site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma badbaadin karnaa mustaqbalka caruurta wax ka barata Denmark

SomaliNet Forum (Archive): Somali Children - Caruurta: Ma badbaadin karnaa mustaqbalka caruurta wax ka barata Denmark
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

said jama 26

Unrecorded Date
Waxaan ka mid ahaan jirey barayaasha fasalada carbinta (Modtage klasse)ee magaalada Århus ee Denmark, waxaana ka werwer sanahay mustaqbalka ubadkeenna, gaar ahaan dhinaca waxbarashada afka hooyo ee arday kastaaba xaqa uleeyahay, in la baro 3 saacadood toddobaadkii,taasoo waalidiin badani u arkaan in aan caruurtoodu u baahnayn barashada afka soomaaliga, maxaa yeelay a. si fiican bay ugu hadlaan sidaa awgeed waa inay culayska saaraan af-dheenishka b. waalidiinta oo u aragta macallimiinta iskuuladan wax ka dhigta oo aan xirfad u lahayn shaqada ay mushaharka ku qaataan c. cudurka farha ba`an ku haya bulshadeena (Qabiilka) oo lagu dabakhay waxbarashada afka hooyo, tusaale; caruurtayda isaga dirimaayo macallin hebel waayo intuu mid reer hebel ahi lacag ku heli lahaa, yaanay waxbana ii baran.

Arrintaas oo dhaxal xun ku reebi karta ummadda soomaaliyeed oo dhan xilliga mustaqbalka dhow iyo kan fogba ayaa waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah ay wax uga wada qabtaan macallimiinta, waalidiinta aqoonyahanada iyo ururaduba.

Fiiro gaar ah arrintu wax qabad bay u baahantahay iyo dadaal


Mahad sanidin

Said Jama 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Unrecorded Date
Til. Said 26.

Kære ven...det er rigtigt det du siger, og det bekymrer mig meget. Jeg kender dig, men ikke personligt ( manden med Lion Rich frisør). Jeg synes at du er en fremragende lærer.

Vi skal ha' debat omkring den sag. Hvorfor somalisk forældre gør sådan som de gør ?

Det er ikke først gang jeg høre den sag. Jeg har hørt flere gang tidligere.

For at være helt ærligt. Nu må I ta' jer godt sammen I lærer, jeg har set nogen som underviser modersmål på somali…men de er simpelthen ikke egnet til at være lær. Dem skal man gør noget ved først.

Diskussionen er åben for alle…Væresgo !.

Hilsen

Tolken…ikke "bare" tolk men TOLKEN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said Jama 26

Unrecorded Date
To. Hej tolken

Jeg glad for at du har samme opfattelse som mig om sagen, men jeg vil fortale at jeg ikke længre arbejder som modersmåls undervise.

lol... du har ikke set mig i langtid kan jeg høre, fordi jeg har slet ikke haft Lion Richs frisør ca. 1 år.

Forresten hvem er du?????????????????+

Jeg er nysgerig. I.f.t emnet jeg er meget bekymret for vores børns fremtid


Med venlig hilsen

Said Jama 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caraweelo

Unrecorded Date
salaamu/calaykum walaalayaal .marka xigta intaanan caruur isla gaarin dadka waawayn hayska bilaabaan taas oo macnaheedu yahay labada wiil oo meesha wax ku soo qoray marka ugu horaysa luuqadoodo hooyo wax ha ku qoraan .walal said waad kusaxsan tahay markaad tiri afka hooyo ha bartaan, laakiin markaad af qalaad adigii ku jawaabayso cidina xal gaarimayso.to tolken walaal waxaan kudhihi lahaa ma forumska ayaad rabtaa in aad tolke ka noqoto naga daa af qalaad lol. hadayo waxii ka danbeeya waa inoo AF SOOMAALI PPL ok ps said ku mahad santahay marlabaad qadobka aad ka hadashay byeeee all somali ppl

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Unrecorded Date
Hej Said 26

Jo, jo det da rigtigt at jeg ikke har set dig i mere end 1½ år. Har du i øvrigt klippet hår ? Vi har mødt sammen i flere lejligheder, men ikke privat. Jeg kan ikke forklare dig hvem jeg er for jeg er sikker på at du ikke kan husk mig, men hvis du ser mig så siger du nok " jamen jeg har jo set dig før, men jeg ikke husk hva' du hedder".

Hvorfor har du skiftet frisøren ? du minder mig "waayo, waayo" Lion Rich, Mexico 86, og Somali youth in 80's. Det vidste at du var " Ragii hore" ama "dhalinyaradii cuslaatay". Jeg var en knægt på 11 år dengang, men jeg havde nogle stor bror der havde nøjagtig det samme frisør som dig. Og de var "Wad naago".

Tolken

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caraweelo

Unrecorded Date
TO TOLKEN WALAAL WAXAA AAD NASIIB DARO U AH IN AAD QAYBTA CARUURTA SOOMAALIYEED LOOGA HADLAYO AAD KA DHIGTAY MEEL REER DENMARK KU SHEEKAYSTAAN SO, WAXAAN KU DHIHILAHAA PLEAS HADAADAN CARUURTA AADAN KA HADLAYN QAYBTA SHEEKADA LOOGU TALA GALAY AAD WAALID BADAN BAA QAYBTAN AQRISANAYA UMANA BAAHNA ,TIMOJARE IYO SHEEKO LAMIDA ,EE WALAAL CIWAANKA KARAAC OK. KANA RAALI NOQO HADAAN SI TOOSAN WAXKUUGU SHEEGAY,WAY UBAAHNAYD IN WAX LAGUU SHEEGO BRO.BYEE AND PEACE ALL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caraweelo

Unrecorded Date
salaamu calaykum. said walaal waankugu raacsanahay qoraalkaagii u horeeyay oo ahaa waalid badan baa kasoo horjeeda in reer hebel caruurtooda wax baraan .dadkaas waa dad qabiil ka xoog badiyay oo hilmaamay faa idada caruurtoodu ku qabaan macalin soomaaliyeed oo afkii hooyo kula hadlaya , markaa walaal ha ku dayan walidka qabiilka ka xoog badiyay ee hawsha fiican meesha ka wad, caruurta soomaaliyeed way ubaahan yihiin caawinaada aad caawinayso so, ku dadaal saad ardaydaada ,arday waxbaratay uga dhigi lahayd,adaa bari ku faani kara hebel anaa wax baray ama macalin u ahaa hadii (he/she) ay noqdaan dad meel fiican ka taagan ama mustaqbal fiican yeeshaan.walaal walid kaliya caruur ma koriyo ee xaafad dhan baa korisa ee ciyaalkeena maskaxda ka kori (muruqyada,iyo lafaha ,jirka ) waalidku ha koriyo.way fiicantahay in waalidku dadaalo lakiin hadii la waayo waalid dadaalaya shaqadaada wado waxbar caruurta way ubaahan yihiin siiba luuqadooda hooyo.wad shaqada wanaagsan said and byee peace all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caraweelo

Unrecorded Date
salaamu calaykum. said walaal waankugu raacsanahay qoraalkaagii u horeeyay oo ahaa waalid badan baa kasoo horjeeda in reer hebel caruurtooda wax baraan .dadkaas waa dad qabiil ka xoog badiyay oo hilmaamay faa idada caruurtoodu ku qabaan macalin soomaaliyeed oo afkii hooyo kula hadlaya , markaa walaal ha ku dayan walidka qabiilka ka xoog badiyay ee hawsha fiican meesha ka wad, caruurta soomaaliyeed way ubaahan yihiin caawinaada aad caawinayso so, ku dadaal saad ardaydaada ,arday waxbaratay uga dhigi lahayd,adaa bari ku faani kara hebel anaa wax baray ama macalin u ahaa hadii (he/she) ay noqdaan dad meel fiican ka taagan ama mustaqbal fiican yeeshaan.walaal walid kaliya caruur ma koriyo ee xaafad dhan baa korisa ee ciyaalkeena maskaxda ka kori (muruqyada,iyo lafaha ,jirka ) waalidku ha koriyo.way fiicantahay in waalidku dadaalo lakiin hadii la waayo waalid dadaalaya shaqadaada wado waxbar caruurta way ubaahan yihiin siiba luuqadooda hooyo.wad shaqada wanaagsan said and byee peace all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said Jama 26

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin dhaammaan

To. Caraweelo
Walaashay aad baad ugu mahadsantahay mahad naqa iyo waanada dhinaca afka qalaad ee aan aniga iyo tujubaanku ku wada hadalayba.

Marka xiga waan kula qabaa fekerka ah in afsoomaali lagu doodo madaama waxa laga hadlayaa ay ubadka soomaaliyeed yihiin, waxaanna ka codsanayaa turjubaanka inuu wareysiga khaaska ah iigu soo diro cinwaankayga ah said_jama@hotmail.com

Wakhtiga oo igu yar awgeed dib ayaan udhigayaa warbixinta aan ugu tala galay inaan doodeena aasaaska uga dhigno taasoo aan ka sii daayey idaacadda afka soomaaliga ee Århus Denmark 22 febraayo 14.00 duhurnimo.

Waxaan ku boorinayaa booqdayaasha doodan inay gacan wayn ka geystaan sidii dhibaatada carruurta xal loogu heli lahaa.

Mahad badan dhammaantiin

Said 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Unrecorded Date
To. Caraweelo

Ciao Yarta !

Please read the headline of the topic!" Maxaan uqaban karnaa mustaqbalka caruurteena DENMARK Wax ka barata ?" and that's why I wrote on Danish, with other word "take your glasses on".

By the way it's not necessary to post twice.

I do agree with your comments concerning to education of our children ( somaliz) But dear Caraweelo can't you se what you doing ? you claimed me by writing on Danish, while you writing on English . Look ->(She/He, so, Peace, bye all) Is those words Somali ?. Anyway thanx for your comments, and from now I will write on Somali.

Waan kugu raacsanahay in af-soomaali lagu qoro.

Mahadsanidiin
Tolken

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CARAWEELO

Unrecorded Date
to tolken waxaad tiri aqri ciwaanka (ardayda denmark wax ku barata) taas macnaheedu maaha ardayda danshka ah ee waa soomali ,teeda kale adigu ci waanka kaliya ayaad aqrisay ee ma aqrisay waxa uu said qoray oo ahaa (GAAR AHAAN AFKOODA HOOYO)taas macnaheedu yahay af soomali not densh,teeda kale mihiim ilama muu qato in aad aniga iigu yeerto yarta ama galaasya qaado so marka xigta ka fiirso waxaad qorayso. mida xigta english luuqada hooyo ma aha uma baahna in aad english ii gu ja waabto amaba aad ii soo jawaabto ee EMAILKA SAID KUU QORAY ISTICMAAL, oo u dir hadaadan caruurta ka hadlayn hasoo jawaabin JAQ JAQ looma baahna qaybtaan ee caruur baan ka hadlaynaa hadaad caruur tahayna adaan kaa hadlaynaaye waqtiga ha dhumin ,bye all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Said Jma 26

Unrecorded Date
Ku: Caraweelo iyo Tolken

Salaan kadib fadlan waxaan idinka codsanayaa, inaad is ixtiraamtaan, waayo waxaan tihiin laba walaalo ah mana haboona inaad wax aan macno badan samaynayn isku afdhaaftaan, gaar ahaan turjubaan, waa sax arinta walaasheen inoo soo jeedisey oo ah aan afsoomaali ku wada hadalno.

Fadlan sidaan waanada u qaatay adna u qaado adiguna walaashay, xaalku yuu halkaa kaa gaarin e isdeji.

Haddaan sidaan hore uballan qaaday usoo noqdo doodda waxaan baaritaan ku sameeyey muddo laga joogo qiyaastii 2 toddobaad iyo ½ tirada ardayda wax ka barata magaalada Århus iyo tirada macallimiinta soomaalida ah, sidoo kale xuquuqda ay leeyihiin in la baro afkooda hooyo iyo in looga faa`iideeyey ardaydaas xuquuqda ay leeyihiin iyo in kale. Arrintaas ayaa waxaa kasoo dhex baxay waxyaalo lama filaan igu noqotay qofkastoo dan kaleh mustaqbalka carruurta soomaaliyeedna uu aad uga xumaan karo.

Bal haddaba aan eegno xaqiiqada mawduucan!!!

Waxaa dhigta dugsiyada hoose - dhexe ee magaalada Århus inta u dhaxaysa fasalka carbinta ilaa fasalka 10 522 mid kastaana wuxuu xaq u leeyahay sida sharciga wadanku qabo, 3 saacadood toddobaadkii taasoo macneheedu yahay in 522 arday ay helaan 1566 saacadood oo waxbarashada afka hooyo toddobaadkiiba, waxaana sharcigu dhigayaa inay u fariistaan 12 arday fasalkiiba, marka haddii 522 loo qaybiyo 12 waxay noqonayaan sidan: 522/12 = 43 ½ fasal haddii dhinaca kale laga eego macallinku wuxuu shaqeeyaa 37 saacadood toddobaadkii, bal aan dhankanna eegno inta macallin ee ay xaq u heli karaan haddii waalidkood uga faa`iideeyo fursaddan qaaliga ah: 1566/37 = 42,3 macallin. Bi macnal kelima waxaa halkaa inooga soo baxaya fursad aan la dayici karin haddii dadnimo ku jirto reer Århus iyo soomaalida kaleba, balse waa yaabe maxaa noo diidey inaan helno 43½ fasal iyo 42,3 macallin.

Wasaarada waxbarashada waaxda afka hooyo ayaan waraysi ugu tegey xilligii aan baadhitaanka waday si aan u helo tiro saxa iyo xaqiiqada ka jirta afka hooyo barashadiisa, waxaana shaqaalaha waaxdu ii sheegeen in qiyaastii 20 fasal ay dhigtaan ubbadka soomaaliyeed 4 ½ macallin ka shaqeeyaan iskuulada caruurta soomaaliyeed wax ka bartaan.

Markaan dhameeyey baaritaankii ayaa waxaa iimuuqatay in meesha dhibi ka jirto, si aan u helo arrintaas ayaan wareysi layeeshay qaar kamid ah macallimiinta afka hooyo dhigta iyo waalidiinta carruurta dhalayba, waxaana iisoo baxay arimahan soo socda:

Macallimiinta

1. Waalidku uma haysto inay carruurtoodu u baahanyihiin barashada afka hooyo ee waxay culayska saaraan inay bartaan afdheenishka.
2. Qaarkood majecla in carruurtooda lahjad kale ay ka soo bartaan iskuulka, oo uma yaqaanaan afsoomaali wixii aan lahjadooda ahayn, arrintan xitaa dugsiyada quraanka waa sheeko ka dhacda meelaha qaarkood oo waalidiin ku dacwoodeen, dalka norwey macallinku quraan kale ayuu carruurta naga barayaa oo afkayaga kuma baro.
3. Haddii aan isku taxalujino inaan waalidka ka dhaadhicino baahida iyo muhiimadda afka hooyo qaarkood waxay noogu jawaabaan mushaharkaaga ayaad ku ilaashanaysaaye waxabana carruurtaydu meesha kama baranayaan.
4. Maxaan iskuulka ugu dirayaa mid reer hebel aha baa wax ka dhiga baa layiriye, intuu lacag carruuretayda ku heli lahaa yey waxbana ii baranin.
Waalidka:

Maxaan udiraa carruur barashada afka hooyo, 4 sano bay tegeyeen welina may baran, sida waraaq loo qoro ama loo akhriyo.
2.Macallimiintu ma aha kuwo leh aqoontii macallinimo, ee waxaa loo tixgeliyaa inay ku hadlaan af dheenishka, taasina horumar ilmuhu kuma gaari karaan, sidaa awgeed inta dad xirfad uleh shaqada soo doonanayaan carruurtu guriga ha ii joogo.
3. Qaar kalena waxaabay sheegeen in carruurtii cay kasoo barteen iskuulkii iyagoo ku eedeynaya macallimiinta inay haddidaad iyo aflagaado ku baraan carruurta wax.
4. waxaan u haysanaa afka hooyo hadduu cunugu ku hadlo inuusan u baahnayn inuu barto saa waaba yaqaanaaye.

Arrimahaas ayaa ugu waaweyn kuwa aan arkay inay caqabad hortaagan yihiin in aynu uga faa`iideyno carruurta fursaddan qaaliga ah, waxay ila tahay inaan raacno murtidii soomaaliyeed ee ahayd AAN WADA HADALNO WAA AAN HESHIINO taasoo aan ula jeedo aan ka doodno dhibka ubadkeena haysta si aan ugaarno xal, weliba waxaan waalidiinta gaar ahaan usoo jeedinayaa inay xaq u leeyihiin inay u yeedhaan macallinka ubadkooda wax udhiga kalna sheekaystaan wixii dhibaatooyin ah ee haysta ilmahooda una sheegaan waxyaalaha ayan raalida ku ahayn ama ay ku farax sanyihiin inuu helo ubadkoodu.


dood caafimaad qabta oo waxtar leh ilaah ha inooga dhigo

Wabillahi tawfiiq

Said Jama 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tolken

Unrecorded Date
Til. Said "26".


Waxaad soo bandhigtay qoraal "rapport" natusaya dhibaatada ka jirta xagga caruurta , waalidiinta & waliba macalimiinta. Run ahaantii waxaa aad cajiib u ah habka wanaagsan ee aad usoo diyaarisay war bixintaas.

Waxaa kale oo muhiim ah, in aad soo bandhigtay wada hadalkii aad la yeelatay waalidiinta & macalimiinta - taasi macnaheedu waxay tahay in aan halkaa ka ogaanay aragtida & fikrada ay waalidku /macalimiinta taagan yihiin.

Marka hada maadaama nasiib wanaag la soo bandhigay dhibaatooyinkii ay kala tirsanayeen waalidka 1aad (hooyada & aabaha) & kan 2aad (macalimiinta). In ay dhalin doonto doodo wax ku ool ah.

Mahadsanidiin

Tolken

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

said jama 26

Unrecorded Date
Ku: Dhammaan ciddii danaynaysa

ku.Tolken

Salaan qiimo badan iga guddoon, marka xigta waad ku mahadsan tahay jawaabta quruxda badan ee aad soo qortay iyo sida hab samida leh ee aad u soo dhoweysay sidii horumar looga gaadhi lahaa, dhibaatada haysata ubadka soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxaan kugu wargelinayaa, in kaddib markii aan dooddii kasii waday Radio Dalmar Århus sabtidii lasoo dhaafay mar labaad, ra`yigii kaqayb galayaasha doodda uu ku soo gabagaboobey inay lagama maarmaan tahay, in laqabto kullan ay kasoo qayb galaan dhammaan dadka inay wax ka qabtaan arrintan danaynaya, tusaale; waalidiinta, macallimiinta, aqoonyahanada/waxgaradka iyo ururada kajira magaaladan, si loogaadho xal waalidiintuna u helaan fursad in dhammaan bulshadoodu hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, sidii ubadkooda looga horumarin lahaa dhinaca waxbarashada guud ahaan, gaar ahaan barashada afka hooyo iyo dhaqanka iyo taariikhda soomaaliyeed.

Waxaan rajeynayaa in aad dhammaantiin ka soo qayb gashaan kullankaas oo lagu qaban doono Xarrunta dhaqamada caalamiga ee ku taal
Ny Munke gade 13B axadda 13. febraayo 2000 saacadda 14.00 waana dabaqa ugu sareeya.


Waxaan kacodsanayaa dadka soomaaliyeed inay wakhtiga dhawraan, si aan arrinta uga mira dhalino.

Mahad badan

Said Jama 26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
Walaal Siciid;

Waxaan kaa codsaneynaa in aad noo soo gudbisid arimihii ka soo baxey kulankiinii.

Khibradiinu iyo sidaad dhibaatooyinka caruurteena ku heysata magaalada Arhus aad ula dhaqantaan waxey faa'iido aan la koobi karin iyo ku dayasho wanaagsanba u tahay dhamaan dadka daneynaya waxbarida caruurta Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiinba.

Waad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ExDane 16

Monday, September 18, 2000 - 04:08 am
I'LL TELL U ALL WHAT DA PROBLEM IS (OR SHOULD I SAY DA PROBLEMS ARE)

SOMALI KIDZ R USUALLY NOT THAT INTERESTED IN LEARNING IT'S MORE OFTEN THE ISSUE OF DA PARENTS WANTING THEIR KIDZ 2 LEARN DA MOTHER TONGUE (IN FORM OF WRITTING AND READING)

EVERYBODY KNOWS HOW SOMALI KIDZ (IN GENERAL) BEHAVE IN PUBLIC AND TOWARDS TEACHERS WHEN THERE IS A LARGE PROPORTION OF SOMALI KIDZ TOGETHER. THEY ACT AS IF THEY HAVEN'T BEEN TAUGHT RIGHT FROM WRONG EVER.

WHO WANNA TEACH A GROUP OF KIDZ THAT DON'T RESPECT U??? AND AREN'T INTERESTED IN LEARNING???

ANOTHER HUGE PROBLEM IS THAT THE PARENTS OF THESE KIDZ, ARE THE TYPE OF PPL THAT TALK ALOT BUT DOES VERY LITTLE ACTION (IF U KNOW WHAT I MEAN) THEY R SIMPLY NOT WORKING ACTIVELY ENOUGH ON SUBJECTS AS IMPORTANT AS THE LEARNING OF OUR MOTHER TONGUE. THESE PARENTS HAVE THE POSSIBILITY TO SPEAK UP, BUT YET THEY ALL FAIL TO DO SO.

IN A COUNTRY SUCH AS DENMARK THERE'S A NEED 4 COMMUNITIES WHERE OUR PPL CAN GET TOGETHER, SIT DOWN AND DISCUSS THE PROBLEMS THAT THEY FACE, NOT JUST IN EDUCATIONAL MATTERS BUT ALL SORTS OF "EVERYDAY PROBLEMS" THAT THE SOMALI PPL MEET.

BASICALLY THE MAIN IDEA I'M TRYING 2 GET ACROSS IS THAT, WE (SOMALIS) NEED TO STICK TOGETHER, AND MAKE SURE WE ARE HEARD, WHEN WE ARE IN A FOREIGN COUNTRY.
WE SHOULD STOP THE HATRED THAT MANY OF OUR PPL HAVE GOT AGAINST EACH OTHER IN FORM OF TRIBALISM, COZ WHEN WE R ABROAD WE SHOULD ALL B 1 SOMALIS!!!

I GOTTA APOLOGIES FOR WRITTING IN ENGLISH INSTEAD OF SOMALI, BUT I THOUGHT MORE PPL WOULD UNDERSTAND ENGLISH THAN DANISH, EVEN THOUGH IT'S A DANISH MATTER.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasra

Saturday, February 10, 2001 - 09:13 am
asalaamucaleykum.
waan idin salaamey dhamaan waxaase mahad mudan wiilka furey beejkan caruurta iyo danmank,ilmuhu ku nool danmarka ma u maleynaayo in ay helayaan waxbarasho iyo adaabtii islaanimo,yacni haddi ilmaha walidku isku dayo in gurga uu ku barbaariyo baro diinta iyo aqlaaqda islaamka bal waxad fiirisaa in ilmihii bare kale oo gurga ka baxsan leeyahey oo fusuq iyo gaalo ah ilmihii intuu gurga ka maqan yahey kugu cid ma ahin, walaal mida wax barasho anigu waanba arkey ilmaha basic uma dhisaan denishku class waa leyska fadhiyaa ilaa 9 klass markaa baa imtixan la galaa uma maleynayo in ilmeheenu natiijo fiican danmarka ka garayaan alaha wadankeena ha inoo hagaagiyo halkan gaalnimo baa iskuul loogu jiraa, anigu ilmo yaryar baan heystaa jaaniska iigu horeeya waa in denmark aan ka guuro hadaan ilmaheyga horumarkooda ka shaqeynaayo balse hanaan wadan jirin su,aashu waa xageen u sahar tagaa. wa bilaahi towfiiq walalayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-Salah

Monday, March 05, 2001 - 09:23 am
waxaa salaamayaa dhammaan akhyaarta rag iyo dumarba, waxaaan jeclahay inaan aragtidayda ka dhiibto mawduucan isaga ah marka hore waxaan qirayaa in reportka uu sameeyay said uu yahay sida uu u diyaariyey dhibaatada meesha taalaana waxa weeye iyada oo aysan jirin macalimiin hanan kara inay ilmaha jeclaysiiyaan maadadan ay baranayaan ee soomaaliga, waa inay jirtaa sabab u muuqan karta ilmaha inay maadadani tahay mid muhiim u ah hadday muhiim tahayse ilaa intee in leèg ayey muhiim tahay, ma wax waxbarashadiisa Danmark ku xiran baa hadday haa tahay sidee, waxaan dareemayaa in marka hore arinta baaritaan rasmi ah lagu sameeyo maadadu waxay ka dhignaatay carabi iyo diinkii 80tameeyaddii ardaydii soomaaliya iyo wixii kala haystay, ardayga ku baasa carabi iyo diin waa wadaad baanu ku naanaysi jiray ilaa maadadii noqotay mid laga xishoodo, heerkaana inay gaarto asbaabo la garanayo ayaa gaarsiiyey, marka ma laga yaabaa in arrinta soomaaliga Danmark iyo waddamada kale carruurta lagu barayo ay mudan tahay in si fiican cilmi baaris rasmi ah lagu sameeyo mana aha inta shir waalidiin magaalo degan laysugu yeero macalimiintii ay yaqaaneen inay ma gudbayaal yihiin ay isku dayaan inay ka dhaadhiciyaan in barashada af-soomaaligu yahay muqadis iyo wax la mid ah ee arrinta xalkeeddu wuxuu ku jiraa in shir heer qaaradeed ama caalami ah lagu qabto waddanka gudihiisa ama waddamada deriska isla markaana la lafa guro xalka iyo sidii loo baadi goobi lahaa.
Arrinta kale oo aan jeclahay inaan doodayda ku darsado waxa weeye soomaalidu waxay tiraahdaa "kor waayeel waa wada indho" waxaan uga danleeyahay ma u malaynayo inuu jiro waalid ilmihiisa waxbarasho ka af-qabanaya oo nina korkiisa biya kama hagrado, laakiin malaga yaabaa in waxa waalidka didiyey inuu yahay mid ka yimi macalin ku sheegii oo aan dabaylka laga mari karayn ama haba yaraatee aan bulshada uu ku dhex nool yahay wax sharaf ah ku dhex lahayn oo wixii rabbi xaaraantinemeeyey xalaalsaday isla markaasna af-soomaali ku hadlaya kaas annigu nin baan ahayoo ilma aan dhalay iska daaye mid aan aqaan uma ogolaadeen inuu is hortaago, dooda waxaan ku celinayaa Said oo aan ku leeyahay ku noqo macalimiintii oo bal iyaga wax ka baarbaar ,dood celmiyeedka aan tilmaamayna waa muhiim.


Waad ku mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahad

Tuesday, March 06, 2001 - 08:55 pm
waxaan dhamaan mahad u soo jeedinayaa dadweynaha soomaaliyeed oo isku mashquuliyay arimaha noocaan oo kale ah meelkasta oo ay joogaanba,gaar ahaan dadka halkaan ku falanqeeyay dhiibtayna aragtidooda, waxaanse mahad gaar ah usoo jeedinayaa SAID, oo isagu si aad ah isugu taxalujiyay sida warbixintiisa ka muuqataba.

Waxaan umaleynayaa in maanta uusan daah naga saarnayn dhibaatooyinka soo foolsaaraya dadka soomaaliyeed ee ku kala sugan dunida meelkastaba ha ahaatee, caruur iyo cirooleba, maxaa yeelay ma nihin dad si kalsooni buuxda ah ku doodi kara inaan wadankii ku noqon karno iyadoon wax walwal ah uusan nagu jirin xag nabadeed iyo xag nololeedba, anagoo taas niyada ku hayno ayaa waxaa inoo dheer dhibaatooyinka naga haysta qurbaha,khaasatan caruunt oo ah mowduuca aan meesha uga hadlayno.
waxaan anigu qabaa in aanu qaadnay talaabadii ugu horeysay oo wax ka badali laheyd horumarinta caruurta dibadaha ku nool,taasoo ah ka wada hadalka iyo ra'yi isdhaafsiga goobtan iyo meelihii kaleba,
dhibaatootinkan kuma koobna oo kaliya LUUQADA barashadeeda, waxaan joobjoog u ahaa waalid laga qaaday caruurtiis kadib markii ay caruurtu ka dhacwoodeen dhibaatooyinka uu waalidkood ku hayo iyo xoriyad yarida ay ku haystaan guryahooda, oo markaana caruurtii Foster homes iyo gaalo gacanta loo galiyey.
markaa hadii aan usoo noqdo xalka arintan, waxaan oran lahaa soomaali waxay tiraahdaa SIDEE XEERO LAGU XAGTAA ILKANA AY KU NABAD GALAAN, iyadoo aan ula jeedo sidee ugu fiican oo aa caruurtii u barbaarinaa iyadoo xaaladu aysan noo saamaxeynin.
Dulqaad : u dulqaado wax kasta oo kusoo wajihi kara adigoo eegaaya danta ilmahaaga.
Dadaal: ha ka gaabin inaad la socoto xaalada cunugaaga xag walbaba,
calool fiyoow: la tasho soomaalida iyo ururada isku dayaya inay wax u qabtaan dadweynaha soomaaliyeed adigoonan u eegeen reerhebel, ninkii dhibaato gaar ah watana ilaah ku daa way kunoqone
waxaa loobaahan yahay waalidiinta inay xil adag iska saaraan lasocodka xaalada caruurtooda, waa run caruurteena inay ka midyihiin kuwa sida gaarka ah looga hadlo dhaqan xumadooda iyo waxbarad yaraantooda, taasna waxaa aas aas u ah waalidka oo aan dadaal iska saarin la socodka caruurta,
macalimiinta soomaalida ah ee fursada u heshay inay wax baraan caruurta soomaalida sedexsaac wiigii haba ahaatee sida uu sicid noo sheegayba wax u faaiidee una bar sidii adigoo kuwo aad dhashay wax u bari lahaa oo kale, hana noqonina siduu walaalkeen kor ku xusay oo kale, waana macquul in ay jiraan.
arinata ugu muhiimsan ee aan halkaan kaga tagaayo waxa weeye ilaah aanimkiisaa awood lagu yeeshaa.
allaha awooda leh na inala garab galo, ha inaga saarona dhibaatooyinka naga nixinaayo.

waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QASAAYE

Tuesday, March 27, 2001 - 03:46 am
Waryaahee isaga tak meesha caruur aad caqliga ka xado majoogaane oo hore ayaa laguu sheegay inaad ka mid tahay afarta tuug ee dagan Århus.
By:Waalidiinta

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.