site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAYDII DHAKHTARKA CARUURTA!!.

SomaliNet Forum (Archive): Somali Children - Caruurta: WAYDII DHAKHTARKA CARUURTA!!.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Gurey

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin uguhoreyn,

waxaa laga yaabaa in aad hooyo,aabe,awoowe ama ayeeya tahay,
waxaase hubaala in aad eedo ama adeer tahay,oon ubadka korintiisu sina kaaga fogeyn,
markaa haddii ay jiraan waxyaabo aad rabi lahayd in aad ogaato kuna saabsan caafimaadka
ilmaha ama cuduradooda,
waxaan kugu soo dhaweynayaa in aad weydiiso anigoo kaa balanqaadaya in aan
kaaga warceliyo intii karaankey ah.
waxaad kaloo igala soo xiriiri kartaa
e-mailka kore.

mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MA JIIFTE

Monday, July 31, 2000 - 10:36 am
WAXAAN KU SU'AALAY ADIGA OO IGA RAALI NOQONAAYA AQOON MA U LEEDAHAY OO CILMIYAN AH LAMA RABO WAYAARAGNIMO AMA INAAD TOKHTAR GUUD...
WAXAAN KU SU'AALAY ANIGA OO KA SOO QAADANAYA INAAD TAHAY TAKHTAR CARUURED WAXAAN LEEYAHAY GABADH YAR OO 5 JIR AH HABEEN WALBA WAAY QARAWDAA OO SARIIRTA AYEEY OROD IYO QEYLO OOGA SOO DEGTAA MAXAAN KU SAMEYNAA ?
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr. Gurey

Saturday, August 26, 2000 - 04:47 am
Majiifte waad salamantahay,

Dhibaatada aad iisheegtay waxaa layiraahdaa salal waana wax ku dhaca ilmo aad utira badan,waxaa lagula kulmaa sida badan ubadka da'doodu udhaxayso 3-6 sano.

Dhibaatadani waxay ku timaadaa sababo badan oo waxa dhamaantood isku xiraa ay tahay baqdinta ilmaha gasha,waxaa kamida akhriska sheekooyin ama daawashada filimada cabsidu ku jirto,ilmaha oo goob joog unoqdo dhacdooyin dagaaleed oo cabsi kubeera amaba isaga oo ladilo iyo kuwo kale.

Waxaa lagu gartaa ilmaha oo habeenka saacadihiisa dambe sariirta kasoo kaca isaga oon sifiican utoosin wali oon la oran karin waa soo jeedaa.

Markaa wajigiisa waxaa kamuuqata cabsi aad uweyn, sida badana waa ooyaa ama qayliyaa, waxaana laga yaabaa in uu kaco oo socod isku dayo taasoo keeni kart in uu isdhaawoco maadama uusan soo jeedin oo hurdadii wali kujirto.Subixiina wixii xalay dhacay ina kama xasuusto.

Dhibaatadan sida badan markaa cudur maaha, ee waa cabsi maadaama caruurta da'daasihi ay dadka waaweyn kaga duwanyihiin iyagoo wax kasta run uqaata oon wali gaarin in ay kala duwaan waxa loosheegay ama uu daawaday iyo dhabta.

Sidee loo daweeyaa? Waxaa lagu daweeyaa iyada oo ilmaha laga fogeeyo sababaha keena iyo in loo sheego loogana sheekeeyo sheekooyin nooc kale ah oon cabsi lahay.Maalintiina waa in looga sheekeeya sida aan dhibaato iyo cabsi midna ujirin, loona cadeeyaa in filinka ama sheekadu tahay wax aan dhab ahayn.

Waxaa aad umuhiim ah in ilmaha meesha uu seexdo laga badalo oo ayaamo loo ogolaado in uu waaridkii laseexdo si uu u hilmaamo dhacdooyinkaa uguna dago.Waxaa kaloo jira in ubadka badankoodu(90%) ay ka koraan ooy ka fayoobaadaan dhibaatadan.

Waxaa iyana jira daawooyin lasiiyo ilmaha oo iyana dajiya hurdadiisana wanaajiya,kuwaas oo ay tahay in ilmaha takhtar arko dabadeedna uqoro.
Markaa Majiifte waxaad samaysaa talabooyinkan aan kor ku xusay,una tag takhtar caruureer,haddii aad heli karto. Hana walwalin ee la soco in aan tani cudur ahayn.

Mahadasanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 14, 2000 - 08:03 pm
To Dr Gurey
By Anonymous
horta umalaynmaayo inaan dhaqtarnimo waxkaogtahay waayo su,aasha uu ku waydiiyay majiifte ee uguhoraysay qoraalkiisa ayaad kajawaabi lahayd marka labaad anaga oo aan dhaqtarnimo sheeganaynin ayaa fahmi karna waxa salalka ama qarowga keeni kara taasoo ah cabsida qofka gasha ama qofyar ha,ahaado ama qofwayne iyo dilka ladilo ilmahayar markaa walaalow waxaan umaleeyay inaad tahay cadow loo soodiray soomaalida waayo hadii aad tahay Dr naguma aadan waaniseen inaan dhaqtarka intaan tagno daawo laguseexiyo ilmahayar ugasooqaadno maxaad ilmahaya danihiisa ugaseexinaysaa daawada wadamadan shisheeye taala ee dadka laguseexiyo cuqdad ayaanba kaqabaa oo dadka waasha ayaa laguqaboojiyaa waanba naxay oo waxaan mooday inaan ubadkayga seexiyay oo aan daawadaa siiyay waykala jiraan daawooyinka oo wayjiraan kuwa dadka nasiino siinaya laakiin hadii gaaladan loo tago oo laguyiraahda ilmahan habeenkii sariirta ayuu kaboodaa isagoo qaylinaya waxay uqaadanayaan ilmo waashay sidaa la,adligeed waxay siinayaan daawada aan korkuxusay eedadka waalan lagudajiyo markaa walaal waxaan kulasocodsiinayaa inay ciyaalkuy iskood uhurdo badanyihiin ayna ubaahnayn kaniin siiseexiya ee wixii kusoo diray kaniinka kuseexi iyo waxa kaaqata arinkaas adigaase ku fiican in lagusiiyo
by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MA JIIFTE

Monday, October 30, 2000 - 11:55 am
DR GUREY AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY TALADA AAD I SIISAY LAAKIN WAA VERY SIMPLE OO WAXAAD U KAASHATAY WAAYO ARAGNIMO LAAKIN TALO TAKHTARNIMO FARO KUMA HEYSID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.J

Thursday, November 09, 2000 - 07:33 am
MAJIIFTE

walaal waad salaaman tahay ugu horeyntii ma ahi
DOCTOR laakiin waxaan kuu sheegi lahaa in horta ilaahay kuu caafiyo gabadhaada yar.

Tan kale saaxiib marka ay seexanayso ku aqri QUR'AAN sida
suradaha. IQLAAS, FALAQ, IYO AL NAAS
AYATUL KURSIGA. 2da aayadood ee ugu danbeeya AL BAQARA........DFK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CANAB

Saturday, April 07, 2001 - 12:29 pm
DR GUREY WAXAAN KU SU'AALAY WAXAAN LEEYAHAY ALLAHA II DHAAFE WIIL YAR SANAD IYO BAR JIRA AAD IYO AAD AYUU U QUURIYA MARARKA QAARKOODNA NEEFTA AYAA KU CESHOONTA AMA DHIBTA MARKA XIGANA HERGAB KAMA BAXO OO DIIF AYAA KA SOCDA ILA IYO INTUU DHASHAY.
WAXAAN TUSAY DHAKTAR WUXUU IGU YIRI WAA IN LA QALAA GOORTUU GAARO 4SANO MA RUNBA IYO MAXAAN KU SAMEYN KARAA ?
WIILKA CAFIMAADKIISA KALE WAA OKY ALXAMDULILLAHI LAAKIN WAXAA MUCJISO AH QOF AAN QABIN HERGAB HADDANA DIIF KA SOCDO...

MAHAD SANID

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.