site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Taariikhda Xarakooyinka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Oct. 29, 2000): Taariikhda Xarakooyinka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Saturday, October 28, 2000 - 08:19 am
Waxaan inshaa Allah kaga hadli doonaa bajkan taariikhda xarakooyinka islaamaka iyo doorka ay ka ciyaareen baraarujinta shucuubta muslimka ah.

Waxaan ka codsanayaa dadka walaalaha ah ee wax ku darsanyaa in ay wax ku darsadaan.Waxaan doonayaa in bogani noqdo bog cilmiga la isku dhaafsdo eenu noqon sida bogag kale oon siyaartay mid la isku xagxagto.

Mahadsnidin
Siccid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous.

Saturday, October 28, 2000 - 05:20 pm
Arrintan waa muhiim walaal. Hala arko xarakoyinka iyo taariikhdooda iyo sida ay mid walba wax ugu qabatey islaamka. Haka caajisin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Monday, October 30, 2000 - 07:49 am
Bismillah

Asalaamu Calykum

Xarakooyinka islaamka ee mucaasirka ah iyo in la barto taariikhdoodu waa mid waajib ku ah qof kasta oo danaynaya maslaxada dacwada Islaamka iyo soo celintii khilaafada Islaamka.

Inta aan taariikhda xarakooyinka Islaamka aan lagu samayn daraasad waxa mudan in la is waydiiyo su'aasha ah sababta ay xarakooyinkani ay u asaasmeen iyo hadafka ay leeyihiin.

*********Sababta**********
Waxa aad la wada socotaan in nabigeenii Maxamed ahaa (CSW) uu mudo(13 Sano) dacwada ku fidinayay magaalada Makka kadibna uu u hijrooday madiina halkaana u ka asaasay dawladii u horaysay ee ay muslimiintu dhistaan.Nebigeenu markii uu dhintayna waxa halkaa ka sii waday jihaadkiisii asxaabtiisii oo ay ugu horeeyeen Abubakar,Cumar Iyo Cismaan iyo Cali ilaahay gidigoodba raali ha ka noqdee.
Sida aad la wada socotaanba waxa muslimiinta ku dhacay khilaafaad daakhiliya(Gudo) kaas oo keenay in ay burburto khilaafadii muslimiintu.Markii ay khilaafadii muslimiintu burburtay waxa uu nidaamkii Islaamku isku rogay nidaam Boqortooyo.

Inkasta oo nidaamkaa boqortooyooyinku aanu ahayn nidaam la odhan karo ceeb buu ka saliim ahaa hadana ugu yaraan waxaad odhan kartaa wuxuu ahaa mid kulmiya dadka muslimiinta ah, mida labaadna intii ay nidaamyadani jireen shareecada Islaamku waxa ay ahayd ta saraysa ee uu mujtamacu ku kala socdo.

Boqortooyadii ugu danbaysay ee caynkaas ku dhisnayd waxa ay ahayd boqortooyadii la odhan jiray dawladii Cismaaniyiinta ee Turkiya oo burburtay 1924.

Burburkaas ku dhacay Khilaafadii cismaaniyiintu waxa uu keenay in mar qudha ay dadkii muslimiinta ahaa ay baraarugaan oo ay doonaan in ay soo celiyaan khilaafadii ka burburtay.Laakiin markan muslimiintu ma doonayn in ay ku dhisaan khilaafada nidaam boqortooyo ee waxa ay dooneen in ay soo celiyaan khilaafadii Nabawiga ahayd ee ku dhisnayd Manhajkii nabi Maxamed (CSW).

Si arintaasi u hirgasho,Umadu waxa ay u baahatay hogaan hogaansha.Hogaankaasina waxa uu noqday ururada (Xarakooyinka Islaamka) ee ay hogaaminayaan culimada muslimiiintu.

Hadii aaan soo koobno waxa aan odhan karnaa xarakooyinka Islaamka ah ee mucaasirka ahi waxa ay u asaasmeen waxa weeye in ay marlabaad caalmka ku soo celiyaan Manhajkii Ilaahay ee ay ka fogaadeen mulimiintu.

Maqaalkayga soo socda waxaan ku eegi doonaa bal in Jiritaanka Xarakooyinku uu yahay mid waafaqsan
Kitaaabka ilaahay iyo Sunnada Nabi Maxamed (csw).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, October 30, 2000 - 09:17 am
Asalaamu caleeykum

Siciid aad baan kugu mahad celinaaya sida wanaaga ku dhisan oo aad u sharaxday dhaq dhaqyada islaamiga. Waana wax loo baahan yahay in la barto.

Dadka marka ay bartaan ayeey fahmi karaan dadka kala fikradaha duwan, iyo siyaabaad ka ay u duulaayaan.

In kastoo wakhti badan ay u baahan tahay, hadana ILAAH ayaan kaaga baryaaya in u ku saaro miisaan kaaga ee daarta dambe.

Waxaana jeclaani lahaa in aad ku wado sida ay isugu xigaan, si uu akhristaha uu ku fahmo si fudud, iyo inta aadan soo galin in aad fiiriso qoraalka in uu sax yahay, yacnii aadan ka boodin xarfo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Monday, October 30, 2000 - 11:01 am
To Skandaneefiya
Asalaamu calykum walaal
Walaal waad ku mahadsantahy taladaada iyo dheeri galintaaada.Waa muxaawalo basiida oo doonayo in aan ku daraaseeyo mawduucan oo aad moodo in ay dad ka qaarkood meel kaga dheceen.Ilaahay waxaan ka rajayn in uu ii fududeeyo daraasadan.
Mar labaad mahadsanid
Siciid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abudujaana

Monday, October 30, 2000 - 12:07 pm
salaamu caleykum
saciid
walaal ma waxaad ka hadasho oo ummada faa'iido u ah ayaad weyday markaan xarakooyin ummadii kala qeybiyay oo mid walbaa sheeganayso in ay tahay tan saxda ah aad mawduuc ka dhigatay ku tala gal niqaash dheer si aad u difaacdo ama aad u sugto jiritaanka xarako oo aan waaqica ku heyno dhibaatooyinkoodii iyo in ay islaamkii ama khilaafadii intaysan gaarin kitaabkii & sunnadii ka tagay oo hawadooda & gaalo raacyo noqday ama ummadii caqaa'iidii ka haleeyay sida aan soo bandhigi doono taariikhdooda insha allah.
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Monday, October 30, 2000 - 02:08 pm
Asalaamu Calykum
To Abuudujaana

Anigu waxaan ka hadlayaa mawduuc muhiim ah marka laga hadlayo taariikhda dacwada mucaasirka ah.Waa mawduuc cilmiya una baahan in looga doodo si cilmiyaysan.Dooda aan faa'ido badan lahayn ma rabo.Markii hore ayaanan ka afeeftay.Laakiin wixii niqaash ah ee ku saabsan mawduuca aan soo cardinayo diyaar baan u ahay in aan ka munaaqashoodo.
Wuxuun baa lagaa rabaa AbuuDujaanow adiga iyo walaalaha kale ee halkan laga yaabo in ay maqaalo ku soo dhajiyaan in ayna ka bixin mawduuca laga doodayo.

Waad Mahadsantahay
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIIKH

Monday, October 30, 2000 - 05:58 pm
asalaamu calaykum..
waxaan aad ula yaabay siciidow sida aad u baratay
ninkan la yiraahdo abu-dujaana..
sida uu ujecel yahay dood indho la' taas dhib
ma'ahane waxaa ka sii daran qaabka loo doodo in
uusan aqoon u lahayn..oo uu inta badan mowduuca
ka baxo..waxaan kuwada hadli jirnay boga la yiraahdo SALAFIYA JADIIDA...
aad baan ula yaabay
qaababka uu u hadlo...
u sheeg niqaash cilmiyeysan hadii uu doonayo
oo uu xaqa hadii la tuso qaadanayo in diyaar
loo yahay in lala niqaasho hadii kalese uusan
dadka waqtiga ka lumin...
siciid aad baan kuugu mahdinyaa hadaladaadii
malabka ka macaanaa miskigana ka carfoonaa
sida uu walaalkay skandaneefiya kuu sheegayna
hadalada si waa daxsan u qor ma'aha in aad hada
wax qaladay ee waa in ay dadkaan yaabka lehi
uu sidii daran-doorigii maskaxdooda ugu dhacaa.
waa shay loo baahan yahay in laga sheekeeyo
taariikhda jamaacaadka islaamiga ah
waxaan ku leeyahay alaha kula garab galo
waana ka qayb qaadan doonaa hadii ale idmo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shacraawi

Tuesday, October 31, 2000 - 12:09 pm
Ma adigaa wadaa islaamka saxda ah. waayow waxaad sheegtay dhibaatooyinkooda. Maxaad u sheegi weeyday faaidooyinkooda oo ka badan khasarooyin kooda.

Halkaa nooga wadaa akhyaarta kala ah Siciid, Sheeikh iyo Skandaneefiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Tuesday, October 31, 2000 - 03:03 pm
Asalaamu Calykum

-------Daraasad Xarakooyinka Islaamka (2)--------
Walaalayaal marka hore gudooma salaanta Islaamka. Sidii aan ku sugay maqaalkaygii horeba waxa uu maqaalkani hadii Alle yidhaa uu ka jawaabayaa su’aasha ah camalka xarakiga ah ee maanta caalmka Islaamka ka jiraa daliishiisu maxaa tahay ? Ma waxa weeye mid bidco ah sida dadka qaar ay ku andacoonayaan mise waxa weeye camalkani mid leh daliil sharciya?

Jawaabta su’aashani iyadoo gaaban waxa weeye camalkan(Xarakooyinku) ugu yaraantii waam mid banaan(MUBAAX) ugu badnaantiinaa waa mid waajib ah(WAAJIB).Waxaana arintaa daliil u ah nuqdooyinkan soo socda:

1)Dadka muslimiinta ahi in ay soo celiyaan Khilaafadii Nabawiga ahayd waxa weeye waajib Islaamiya.Dhisida dawlad Islaamiya oo ku asaasan manhajka ilaahayna waa arin u baahan qorshe iyo nidaam.Ma’aha shaqo dad afraada oo wax nidaam ah oo isku xidhaa aanu jirin ay qaban karaan.Sidaa daraadeed in la uruuriyo afraada ku qanacsan soo celinta nidaamka Islaamku waa waajib diiniya.

2)Nabigeenu waxa uu ina faray in hadii 3 qof ay safar galayaan in ay midkood ka dhigtaan Amiir.Hadii kaasi uu yahay safarkii maxaad u malayn soo celintaanka mujtamac iyo dawalad muslim ah.Tani waxa ay daliil u tahay in hadii dad muslimiin ah, oo ducaad ahi, ay isla gartaan in ay ilaahay dacwadiisa u kacaan iyaga oo is nidaaminya,in ay ku taaganyihiin sunadii nabigenii (csw).


3)Xarakooyinka Islaamku waa sida madaahibta fiqiga oo kale.Culimada AHLI SUNADU maysan INKIRIN madaahibta fiqiga.Sidaas oo kale Culimada AHLI SUNADA maysan inkirin JIRITAANKA dhaqdhaqaaqyada Islaamka marka laga reebo qolooyin maalmahan danbe soo baxay.(Kuwaas daliishooda waxaan ku eegi doono maqaalka soo socda.)Israacaa culimada Islaamku waxa ay muujinaysaa sharcinmada jiritaanka dhaqdhqaaqyada Islaamka.

4)Waxa jirta qaacido fiqiya oo tidhaahda “Aslul Ashyaa’i ibaaxa---” taas oo macnaheedu yahay in wax kastaba ay banaanyihiin ilaa daliil xaaraantimaynaysa la helo mooyee.Markaa hadii ay dad isu yimaadaan oo ay ku qancaan in ay dacwada ilaahay fidiyaan iyagoo JAMAACA ah,”WAA ARIN BANAAN” oo in Islaamku dhiiri galiyo mooyee wax xaaraantimaynayaa aanay jirin.Qolooyinka diidan baana laga rabaa in ay keenaan daliil cad oo xaaraantimaynaysa arintan.


5)Dadka muslimiinta ah waxaa laga rabaa in ay isu nidaamiyaan sida cadawgoodu isu nidaamiyay.Maanta waxa aad aragtaan in dawladihii muslimiinta gidigood ay ku jiraan gacanta cadawgooda.Dadka qudha ee ururuin karaya dadka muslimiinta ahi waa dadka Islaamiyiinta ah,iyaguna ma gudan karaan xilkan hadii ay noqdaan kali kali aan wax nidaama oo isku xidhayaa aanu jirin.Sidaa daraadeed waa fariido diiniya in dadka ehlu diinka ahi ay yeeshaan nidaam la mida ama ka sareeya ka cadawgooda.
******NIDAAM LA'AAN = XARAKO LA'AAN = DEFEAT******
*******GEBAGABO*******
Sidaa aan kor ku xusayba in islaamka loogu shaqeeyo xarakooyin ugu yaraan waa mubaax(banaantahay) ugu badnaanna waa waajib.

Hadii Alle yidhaa waxaan maqaalkayga soo socda ku naqdin doonaa daliilaha ay haystaan dadka diidan dhaqdhaqaaqyada Islaamuku.

Mahadsanidin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Observer

Wednesday, November 01, 2000 - 10:48 pm
Salaamu Calaykum

To: Shiikh

Walaal kuguma arag mowduucii ahaa Salafiya Jadiida, ee xageed ugu jirtay.
Mise magacii ayaad badalatay adigoo ka cabsanaya Abu-Dujaana.
Walaal ma ogtahay Saxaabiga la yiraahdo AbuDujaana oo uu wato magaciisa
walaalkaan in sidaas oo kale isagana looga cabsan jiray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shiikh

Thursday, November 02, 2000 - 09:31 pm
TO:OBSERVER

aduunka kan oo kale ayaa ugu daran

somalidu waxa ay ku maah-maahdaa
**dameer iyo docka yeerba daankaa lagy dhuftaa***

saxiib ma adigaa u ah abu-dujana afhayeen

isagii baaba nool oo soo taagane

mise waa adigii oo magacii soo badaley

adigu maxaad u baqday oo magacaaga u qarisay

saaxiib raganimo yeelo oo meel ciriiri ah
lama galee banaanka isasoodhig

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.