site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAAN U QABAN KARNAA FALASTIINIYIINTA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): MAXAAN U QABAN KARNAA FALASTIINIYIINTA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, October 29, 2000 - 08:42 am
TO Walaalahay muslimiinta ah
Assalaamu calaykum
Salaan ka dib walaalayaal sida ku cad cinwaanka bageka, waxaan u furay bagekaan in aan is dhaafsano wixii talo ah oo ka shacbi ahaan arinta walaalahayna falastiiniyiinta iyo arimo kale, madaama qaadadeena ay noqdeen kuwo u jilacsan reer galbeedka, idan waxaan jeclahay in ay noqoto arimaha aan ka talo dhiibanayno qaab su'aaleed.
arimaha talo ka dhiibashada waa sida tan:-
1- maxaan u qaban karnaa walaalahayna falastiin?
2- maxaan u qaban karnaa xaramka sadexaad ee masjid al-aqsaa ?
3- maxaan u qaban karnaa walaalahayna shiishaan?
4- maxaan u qaban karnaa walaalahayna ciraaqinta?
5- maxaan ka qaban karnaa kala go'sanaanta muslimiinta iyo isku xirnaansho la'aantaba?
walaalayaal intaas marka hore aan is dhaafsano wixii talo ah ka dib waan isla joognaa inshaa allaah.
mida kale walaalayaal yaan lagu tashanin madaxdeena ilaahay xaqqa ha tusiyee .
Wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHALIIF

Sunday, October 29, 2000 - 10:02 am
HAAJI:

Falastiin waxaa u qaban kartaa waa adigoo wadankaada wax u qabta. Sidee ku fakartay adoo ka imaaday wadanka aduunka ugu liita oo aan dowlad alehayn maalin walbana dumar iyo caruur lagu kufsado magaala madaxdiisa inaad Falastiin ka hadasho? Wanaaga daadkaadaa laga bilaabaa ee Soonaliya wax u qabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. #222

Sunday, October 29, 2000 - 12:44 pm
Khaliif

Waad dadaashey waase kaa hoos baxsantey.
Saaxiibxeen xaaji waxuu la hadalayaa dadka Soomaalida ah ee muslimka ah, ee iimaanku ku danbeeyo. Waxuu xusey Masjidkooda Al-Aqsaa iyo dhibka lala maagan yahay, taasna waa arrin hadda taagan, oo sugeysa odoomada Ilaahey, oo lagu imtixaanayo sidey u dareemaan, uga qeyb qaataan.

Waxaa la yiri, haddey uurka kaaga jirto in aad sadaqo la baxdid, balse aad tabar u weydid, waxaad leedahay qeyb ka mid ah ajarkeedii. Haddaba haddii aanaan tabarheyn, aan uurka ajar ku doonano. Haddii kale, oo aan kaba soo horjeesano, waa dagaal cad, oo dambi nooga imaanayo.

Aan Is ilaalino, oo cabsano!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Sunday, October 29, 2000 - 04:03 pm
asalamaau calaykum.....

QUDUS WAXAA FURTAY FAARUUUQ CUMAR IBNU KHADAAB


WAXAA XOREEYEY SALAAXU DIIN AL-AYUUBI......

MAANTA YEY LEEDAHAY.....

MA CARAFAAT?...MISE XUSNI MUBAARAK?....

MISE CILINTON?....MISE BAARAAK?

DHAMAANTOOD WAA ISKU MABDA'....

QUDUSNA IN AY DAYACANTO AYEY ISKU WAAFAQSAN YIHIIN

ANAAGAA DIYAAR U AH IN AAN XORAYNO..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, October 30, 2000 - 08:20 am
to walaalahay fikrada dhiibtay
assalaamu calaykum
walaalahay A.#222 and abu-cumayr aad ayaad u mahadsan tihiin fahamkiina iyo fikradiina iyo niyad wanaagiina ilaahay ha idinka abaal mariyo,
walaalkay adigana sidoo kale laakiin waxaan kuu sheegayaa in aad si qaldan u fahantay aniga waxaan ka hadlayaa kamuslim ahaan ee kama hadlaayo kasoomaali ahaan.
walaalayaal madaxda muslimiinta yaan lagu tashanin waan aragnay waxa ay yihiin kashacbi ahaan aan ka hadalno.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, October 30, 2000 - 04:04 pm
To all brothers
Assalaamu calaykum
walaalahay A.#222 and abu-cumayr aad ayaad u mahadsan tihiin taladiina iyo fikradihiina iyo niyad wanaagiina oo aad soo bandhigteen ilaahay ha idinka abaal mariyo.
walaalkay khaliif adigana sidoo kale laakiin walaal si qaldan ayaad u fahantay ee aniga waxaan ka hadlaayaa kamuslim ahaan ee kama hadlaaayo kasoomaali ahaan.
walaalayaal haku xisaabtamina madaxda muslimiinta ee aan ka hadalno kashacbi muslimiin ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

killer army

Thursday, November 02, 2000 - 08:26 am
palestine= phuck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous.

Thursday, November 02, 2000 - 05:19 pm
killer army.

Next time you won't be able to log on to the net if you don't change your stupid remarks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Thursday, November 16, 2000 - 12:13 pm
br haji, i think your input here is wonderfull and your comments is well appreciated except that damb guy named khaliif. yow man, shut your •••• up or say something good.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.