site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALBANI IYO DHIBAATOOYINKII UU U GAYSTAY MUSLIMIINTA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): ALBANI IYO DHIBAATOOYINKII UU U GAYSTAY MUSLIMIINTA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustafa

Wednesday, October 25, 2000 - 09:32 pm
Walaalayaal waxaan bogan ku falaqayn doonaa

ALBANI IYO DHIBAATOOYINKII UU U GAYSTAY MUSLIMIINTA. Waxaana mowduucyada aan ku falaqayn doono ka mid ahaan doona; 1-siduu ugu ciyaaray kutubadii islaamka,2-sida khaldan ee uu u tarjumay diiinta islaamka, isagoo sheeganaya in diinta gaar ahaan xadiiska hadda la fahmay.3-iyo ragii uu lacagta siin jiray dhibaatooyinkii ay u gaysteen umada somaliyeed iyo arimo kale oo badan.
In muslimiinta loo sheego bur-burka la gaarsiiyey welina lugu hayo diinta islaamka wax waajib, gaar ahaanna waxay ku waajibtay ragga cilmiga yaqaana. Waxaana filayaa inay bogan qayb wayn ka qaadan doonaan.

Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Thursday, October 26, 2000 - 12:01 am
Yaa qeyb weyn ka qaadanaaya dulmigaaga oo aad rabtaa inuu halagsamo dadna halaago?. Meeshaan qofka kula wada inuu adigoo kale yahay ama inuu kaasii daran yahay yey noqon doontaa. Dulmiga markaan wuxuu noqdey mid leysugu habar wacdo. Albani islaam wuxuu taro maahane waxba umuusan dhimmin. Cilmiga musdhalaxal xaddiiskana baro iyo wixii la xiriira markaa ka dood haddaad rabto kitaabkuu wax ka beddeley.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najiib

Thursday, October 26, 2000 - 12:01 am
Salaamu Calaykum dhamaantiin.
Mustafow ogow waxaad hortagaysaa Ilaahay waxaa lagu waydiinayaa wixii aad samaysay kii sii yaraa iyo kiisisi waynaa ,waxaad ilaahay hortagi adiga oo iska daa xisbigaaga ama asxaabtaadee aanu aabahaa waxba kuu tarayn,hadaba waxaad qoraysid ama ku hadlaysid si fiican uga fiirso!!!!
Anigu waan kuu naseexaynayaa waayo muslimiintu waxay isku leeyihiin naseexo,ma ku caayayo mana kula doodayo,waayo inaasuba waxba ma tarto waana waxa asaageen inag reebay hadaan soomaali nahay.
Sheekh Naasaradiin Albaani Ilaahay Naxariistii Jano ha siiyo dambigiisana ha dhaafo isaga iyo culumada islaamka ee geeriyooday oo islaamka waxbadan u qabtay.
Mustafow ninkii tagay wuu tagay camalkiisii ayuuna la kulmay,waxay hawli haysaa dadkeenan nool,ee wax matarayaasha ah .
Hadii ay jiraan waxaad haysid oo aad ku eedaynaysid oo aad cadayn u haysid sheeg ,hadii kale mustafow iskal ilaali awliyada Ilaahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Thursday, October 26, 2000 - 12:36 am
ASALAAMU CALAYKUM...
hadal badan dhihi maayo maxaa yeelay
walaalihii iga horeeyey ayaa kuu nasteexeeyey
laakiin waxaan ku leeyahay mustafow tan shikkh
albaani inta aad iska daysid taada xali..
maxaa yeelay naf walbaa wixii ay ksbato
ayey alaheed la hortagi,,
marka shiikh albaani diinta waxa uu u qabtay waa
lagaranayaa..
taas inta aad naga daysid noo sheeg wax dani noogu jirto
aduun iyo aakhari.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hakim

Thursday, October 26, 2000 - 01:48 am
Salaam,

Mustafa;

Marka hore wax soo baro, kadibna bal markaa ka hadal in aad wax saxdid. Diinta ma waxaad moodey labo warqadood ama cajaladood ama muxaadaro oo la qaato? WAAR DIINTA BARO!!! Albaani Diina waxba uma dhimine AFKAAGA KA LEEXI....JAAHILYOW!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, October 26, 2000 - 03:01 am
mustafe


waxan umalaynayaa inaad tahay ninkii ahaa

:::::::::::::::::ibnu xuzni:::::::::::::::::::


waxan kuleeyayahay albaani maanta wax aad kaqaadi kartid malehe naftaada unax waayo umada intooda badan kutubtiisa way wada aqbaleen wayna ka faa'iidaystaan marka sidaa wax kaga qadi mayside naftaada unax waxa laga yaabaa inaad nin jaahil ah tahay oo aan arinkan si'ula kac ah adoo garanaya inaad qaldan tahay ugalay

waxa la'arkaa inaad fikirkan aad maanta aaminsantahay kanoqoto hadhowna aad soo xasuusato walaaladan ku nasteexaynaya halkan

waayo waxan siwaqic ah u aragnay ragbadan oo arini si ula muuqatay hadana iskaga noqday sida

al-ashcari

alrraaziiiii

alqazaaliiiii

iyo raga lamidka ah

lakiin ragu waxay isku dhamaan nina wuu isfadeexeeyaa sidaadan oo kale oo hadhow marku kasoo noqdo fikirkii wayku adkaataa siduu dib ugu sixi lahaa khaladkii kadhacay nina afkiisa iska gaaban oo hadhow waysahlanataa taraajuciisu waayo wixisu way u qarsonaayeen


hadaba iskaadso oo jabalkaas waxba kama qaadi kartide naftaada unax
waxad lamid tahay sida ninkii uu shaacirkii ku yidhi(KANAADIXIN SAKHRATAN YOWMAL LIYUUHINHAA=======FALAM YUUHINHAA WA AWHAA QARNAHUL WACILUUU)

waxan aad qoraysana iska jir si'aadan hadhow u qoomamayn oo ku xisaabtan in lagu waydiin doono waxan aad qorayso

waraximalaahu manqaal(WAMAA MIN KAATIBIN ILAAA SAYAFNAA:::::::WAYUBQI DAHRU MAA KATABAT YADAAHUU::::::::FALAA TAKTUB BIKHADHIKA QAYRA SHAY'IN ::::::::YASURRUKA FILQIYAAMATI ANTARAAHUU)

WAA IGA NASTEEXO
ALLAANA IIGA MAKHRAATI AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umasmaa

Thursday, October 26, 2000 - 03:31 am
asalaamu calaykum.

Mustafe!!!

horta walaalihii iga horeeyey ayaa runtii kuu sheegay waxaanse ku leeyahay ogow inaad adigu naftaada DULMIYEYSO.
waxaan ku dhaartay Ilaahay e inaanan baryahaa u xanaaqin sidaan u xanaaqay markaan akhristay qoraalkaagii akhlaaqxumada,dulmiga,iyo JAAHILNIMADU KA MUUQATAY!!!!

ma maskaxda ayaad ka jirantahay,

waxaan ka jecenahay Sh.Al-Baani inbadan oo khasaare mooyee aan faaiido naftooda iyo ummada inteeda kale u lahayn OOD ADIGU UGU HORAYSO.
JAAHIL FOWQAL JAAHIL

WAXAAN KU LEEYAHAY JARIIMADA INTAA LE`EG INAAD SHEEKHAYAGA AFLAGAADAYSO HADAY ISLAAMNIMADU KAA DHAB TAHAY TOOBAD KEEN INTAANAD ADIGOO DALIIL AH OO NOOCAAS AH ILAAHAY HOR TAGIN.

JAAHILNIMADU WAA CUDUR AAD U QOTO DHEER.SUBXAANAL-LAAH!!!!!.

LABADA QOLO EE UU ILAAHAY (SW)U DIYAARIYEY DAGAAL UU KULA JIRO MIDI WAA QOFKA RIBADA ISTICMAALA,KA KAKALENA WAA KA COLAAD IYO DULMI XAQDARO AH KU SAMEEYA AWLIYADA ILAAHAY.
AWLIYADUNA WAA KUWUU ALAAH NOO SHEEGAY SIFADOODA.

MABA ISTAAHISHID IN INTAA LAGULA HADLO.

TO WALAALAHA KALE EE ILAAHAY UGU NICMEEYEY FAHAMKA SAXIIXA AH EE DIINTEENA DAAHIRKA AH.
PLEASE HA U JAWAABINA DADKANA UGA DIGA NINKAAS IYO PAGE KA UU FURTAY!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Thursday, October 26, 2000 - 08:21 am
asalaamu calaykum///

aad baad u mahadsantahay
walaashay UMU-ASMAA
wasalaamu calaykum/////

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, October 26, 2000 - 12:52 pm
TO: mustafa
assalaamu caleeykum.
walaal waxaan aad u jeclaan lahaa inaad si cilmiyeeysan noogu sheegtaan kutubta iyo axaadiista uu badalay ama ku ciyaaray al-baani
iyo wahaabiyada kaleba.adiga iyo walaalaha
cimiga u leh diinta islaamka.

walaalaha kalana waxaan kula talin lahaa, inaan
meesha layku xagxagan,lana isku caayin ee cilmi lakala faa'iidaaysto,
wasalaamu caleeykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 26, 2000 - 04:57 pm
TALO BEELE MA CAYDA SHUYUUKHDA IYO KUWII NOO XAMBAARAY DHAXALKII ANBIYADA AYAANU CILMI WAYDIINAA ADIGAABAN KADHICIN NINKA MUSLIM ISKU QORAY MAGACIISOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOW
JAAHILKAN DABIIB DABIIBKUNA WAA INUU CILMIGA OO ALBIGA KA SAARA KHAASAIDNIMADA IYO JAAHILNIMADAA BARA HALKANA WAANU UGA DIGAYNAA KUWA NUURKA DIINTA KU IFTIIMSADA MEESHAY MARAYAAAAAAAAAAAAAAAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, October 26, 2000 - 06:38 pm
TO: anonymous
walaal maxay tahay seef labood nimadaan:?
anagu uma aanan imaan bogaan aflagaado,laakiin haday jirto in al-baani iyo kuwo lamida kutubtii iyo axaadiistii,aimada muslimiinta ahi qoreen ay badaleen. mawaysan ahayn in xaqa dadka loo sheego,qofkii cilmi u leh.???????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu salman

Thursday, October 26, 2000 - 07:13 pm
To musdafa
Imaamu thahabi ayaa wuxuu ku qoray kitaabkiisa Ictidaalulmiizaan marka uu ka hadlayo IImaamkii jaliilka ahaa Caliyi ibnu madiiniin oo uu ka fu jinaayay cuqayli oo ku sheegay in uu daciif yahay . waxa uuna yiri hadal uu macnihiisu yahay cuqayliyoow mataqaanaa naftaadu qofka ay ka hadlayso. Markalena wuxuu kuyiri kitaabkiisa (SIYARKA)asagoo ka hadlaya IImaamu shaafici kana fujinaya Imaamkii kale Yaxya ibnu maciin, waxa uu yiri (Yaxyoow dhibi maysid ilaa naftaada mooyaane)
hada musdafoow akhyaarta iga horaysay iyo iimaamu thahabi ayaa kula hadlay, waxaanse ku oranlahaa hadii Sh. Albaani diin khalday ama uu kuciyaaray diinta ayaa ka wayn sheekha ee sheeg meesha aad saxaysid; hadiise aad shiikha ku haysatid xaqa iyo manhajka saxiixa ah markaad dhamaysid caydiisa ma nabiga(CSW)ayaa ku xigi doona oo halkaan lagu falanqaydoonaa khaldaadkiisa.
waxaan kaa sugaa markaad Nabi maxamed(CSW) aad noo furto baabkiisa.
Wasalaamu calaykum
F.G
Dhamaan walaalaha kale rag iyo dumarba Allaah ha idinka abaal mariyo qoraaladiina marka laga reebo Muslim isiga Alle ha danbi dhaafo hana tuso xaqa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 26, 2000 - 07:20 pm
TO:MUSTAFE ATAATOOR:
ugu horayn hadii aad sidaan ku sii socoto oo aadan iska daynin inaad afkaaga qurmoon aadan culimada ka daynin ku bishaarayso inaadan allaah kala kulmin illaa wax ku murug galiya maahane,waxaanan ku xasuusin lahaa hadiithkii nebiga s.c.w ee macnihiisu ahaa[KUWA CARABKA KA SHEEGANAYA IIMAANKOOW,OO UUSAN QALBIGOODA GALIN IIMAANKU,MUSLIMIINTA CARABKIINA HAKU DHIBINA].

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, October 27, 2000 - 12:51 am
To mustafa
assalaamu calaykum
marka hore waxaan aad ugu mahad noqoyaa walaalahay oo sida wanaagsan uga nasteexeeyay walaalkay mustafe marka xiga oronmaayo hadal badan ee waxaan leeyahay walaalkay mustafe walaalow culimada dhiigooda iyo cirdigooda waa sun ee iska ilaali walaalow, intaas ayaan kugu kordhinaayaa hadalada walaalahay.
wassalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Friday, October 27, 2000 - 05:29 am
Asalamu Calaykum.

Waxaan ku mahdinayaa allaha awooda leh marka hore marka xigtana walaalaha u jawaabay Mustaf, waxaan ku su'aalayaa inta culumo dunida joogto oo Sh. Albaani(Raximahulaah) tigalinayey, oon weli wax qalad ah ka dhihin madaa ka cilmi batay?
Mida kale xageed cilmiga kusoo baratay aad ku keentay inaad dhahdo culumada casriga oo dhan waan ka cilmi badanahay, maxaa yeelay culumada casrigan joogo aad ayey u tixgaliyaan Sh. Albaani(RL)?
Walaalow inta gooru goor tahay qaado walaalaha kale taladood, runtii markii aan arkay cinwaankan aad ayaan uga naxay oon u carooday, waxaanse dagay markii aan arkay walaalaha kale ee kuu jawaabay, allaha kheyr siiyee, mida kale hadii aad xiiseyneyso aqri su'aal hada ka hor laga weydiiyey Sh. Shariif Cabdi Nur(Xafidahu Laah), nin wax ka sheegay Sh. Albaani(RL). meesha ay ku taal (Somalinet + Axmed).

Walaalaha u jawaabay ninkan allaha kheyr idin siiyo.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umsoomaal!

Friday, October 27, 2000 - 07:01 am
walaalaha nuurka ALAAH siiyey ee jaahilkan arkay waxaan idinku salaamayaa taxiyatal ISLAAM>

Waxaan idin xasuusinayaa aayadii ku jirtay SUURATU FURQAAN"CIBAADU-RAXMAANKU WAAKUWA MARKAY JAAHILIINTA LAKULMAAN KU YIDHAA KALIYA NABADEEEEEEEEEY"

HADABA WALAALAYAAL ILAAHAY CIDHIBTEENA DIB INOOGUMA CELIYO HANA INA SUGO NOOCAANA NABADEEEEEEY AYAANU LEENAHAY HADUU RAGANIMO IYO WAX CAD OO ISKU DIFAACO HAYSTO HA ISKEENO MEELAHA AY JOOGAAN SUUBANAYAASHA SAALIXIINTA AH EE KU DHAQMA MANHAJKII SALAFKII SAALAXA AHAA.
ANIGU WAXAAN ISIDHI WAA NOOCA HADUU UGU YARYAHAY QAYILA HADII KALENA WAX UUN MAANDOORIYA AH ISTICMAALA WAAYO MASKAX FAYOW OO SIDAA CULIMADA ILAAHAY NOOGU NICMEEYEY U AFLAGAADEEYA MAANU ARAG

JAAHILOOOW WAXAAD U BAAHAN TAHAY GURMAD DEGDEGA EE TOWBAD IYO ISTIQFAAR U DEGDEG OO MARDAMBE HA SOO QAADIN CULIMADA AYAANU AFKU KU MAROORSAMINE!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umsoomaal!

Friday, October 27, 2000 - 07:02 am
walaalaha nuurka ALAAH siiyey ee jaahilkan arkay waxaan idinku salaamayaa taxiyatal ISLAAM>

Waxaan idin xasuusinayaa aayadii ku jirtay SUURATU FURQAAN"CIBAADU-RAXMAANKU WAAKUWA MARKAY JAAHILIINTA LAKULMAAN KU YIDHAA KALIYA NABADEEEEEEEEEY"

HADABA WALAALAYAAL ILAAHAY CIDHIBTEENA DIB INOOGUMA CELIYO HANA INA SUGO NOOCAANA NABADEEEEEEY AYAANU LEENAHAY HADUU RAGANIMO IYO WAX CAD OO ISKU DIFAACO HAYSTO HA ISKEENO MEELAHA AY JOOGAAN SUUBANAYAASHA SAALIXIINTA AH EE KU DHAQMA MANHAJKII SALAFKII SAALAXA AHAA.
ANIGU WAXAAN ISIDHI WAA NOOCA HADUU UGU YARYAHAY QAYILA HADII KALENA WAX UUN MAANDOORIYA AH ISTICMAALA WAAYO MASKAX FAYOW OO SIDAA CULIMADA ILAAHAY NOOGU NICMEEYEY U AFLAGAADEEYA MAANU ARAG

JAAHILOOOW WAXAAD U BAAHAN TAHAY GURMAD DEGDEGA EE TOWBAD IYO ISTIQFAAR U DEGDEG OO MARDAMBE HA SOO QAADIN CULIMADA AYAANU AFKU KU MAROORSAMINE!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Friday, October 27, 2000 - 07:14 am
asalaamu calaykum...
waxaan arkaa ilaa hada in uu san hadlin mustafe
waxaa laga yaabaa in uu qaatay nasteexada walaalihiis
waxaan ka codsanayaa walaalaha marka qof loo nasteeexaynayo BIL XIKMAH in loogu nasteexeeyo
taas hadii laga tago oo aflagaado la damco in wax lagu
cilaajiyo waxaa dhici karta is difaac in uu meeshii yimaado,,,
waa dariiqii rasuulka s.c.w. XIKMADU..
WALAALKEEN FUSTAFE KHAYR AYAAN LA JECEL NAHAY
CID UU WAX U DHIMAYO MA JORTO AAN ISAGA NAFTIISA AHAYN
SHIIKH AL-BAANI RAXIMAHULAAHU TACAALAA..
SIDAAN RAJAYNAYNO KHAYRKII UU SHAQAYSTAY AYUU RABIGIIS KULA KULMAYAA....ALLENA ADOOMADIISA MA DULMIYO...

MARKA NAFTEENA INAGU AAN BAD-BAADINO WALAALAYAALOOW
ALAAH AAN KABAQNO OO AAKHIRO XASUUSANO MAALIN AAN MAAL IYO AHAL UUSAN WAXBA INOO TARAYN..
TAAS AYAA IGA TALO AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, October 27, 2000 - 11:20 am
AAWW

To Mustafe:

Walaal waxaa iga naseexa ah in hadii aad mas'ala cilmiya aad hayso oo aad doonayso in aad sheegto si cilmiyaysan u soo bandhig.Waxaan fili hadii aad sidaa yeesho in aan malaa habaarka badan iyo hujuumka badan ee kugu dhacay aanu kugu dhici lahayn.Aragtidaaduna waxa ay noqon lahayd aragti cilmiyaysan oo laga doodi karo.Waxaana markasata fiican marka laga doodayo mas'aaisha cilmiga ah in aad nuqdadaada abaarto.Taasi waxa ay keenaysaa in mawduuca lagu sugnaado aanu yaraado hujuumka shaqsiga ahi.

To :All other brothers and sisters

Marka hore way fiicantahay in wixii qalada in la bidhaamiyo.Laakiin malaa sixida qaladku waxa ay u baahantahay edaab in la raaco ay tahay.Hadii markasta oo aad aragtaan qaladba aad dagaal qaadaan waxa ay keeni in qofka kalena uu isna is difaaco taasina waxa ay lumin hadafkii laga lahaa dooda oo ahayd in la isa saxo.Waxa aanay keeni in doodu ay inala tagto is xagxagasho iyo is aflagaadayn laga fiicanyahay in lagu arko dadka ehlu diinka sheeganaya.

Mida kale meeshan lagu doodayaa waa meel public ah waxaana akhrista doodaha halkan lagu soo bandhigayo cid kasta.Hadii malaa dad aan diinba ku xidhnayan ay akhriyaan hujuumka ka dhexeeya qolooyinkan ehlu diinkana waxaan ka biqi in ay ka fogaadaanba wixii ehlu diin sheegan.Markaa waxaan odhan lahaa hadii mawduuc laga niqaashayo niqaashku ha noqdo noqaash cilmiyaysan.Hadii kale waxaan ka biqi in manhajka la sheeganayo bal dib loogu noqdo loona fiirsado halka uu ka joogo manhajkii nabiga (CSW).

Amaa arinta Sh.Albaani ilaahay ha u naxariisto kolayba ilaahay buu hortagay oo wixii uu shaqaysaty maanta waa uuu la kulmay.
Labada qole ee qolana raacsantahy sheekha qolayan laga yaabo in ay naqdiyaan anu waxaan kula talin lahaa qolada raacsan sheekha ee difaacaysaa in aanay moodin sheekhu in mas'alad cilmiya oo uu ku khldamay jirin waxa uu ahaa sheekhu qof bani aadmiya waxa macsuumana Nabi Maxamad uun baa jiray markaa hadii la xuso mas'alada sheekhu uu si u yidhi lagana yaabo in lagaga saxsanyahay ha la qaato amba la difaaco laakin loo difaaco si cilmiyaysan.

Qollyinka ka soo horjeedana waxaan odhan lahaa hdii aad haysaan masaa'il cilmiya soo bandhiga iskan dhaafa in aad sheekhaa ilaahiisi hortagay aad shakhsiyadiisa iyo diintiisa wax ka sheegtaan.Hadii aad rabtaan in aad ka niqaashtaan masaa'il uu sheekhu meel ka istaagay idinka ama culimada kalana ay daraf ka joogaan soo bandhiga.

Waad mahadsantihin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Friday, October 27, 2000 - 11:53 am
Asalaamu caleeykum.

Waxaa wax laga xumaado ah in ay maanta quruntay meeshii diinta loo soo raadsan jiray. Iyago ay shabaabkii ku mashquuleen dadka wax garadka u ahaa(culimada). Ilaa laga soo bilaabo Ashiid Xasanul Banna, Sayid Qutub, Abu aclaa moowduudi, ilaa maanta laga soo gaaro Al Calaama Sh. Albaani,,, waan ka xumahay.

Mar aan la kulmay gabar aan wax wada baran jirnay oo hadda JAAMACAD dhigato, ayaa i weeydiisatay, bal inaa siiyo cinwaano INTERNET ka oo ay ka akhrisato ISLAAMKA. Wax aan sameeyo ayaa garan waayay anigo aan rabin in ay waxaan akhrisato.

Markii dambe ayaan siiyay ISLAAM ONLINE oo ingiriis ah. Marka waxaan ula jeedaa mujtamaca muslimka wuu inagu wareeraaya HADDII ay arkaan waxaan oo kale. waa AAFO ku habsatay shacabka keena. Ee ILAAHOOW yaan sabab u noqonin in aan ka didiyo DIINTAAN dadka u OOMAN!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustafa

Friday, October 27, 2000 - 07:18 pm
SKANDANEEFIYA
Walaal ugu horayntii waad salaamantahay, salaanta islaamka. Sababta aan kuugu soo jawaabay waxay tahay waxaad noqotay ninka keliya ee mudan in lala munaaqishoodo,maxaa yeelay raga intooda kale waxay weli qaadi kari la'yihiin buugtii salafiyada. Ilaa ay iska kala yareeyaanna ma mudna wax waqti la'isaga lumiyo. Waxaan kugu raacsanahay in umadeenna balaayo xagga diinta ahi ku habsatay, waana sababtaas arinta keentay inaan furo bogan bal si cudurkaas ragan sidaad aragtay u gelaya daawo loogu helo. Ka dib marka isaga la baaro oo la ogaado wuxuu cudurku yahay. Haddii maanta xasan al-banaa uu noolaan lahaa isagaa cudurka si sahlan noogu sheegi lahaa, laakiin nasiib darro anagaa maanta nalaga rabaa inaan baarno oo aan daawayno. Waana arrin dhib badan ee Ilaahay ha nugu guulaysiiyo. (AAMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 08:08 pm
sababta aan kuugu soo jawaabay waxay tahay waxaad noqotay ninka kaliya ee mudan in lala munaaqishoodo,maxaa yeelay raga intooda kale waxay weli qaadi la'yihiin buugtii salafiyada ilaa ay iska kala yareeyaana ma mudna wax waqti la isaga lumiyo!!!!!MISKIIN.
1)MAWAXAAD HAYSAA WAX DHAAMA AMA KA FIICAN BUUGTII SALAFKA
2)KULU KHAYRIN FII ITBAACI MANSALAF,WAFII KULI SHARRIN FIBTIFAACI MANKHALAF
3)MISE WAXAAD TAHAY MASAAKIINTII ORAN JIRTAY [CILMU SALAFI ASLAM,WA CILMU KHALAF ACLAM WA AXKAM!!!!MASAAKIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Friday, October 27, 2000 - 08:38 pm
Mustaffe.

Aniga waan kaa naxayaa walaal. Horey waxa kuugu dhacay yaan arkey. Haddana waxaad ku hadashey markuu waaga baryo waxaan u maleynayaa iney dhici doonto "Fa idaa nazala bisaaxatihim fasaa'a sabaaxul muntharin". Haddaad warkeyga fahmeyso. Ninkii salafi ahaa intuu ku gowrici lahaa anigaa ku jecele aan wax kuusheego. Wax baro walaal. Waad niyad fiican tahay laakiin cilmigaa baahi kaa heysaa. Salafka waa ummaddi hore ee islaamka gaar ahaan qarniyadii xigey ee saddexda ahaa nabiga caleyhi salaam iyo saxaabadiisa ka dib. Dhibaatadana ma xalliyo sheekh mucayyan ah ee sheekha wuxuu kaalmeystaa kitaabka ilaahey iyo sunnada rasuulka caleyhi salaam. Taa ka raadso xalka dhibaatadaada. Meeshaa ka baar waxa muran ka aloosnaado. I cafi walaal haddaan kugu af adkaadey Waxaan kula jeclahay inaad wax barato. Sheekh albanina waa sheekhii soomaalida oo dhan haddii ay soomaalida ka baxsadaan ragga usoo shaqa taga meeshan. Ma oggola iyaga albani inuu sheekh noo yahay. Adigana dambiilaad ka dhigtey sheekhii. Waxaan u dhexeynaa laba kooxood oo midina nalagu salladey middii kalena u baahan tahay iney wax bartaan oo aysan ku kadsoomin hadalka dadka yiraahdo. Intaa yaan ku ekestey hadalka. Aniga waxaan ku oran lahaa mar kale wax baro oo iska ilaali hadalladaan waxba aan faa'iideyn dambigana kaasoo raacaayo. wasalaamu caleykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, October 28, 2000 - 12:41 am
alxamdu lilaahi waxdah

wabacdu


horaa waxa looyidhi qofka insaanka ah inuu nacas yahay iyo inuu caaqil yahay waxa lakala gartaa markuu hadlo waxay ahayd markii labaad uu ninkani afka kala qaado wuxu kawareegayna waad wada aragtaan
mana istaahilo in loo jawaabo "walaa karaamah"

wuxu yidhi


(xasan al-banaa uu noolaan lahaa isagaa cudurka si sahlan noogu sheegi lahaa,)

yaa jaahil

alle oo "xayun laaa yamuut" ah baa jooga xaqana cadeeyay kitaab munazal ahna soo dajiyay

oo uuna shay kaga tagin hayaraado hana waynaado e baro

alle iyo rasuulba waxay ka hor mariyeen xasanul banna iyo madaxda xizbiyadooda

"maa ajhalal xizbiyah"


waxa kaluu yidhi
""maxaa yeelay raga intooda kale waxay weli qaadi kari la'yihiin buugtii salafiyada."""
waxa wada ognahay inuu ku dhisan yahay manhajka ikhwaanku in lootusiyo shabaabka inay tahay kutubta salafka oo la'akhristo wax takhaluf ah waxay ku farxaan hadaad uga sheekayso waxa ku qoran majalada al-mujtamac ,time, iwm

xadathanaa iyo akhbaranaada axaadiistuna way dhibtaa

waxa kalu manhajka ikhwaanku ku dhisan yahay inay kulmiyaan, diin iyo dimuqraadiyah waana labo kala dheer

waxad arkaysa inay yihiin raga buun buuniya fikirka "taxriirul mar'a"waana fikir sidaan ognahay ay gaalo dajisatay

waayo diinteenu waxay ahayd tan dhaxalka iyo gabdhihii la'aasi jiray iyo wax yaabo badan baabi'isay suurad dhana aad wada ogtihiin in lagu maga caabo ANNISAAAAAAA
hadaba fikirkaa gaalada maxaan uga baahanahay maxase loosoo dhexgaliyay islamka loogana dhigayaa wax islaamku uu guumaysto gabadh
"nacudu billaahi min hathal jahlil marakab"


=======ibnu xuzni xaal qaado===========


siciid

&

abu-cumayr


iska daaya tamyiica faraha badan

haduu ninku shirthimadiina yahayna shaaca ka qaada

"al-caqil takfiihil ishaarah"

wabilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Saturday, October 28, 2000 - 07:10 am
asalaamu calaykum...


salafi hadalkaagu wuu fiicnaa laakiin gadaal ayaad
ka xumaatay markaad anaga na tuhun tay...
maba garanayo akhii shirdimada aad sheegaysid
waxaadna isku tilmaamtay caaqil...waxay ku
fiicnaanlahayd in aan anagu ku niraahno caaqilbaad
tahay inta aadan adigu oran..
kuuma diidani in aad tahay caaqil..laakiin
waa in aadan adigu naftaada aadan sidaas ku tilmaamin...
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canab

Saturday, October 28, 2000 - 10:41 am
Walleey hadii akhwaanka aay aaminsanyihiin in la xoreeyo dumarka, walleey waan ku raacsanahay. Waxaan arkaa dumar farabadan oo wadaado ah oo aan garaneeynin af ingiriisiga. Iyagoo loo diiday in ay banaanka u baxaan oo soo bartaan luuqada. Maalinta ay foolaneeysona waa loo turjumaa. Ma diinta ayaa sidaas qabta?, waan arkay wadaado noo ddiday in aan wax soo barano, iyagoo na leh waa is dhexgal rag iyo dumar. waan ku taageersanahay in aan wax barano wixii noo ogol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gazali

Saturday, October 28, 2000 - 10:02 pm
To Canab
asalamu calaykum
Walaal waliba adigu ma aadan arag gabdhaha taatarakiska loo galiyay oo inta indhaha laga qamaamuday aad moodo gacan maroodi oo soconaysa sida uu sh. Qudubi sheegay. Waxaa kale oo raggaasi qabaan inaan gabdhuhu dahabka xidhan karin oo uu xaaraan ka yahay sidaasna waxaa qaba sheekhooda Al-baani oo ay ku magacaabeen ( muxadith al-dunyaa!).Dagaalkii Bari markii ay galayeen waxaa la sheegay inay gabdhaha dahabka ka qaadan jireen iyagoo ku odhanaya kolba idiin ma banaanee na siiya aan ku jihaadnee. Abaayo haddaadan kuwaas iska ilaalin waxay kaa dhiganayaan addoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous.

Saturday, October 28, 2000 - 10:23 pm
GAZALI.

Qofkaad magaciisa wadato ma qabaa isna xijaabka in lagu jeesjeeso?. Qudubina hadduu sidaas yiri waaba caammo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Sunday, October 29, 2000 - 03:48 am
GAZALI
UGU horayntii allaah ayay mahadi usugnaatay,nabadgalyo iyo naxariisina nebigiisii dusiisha ha ahaato.
wabacdu,bukhaari iyo muslimba waxay ku wariyeen kutubtooda saxiixaynka ah xadiithkii cabdulaahi ibn-cumar[rdlchm]nini inuu ku yiri rasuulka s.c.w MAA YALBASU ALMUXRIMU MINA THIYAABI? oo ah maxaa loo ogolyahay qofka xajinaya oo dhar ah,wuxuu ku jawaabay nebigu s.c.w laayalbasul qamiisa walal camaa'ima................xadiithka sii dhamaystiro adigu aniga maxlu shaahidkaygu waa
riwaayada uu bukhaari goonida u weriyay ee ah markuu ka hadlayay nebigu s.c.w dumarka
WALAA TANTAQIBUL MAR'ATU,WALAA TALBASUL QUFFAAZAYNI,oo macnuhu yahay haweentu yaysan daboolin wajiga yaysan gashanna galoofis.
hadaba sheekha aad sheegtay ma arkin xadiithkaan miyaa,ileen sida adiguba aad sheegtay wejiga oo la xirtaahi wuxuu ku sheegay gacan maroodiye,sh albaani oo aad adigu yasaysidna isagu waa daliilsaday markii uu rabay inuu ka qaato hadalka isaga ay dani ugu jirto kaasoo ahaa arinta ku saabsan niqaabka,oo uu albaani maray dariiqii ahlu cilmiga ee u dhexeeyay tafriidh iyo ifraadh,ileen wuxuu sheegay albaani inuusan niqaabku waajib ahayn laakiin sida adiguba aad ka aragtay xadiithkan uu macruuf ahaa xiligii nebiga s.c.w,haweenkii nebiga s.c.w qaarkood markay ka sheekaynayeen xiliga xajka waxay sheegeen marka ragu usoo dhawyihiin inay siidaysan jireen niqaabkooda laakiin ay wajiga inuu taabto qori ama ul yar kaga celin jireen,iyo xadiithkii iftarada ee munaafiqiintu ku been abuuratay caa'isha[rdlch]markay ka sheekaynaysay saxaabigii markay ku kacday istirjaacsigiisii inay daboolatay wejiga,hadaba xageebay ka mareen sheekha intaasoo xadiithi,waase sidii uu harayba u yiri abshir bacadle,gabaygiisii siduu ahaa umawada garanayo laakiin waxaa ka mid ahaa
QUDUBI WUXUU DALIILSADAY IFTARO DANA YAHUUDEEDA
SAHYUUNINIYO INAY SOO DIRTAA LOO DANINAYAA
amaa adiga musiibo waxaa kuugu filan inaad maanta taqliidinayso QUDUBI marka arintu waa SUKUUUUUUUT,
wadaalika huwa dalaalul baciid.
WALLAAHU HUWAL HAADII

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Sunday, October 29, 2000 - 03:54 am
ISTIDRAAK
ulama jeedo culimada leh niqaabku waa waajib inay ku xadgudbeen arinta.
SIXID
SAHYUUNIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gazaali

Sunday, October 29, 2000 - 10:06 am
Daalibul-cilmi
walaal sh. Qudubi oo ka mid ah ducaadda waawayn in wax laga barto iyo Abshir Bacadle oo marna Caydiid raacsan marna Cismaan Caato raacsan in la taqliidsado kee khayr badan? kolba sida hadalkaaga ka muuqata aad ayaad ula dhacsan tahay
Bacadle adigu.
Waxaad iska dhigtaan dad aan jeclayn in culimada wax laga sheego laakiin la idin ogaa kuwiina oo kaliya marka wax laga sheego ayaa axaadiistu idin ku soo degtaa. Kala dhex baxa halaagga ummadda Alla idin qabaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 29, 2000 - 12:36 pm
mustafa

waryaa miyaadan ogayn inaan diintan(islam) aanay u baahnayn ilaalin waayo ilaah ayaa sheegay inuu ilaashan doono haday tahay aayad iyo xadiith-ba daliilka taasna waxaa weeyaan ayaadda uu ilaah yidhi"INNAA NAXNU NAZALNA DIKRA WA INNAA LAHU LA XAAFIDUUN"macnaheeduna yahay"annaga soo dajinay waan toowga(qunaanka&xadiith-ka)annaga ayaana ilaashan"
marka mr xeroow albaanina ma'aad gaaraysid oo wallaahay ah ee xaqqa ha isku dayin inaad hor istaagto ilaah ayaa yidhi"kii isku daya inuu la dagaalamo awliyadayda aniga ayaa ladagaalami"ilaah u toobadkeen.waa iga waano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Sunday, October 29, 2000 - 04:47 pm
TO:GAZALI
waan kula ogolahay abshir bacadle ogaantaydii inuu wareersanaa,laakiin adigu ma ila ogoshahay
sheekhaagu[qudubi]inuu ku socdo HADMU DIIN BI'ISMI DIIN.
intaas ha noo ahaato yaanaan dadka ka mashquulin inay akhristaan wixii nacfi u leh aakhiro iyo aduun,habaarkana halayska daayo,hana lays cafiyo.
WALLAAHU HUWAL HAADII.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shacraawi

Sunday, October 29, 2000 - 09:42 pm
DHALIBU CILMI
taas aad sheegtay waan kugu khilaafsanahay. Bal bil caksi ayaan uu arkaa in yahay mid Islam qurux badan wado. Mise waxaad ka wadaa kuwa diinta dadka nacsiiyay oo u tusay mid qadiim ah oo cunfi ku dhisan. Sh. Qudubi waa nin diinta ka run sheegaayo oo aan ujeedo kale wadan diintana kuma soo gabado. Dadkii wadanka burburkiisa wax ka qaatay waa dadka aad taageersantahay, iyagoo sameeystay magac diineed oo huban jabhad hubeeysan oo dalkii dhinac kala dhigay jabhadihii. o meel ololeeyso ayuu baansiiin ku sii daray. Kuwaas Salafi ma wadaan ee wax kale ayeey wataan. Sh Qudubi, wuxuu dadka ku tarbiyeeyay in la walaaloowo, oo aan cunfi wax lagu dhisin, iyo in dadka loo gudbiyo islaam naxariis ku dhisan oo qurux badan. Marka waxba ha iga dhigin shwwkhaas wax kale. Markii aan fiiriyay firadiisa sheekhaas maanta aad ayeey ugu shidan tahay soomaaliya, iyagoo soomaalida ay baratay in ay yihiin dad muslixiin ah oo wadanka xaga wax barashada aad u soo kobciyay. anigana kuwaas ayaan diin ka dhageeystaa. Marka sheekadiina weey idinka qaraxday ee ordayaa oo shaati kale soo gashtaa.
Salaama caleeyku. waan dag dag sanahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 30, 2000 - 06:37 am
dr-troubleboy
you are nothing but trouble.
Albaani ma awliyuu ahaa? sowtaad oran jirteen awliyo ma jirto. Ma xadiis cusub ayaa la helayf? sidaad ayaan dhawayto tusbaxa xadiiska ugu hesheen. Haddaadnaan diinta baran waxaad ku jiridoontaan maalin walba inaad xalaal ka dhigtaan waxaad horay u xaaraantinimayseen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiicasalafii

Monday, October 30, 2000 - 05:37 pm
asalaama calayku
to= shacraawe
walaal waan ka dhadhan sanayaa hadaladaada inaad
tahay nin manhajka ikhiwaanka difaacaya qudubi
wuxuu dadka ugu yeei jiray waalayaqaan wuxuu ahaa
nin dadka ugu yee raya manhajka takfiirka
hatii aad ubaahato wax dheeraad ah war kaaga cadee

wabilaah tawfiiq-walaalkaa (rabiic asalafii)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiicasalafii

Monday, October 30, 2000 - 05:48 pm
asalaama calaykum
to canab

walaal waxaad aamin san tahay waa waxa ay aamin san yihii xarakada iqiwaanka sh uu yahay qudubi
walaal hadii aad gurigaaga laasimtid adiga yuu
qeerkuugu jiraa ingiriiskana barashadiisa waxaa
kaaga wanaagsan adoo jooga gurigaaga caruur taada
tarbiyeeya gabadh muslimada waa in ay gurigeeda
kunagaado

walaalkaa (rabiic- asalafii)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiicasalafii

Monday, October 30, 2000 - 05:54 pm
asalaama calaykum

to- gazali
walaal marka hore magacaaga waa magac laga wanaag
san yahay mida labaad walaal gabdhah muslimiinta
oowax lagasheego waa dambi wayn tan labaad
waxaad wax kasheegta ayada quraan ah oofartay
gabdhaha muslimiinta inay xijaabka qaataan
qur aan ka oo latuhmo waa dhaqan gaaleed

walaal kaa rabiic(asalafii)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 31, 2000 - 11:26 am
Asalaamu caleeykum

Rabiicasalafi

Walaal waxaad tiri waxaa u roon gabdhaha in ay joogaan gur yahooda iyagoo aan nacfi u la heeyn in ay soo bartaan ingiriiska. Taa kuguma raacsani.

Gabdhaha waa in ay noo bartaan, hadii ay noqoto caafimaadka, dhaqaalaha, macalamiinta iwm. Waa in aan helnaa gabdho nooga shaqeeya isbitaalada. Marka ay dhaleeyso xaaskaaga waxaad leedahay waa in la ii raadiyaa gabar UMULISO. Away soo tii aad guriga ku xirtay ma aha?.

Maxaa yeelay diinta islaamka waa loo siman yahay wax barashada. Waa in aan helna gabdho ku takhasusay culuumta shariica ilaa heer phD.

Yaan lagu qasin dhaqanka Sucuudi carabiya diinta Islaamka. in badan ayaa kala fog.

Mise waxaad ka mid tahay nimanka wadaadada oo aamin san hadii ay guursadaan gabar wax baratay in ay ku ilbaxeeyso???? waan ka xumahay taas.

Canab.
Waxaad xaq u leedahay in aad barato diinta iyo maadiga. Waa in aad nooga soo baxdaa hawlo badan oo anaga aan qaban karin. Ee indha haaga fur oo u kac JAAMACADAHA. Hadii aad aragtid mid kuu diidan waa mid XAASID ah oo dib u dhac kula rabo.

GABADHA MUSLIMADA MAANTA WAXEEY U BAAHANTAHAY WAX YAALAHAAS IN LAGA XOREEYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmidoon2

Tuesday, October 31, 2000 - 07:53 pm
Mustafa; walaal sida aad sheegtay albani wuxuu dhibaatooyin badan u gaystay kutubo badan oo ay leeyihiin culumada islaamku. Kutubadaas waxaa ka mid ah riyaalu saalixiinka oo uu iska leeyahay sheekha caamka ah ee ashcariga ahaa,suufiga ahaa ee imaamu nawawi (R.A).wuxuu sameeyey wuxuu ka bixiyey in ka badan 200 oo xadiis isago oo ku andocoonaya inay yihiin liciif. Bal waa yaabe goormaa albani ka cilmi batay imaamka. Waxaan walaalaheena muslimiinta ah inay kala bartaan riyaalu salixiinkii runta aha iyo midka albani ku cayaaray oo maanta meel walba yaalla. Albani iyo dadka raacsani waxay sheegtaan inay iyaga keliyahi salafkii raacsanyihiin, laakiin waxaan ii cadayn salafka ay ku raacsanyihiin in kutubada mashaa'ikhda lagu ciyaaro, maxaa yeelay inta aan ka warqabo ma maqal salf kutubada islaamka ku ciyaari jiray.

Su'aal kalena waxay tahay maxay ragani ula bexeen magaca ah "waa horeeyey waana cusbahay".

salf-salafiya jadiidah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Wednesday, November 01, 2000 - 08:02 am
dhamaan inta XAQA KU JEESJEESAYSA.....

EE MUSTAFE JAAHIL LA SAFATEEY OGAADO INAYDAAN DIINTA ALLE WAXBA KA QAADAYN WAAYO RABIGII CARSHIGIISA KA SAREEYEY AYAA ILAASHANAYA DIINTIISA WAXAAN IS IDHI MAALINTI UGU HOREYSAY MEESHAN WAXAA KA SOO SOCDA IN AAYADAHA ILAAHAY LAGU XIGSIIYO CAYDA CULIMADA WAANAY DHACDAY.

IDINKA AYAA DIBDAMBE KA OGAAN AAYADAHA ILAAHAY EED KU JEEESJEESAYSAAN

QOLADA ISLAAXA SHEEGATA EE YUUSUF QARDAAWI OO HALKUU JAAHILNIMO KA GAADHAY RIBADA YIDHI WAA BANAANTAHAY.
KA SHIIDAALQAATA AYAA MEESHAN ISKU URURSADAY WAXAAN KU FARAXSANAHAY HADAY INBADAN OO CAAMADII AHI IDIN OGAADEEN INAAD XAQA IYO BAADILKA ISKU QASTAAN LAAKIIN ISMA QABANAYAANE OGAADA.

TII CANAB AHAYDEE BEESHA KU SOO DHEX TUURTAY INAY XIJAABKA IYO DUMARKA GURYAHOODA KALA
DAGAALANTO MAXAY JAAHILAD TAHAY WAXAAN FILAYA INAY TAHAY FANAANIINTA ISLAAXA WAAYO WAXAY LEEYIHIIN FANAANIIN!!!!!!!
MA WAXAA LA ARKAY DAD WADAADO SHEEGANAYA OO HADANA FANAANIIN SHEEGANAYA!!!!!!!!

WAXAY KA DHACDAY MEELO BADAN GAAR AHAAN TOTORTO CANADA OON KU NOOLAHAY.

WAXAAN AHAY GABADH MUSLIMADA WAANAN KU FARAXSANAHAY INAAN FITNADA DHACAYSA IYO MUSTAFE IYO NOOCIISA GURIGAYGA SHARKOODA KAGA QARSANAADO!
XIJAABKA,NIQAABKAAD MAROODIGA KU TILMAAMTEEN IYO DHAMAAN OOGADAYDA QARIYO ANIGOO HAPPY KU AH WAAJIBKAA AAN GUDANAYO.
WAXAA HUBAALA INAY WALIGOOD COL AHAAYEEN .....

BIDCADA IYO SUNNUHU
XIJAABKA IYO TABARUJKU
JAHLIGA IYO CILMIGU
XAQA IYO BAADILKU

IYO KUWO BADAN OO LAXIDHIIDHA SHAREECADA DAAHIRKA AH EE ILAAHAY.

WAAR TOOBAD KEENA OO IDINKOO QAAD CUNAY OO MIRQAANKAAD SHEEGI JIRTEEN KU JIRA AYAAD MALAHA CULIMADA IYO AAYADAHA ILAAHAY U SAARTEENE OGAADA WELI TOOBADU WAY INOO FURANTAHAY.

MASKAXDA OO CAAFIMAADQABTA INTAAD MAANDOORIYAYAASHA KA SIFAYSAAN KU BARTA SHAREECADA ILAAHAY OO KHAYRDARADA AAD KU WAREEJINAYSAAN INTERNETKA IYO CAAMADA WAXAAAD KULA WAREEGAYSAAN ISKA DHAAFA.

ILAAHAY DARTII AYAAN KU NECEBAHAY DHAMAAN CADAWGA CULIMADA AHLU SUNNAHA EE ICAFIYA SHARKAAD KA SHAQAYNAYSAAN AYAAN AAD UGA XANAAQAY OO IDINKU NACAY....
KA SKANDANAAFIYA LA BAXAYNA HADUU ISLA NIN KALIYA YAHAY HORE AYAAN U ARKAY QORAALADA UU QORO OO WAXUU QORAA HADALO AAN INABA MACNA SIYAADINAYN WAA NOOCA AAN WAX XIKMADA IYO CILMI AH MIDNA LAGA FAA`IIDIN WUXUU YIDHI"DHAQAN SACUUDIGA NAGA DHAAFA
"
MA AAYADIHII ILAAHAY AYAAD DHAQAN CARBEED KU TILMAAMTAY JAAHILNIMADU AYAAN DARA WAYNAAAAAAAAAAAA

umalkhair@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Safiya

Wednesday, November 01, 2000 - 12:42 pm
To Umalkhayr
Abaayo adiga yaa ku qortay oo kuu laqimay af xumada?Bal hadalkaagii dib u eeg inuu waafaqsan yahay akhlaaqiyaadka diinta. waxaad dadka ugu yeeraysaa in la toobad keeno buug cay ahna waa ka wareegtay.
Qof kasta oo aan ahayn wahaabiyada la baxday salafiy, Itixaad, Salafiya Jadiida ama Ansaarus-sunna waxaad ku sheegtay jaahil,bidci baadil tabaruj iyo cadawga sunada. Ma kula tahay adigoo saas u hadlaya in diin lagaa qaadanayo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiic salafii

Wednesday, November 01, 2000 - 06:47 pm
asalaama calaykum
To:skandaneefiyo
walaal waxaa kaa muuqato in aad tahay nin iska had
laya aan diin kuhadleyn waxaan hadad ladaad kadhadhamaya in aad tahay nin xarakada aqawaankaah
waxaad na aamin santahay in gabdhaha laxoreeyo sida shiiqaaga uu aamin san yahay qudubiga somaliga ah qofkiiqof yiraado muslim aha diinta
ayaan kaxoreenayaa waa arin gaalnimo ah
rabiic (asalafi)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Thursday, November 02, 2000 - 12:39 am
TO;CILMIDOON 2.
Asalamu calaykum waraxmatullaahi .
Walaal haddii aad tahay cilmi doon waxaad doontaa kitaabka RIYAADU SAALIXIIN uu takhriijiye muxadithu al-qarni sh. al baani raximahullaahi , ku arki maysid axaadiis uu ka gooye , oo waxaa uu radiye nin la dhaho C/AL -MANAAN oo ka gooye kitaabka RIYAADU SAALIXIINKA axaadiis badan oo uu ku daciifiye DULMI .
Waxaan ku leeyahay hadii aad run sheegayso soo cadee halka uu ka gooye SH. AL BANI kitaabka riyaadu saalixiin ee uu leeyahay SH NAWAAWI , oo kitaabka waa hal dabco (AL MATAB AL ISLAAMI ) isma khilaafaayo safxooyinkiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL ATHARI

Thursday, November 02, 2000 - 12:44 am
TO;CILMIDOON 2.
Asalamu calaykum waraxmatullaahi .
Walaal haddii aad tahay cilmi doon waxaad doontaa kitaabka RIYAADU SAALIXIIN uu takhriijiye muxadithu al-qarni sh. al baani raximahullaahi , ku arki maysid axaadiis uu ka gooye , oo waxaa uu radiye nin la dhaho C/AL -MANAAN oo ka gooye kitaabka RIYAADU SAALIXIINKA axaadiis badan oo uu ku daciifiye DULMI .
Waxaan ku leeyahay hadii aad run sheegayso soo cadee halka uu ka gooye SH. AL BANI kitaabka riyaadu saalixiin ee uu leeyahay SH NAWAAWI , oo kitaabka waa hal dabco (AL MATAB AL ISLAAMI ) isma khilaafsana safxooyinkiisa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Thursday, November 02, 2000 - 10:39 am
Asalaamu caleeykum

To: dhamman akhyaarta akhrisataa dunida oo dhan.

Walaalayaal, waad la socotaan waxaan qoray oo ku saabsanaa dhanka wax barashada dumarka. Waxaan ku doodeeynaa "Gabadha ma baran kartaa cilmi". Intaas ayaa la igu xag xaganaaya, oo la igu coleeytamaayaa.

7:dii ugu badneeyd soo warisay cilmiga axaadiista waxaa ku jiray dumar. Haddana soo dhaaf qarniyadii ku xigay dumar badan ayaa jiray oo mufasiriin iyo muxadisiin ahaa yeen. Marka maxaa u diiday, kuwa maanta jogaa?? ma ISLAAMKA ayaa u diiday, mise dhaqanka XUN????? Walaal adiga isweeydi.

Umukhair,horta ma fiyoowdahay???, waxaan ka hadlay wax barashada, adigana haf ayaad ila tiri, jeer aad AKHLAAQ XUMO ku hadashay. Miyeey sidaas ahaayeen salafka aad ku doodeeyso in aan khilaafnay??? mar kale waa la yaab! oo la yaab!.

Waxaad isku qaaday Dr. Yusuf Qaradawi, iyo kuwo kale, mexeey kaa sameeyeen, maad aniga i xag xagatid. Walaaleey bal is qabo, ee waa lagu MARIN, habaabiyay, koleey, dariiqaas aad igu qasbeeyso, akhlaaq xumo ayaan ku arkaa marka ima anfacaayo.

Rabiicisalafi

Adigana sidii oo kale ayaan ku oran lahaa. Waxaad ku hadleeyso ma miizaamna, ee dib isugu noqo, walaal. Anigu gabar IFTIIMEEYSO, ayaan ku boorinaaya, adigana MADOOW, ayaad la rabtaa. Waxaad igu tilmaamtay, Ikhwaan muslimuun,,,, toloow maxaa soo gashay xarako meesha. Wax barasho ayaan ka hadleeyne adigana waxaad isku qaaday Dr. Qudubi iyo Islaax. Marka walaal waxaad u danleeydahay dad khaas ah ee orod oo meel kale ka raadso. Waa la yaab!!!!!

Dhanka, DHAQANKA SUCUUDIGA, waan soo qori doonaa, insha Allah.

Dhammantiin ILAAH dartii ayaan idiin cafiyay, oo wax dhib ah idiin ma qabo. Maadama aad wax wanaajin aad leedihiin. Anigana taas oo kale ayaan meeshaan i soo galisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaliimo

Thursday, November 02, 2000 - 11:07 am
to,skandneefiya.
salaamu caleykum

aboowe intaad dhaqanka sucuudiga soo qorayso ka islaamka ee dumarka ku waajiba lagana rabo maad noo soo qortid maxaa sacuudiga noo keenay innaan dhaqankiisa barano.
icafi hadaan sidii kuwii hore kaa cadhaysiiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiic asalafee

Thursday, November 02, 2000 - 06:45 pm
asalaama calaykum
TO- skandaneefiyo
walaal magacaaga iyo waxa aad ka tarjumayso
wai isleeyihiin tan labaad waa inaad gabdhaha xush maysid sida umukhayr mida labaad waxaad isku mayl dhigaysaa caaisha iyo dumarka qarniga labaatanaad
hadalada aad ku had layso waa hadalad qarbiyeenta
waa walaal kaa(rabiic)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, November 06, 2000 - 09:55 am
Asalaamu caleeykum
Iga raali ahaada haddii aan idinka soo daahay jawaabta.

To. Xaliimo
Walaal aad baad u muudan tahay sida aad ii weeydisay codsigaaga. Walaal anigu waxaan rabay dhow dhanqan aan rabay in aan soo ban dhigo. Ku waas oo dad badan rabaan in ay nooga dhigaan DIIN. Markaas dadka ku dhaqmaan. Wax aad u dheer ma ahan.

To. Rabiicisalafi
Walaal waxaad tiri "waxaad ku hadleeysa hadalada qarbiga". Waxaan ku oran lahaa horta waxa diinta waajibisay iyo waxa kale soo kala saar. Anigu waxaan ka hadlay wax barashada oo aan u jawaabay walaasheey CANAB. Waxaan ku booriyay in ay dadaasho. Ma khalad ayaan sameeyay?. Bal ii sheeg haddii aad ka xuntahay, in aan helno gabdho wax barteen.

Haddii aad leedahay uma banaana gabadha in ay wax barato, bal dheh. Ma tihid qofka ugu horeeyay oo aan ka maqlo arintaas. Waxaan arkay kuwo culimo isku sheegaayo oo dadka ka caajis galinaayo wax barashada. Markii aan u dhabo galay, wuxuu ahaa darawal ka shaqeeyn jiray QALIIJKA. wAR GOORMUU DIIN BARTAY?.

Dhanka magaceeyga
Haddii aad leedahay, ma banaana Skandaneefiya, bal sheeg, dhibku keenay. Magaca, ma waxaad u maleeysay oo kaliya in uu banaan yahay, sida RABIICI, C/ qaadir, C/malik, Khaalid iwm.
Oo magac yadii oo dhan waxad ka dhigtay Carabi.

Waxaad tiri
"Caisha (cs) iyo gabdhaha nool qarniga 2000, miyaa isku meel dhigeeysa".
Akhii anigu ma dhihin waa isku fadli, ee maadama ay ahaan jireen kuwo wax bartay. Kuwaana weey u banaan tahay arintaas wax barasho.

Adigu maxaad u diidi in gabdhaha wax bartaan????????????????????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, November 06, 2000 - 10:29 am
Asalaamu caleykum

Walaalayaal bal aan isla fiirino qodobadaan hoos ku qoran iyo waxa ay diinta ISLAAMKA ka qabto.

Sucuudi carabiya waxaa sharci ah in ay san gabadha GAARI wadi karin. Qawaaniinta ayeey ku qorteen. Culimo badan ayaana ku taageertay oo FATWA ku dhufatay. Marka arintaa Islaamnimo miyaa loo tiiriyaa mise waa dhaqan khaldan oo meel kaga dhac ku ah gabadha muslimada xuquuqdeeyda.

Gabadha sucuudiyada ah ma guursan karto, nin aan aheeyn sucuudiyaan. Meeshi la rabay in laga eego in uu yahay MUSLIM, ayaa loo aaneeyay JINSI.

Waxaa kale oo ku adag oo aad u adag in ay gabadhi shaqeeysato oo hanti sare yeelato. Meeshii UMUHAATUL MU`MINIIN Khadiija binti Khuweela ay ahaan jirtay tujaarta dumarka magaalada MAKA. Oo aad ugu xoojisay hantideeyda diintan.

Marka dad kiina difaacaayo dhaqan ka khaldan. Haddana aad leedihiin Aayadihii ayaa lagu tilmaamay dhaqan SUCUUDI. Bal wax ka iraahda. Waana meelaha maanta shucuub badan QARBIGA ay nagu aamusiyaan. Marka aan la niqaashaayo reer galbeedka, waan fogeeya arimahaas iyo kuwo kale.

Walaakiin Skandaneefiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOONSADE

Monday, November 13, 2000 - 11:47 am
ASSAAMU CALAYKUM
SHEEKH ALBAANI KHAYR BADAN AYUU KA TAGAY, DIINTANA WAA U KHIDMEEYEEY. KUTUBTA UU KATAGAY AAD BAY U BADAN YIHIIN, MARKAA KAAMA MUDNA IN AAD U GAFTO. WAXAA UU KAA MUDAN YAHAY IMAAM ALBAANI INAAD TIDHAAHDO. CALAAMA ALBAANI WUXUU KU XEELDHEERAADAY SAYNISKA XADIISKA (CILMUL MUSDHALIXUL XADIIS),FIQIGA, LUQADDA CARABIGA,CILMIGA BARASHADA RAGGA XADIISKA WERIYEY(ASMAA U RIJAAL) IYO CILMI FARABADAN . WAXA LAGU MAAGAYAA WAA MAXAA BICADA IYO KHURAAFAADKA AY AAMINSAN YIHIIN UU ULA DAGAALAMAY. MIDDA KALE ALBAANI WAX KASTA UU AAMINSANAA DALIILKEEDU HAYSTAY.HADDAAN AMMAANNO IYO HADDII AAN AFLAGAADEYNO WAXBA KU KORDHINMAYNO, LAAKIIN SIDA ILAAHAY UGU AMAANAY QURAANKIISA,KUNA CAD SUNNAHA NEBIGA WAAN IN AAN RAACNAA. MARKAA HA KU HALAAGMIN AYAAN KU ODHAN LAHAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi3

Friday, November 17, 2000 - 06:17 pm
Waa yaabe, maxaa ku dhacay dadkan wahaabiyada sheeganaya ee hadana difaacaya albani, maxamed C/wahaab, ibnu qayim iwm, sow tii aan isku ogayn inaan la raacin qof warkii xataa saxaabadii. War sow tii culumada wahaabiyadu noo akhrin jirtay wax aan kitaabka iyo sunaha ahayn inaan la raacin, maxaa keenay inaan difaacno dad kale. Waxaan filayaa in nalaga rabo inaan difaacno kitaabka iyo sunaha ee aanan difaacin wax kale, maxaa yeelay waxaan ku falayno ma jirto oo waxaan raacsanahay kitaabka iyo sunaha kaliya. Ragga aan fahamsanayn wahaabiyanimada ama salafiyanimda ha iska aamuseen oo dacwada intaa ha ugu kaalmeeyeen.
Anagu ma raacsannin nin ciduu doono ha ahaadee, ha noolaado ama ha dhintee. Cidii igu diidan oo oranaysa waxaan raacsanahay dad warkii waa shiigi kartaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.