site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Muxuu islaamku kaqabaa dadka intay ismiineeyaan isqarxiya?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Muxuu islaamku kaqabaa dadka intay ismiineeyaan isqarxiya?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Monday, October 30, 2000 - 01:22 am
Asslaamu calaykum yaa ahlul islaam

Waxaan jeclaystay inaan soo bandhigo arrin yar oo muddo kuwarwareegaysay maskaxdayda, arrintaasoo ah ficillada ay dadka qaarkood sammeeyaan ayagoo rabo inay dhaawac u gaystaan cadowgooda, taasoon ulajeedo in intii la'ismiineeyo ladoonto cadawga kadibna la'isqarxiyo.Waxaan iskudayey inaan waraysto culumo diinta aqoon u leh bal waxay kadhahaan arrintaa, waxayna ukala jabeen labo, qolo tidhi waa bannaantahay iyo qolo tidhi waa isdil cad (intixaar)(suicide) oo qofkii kukaca waa ehlunaar. Markaan ibarbardhigay labada dhinac waxaa daliil xooganaaday qoloda diidan inla'isqarxiyo. Sidoo kale waxay culumada qaar yidhaahdeen waxa kaliyo oo qofka ay u bannaanaan karta inuu sammeeyo wax ay naftiisa kudhimani oo hubaalah xalaado yar oo dhamaantoodba iman kara oo qudha labo wakhti oo kala ah Mar difaac lugu jiro ooy arrintaa Daruuro noqoto cadowgoo xoogbadan darteed iyo mar dagaal foodda la'iskula jiro oo iyana duruuf sababto in lahuro inyar si inbadan loo badbaadiyo iyo xaalado shabaha kuwaasoo kale.
Laakiin mabanaana ayey yidhaahdeen inaad weerar qaaddo oo adigoo weerar ah isqarxiso haddayna duruuf kalifin lamida kuwaan soo xusnay.
Waxay culumadu diideen oo ay sheegeen inayna banaanayn ficilada aynu ka'aragnay Falastiin iyo Koonfurta Lubnaan ooy kala fuliyaan Xizballa Jahaadka islaamka iyo Xamas.
Maxaad katidhaahdeen arrintaa waxse iswaydiiyey majiraa arrintaa???
FG
Arrintu dood iyo madhab iyo xarako kumtacalluqdo ee waa mas'alo diini ah oo u baahan cilmi baadhis ee haddaan aqoon u leedahay walaaloow kadhiibo waxaad aaminsanatahay. Haddaadan aqoon ulahayn bal yara faa'iidayso walaalkayga muslimka ahoow.

Walaalkiin Axmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Monday, October 30, 2000 - 07:53 am
Asalamu caleeykum
Arin aad u wanaagsan oo muhiim ah ayaad soo bandhigtay. In kastoo aad sheegtay aqwaasha culimada diidan iyo kuwa ogol. Ma waxaad ula jeeda aan ka doodno, anagoo ardey nahay. Maadama ay AQOON YAHANADU ay ku kala duwanaadeen. Waxaa ay noqon doontaa doodan in xaga iyo xaga la isku jiito.

Koleey, anigu waxaan ogahay in Dr. Yusuf al Qaradawi uu fatwooday arintaas. Isagoo yiri "fatwadeeda waxeey ku KOOBAN tahay oo kaliya FALASTIN".

Waxaa dareemi karaa oo kaliya arintaan qofkii joogo FALASTIN, oo waaqica la socdo.

Waad mahad santahay Axmed!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Monday, October 30, 2000 - 10:44 am
Axmed

Waxaad noo sheegtey in culimadu labo ula jabtey, balse nooma cadda oo nama siin tusaalooyin qaas ah oo lagu fahmi karo noocyada iyo siyaabaha uu ku imaan karo. In la isdilaa ma banaantey oo kaliya, jawaabteed waa mayo. Waxaase loo baahan yahay la sii qeexo, oo la kala saaro nooca dagaalka iyo siyaabaha la isku miidaaminayo iyo waxa aad u dagaalameysid. Ka soo qaad in aad u dagaalameysid adduunyo badsi ama siyaasad, ama qabiil iwm, jawaabteed way caddahey oo waa maya.
Dhinaca kale ka soo qaad in uu yimaado cadow ujeedadiisu tahay in uu islaamka iyo raadkiisaba baabi'iyo, ficilkaasna ku dhex jiro, haddaba tani maxey noqoneysaa? Jawaabta adaan kuu daayey adoon waxba culimo ila sugin. Intaas kaliya maahan, qofka fulinaya arrimaha xitaa waajibka ah, asaga qalbigiia maxaa ku jira oo uu doonaya: ma ha lagu faansho, qabiilkiinu darajo ha ku gaareen, ma cadowgaaga ha kala yaraada, ma mar uun iska dhibo adduunkan ha ku dhaafee iwm, mise in uu u dhinto in uu Ilaahiis ku raali galiyo.
Jawaabta runta ah iyo mida xaqa ah, waxaa la ogaan karaa oo kaliya markii la is xisaab qaadayo.

Midda kala su'aalahan oo kale, ma garanayo waxa idin ku riixaya in aad raadisaan, waayo inta badan waa arrimaha gaaladu jeceshahey in laga sheekeysto, si culimada qalimo cascas ugu dhigato.
Barrina waxaan sugayaa su'aal ku saabsan arrimaha shahiidka iyo wax la mid ah.

Walaalayaalow diintu wey ballaaran tahay, ee aan isku sheegno inteeda cad ee la isku raacsan yahay, si looga ilaaliyo kala jabka iyo iska hor imaadka culimada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.