin kuwa aan heysan oo waa arin run ah oo la ogaaday.waa iga talo hadaad awaadaan oo aabahood noolyahay ha ku qabo ama yuu ku qabin waa in uu ilmihiisa daryeelaa dhan walbo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed Muuse

Thursday, November 23, 2000 - 11:34 am
Waad salaaman tihiin dhamaan inta ceelkaan ka kaltanta.Waan ka xumahay in aan ka soo daahay kaltankii aan ku lahaa ceelkaan.Waanwada akhristay ra'yigiina iyo ra'yi celinta. Waxaan jeclahay inaan aniguna ra'yigayga ku darsado hadalka.
Waxaan jeclahay inaan marka hore u mahad celiyo gabadha kaalinka ama ceelka furtay ee ah SomaliGuy
Abaayo isku day inaad marka hore garatid in soomaalida maanta(kama wado dhibaatada dhacday ee waxaan kka wadaa soomaalida qarnigaan,inaysan wada hadli aqoon haddii aysan wada murmayn ama wax isla xamanayn ama isu jiibinayn sax iyo khaladba.
Waan kugu raac sanahay in caruurteenu barbaarin u baahan tahay si ay u fahmaan khaladkka dhaqanka,taariikda,bulshada,waalidka iwm. si mar kale iyagu u gelin khaladkaas.
Waxaan ku dhashay cusbitaal beled,waxaana isoo barbaarshay labo waalid oo i jeclaa.Labadayda waalid midna kuma dhalan beled, balse caruurnimadoodii ayey belad soo galeen,( mid 7 jir midna 15 jir). Sida dabiiciga ah(natural instinct) waalid walba waxuu jecelyahay in caruurtiisu u ekaato,dareenkooda uu leeyahay, dadnimadooda leeyahay,halgan kana gaarsiiyo halkuu waalidku gaari waayey balse uu jeclaa. Arintaa suura geliddeeda waxaay saldhigeedu shardinaysaa in caruurta loo barbaarsho riyadii waalidku rabay oo xiriir la leh qiimahii dhaqankii lagu soo barbaarshay. Sidayda oo kale cunugii ku dhashay beled ee dugsi la geeyay lana baraayo dhaqn beled,
akhrisanaya buugaag ka hadlaya dhaqan beled,xaqiiqaduna tahay inuu sahmiyo uuna barto dhaqanka uu leeyahay ee ku wareegsan deegaanka uu ku nool yahay si uu uga mid noqdo kuwa kuguulaysta waxa uu yahay oo shardinaysa waqtiga iyo halka uu ku noolyahay. Guriga oo dugsi culus si la ii carbinaayo iyo sida xaqiiqadu tahay islama socon karaan. waxaan yeeshay labo shaqsi oo iska soo horjeeda,(waxaan ahay iyo waxa la iga rabo). Waxaan jeclahay miyuusiga,balse waxaalaygu guubaabshaa gabayga.Waxaan jelahay inaan la saaxiibo ciddii aan is famayno,waxaa la igu guubaabshaa in aanraaco qabiilkayga ama qaraabadayda si aan u ogaado waa hore wax dhacay dadkana aan u kala sooco ciddii ay reerkeena wax u dhexee yaan. HADABA YAAN AHAY?
Waqti baa isoo galoo meel baanka daahay, balse waa balan waan dhamays tiri doonaa ujeedadayda fadlan wax ra'yi ah ha ka bixin ee sug qaybta kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed Muuse

Thursday, November 23, 2000 - 08:00 pm
Waad salaamantihiin dhamaantiin inta ceelkaan rukun ka ah.
Hadalkaygii haddii aan sii wato; waxay ila tahay in aan noqday riyadii waalid kayga. Waxaa xaqiiqo ah in aan ahay mid nool waqtigaan balse u nool hirgalinta ama xaqiijinta riyo cid kale leedahay ee ku salaysan waqti tegay eela soo dhaafay. Waxaa la ii barbaariyaa si ka soo horjeeda cilmiga iyo barbaarinta la iga soo baro dugsiga ama iskuulka. Waxaa guriga la igu baraa in aanmarwalba dhawro qiimaha dhaqan sida: been ugu hiili tolkaa, haamaan nimo, yasid, faan aan jirin,boobid,iwm.
Hadaba waxaan noqday hal qof oo labo shaqsiyad leh
waan isku buuqsanahay kal soonidii baa iga dhuntay ma aqaan waxaan rabo balse waa la igu soo barbaarshay waxii la iga rabo. Waxaa la iga rabaa inaan noqdo mid u nool inaan qanciyo ciddii i soo barbaarisay si aan u qanciyo dan dhaqan ee ka yimid waqti la soo dhaafay oo aananjir. Waxaan noqday mid la jeclaado ee ma noqon mid la qadariyo.
Waxay ila tahay inaysan ahayn barbaarintu sii wax uu cuno ,meel uu seexdo, buuqiisana dibadda loo eryo si looga nasto, ama loo jecel yahy inloo diyaarsho in uu noqdo mid dhamaystira waqti tegay.
Waxaan qabaa marka nalaka fiirsho dhanka xaqiiqada waqtigeenaan aan leenaha in aan nahay kuwo iska koray oo uu waayuhu barbaarshay.
Waxaan ahay qof dusha uga eg reer magaal balsi gudaha reer miyi ka ah.
Kama wado in reer miyigu yahay qab nololeed leh dhaqan xun. Inkastoo uu dhaqanka reer guuraagu yahay kan ugu qadiimsan dhaqan bulshadeedka, hadana ceeb ma la ha haddii yahay dhaqanku miday ku dhaqmaayaan dadkiisu,kuna dhaqmaayaan waqtigiisa. Qoys aruurinta iyo is qaraabaysigu waa arimo laf dhabar u ah hab nololeedka dhaqanka reer guuraaga. Abtirsiga iyo bahdu waasumad ama I.D.
Gabayga iyo sheekaduna waa diiwaanka warka(news) iyo maktabadda qabiilka.Murta(dhabaha),degta, xerada iyo dambasku waa taalada keliya ee reerkaasi leeyahay.
Reerkasto waxuu yeeshaa oday si talo iyo tusaale u noqdo caruurtana loogu barbaarsho. Odaygu ama kaabe qabiilku waxuu yahay mid u horseeda beeshaaa barwaaqo, amaan iyo horumar. Kaaba qabiilku waxuu yahay mid ka warqaba reerka kii jiran,kii maqan, sahanka, arooska,colaadda iwm.
Beledku waa ka duwan yahay dhaqankaa waana iska soo horjeedaan. Beledku waxuu ku salaysan yahay qoys,deris, xirfad shaqo,aqoon la'adeegsado, tiknoolajiyo iyo mustaqbalka oo lagu xisaabtamo iyo tagtada oo taariikh mooyee aan la tixgelin.
Hadaba bal is waydii kee kaa warqaba ama danta reerkiina wada kaaba qabiilka miyiga ee reerka dhex degan iyo kaaba qabiilka xamar degan ee deris la ah qabiil kale adiguna aad ku nooshahay beled kale kii kaa war qaba. Masoo koobi karo siday u kala fog yihiin balse waxaan ku fasiri lahaa WALLE ANIGA LAY RARAYEE.
Hadaba barbaarinta caruurteenu waa muhiim, waxayn u diyaarinaysaa ubadkeena waxay yihiin shaqsiyan , siday ugu dhax dhaqmi lahaayeen hadba bulshada ay lanool yihiin, sidey berito u meel mari lahaayeen,halkuu ka yimid taariikh ahaan, jaceyl, naxariis,in aan qofka lagukala soocin midab,diin,falsafad iwm.
Waxay ila tahay in aan caruurteena ku barbaarino in uu yahay qofka uu yahay. Qabiilku in uu yahay qaab bulsho ee laga soo tegay, beledka markii lajoogo in micnaha qabiilku yahay xirfad shaqo ee uu ku danaysanaayo shaqsi ama koox.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed Muuse

Saturday, November 25, 2000 - 12:05 pm
Waasalaaman tihiin dhal jecelkow.
Waxay ila tahay in ay xikmad kiican tahay in aad ka faa'iiday satid khaladaadka dadka kale. Waxaan uga dan leeyahay, waa garanaynaa oo waa dareen sanahay in lajoogo waqtigii hore waqti ka duwan loona baahan yahayin aan wax ka belenno habka barbaarinteena caruurta. Waxaan la hadlayaa jiilkii beled ku dhalatay ee dareensan inay dhaqan wareersan yihiin.Sida kumigu labo weji u leeyahay ayey dhacdo kasto labo waji u leedahay(khasaaro iyo faa'iido). Dagalka sokeeye waxa sababay waxaa ka mid ah barbaarin xumada. Balse faa'iidooyin kaan ka helnay ayaa ka mid in aan maanta ka welwelno oo aan is waydiino sidii aan u barbaarin lahayn si ay u noqdaan kuwo guulaysta aduun iyo aakhiraba facoodna la tartama.
1. Aan ka bilaono barbaarinteena anaga waalidka ah oo isa saxna. aan iska ilaalimo iska horimaadka aan samaynayno ee rabitaankeena iyo falkeena. MATALAN; ma is waydiisay weligaaa dadka Hindida ahi meelkasta oo ay joogaan waa hindi.Isma bedelo dhaqankoodu, diintooda kama tagaan inta badan,edebtoodu ma xuma, mana dagaal badna. Waayo waxuu waalidku caruurtiisa u barbaarshaa si haddii uu horumar shaqsi,cilmi ama dhaqaale ilmuhu gabo in uu joog teeyo halkuu waalidu gaarsiiyey.Hadaba aan iska ilaalino in aan u dhaqanno sidaan rabno oo iska horimaad ah iyo in aan caruurteena si toosan ka sugno. OGOOW INAAN TUSAALE U TAHAY.
2. Aan isku cabirno barbaarinta caruurteena hadba deegaanka ay ku nool yihiin.
3. Saaxiib ka dhigo xataa haddii ay aad u yar yihiin. Dhegayso ra'yigooda si degganna wax u tusaalee. Caradaada, diidmadaada,farxaddaada ogolaanshahaada intaba ku barbaari caruurtaada in ay wajigaada ka akhristaan adoon qaylin ama ku dilin..Abaal mari haddii ay wax fiican suubshaan. Caqliyan u ciqaab hadday gafaan.Go'aan kaada iyo balan taada ku adkow. Ma soo koobi karee CARUURTA SOOMAALIYEED WAXAY YIHIIN WAXUU WAALIDKU YAHA. KAMA AYSAN INAAM XIDDIGA MAARIS.

Somaliwoman: Walaashay lama cilaaqtamo. Haddii aad doodaysidna ama aad ra'yi qabtidna waa laisku hal qabsadaa mooyee la isma jikaaro. Gabadha hadalka furtay haddii uu waalwal ku hayo barbaarinta caruurteena meelkasta oo ay jooggan waxay munay in la ra,yi wadaago. Allaha kuu sii toosiyo kuwa aad ku faantay,adaa iska faan tamay mooyee arintu ma ahyn talo in laga siiyo qoyskeeda. Markaan labadiina ra'i ku cabiro qoysaskiina waxay ila tahay haddaysan kula sinay inay kaa sarayso, waayo fikradda ay qabto caqligiisana gurigeeda ayey ku maamusha.
Arqaraabow soo barya kii xun waa wadaynaa eeeeeee. CU again.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUUBAN

Thursday, January 18, 2001 - 07:32 pm
Hi all, Somaliman aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahy arintan aad soo qaaday waana kugu raacsanahay, somaliwoman i don't understand waxa aad ka hadlaysay maxay tahay gaalada aad sheegayso caruurta waalidkii dhalay ayaa laga rabaa tarbiyadooda ma aha inaan wax walba oo qalad ah oo inagu sameeyno inaan niraahno gaal baa sameyey, gaaladu iyagaba caruur way leeyihiin and i beleive inay maanta naga hor marsanyihiin, siduu walaalkay kor ku sheegay CARUURTA WAX U SHEEG EE HA DILIN. Ilmahaaaga ma'aha inuu kaa cabsado oo uu naxo markaad guriga soo gelayso waa inuu kugu farxaa, caruurtiina wax bara oo homework kala shaqeeya oo teleefoonka badan iyo xanta ha layska daayo waqtigii aad caruurtiina ku lumin lahaydeen ayuu idinka qaadayaa, I know inay jiraan hooyooyin badan oo wanaagsan oo caruurtooda waqti siiya, CARUURTU WAA UBAXII BERI EE NIYADA HA KA DILINA. AGAIN I KNOW THERE IS ALOT OF GOOD MOTHERS OUT THERE AND PLEACE MARKAAD AKHRISAAN CA CAYTAMINA EE RA'YIGIINA KA DHIIBTA

PEACE AND LOVE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Saturday, February 17, 2001 - 01:21 am
asalaamu calaykum.marka hore waxaan salaamayaa walaalada sida wanaagsan uga dhiibtay figradahooda forimkan.sideedana waxaa qiima badan figrad gaaban oo ujeedadeeda la garan karo.hadii aan marka qeexo barbaarinta caruurta soomaaliyeed waxaa muqadas ah in ay ku barbaaraan tarbiyada diinta islaamka hadii aan rabno in uu ilmaheenu inoo badbaado,aniga oo og meesha ay joogaan hadana waxaan aaminsanahay in uu waalidku ku barbaarin karo aniga oo sal uga dhigaya xadiiskii nabiga[ngnkh]ilma kasta waalidkiisa ayaa ka dhigi kara yahuudi ama majuusi.hadaba walaalayaal ilmuhu waxa uu ku koraa oo keli ah dhaqanka ka jira guriga uu ku noolyahay.mida kale walaalkeen mohame muuse waxa uu nagu booriyey in aanan loo aabo yeelin diin,midab,dhaqan.iwm waxaan marka u sheegi lahaa xageed ku ilawday hadalkii allah ee ahaa [yuhuud iyo nasaaro raali idika noqon maayaan ilaa aad raacdaan diintooda]mase u malaysay in ayan u fiirin diin ayagu.hadaba khurafaadka aanan cilmiga ku dhisnayn naga jooji walaaloow,soona qor wax kooban oo ujeeda cad leh.wabillaahi towfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYANDEEQA

Saturday, March 24, 2001 - 02:14 pm
(1) THIS MESSAGEIS FOR (SOMALIWOMAN) ABAAYO WAAN KU SALAAMAY WAXAAN KUU SHEEGAYAA ADIGA MOOYEE WAX KALOO SAXSANI INAYNA JIRIN MACAAN WAAN KUGU RAACSANAHAY IN AY ISKUGU MID TAHAY ILMAYAASHA SOMALIYEED HADII LOO IIBIYO (TOY)IYO HADII KALE WALIBA MARKAY YARYIHIIN OO AY JIRAAN (2YEARS ILAA IYO 5YEARS)INI GEYGAN WAXAAN DHALEY TWO DA'DAAN IDIIN SOO SHEEGAY U DHEXEE YAAN MARKAA ALXAMDU ANIGA IYO AABAHOODBA WAANU TASHANAY IN AANU SIDII NALOO SOO KORIYOO KALE U KORINO TAASOO AHEYD NOLOL AAD U MACAAN WAXLOO DHIGAANA JIRIN.
(2) MESSAGE FOR SOMALIGUY ABOWE HORTO WAAD SALAAMANTAHAY MARKA WAXAA JIRTAY SU'AAL AY KUWAYDIISAY SOMALIWOMAN OO AHEYD ADIGA NAFTAADA ILMO MA'LEEDAHAY?MARKAA ANAA KAAGA JAWAABAYA :MAYA: WAXAAN MAYA KUU IDHI LABO MID IN AAD IS MAAHINAYSO OODAN RABIN INAAD RUNTA KA HADASHO IYO IN AADAN WAXBA DHALIN.


THANKS:BY

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.