site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TARIIKH NOLOLEEDKII AL-CALAAMAH AL-BAANI(RXM)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): TARIIKH NOLOLEEDKII AL-CALAAMAH AL-BAANI(RXM)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, October 26, 2000 - 11:17 pm
fadlan walaal halkan hoose ka akhriso siirada sheekha linkiga kore waa afcarabi kahoosena waa afsomali

http://www.crosswinds.net/~rabie/Albani_1.htm


http://alsalafiyah.homepage.com/albani.htm


waxanad iska jirtaan dhamaan ahlul bidaca isku dayaya inay sumcada sheekha wax udhimaan ama ha'ahaadaan

kuwa suufiyada ama kuwa xizbiyada

kuwa suufiyaduna kulama coloobin albaani(rxm) ilaa inuu cadeeyay axaadiista daciifka ah ay diintooda ku dhiseen

kuwa xizbiyiinta ahina kulamay coloobin ilaa inuu cadeeyay in manhajka ayku socdaani uu yahay manhaj mubtadic ah mooyee

oo kuwa sufiyadana wuxu kalayahay war horta balka soo baxa oo naftiina ku dabakha axaadiista nabiga(scw)kasugan oo kaliya daciifkana iskaga taga

kuwa xizbiyiintana wuxu kalayahay war siyaasadan iyo taxazubkan indho la'aanta ah iska daaya oo raaca wadadii salafka oo kaliya markasay waxay lasoo boodayaan

badiil keena, war shalaaad dhalateene waa lashubi jiray badiilku waxa weeye wadaday diintani kugu soo gaadhay "yaaa jaahil" gormay xizbiyo soo bilaabatay kama badna hal qarni,haye sadex iyo tobanka qarni ee kale maxay ku soo socotay diintani . markay hadlayaan xizbiyiintu waxad moodaa inayna diintani ku socon karin ilaa manhajkoodaa mubtadica ah mooyee

nacuudu bilaaahi minal hawaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, October 27, 2000 - 10:52 am
AAWW

Hadii tarbiyada salafiyada cusubi ay tahay in aad dadka caydaan oo kii wax idinku khilaafaba aad bidci iyo in uu dariiq lunsan ku suganyahay ku sheegtaan Walee dariiqaasi waa dariiq aan sax ahayn ee bal dib u xisaabtama.
Waar hadaad rabtaan in aad dadka u naseexaysaan barta aadaabta neseexada.Hadii aad rabtaan in aad dadka la xiwaartantaana barta aadaabta xiwaarka.Hadii Kale oo aanaydun labadaa midna garanayn afkiina dadka ka xidha.

siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Friday, October 27, 2000 - 11:34 am
Asalaamu caleeykum dhamman.

TO: SALAFI

Walaalkiis waxaan ku sheegi lahaa in aad HORTA ka fiirsato, waxa aad qoreeyso marka hore iyo waxa ka imaan doono.

Ee soo baro habka dadka loo wacdiyo ama loogu soo dabaalo DIINTAAN. Akhlaaq islaamed ma ahan kuwana in aad banaanka ku tuurtid kuwa kalena aad noo QURXISID.

Akhlaaqda QUR´AANKA ayaa waxaa ka mid ah in aad ka caaynin mushrikiinta ILAAH yadooda. Ee maxaad moodaa nin MUSLIM ah.

Ninkii ugu horeeyay oo wax CAAYO ama AF LAGAADEEYO qeeybtaan Somalinet ka waa ADIGA. "ninkii jideeyo SUNA wanaagsan ajarkeeda ayuu leeyahay, mid jideeyana SUNA xun dambigeeda ayuu lee yahay, isagoo aan laga NUS qaamineeyn" waa yiri MUXAMED (SCW).

Ee adiga ayaa u baahan in lagu furo ISKOOL oo lagu baro MAKAARIMUL AKHLAAQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 01:42 pm
Salafi, siciid iyo Skaandaneefiya

Inkastoo aad tihiin dad diinta wax ka yaqaan, haddana qoraalkiinu yara waa isku midab.

Labadiina danbe, waxii aad ku naqdiseen qoraalka Salafi baa qoraalkiina ka muuqda.
Mida kale, ka miinaan hadlin figradiisa iyo wixii uu ka sheegey shiikha iyo hadalada uu yiri, shiikh baa sheegey, in aad ku raacsan tihiin iyo in kale.

In kastoo qoraalku yahay wax la barto, hadana markaan wax qoreyno aan diyaarino, oo ogaano inay aqrisanayaan dad badan oo muslim iyo gaalaba leh.

Maadaama Muslimku yahay dadka ugu wanaagsan ummadaha, waa inay naga muuqataa, oo ka muuqataa hadalkeena iyo ficilkeenaba, oo aan sheydaan iyo caro naga adkaan.

Iga raali ahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 27, 2000 - 01:42 pm
Salafi, siciid iyo Skaandaneefiya

Inkastoo aad tihiin dad diinta wax ka yaqaan, haddana qoraalkiinu yara waa isku midab.

Labadiina danbe, waxii aad ku naqdiseen qoraalka Salafi baa qoraalkiina ka muuqda.
Mida kale, ka miinaan hadlin figradiisa iyo wixii uu ka sheegey shiikha iyo hadalada uu yiri, shiikh baa sheegey, in aad ku raacsan tihiin iyo in kale.

In kastoo qoraalku yahay wax la barto, hadana markaan wax qoreyno aan diyaarino, oo ogaano inay aqrisanayaan dad badan oo muslim iyo gaalaba leh.

Maadaama Muslimku yahay dadka ugu wanaagsan ummadaha, waa inay naga muuqataa, oo ka muuqataa hadalkeena iyo ficilkeenaba, oo aan sheydaan iyo caro naga adkaan.

Iga raali ahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Friday, October 27, 2000 - 06:53 pm
salafi waxa kasoo harey.

Waxaad mooddaa war maqalka inuu idinku harsan yahay adinka. Uga hara meeshan oo kale. Waa inta uu raadinaayo ama uu rabo inuu sabab uga dhigto meel ka dhaca diintiinna. Sidaa daraaddeed wexey ila tahay inaadan waxba ku darsan mowduuc kanoo kale ah.

Kaligii salafi(firqatunaajiyah aabbaheed).

Sifatu salati nabiyi dadka noo aqriyey ama silsilatu axaadiis saxiixah waa dadka aad ku tuureyso bidcada marna khawaarijnimada. Waxaad tiri shalaad dhalateene shubi okidiinaa. Haddaba shalaad soo baxdeene raggiinaan isdaba marka badan mararka qarna beenta maxdhiga ah ku hadla maxaad dadka u faa'iideyseen?. Intii masjidka lagu hayey yaad fidneeseen?. Mahadda waxaa iska leh cidda na bartey mashaayiqda salafka iyagoo markey wax na barayeen ka marnaa ulajeddo shaqsiyadeed, rag iska dhicin, iyo howl adduun ka fog. Goorahan dambe oo saaxadii wasaqowdey yaannu aragney adigoo kale oo diinba ka dhigtey waxaan diin aheyn. Goonni u istaag haddaad wax isku heyso ama aad diin dheertahay dadka. Markaasaad leedahay qiimo la taaban karo. Inta ka sokeysa mashaayiqda gadaashood wax kasoo tuur tuur. Ku baxso maanta sheekh albani madixiisa oo aan ku dhaafey wax yaalo badan oo aan halkan ka oran lahaa mar haddaad gadaashiisa martey. Ninaan wax isku heyn dabeecaddiisa waad leedahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Friday, October 27, 2000 - 08:38 pm
TO:DHAMAAN AKHYAARTA
UGU horayn SALAFI walaal ilaahay hakugu toosiyo dariiqii salafka,waana kaa muuqataa inaad jacayl uhayso salafkii,waxaanse ku xasuusin lahaa hadal uu leeyahay SHEYKHUL ISLAM kaasoo oranaya inaan qofna aan laga saarin ama aan loo diidin magaca salafnimada maadaama isagii uu leeyahay anigu salafi ayaan ahay,ee waxa loo baahanyahay in laga saxo wixii khalada ee lagu arko.
TO:CAABBI.
waad ku mahadsantahay hadii aad hadaladaad oran lahayd aad u daysay sheekhaas sababtiisa,waxaan kaloo kugu raacsanahay culimada aad tiri iyagaa nabaray salafka iyaga oo aan dano gaara lahayn,waa arin wajiih ah,laakiin inaad culimada kale u aragto inay dano gaara wataan maaha,magaceenii ilaahay na siiyayna inaan daysanaahi waa lagama maarmaan,haddiise la yiri walaal xizbiyada aanu iska dhaafno oo aanu hal magac yeelano anigu ma arko wax lagu cileeyo
WALLAAHU ACLAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, October 28, 2000 - 12:15 am
Asalaamu caleeykum dhamman akhyaarta.

TO: anony.

Walaakiis aad baan ugu farxay habka aad wax igu sheegtay, iyo sida quruxda badan oo aad igu caqli celisey.
In kastoo aan ka cudur daaranaayo, aqoonteeda qoraaleed oo yar.

Ee walaakiis waxaan isku diidanahay walaakeey SALAFI in uu nooga dhigo qaar culimda waa weeyn oo kaliya in ay hayaan DARIIQA saxda ah. Wixii ka soo harayna ay BEERTA ku jiraan. WAA TAA TAN AAN ISKU DIIDANAHAY.

Ma ogoli sheikh ka mid ah shuyuukhda in wax laga sheego ama dhaqdhaqaaq ka mid ah dhaqdhaqaaq yada diineed.

Ee adiga anonymous aan su´aal ku weeydiyo, miyaad iga yeeli la heeyd in aan sheikheeyga ama kan aan wax ka bartay aan SANKA kaa galiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Saturday, October 28, 2000 - 01:09 am
dhaaaaaaaaaaaaalib


walaal jazakalaahu khayr hadalkaagaas

waxan ku waydiinayaa ma waxa ku qoran hadalkayga kore ,hadal odhanaya hebal waa salafi heballa salafi ma'aha ama jamaaco heblana wa salafiyah jamaaco heblana salafiya ma'aha ?

waxanse ku waydiinayaa hadalkan aad ka sheegtay sheekhul islaam ibnu taymiyah (rxm)

mahubtaa inuu isagu yidhi, xaguuse ku qoran yahay kutubtiisa ?

amaa qolyaha kale "laayahumuniii"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 28, 2000 - 12:15 pm
Skandaneefiya

Walaal waad ku mahadasan tahay garqaadashadaada, jawaabtaada iyo su'aashaadaba.

Runtii, in kastoo su'aashu u ektahay mid sahlan, haddana waa mid adag. Laga yaabo inay fududahey in looga jawaabo MAYA, marka loo eego erayadan SANKA KAA GALIYO, haddana waxay ku xiran tahay arrimo badan oo la xiriiraha shiikha, qofka loo sheegayo iyo kan sheegaya.
Marka waxaa loo baahan yahay in wax kasto oo la sheegayo ama la qaadanayo in lagu sameeyo baaris iyo daraaso dheer oo cilmiyeed, kadibna aan qaadanno waxii aan u aragno in khayr noogu jiro oo la tawagalno Alle, kana fogaano waxii aan u aragno in aan khayr noogu jirin.

Waxaan Ilaahey ka baryayaa in Muslimiinta qalbigoodu isku xirmo, oo noqdaan kuwii Eebbe ka raali noqdo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Saturday, October 28, 2000 - 05:26 pm
TO>SALAFI
maanta waxaan haaban karaa kutubtii sheykhul islam kuwii ugu xajmiga yaraa mid ka mida waa
RAFCU MALAAM CAN A'IMATIL ACLAAM,macnaha tabartayduba waa intaas waxaan ku dhexwareersanahay north-america,waxaanse akhriyay hadalkaas 95tii waxaanan ka akhriyay hadii aanan waahim ahayn alfataawaa juzka 28aad,waxaadse ka heli kartaa haddii aad heli karto muxaadaradii shariif cabdi nuur ee KUFU CAMMAN QAALA LAA'ILAAHA ILLALLAAHU.
haddii aysan saas ahayn anigu qadarkayga waan aqaan inaan dadka inta ugu aqoon liidata ku jiro ila soo socodsii anigana taasoo kale inaanan u noqon igu halee.
walaal macnaha hadalka sheekhana maahan inuu ula jeeday[waa hadii aad ila ogolaato inuu yiriye]ama anigu aan meesha ugu soo qoray dhaa'ifadii kasta oo wixii hawadeeda ah ama maslaxo ugu jirto ikhtiraacata kuna andacoota salaf ayaan nahay xaashaa taasi waa zacmi,laakiin middii aan doonaynin badiil kale jahli dhinac ka haysta daraadiisna lagu arki waxaan salafka lagu arki jirin,waxaasina uusan ahayn USUULU DIIN,inaan dadkaas laga saarin salafka,ee xaqa loo cadeeyo intii la awoodo,aniguna kuma lihi kooxaad ka saartay salafkii,laakiin markuu aqriyo qofi ereyadaada qaarkood wuxuu istusi karaa inaad salafka ka xigsanaysid,anigu ma arkin xizbiyada aad sheegaysid ee neceb albaani marka laga reebo suufiyada iyo takfiirka,balse waxaan arkay kuwa difaacaya waxaa ka mida walaalkay SKANDANEEFIYA,waa ikhwaan ama islaax sidaan ka dhadhansaday hadaladiisa mana ogola in la caayo sheekh naasir,marka adigu walaal ha usamayn culimada cadow adiga oo aan is ogayn.
WAXAAN RAALI GALINAYAA WALAALKAY SKANDANEEFIYA haddii aadan ahayn sidaan kuu maleeyay iyo inaan meeshaba ku soo galiyo.
midaani waxay gaar u tahay aniga iyo salafi
waxaan dhagaystay kadibna aan kitaab muqadimadiisa ka akhriyay su'aal la waydiiyay sheekh raasir[raximahullaahu]waxaa la yiri ka waran sheekh rabiic,wuu amaanay waxaana ka mid ahaa amaantiisa in allaah zamankastaba u soo saarayo culimo dadka baraysa dariiqii salafu saalix wuxuuna yiri rabiic waa ragii zemankan allaah nasiiyay,wuu siiwaday sheekhu hadalkii oo wuxuu yiri waxaanse ku iri sheekh rabiic markaad wax radinaysid ereyada qaarkood fududee,macnaha naqdintiisa ayaa adag,wuuse garan karaa qofkii akhriyay kitaabu sunnah ee cabdullaahi ibn axmed ibn xanbal ama kitaabu dhucafaa'u saqiir lil bukhaari sidii ay sufyaanayn iyo culimadii aqraantooda ahaaba ay u naqdiyeen abuu xaniifah,waxaan ka wadaa culimadu markii ay xaqa cadaynayaan hadaladoodu aad bay u kululyihiin,sidaas oo ay tahayna sheekh raasir wuxuu u ishaarayaa sheekh rabiic inuusan ereyada kulul adeegsan,xagee ayaan joognaa anagu?!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Saturday, October 28, 2000 - 06:04 pm
Assalaamu caleykum.

Dhaalibucilmin.

Walaal marka hore wad mahadsan tahay. Marka labaadna waxaan filayaa qofkii dhab ay ka tahay in kitaabka loo noqdo iyo sunnada nabiga caleyhi salaam iney ku adkaaneyn ka tagidda ama garashada ah waxaan daliil loo heysan ineysan soconeyn. Taa waxaa ka mid ah magca itixadka ma yahay mid daliil loo heysto ama in lala baxo?. Aniga ma aqaan. Maloo tacassubi karaa oo qof malagula dagaali karaa inuu ka mid noqdo ama ka mid noqon?. Jawaabtu waa iska caddahay waa maya. Xizbiga islaamkna waa mid. Waxaan rasuulka ilaahey dadka ugu yeerin qof u heysta idan uu ugu yeero dadka ma dhici karto. Intaas ka dib:

Itixadka ma khawaarij baa jammaaco ahaan?.

Itixadka ma takfiirbaa jammaco ahaan?.

Itixadka ma salafi baa caqiido ahaan?.

Itaxadka markii laga soo tago wadaaddadii kale:

Sheekh shariif cabdi nuur ma dhaal mudhil baa?

Sheekh cumar faaruuq ma u baahan yahay inuu caddeeyo salafinimadiisa?.

Soomaalida malaga helaa culumo salafi ah haddii haa ay tahayna ma lixda nimankan ay ku qasbaan dadka?. Macnaha waxa kasoo harey nimankaa waa salafi maahan. Haddaad aragety meel kale nin abudujana la yiraahdo wuxuu qorey : Ha is caddeeyaan iney salafi yihiin dadkaan.

Waxyaalaha aan qofna ka qaadan karin taa baa ka mid ah. Waxaa la socota intaas. Jammaacada manhajkeeda uunan waafaqsaneyn kii salafka xiriir sidee ah yaa innaga dhexeyn kara. Raggaan salafi oo aan hubo inuu yahay qof aad u dabeecad u xun una dhaqma inuu diinta isaga wakiil ka yahay wuxuu qabaa inaan lala tukan karin oo aan waxba lagu darsan karin?. Ma gaalaa dadku haddii sidaas tahay?. Si kastoo firqatu naajitah ay u sheegtaan ima qanciso warka ah in iyaga kaliya ku ansaxeyso al-cibaadah. Dhaqan xumadaa ka daran ay ku kacaan. Mar marka qaarkoodna weyba jamciyaan daka sida hadda ka hor uu yiri mid isaga la mid ah "dadkan waa khawaarij". WEXEY aqristaan axaadiista nabiga caleyhi salaaam ee oraneysa :

"Walaa ta'tuu bibuhtaanin taftaruunahu beyna eydiikum wa arjulikum" Waa xadiiska aan filayo inuu weriyey cubbadat ibnu saamit ee ku jirey bukhaariga ee rasuulka caleyhi salaam uu ballanta kaga qaadayey saxaabadiisa. ballanta yeyna ka mid aheyd. Sidaa daraaddeed markuu salafi ama kuwa la hal maala hadlaan wexey xigsadaan beenta iyagoo thanniya in hadii arrinka sida uu yahay looga hadlo la isu soo dhawaanayo ama dadkii ay sahladaan arrinta. Dadka yeysan wax fududeysan BEEN MALOO SHEEGI KARAA?.

Midda kale uma arko nimankaan salafi oo kale ah marka laga reebo mashaayiqda salafiga ee xarakada aan aheyn iyo kuwa kaleba iney isaga la mid yihiin. Waa ka aqlaaq wanaagsan yihiin waana dad garanaaya meesha ay ka socdaan iyo meeshey u socdaan sidaa daraaddeed kuma been abuurtaan dadka. Ardeydii baa wax qarribtey. Takfiirka maxaa takfiir ka dhigey?. Cunfiga ay diinta saareen iyo fahamkii oo ka khaldamey. Man shatha shutha ayaa madaxa ka kortey. Marka walaal ninkaan aad bey aqlaaqdiisa u xun tahay mana oggola aqlaaqda wanaagsan eediinta islaamka qabto. Rasuulka ilahey iyo isaga kala fog. Lashattaan maa beynahumaa. Ilaahii aan sababin inaan kan diin ka raadiyo yaa mahadda iska leh. Islaamkuu igu diri lahaa markaasaan gaaleysiin lahaa kii aan arko ama aan shirdimadiisa ka mid aheyn. Maxaa keeney xulufeysiga haddii xulufeysigaba yahay waxa lagu kala boodey. ICDHI KULLA DII XAQQIN XAQQAH mey oggola wexey u maleeyaan inaan xaqqa la qaadaneyn. Qofkii is huba ee WAX XALAAL AH HAYA MA BAQO OO KAMA CABSADO SI SAMAAXAH HADDUU U HADLO IN WAX LAGA QAADAN WAAYO. Rasuulka ilaahey yaa la yiri haddaad dabeecad xuntahay ama qalbi adag tahay dhinacaaga meysan fariisteen dadka. Kan arag WAA HOROR. Falaa yuhiimuunanii ayuu yiri. Waxaa fiicnaan leheyd nabiga caleyhi salaam inuu arko kan hadalkiisa. WAAD ARAGTEY waxa ku dhacay MUCAAD ibnu jabal afattaanun anta yaa mucaad. Kan maxaa ku dhici lahaa?. Waxanoo kale intuu meelaha qeyliyaayo xaqqa cidna qaadan meyso waana tan keentey in lakala fogaado. Qasab maahan inaad dadka ka goyso sidaad adiga uga go'did muslimiinta. Ilaa xad la wadi karo yaa jira oo aan laga saari karin. Hadduu isaga doortey aniga mashaayiqdeyda waan ixtiraamaa waanan jeclahay kaanuu maa kaanuu maxaa yeeley wexey yihiin waan fahmi karaa. Haddaad waaniso sida ku dhacdey aqyaar kale wuxu leeyahay shirdimadaad ka mid tihiin baan u maleeyey. Wuxuu rabaa dadka dusha in laga fuulo. Shirdimada waa kuwa wax na barey abaal gudkoodana ma noqdo in diinta laga saaro ama lagu tuuro caqiido qaldan. Walaahu acalmu sawaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, October 30, 2000 - 01:19 am
dhaalib

walaal jazakallahu khayr waxan kuu arkaa inaad nin wanaagsan tahay aad baana kuu ixtiraamayaa waxana ku sheegayaa inaan alle dartii kuu jeclahay

walaal waxad hada kahor sheegtay qowlkii sheekhul islam ibnu taymiyah (rxm)
waxana umalaynayaa inaad ku khaldayso hadalka ay salafiyiintu usoo daliishadaan in loo nisbo sheegan karo mad'habka salafka oo ku qoran mujmuucul fataawa juzka afraad safxada 149

kasoo micnihiisu ahaa(ceeb maleh cidii muujisata mad'habka salafka una nasab sheegata kuna faanta bal waxa waajib ah in laga aqbalo sida laysku waafaqay maxa yeelay mad'habka salafku ma'aha illaa xaqmooyee )

marka waxan filayaa inaad adigu laftaadu ila fahantay micnahaan ka cararayay markaan su'aasha ku soo waydiiyay oo ah inaad tafsiilisay hadalka sheekha haduuba jirilahaa .

walaal somalidu waxay tidhaa allow ninaan wax ogayn hacadaabin waxad tidhi

((anigu ma arkin xizbiyada aad sheegaysid ee neceb albaani marka laga reebo suufiyada iyo takfiirka,))))
walaal waxad ogataa inay yihiin ikhwaanku kuwii isku dayay inay sheekha ka caydhiyaan wadanka urdun waana qiso caan ah

markay ku direen dowlada urdun sheekh albaani ikhwaanku waxay dowladu u qabatay mudo yar ma'aqaan sadex maal mood iyo waxay ahayde kadib sheekha layidhaa abu maalik oo ku marayay wadanka maraykanka socdaal ayaa telefoon loogu sheegay arinkaas markasuu sheekh abu maalik sodaal kiisii kasalay oo uu sitoos ah amiiirka ugu galay una sheegay inuu haduu caydhiyo sheekh albaani tariikhda baal madow ka gali doono markasa sheekhii sidaas lagu daayay ,

waxa kalod tidhi
((balse waxaan arkay kuwa difaacaya waxaa ka mida walaalkay SKANDANEEFIYA,waa ikhwaan ama islaax sidaan ka dhadhansaday hadaladiisa mana ogola in la caayo sheekh naasir,))

walala awalan ninkan layidhaa

iskandaneefiya
waanin macruuf ah marka bal aan fiirino inuu nin difaacaya culumada salafka iyo nin ladagaalamaya midku yahay

wuxu yidhi ninkan iskandaneefiya

Wednesday, August 16, 2000 - 07:24 pm
((shahiid SAYID QUTUB.

Waa nin galay taarikhda shuhadada qarnigaan in´sha`Allah.

Wuu igala QIIMO badan yahay culimada hoos timaado Boqortooyada, oo xaqa qariya. Haddii ay sheegi lahaayeen, in badan ayaa shahiidi laheeyd umadana xaqa waa u cadaani lahaa. ))

kafiiri linkigan

http://somalinet.com/forums_archives/4669/7249.html

hadaba walal adigu layaab malihid waayo waxa laga yabaa inaad ninkan baratay maal mahan oo kaliya marka thaahirkaad xugmisay

lakiin waxa wax laga murugoodo ah in nimankan xizbiyadana indhaha laga laabto wax kastoy ku hadlaan salafiyiintana looheshiiyo

marka walaal dhaalib hakala qaybqaadan nimankan ladagaalanka manhajka salafka
waxa kalood tidhi

((marka adigu walaal ha usamayn culimada cadow adiga oo aan is ogayn.))

waxan umalaynayaa markan furay bayjkan waxa igu qasbay markaan arkay nimankaa ku caayaya sheekha boga kale ee ayleeyihiin albaanibaa dhibaato ugaystay diinta
marka walal waxa dhib ah adoo walaalkay salafi ah inaad ilafahmi waydo waxa saaxada kajira taasaa iiga daran nimankan caydooda iyo baladay korka igasarayaan

waxad tidhi waxa hadaladaada laga fahmayaa inaad ka xigsanayso salafka xizbiyada walaal anigu waxba kama xigsanayo e waxaban kala'ahay war aan kumidowno manhajka salafka aanna iskaga tagno manahijtan cusub ee gadaal laga keenay

marka walaal dhaalib ha'iigacan qaban nimanka hadaadan igu tageerayn sidaan dadka manahijta cusub uga tir tiri lahayn uguna miday lahayn kan salafka.

barakalaahu fiika


caabbi

walaal caydu waa shay xaraan ah xasuusona xadiiskii uu nabigu(scw) saxabada ku yidhi (mataqaanaan qofka caydha ah , markasay dheheen al muflisu fiinaa man laa maala lohuun wala mataac ...............ilaa aakhiril xadiith)


wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Monday, October 30, 2000 - 08:19 pm
TO:SALAFI
walaal maalintaan magacaaga arkay ayaan ilaahay dartii aan kuu jeclaaday,waxaanan ku leeyahay ALLAHII AAD DARTIIS II JECLAATAY HA KU JECLAADO,ha ina iga filin inaan garabkaaga ka baxo oo aan kaaga hiiliyo qofna,qofkaas oo wata SHAY'UN MINAL HAWAA,waxaanse jeclaystay inaadan marnaba dhimrinta ka tagin,hadalkii sheekha aan ka sheegaynay waa sidaad u cadaysay insha-allaah,mida kale markaan leeyahay ma arkin xizbiyo caaya sh.naasir ugu horayntii hadalkaas kama fiirsan,mida kalana soomaalida ayaan ka hadlayay,soomaalida laftigeedana rag ayaa ka buuxa,sheekha allaha u naxariistee noloshiisii iyo wuxuu carabaha kala kulmayna uma warli'i,hadalkaagii qiimaha badnaa ma wada tacqiibin karo,waxaanse diyaar la ahay inaan kugu taageero sidii manhajka salafka dadka loo tusi lahaa loogana tirtiri lahaa aaraa'da mutadaaribada ah.
TO:CAABBI
Walaal aad baad u mahadsantahay,waxaanan rajaynayaa inaad is fahmi lahaydeen walaalkeen SALAFI hadii aad ra'yigiina si ixtiraam leh isula fiirisaan,qof kastaahina daliilkiisa uu cadaysto iyadoo aan cidna la duraynin,loona tacasubaynin aaraa aan xujo lahayn,waxaanan idin xasuusin lahaa hadal laga sheegay abuubar ibn-abil ciyaash
waxaa lagu yiri MAN HUWA SUNNIYU,QAALA ALADII IDAA DUKIRAT CINDAHUL AHWAA'U LAM YAQDAB LISHAY'IN MINHAA.
CAABBIYOW walaal wixii lagugu haysto shayga ugu yarba allaha ka dhigee wixii aan dalil lahayn adigoon dhinacna fiirin walaalkaa waad asiibtay dheh,anigoon waydiinin salafi culimadaas aad soo sheegtay waxaan aaminsanahay inay culimadiisii yihiin uuna ixtiraamayo.
SALAFIYOW waxaan aaminsanahay CAABBI waa ninka raga kuugu sokeeya,markaan ka eego raga aad is haysaan,soomaalida qaar bay waxay tiraahdaa canjeelo sidii ay u kala korayso ayaa loo kala qaadaa,inaad igaratay ayaan jeclahay,waxaanan idinka codsanayaa labadiinu inaad si kale u xiriirtaan oo aad isla fahamtaan waxaad isku maandhaafsantihiin,waxaanan ilaahay idinkaga baryayaa inuu labadiinaba idinku oofsado jidkii ay mareen salaful ummah,maalinta qiyaamana kitaabkiina midigta idinka siiyo INNAHU QARIIBUN MUJIIB.
aduunyaan cayrinayaaye maalin kasta inaan xiriirno waan jeclaan lahaa.
WALLAAHU HUWAL HAADII

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Tuesday, October 31, 2000 - 02:04 am
dhaalib


jazakallaahu khayr walaal hadalkagaas waana qaatay dhamaan wixii talo iyo tusaale ah

waana ku fahmay dhanka walaalkeen caabbi hadalkaad katidhi

anigu walaal waxa laygu leeyahay inaan walaalkeen caabbi wixi gaf ah uu iga galay u cafiyo waana cafiyaye ka makhraati ahaada walalayaal waxan idiin dardaar mayaa inaan umadda kumidayno manhajkaa salafu salaalix


qaalallaah

qaala rasuul(scw)

qaalasaxaabah


cilmiguna intaasuu ku waregaa siduu sheegay ibnu qayim (rxm)

(alcilmu qaalallaahu qaala rasuuluhuu=========qaalassaxaabatu laysa bittamwiihii=========mal cilmu nasbaka lilkhilaafi safaahatan =========beynarrasuuli wa beyna ra'ayi faqiihii============kallaaa walaa jaxdusifaati wanafyuhaa==========xatharaminatashbiihi wattacdhiilii)

walaal dhanka culumada uu ka dhawaajiyay waxan odhan lahaa sheekh kale oo wax isoo barayba malihi ilaa iyaga moyee gaar ahaan alcalaamah shariif cabdi nuuur xafidahulaah


haduu min manhajka salafka unisbo sheeganayaayi ku gafo sheekha taas micnaheedu ma'aha inay dhamaan salafiyiintu kuwada gafeen sheekha
waayo qofna qof dambigii lama saaro waa qaacido caam ah

walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 31, 2000 - 11:00 am
Asalaamu caleeykum

Waxaan in yar ka oran lahaa dhac dooyinkii u dambeeyay oo iga dambeeyay aniga.

Sayid Qutub
Horta waxaan ku hor mari lahaa tan Ashahiid Sayid Qutub, oo aan hore u dhahay in uu iga qiimo badan yahay kuwa jooga Boqortooyada Sucuudiga. Taa waa sax oo ninkii ILAAH dartii loo dilo oo shahiido, waa ka qiimo badan yahay kan gogoshiis ku geeriyooda taa QUR´AANKA ayaa na baray.

Aniga akhlaaq deeyda ama mabaadideeydu kuma jirto in aan AFKA ku taago Shuyuukhda. Dadka aan ka qaato ayaa taas igu soo tarbiyeeyay waana tan aan ku jeclaaday iyaga. Xiligii nabi CIISE (cs)uu dacwada waday ayaa dadkii (YUHUUDI), ku oran jirtay "Naga tag mid kaan garaca ah".

Markii laga bad badshay arintaas ayaa waxeey yiraahdeen XAWAARIYIINTII, "Maxaa noo diiday in aan caayno iyagana".
Nabi CIISE (cs), wuxuu ku jawaabay "nin walba wixii agtiisa ah ayuu ceshaa" Marka taas ayaan oran lahaa.

Marka hadii ay tahay SALAFIYADA CUSUB in ay dadkana qaar u ogolaato janada qaarna ay u diido. Wadadaas ma qumana.

Tan iyo waagii koow aan bilaabay ayaan kugu iri waxaad u shaqeeysaa MOSAD iyo CIA, taa hadda ayeey ii soo cadaaneeysaa. Bal akhristoo u fiirso ninkaa SALAFI la baxay, inta uu wado dacwo iyo wax kale wanaagsan iyo inta uu iska laa laadinaayo muslim kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Tuesday, October 31, 2000 - 02:02 pm
Assalaamu caleykum.

Walaalaha aniga markaan qof salafi ah la murmo waan ka xumaadaa. Sababtana wexey tahay anigoo laga yaabo murankeyga inuu liido maqaamka salafka oo meeshii dad kale ka faa'iideystaan. Suuro galna ma noqoneyso in istithnaa lagu sameeyo hal jamaaco marka jammaacaadka la raddinaayo waxa ay ku khaldan yihiin. Sidaa daraaddeed wixii aan daliil u heysan aniga inaan difaaco waa igu qalad. Waan idinka dhex baxay. Tucjibunii inaad israafka iska ilaalisaan markaad wax raddineysaan. wallaahu aclam. Waxaanan jeclahay salafi inuu i cafiyo maadaama aan si toos ah u caayey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caabbi.

Wednesday, November 01, 2000 - 10:17 am
Salafi iga raalli noqo walaal mar kale. Sidaan hore kuugu sheegey kula murmi maayo mar kale haddii ilaahey yiraahdo. Waxaan rabaa inaad iga cafiso wixii qalad ah ee aan kuu geystey. Inaad iga kheyr badan tahay yaan rajeynayaa. Wasalaamu caleykum waraxmatullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, November 02, 2000 - 02:04 am
iskadaneefia


walaal waxan kuleeyahay alle kabaq oo iska dhaaf hadalka aan mizaanayn


waxad tidhi

(((Aniga akhlaaq deeyda ama mabaadideeydu kuma jirto in aan AFKA ku taago Shuyuukhda. Dadka aan ka qaato ayaa taas igu soo tarbiyeeyay waana tan aan ku jeclaaday iyaga))))


haye seen isu waafajinaa hadalkaagan kore iyo kan soo socda

waxad tidhi
((Wuu igala QIIMO badan yahay culimada hoos timaado Boqortooyada, oo xaqa qariya. Haddii ay sheegi lahaayeen, in badan ayaa shahiidi laheeyd umadana xaqa waa u cadaani lahaa)))

haye afkutaaga kawayn inaad culumada kutilmaanto inay xaqa qariyaan xageed ku aragtay

war nin yohow naftaada unax oo xusuuso inaad kaliga qabri galayso iyaduuna kulasocon sayid iyo xassanul banna labadooda midna

hadaad u dhimanayso xarako awgeed oo aad diintaada ugadayso tacasub awgiis adaa cirka roob ku og

hadana waxa kaaga daran akhdhaa iyo khaladaad cad cad oo aad ukeentay culumadaas aad leedahay xaqbay qariyaan majirto iftaraaguna wax banaan ma'aha marka walaal xasanaad kaaga hayska siin cidaan aakhiro waxba ku qaban karin


caabbi

walaal waan ku cafiyay jazakallaahu khayr adoon igaba dalbin

walaal allaa garanaya cidiii khayr leh

barakallaahu fiika

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Thursday, November 02, 2000 - 02:43 am
Asalaamu caleeykum

SALAFI

Hore ayaan kugu sheegay oo ninkii u dhinto ILAAH dartii wuu igala qiimo badan yahay kan dhulka ku dul socda, haba ahaado mid diinta u shaqeeynaayo.

HAddii aad rabtid in aad ogaatid KUWA hoos yimaado boqortooyada baadhila ee Sucuudiga, bal inta aad dalkaas tagtid wax ka sheeg.

Inta aysan ku imaan booliska ayaa culimo badan ku imaan oo kula dagaali. Marka waa kuwaa kuwa aan ku tilmaamaayo, waa HADII aad i fahmeeyso.

Aniga hadii aad ii mooday in tacasub i hayo taa dadka ayaan rajeeynaaya in ay markhaati ii yihiin. Waa ninka aan afkiisa ku caynin sheekh oo tilmaamin.

Marka hadii aad cawaadaw u qabto jamaacada Ikhwaanka, waa arin adiga ku taalo, meeshana ka sii wad. Labadiina waxaa waxaa markhaati ka noqonaaya shacabka soomaaliyeed, kiina shaqada fiican wado. Aniga wadada aan ku socdo ayaan hayni, oo ah in aan afka ku taagin jamaacad iyo sheekhba.

Jamaacadas Ikhwaanka uma maleeynaayi kuwo ka haraayo istratijyada ay Soomaaliya ka wadaan. Waloow haba loo qaato hub.
Shacabkana wuxuu raaci cidii dhinac kala marto shartooda haddana wax u tarto.

Ee jamaacadaada, ha shaqeeysato sida ay u aragto iyo istratijyada ay wadato. Wadanka waxaa istratijyo ka wataa jamaacad faafineeyso Injiil, qof walbana dhiniciisa ayuu u socda.

Ee iga jawaab maxaad Soomaaliya ka qabateen, umada maxaad u furteen oo wax nacfi leh. JAWAAB AYAAN KAA SUGAAYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Monday, November 06, 2000 - 01:03 am
to Skandaneefiya

bismilaah

awalan su'aasha aad iwaydiisay ma'aha mid cilmiyaysan ismana fahmi karayno marnaba waayo su'aashan oo kale waxa iswaydiiya dadka xizbiyada ah oo ku loolama dadkala badsi oo midwaliba wuxu qabtay u qabta dadka dartii macnaha inuu shacbiyad helo marka marnaba hayga sugin inaan ku idhaa waxaas iyo waxaas baan qabanay,

walaal waxan qabanay ilaahaybay uxisaab san yihiin marka adna waxad ku jirtaa howl shacbi kala badsi iyo shacbiga ood karaadiso waji , amaa salafiyiin iyagu waxay qabteen umayqaban shacbi e allaah dartiibay u qabteen

marka ninyow waxan kugula talin lahaa inaad iska aamusto cilmiga sharciga ahna aad barato ood aqootaada kordhiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, November 06, 2000 - 09:21 am
Asalaamu caleeykum

To. SALAFI

Waan ku ogaaday waxaad tahay. Ee marka iska daa dadka wax qabta, oo af kaaga dhinac kala mar. Ma waxaad qabataa weeyday?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, November 06, 2000 - 09:56 am
TO;SALAFI .
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU .
WALAAL SALAFI NASEEXADAYDA WAA IN AAD WAQTI ISAGA LUMIN DOOD AAN CILMIYEYSNAYN ,EE WAXAAD WADAA HADALKII WANAAGSANAA EE AHAA TARJAMADA SHEEKH AL-BAANI ILAAH HA U NAXARIISTO , AMA FAA,IIDO KALE NOO FUR.
DADKA KU WAASHAY SAYID QUDUB ALAHA U NAXARIISTO , WAXAAN LEEYAHAY QALADAADKA SAYIDKA XAMBAARI MAYSAAN , CULUMANA MA AHAYN SIDA UU SHEEGAY SHEEKH AL-BAANI ALAHA U WADA NAXARIISTO ,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kalthuum

Thursday, November 09, 2000 - 11:02 am
to skandaneefiya!!!!!

waxaan gaadhay inaan ka boodo bogaan magacaaga ku arko.
WAXAA LA YIDHI DADKA WAXAA UGU LIITA QOF KHALDAN OO HADANA ISLA SAXSAN.

WAXAAN KUUGU NASEEXAYNAYAA INAAD MEESHAN AAN WAXBA LAGAA FAAIIDAYN EE AAD WAKHTIGA KU LUMISO KA HADHO MAGACA REER YURUB EED LA SHIRTIMAADANA ISKA DAA!!

HORE AYAA LAGUUGU SHEEGAY MARKAAS AYAAD TISHI MA ABU CUMAR IYO KHAALID AYAAN LAXAA OO AH MAGACYO CARBEED.

MAGACA CARABTA OO AH WELIBA LA ODHAN JIRAY KUWII DADKA ILAAHAY UGU KHAYRKA BADNAA MAXAA KA FIICAN KU DAYASHO AYAABA INOOGU EG.

WAXAAN KUGULA DARDAARMAYAA WALAALKAYOOW INAAD CILMIGA SHARCIGA AH,AKHLAAQDII DADKII HORE EE ILAAHAY KA RAALI NOQDAY,XIFDIGA QURAANKA,DIKRIGA ILAAHAY OO AAD AFKA KU HAYSO BISHA RAMADAAN OOD U DIYAARGAROWDO AHLUL CILMIGA IYO MAJAALISTA KHAYRKA OOD LAAZIMTO IYO DHAMAAN KHAYRKA OOD KU DADAAASHO KU SUGNOW WALAALAHA ILAAAHAY FAHAMSIIYEY MANHAJKII SALAFKII SAALAXA AHAANA KU DHINTAY OO CAALIM AHAA IYO KU NOOL OO WALAAHI AYNAAN GAADHAYN FAA1IIDADIISA IYO SIDUU UMMADA UGU FAAIIDAYNAYO KA HADH INAAD WAR AAN SAL IYO RAAD LAHAYN KULA WAREEGTO.
WAANAD OGTAHAY INUU ILAAHAY KU TILMAAMAY QURAANKA DHEXDIISA INAY DARAJO DHEERYIHIIN DADKA KALE CULIMADU.

MURANKA IYO WAREERKA NAGA DAA!

CILMIGA OOD BARATO AYAA IFTIIN KUU NOQON AAD WAX KU ARAGTO EE BARO.
INA CAFI WAXAAN ARKAY WAX AAN KUGU DHIBSADO NASEEXO SIKALE WAAN KUUGULA SOO GAADHI WAAYEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Friday, November 10, 2000 - 12:56 pm
Asalaamu caleeykum

Kalthun.

Aad baad u mahad santahay sida aad ii waanisay, waana wax la isku leeyahay.

In kastoo aan ku arko in aadan fahamsaneeyn meesha aan ka dagaalamaayo hadana wax la yaab leh ma ahan arintaas oo bani aadam ayaan nahay.

Walaasheey, waxaan ka dagaalamaaya aniga in dad la gaarsiiyo darajo sare. Oo la yiraahdo waa caalamiin. Qaarka kalena la yirahdo waa dad dhunsan, oo wadadii ka leexday.

Marka aniga taa kama qaadanaayi qofkaas. Bal wax la isweeydiyo ma xumo, bal ii sheeg dadka aan diinta ka dhageeysanaayo iyo kuwa aan iska ilaalinaayo. TAA jawaab ayaan kaa sugaaya.

Haddii la leeyahay aan ixtiraamno dadka diinta yaqaano oo dhan. Taa aniga ayaa ugu horeeya walaal.

Dhanka magaca aan la baxay ee Skandaneefiya. Uma arko wax xun oo diinta ka soo horjeedo oo meelo badan ayaan ku iraahday. Haddii aad ii haysid DALIIL dhahaayo "ma banaana" bal ila soo gaar.

Haddii aad leedahay waa magac gaalo ee hala iska tuuro. Bal idinkuba waxaad xirataan dhar gaalo, guri gaal dhisayna waad ku dhex nooshihiin, wadamada gaaladana waad degan tihiin.

Marka walaal caqligaaga fur oo fiiri sida aad u hadleeyso. Marka aad leedahay "waxaan ku sigtaa marka aan arko magacaaga in aan iska badalo". Taa waad sameeyn kartaa waa xaalad adiga ku taal.

Anigaba dad badan ayaan isku aragti aheeyn haddana dhinac ayaan ka maraa. Marka jawaab ayaan kaa sugaaya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.