site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxay Kukaladuwanyihiin AL-Itaxaad , AL-Islaax

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Maxay Kukaladuwanyihiin AL-Itaxaad , AL-Islaax
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xogdoon

Monday, October 30, 2000 - 04:53 pm
To: All muslim men&women
Salaamu calaykum

Walaalayaal hadii aad aqoon uleedihiin waxaan jeclaan lahaa in la ii sharaxo farqiga u dhexeeya labaad magac iyo waxay isku khilaafsanyihii iyo sidii magacyadaasi ku yimaadeen?

Boggaan uma furin caay iyo wax aan ilaahay raali ka ahay ee waxaan rabaa aqoon kororsi ee hadii aad igu dhaantaan si cilmiyaysan ii gu soo jawaaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 31, 2000 - 12:21 am
Asalaamu caleeykum

To XOGDOON

Walaal aad ayaad ugu mahad santahay arintaada aad rabtid in aad fahamtid. Waana laga maarmaan in la barto waxa maanta dhex yaalo saaxada.

Waxaan ku sheegi lagaa in aad la socotid in la furay qeeyb cusub oo ka hadleeyso TAARIKHDA xarakaatka ee mucaasirka. Marka kaas ku dadaal in aad akhrisatid si taarikhi ahaan u fahamtid. Ka dib hoos u soo dag.

Waxaan rajeeynaaya in aad sawir weey ka heli doontid waxa u dhaxeeyaa.

Waad mahad santahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdika

Tuesday, October 31, 2000 - 06:49 am
Assalaamu caleykum...

Anigoo warkeyga soo koobaya.

Waxaan arkaa in labada jamaaca dad muslimiin yihiin laakiin ku kala duwan yihiin xaga fikriga haddey noqot:

1- mowqif siyaasadeed, tusaale: jihaad, mise baarlamaan
2- sidee dacwada shicibka ugu dhex faafinaa, tusaale: munaasabaadka islaamiga maka faaiideysanaa si aan dacwadeena iyo hadafkeena dadka u fahansiino mise waxaan la hortageynaa waa bidca qofkii ka raali noqdana waa bidci

Iyo waxa yaalo kale oo lamid ah labadaa qodob.

Ma aaminsani in midkood sheegan kara inoo kan kale
Ilaahey kaga dhow yahay, hadey jirtana Ilaahey asagaa og kiina kacabsi qabid badan.

waxaan kaloon qabaa in wax asal ah aan lagu kala tagsaneyn laakiin ay jirto in dad badan aan kala fahan sanayn sida wax loo kala hormariyo, wax ukala muhiimsan yihiin, ama maxaa juz'iyaat ah maxaase kuliyaat ah.

Taasi waxay dhalisay in qaarkood qaarka kale ku tuhmaan ibtidaac ama caqiida xumo.

Assalaamu caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Tuesday, October 31, 2000 - 08:28 am
To xoog doon
assalaamu calaykum
walaal xaqiiqdii waa dad muslimiin oo isku khilaafsan waxyaabo badan oo xaga diinta laakiin labadoodaba waxay ku socdaan jid ilaahay aan raali ka ahayn oo nabigiisa s.c.w aan ka sugnayn oo magacaas ay labaxeen iyo isku imaatinka oo dad khaas ah isku imaanaya.
walaal waxaan u maleeynayaa in aad fahmi doontid ulajeydada hadalkaas kooban.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xogdoon

Tuesday, October 31, 2000 - 11:03 am
To: Skandaneefiya,abdika iyo HAAJI

Dhamaantiin waad wahadsan tihiin sida aad iigu sharaxdeen su'aashaydii, lakiin walaalayaal adinka iyo dhamaan somaalida soo gasha bogaan waxaan idin ka codsanayaa in aanan marnaba ilaawin allah (S.w) hdii aad adigu hilmaansantahay asagaan marnaba ku hilmaamayn oo kaa warqab . Hdaba wali waxbaa is kaga kay qasan ku saansan su'aashaydii hore maxaa yeelay waxaan la kulmay labanin oo muslimiin ah oo kakala tirsan labadaa magac ee aan soo xusay waxaana ii ga muuqatay in midba midka kale ka didsanyahay ,hadab walaalayaa sicilmi ah ha laiigu soo sharax hadii aad waqti u heshaan

Wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-akhbar

Tuesday, October 31, 2000 - 05:45 pm
To: Skandaneefiya

Xageeudirtay Xogdoon ma meelbaa wax gaar ah kuu yaalaan , mise waxaa rabtaa in aad mikiinkaas wax in uu koror sada raba in aad god mugdi ah la gashid.

To Xogdoon

saaxib adigu marka u horaysa haba yaraatee wax aqoon ah ma u leedahay diinta mise waxaad tahay caami

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Tuesday, October 31, 2000 - 11:53 pm
Asalaamu caleeykum dhamman walaalaha.

Al- Akhbaar

Aad baad ugu mahad santahay sida wanaaga aad ii su´aashay. Walaal marka hore qof aan kala faham saneeyn Al- Itixaad iyo Al- Islaax waa qof aan ku fara dhuubneeyn diinta islaamka. Marka si aan ugu soo bilaabo taarikhi ahaan ayaan jecleeystay bal in uu akhriyo horta. Ka dibna sawir weey ayuu ka heli. Meesha aan u tilmaamay waa TAARIKHDA XARAKAATKA, oo uu diyariyay walaalkeen SICIID.

Abdika

Aad ayaan kugu farax sanahay sida aad u sharaxday. Laakiin ma isweeydisay qofka aad la hadleeyso in uu kala fahmaayo juz´iyaat iyo kuliyaat.

Iga raali ahaada dhammantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Wednesday, November 01, 2000 - 04:22 am
asalaamu calaykum..
waad mahadsantihiin dhamaan walaalaha..

HAAJI...
HADALKA aad ku hadashay waa hadal khadiir ah
<<waxay ku socdaan jid aan alaah raali ka ahayn
oo nabigiisu s.c.w ku sugnayn magacaas ay la
baxeen iyo isku imaatinka oo dad khaas ah isku
imaanaya>>>
walaal hadalkaani ma aha hadal toosan
1:adigu ma ogid in uu san alaah raali ka
ahayn sababtu waxa ay tahay waa jamaaco u kacaday
in ay nashriso diinta alaah,sidaas daraadeed
hadii uu ka dhaco gaf ku yimid ijtihaadkoodu
waa arin loo dhaafayo..
adiga iyo raga kula afkaarta ah dowr intee le'eg
ayaad ka cayaarteen dacwada fidinteeda waxaa
la idinku saliday ducaada
2:waa dad isku yimid ayaad tiri oo khaas ah
taas waa khalad aad aamintay jamaacaadkaan
mid walba waxa uu u istaagay sidaan sheegay diinta in uu faafiyo
qofkii ka qayb qaadanaya arintaas cid u diidaysa
ma jirto in uu walaalahood dacwada la wado
waana arinta ay doonayaan jamaacaadku..
ma aha dadka in ay kala ka xaynayaan ee way
isku keenayaan..

ma aha in aan leeyahay khalad ma lahan maxaa
yeelay waa bashar wayna khaldami karaan
waxaa ugu khayr badan qofka khaldama isaga
oo xaq raadinaya
habeen iyo maalin waan gafaynaa maxaan u arkaynaa
oo kaliya khaladaadka ducaada..
waxa ay nagu leeyihiin hadii ay khaldamaan
in aan tusno jidka wanaagsan
waa hadii aanu nahay dad iyaga cilmi ku dhaama
xukunka balaaran ee aad la ordaysid
saaxiib iska daa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, November 01, 2000 - 09:12 am
To abu-cumayr
assalaamu calaykum
walaal aad ayaad u mahadsan tahay fikradaada aad soo bandhigtay iyo fahamkaaga islaamnimada, waxaana alle ka baryayaa in uu xaqqa natusiyo.
1- walaal waxaad i waydiisay dowrka aan ka qaatay dacwada islaamka taasna uma maleeynaayi in ay ku haboon tahay in halkaan lagu soo bandhigo, mida kale walaal sida aad tilmaamtay isku imaatinkooda inuu yahay nashrin diinta islaamka iyo isku kaashasho dacwada, walaalow waa sida ay ka dhaadhiciyaan xarakaatka ama jamaacooyinka dadwaynaha iyo shacabka, waxa aad ka aaminsan tahay xarakaatka dad badan ayaa aaminsan ee ilaahay xaqqa hana wada tusiyo,
2- walaal waxaad i waydiisay (ma adigaa og in uu laahay raali ka ahayn) walaal qofkii qur'aanka yaqaana iyo sunnaha nabiga s.c.w ayaa og in uu ilaahay raali ka ahayn xarakooyinka waxaa u daliil ah ayaad ku jirta suurada (aala-cimraan aayadeeda 102) magacyada ay la baxeenna in uu alle raali ka ahayn waxaa u daliil ah aayada ugu danbeeya ee suurada (al-xajj).
3-walaal hadii wax yar aan kaaga waramo habka ay u shaqeeyaan xarakooyinka (A)walaal marka hore waxaa loo tartamaa dadbadsi, xarakadeena ayaa ka dad badan xarakadaas iyo iwm. (b)walaal marka xiga waxay sababaan xarakooyinka kala go' oo micnaheedu yahay labo qof oo muslimiin ah ayaa waxay ku kala go'ayaan xarako dartiisa oo ninkaan xarakadeeda kama tirsana ayuu leeyahay, waxaa halkaas ku dhumaaya ziyaaratu almariidi taas waxaa u sii dheeraad ah waxaa laga yaabaa in uu qalbigiisa uu u qaado xiqdi iyo cadaawo iyadoo xaaraam ay tahay in qof muslim xiqdi loo qaado. (c)walaal dhamaantooda hadii aad fiiriso waa xukun doon waxaana fahmi kara qofkii la shaqeeyay maxaa yeelay waxa ay u shaqeeyaan sida nidaam dowli ah nidaamkaas iyo qaabka ay u shaqeeyaan waa nidaan aan laga soo guurinin nabi muxamed s.c.w iyo saxaabadiiisa.
walaal xarakooyinka dhibaatada ay leeyihiin halkaan laguma soo koobi karo ee intaas waa iga nasteexo in aad iska ilaalisid.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Wednesday, November 01, 2000 - 02:45 pm
To:xaqdoon

Mawduuca su'aashaada isaga oo cilmiyaysan ayaan daraasad ka soo diyaarin.Laakiin inta aanan mawduucaa ka hadal waxa aan jecelahay in aan mawaadiic u gogal xaadhaysa mawduucaa aan ka hadlo.Markaa waxa aad tagtaa dooda (discussion) uu ciwaankiisu yahay
"DARAASAD XARAKOOINKA ISLAAMKA".Halkaa ka la soco walaal.

To:Haji
Walaal kuma lihi xarakooyinka Islaamku waa malaa'ig,waa dad isu yimi oo laga yaabo in qaarkood qaladaad yeeshaan,laakiin taasi ma keenayso in camalka ay wadaan la bidceeyo sida maalmahan danbe ay dadka qaar ku andacoonayaan.Akhri Mawduuca aan ka soo diyaariyay xarakooyinka Islaamka qaybtiisa labaad ee ku qoran dooda aan ugu magac daray "DARAASAAD XARAKOOYINKA ISLAAMKA"

Dhibaato uma arki lahayn in aad tidhaahdo kuma qanacsani camalka xarakooyinka,laakiin in aad dhaleecysaan dad xoolahoodii iyo waqtigoodii dacwada ilaahay galiyay taas ayaa musiiba ah.

Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xogdoon

Wednesday, November 01, 2000 - 04:48 pm
To Al Akhbar

Assalaamu calaykum

Walaal waa mahadsantahay ,waana fahmay su aashaadii hadii aan kaaga jawaabana Anigu ku dhihimaayo waxaan ahay caalim diinta islaamka wadayaqaana , balse hadii aad iga waysay kalimaad carabi ah macneheedu maaha in aanan diinta waxba ka aqoonin . Xaga diinta islaamka habayaraatee xoogaa aan Allah (CW) aan ku caabudo waa ka aqaan mahadaasna Allah ayaa iskaleh.Dhinaca luqadda carabigana Cadan ayaan ku dhashay oo ku barbaaray ilaa iyo 30 sano. Hadaba walaal hadii aad ujeeday inaad hab cilmiyeed ii gu soo jawaabtid waa ku fahmi ee ha igala bakhaylin

Sallamu alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xogdoon

Wednesday, November 01, 2000 - 05:05 pm
To Skandaneefiya
Assalaamu alaykum
Wallaal awalan waa kuu mahad celinayaa sida wanaag san ee aad ii caawinaysid. Walaal ma'ahi ruux kalafahmiwaysan (Juz'iyaat & Kuliyaat) ee waxaan raadinayaa in aan helo cudurka ummada muslimiinta ah ku kalajira, hana u qaadan in aanan xitaa waxba kala socon ee waxaan doonayaa xog dheeraad ah . Midakale walaal hadii aan ku su'aalay farqiga u dhexeeya Al-itixaad &Al-islaax macneheedu ma'ah in aanan diinta waxba ka ogayn .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 06:05 pm
Aniga waxay ila tahay in ruuxii ugu horeeyay ee si caddaalad iyo xasadnimo isugu jirtay waxa uga qoray tariiqda xarakaadka Islamka soomaalida uu aha nin carab Soomaali ah oo la dhihi jiray Cumar Khadhib. Waxaan horraantii Sagaanka ku arkay maqaallo uu qoray oo runtii raggii xeryaha qaxootiga joogay iyo Soomaliyaba dood badan geliyay. Ruuxii yaqaanno meeluu joogo bilixsaanak ha noo sheego iyo inuu buug ka qoray xarakaadka. Waxaa naloo sheegay in lagu dilay Afrika. Waxase dhab ah inuu ahaa Carab Soomaligii ugu horreeyay ee wax ka qoray tariqda Somaliya.

Ahmed Xaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 06:44 pm
Markii runta loo dhabagalo, wax weyn kuma kala duwana.

Aslaax, camalka adduunka ayey aakhiro ku raadsadaan, wax walbana waxaa kala weyn iney dad badan helaan, si walba ha ku helaanee.

Itixaad, waa dad markii hore caqiido wanaagsan, rumeeyey, haseyeeshee, qalbiga siin waayey, si dabasocodka caqiidadaas, waxaana ku culusaatay meeshey u waddo, markaasey, meel cir iyo dhul u dhexeysa fariisteen, ayagoo dhexdooda qabiil iyo baas u kala baxay.

Salafiya jadiida oo ah kuwo lo isticmaalo burburinta diinta, ayaase labadaba ka barnaamij fiican, kana habeysan, sida muuqatana ayagaa golaha ku soo haridoona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariin

Wednesday, November 08, 2000 - 02:56 am
to:dhamaan ka qeyb galayaasha aqoon kororsigan. walaalayaal sida ii muuqata raga doodan ama aqoon kororsigan ka hadley aad ayey u kala mustawe sareeyaan ,afkaartooduna aad ayey u kala duwan tahay ,raga qaarkiina waxaad modaa iney hadalo gef ah ku hadlayaan sida walaalkeygan yidhi (dariiqa itixaadka iyo islaaxu marayaan waa dariiq aan ilaahey raalli ka aheyn )!!!! . anigu waxaan aaminsanahay in nin kasta oo computer haystaa aanuu ka hadli karin mowduucan ama ka jawaabi karin su,aashan ,sidaa daraadeed waxaan odhan lahaa dadka u ehelka ah ha loo daayo oo wax halaga weydiiyo sidey aayda quraanka ahi sheegayso. ragu waa dadaalayaa ee si cilmiyeysan oo daliil iyo adilo ku dhisan ha loo doodo oo ra,yigan kelli ah wax ha lagu ladho .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL Akhyaar

Thursday, November 09, 2000 - 07:27 am
To XOGDOON

Walaal hadii aad doonaysid in aad kala ogaatid waxay ku kala duwanyihiin kabadaas urur wasidaan.


Al-islaaxuna waa farac ka soo dhexbaxay ururkii la oran jiray AL-ikhwaanul muslimiin oo kasoo aasaaamay Masar oo markii hore loo aasaasay in ay xukun islaami ah ku soo rogaan wadamada muslimiinta ah oo dhan bacdamaa ay burburtay dawladii wayneed ee islaamka , Sida aad lasocotana waxaa aad ula dagaalay Jamaal abdulnaasir iyo xukuumadiisii oo caan ku ah taariikhda sidii uu u laayay kadibna way kala furfurmeen oo cadad koodii waxaa qariyay AL-itixaadka oo garab wayn ka haysta Saudiga . Anaga soomali ahaana waxay nasoo gaartay waqti aan saa u sii fogayn.

AL-itixaad ku waxay ka soo farcameen Mxamad Abdulwahaab oo kayimid Njdi Saudiaraabia mudo laga joogo Laba boqol oo san ,wuxuuna xoogaa ku sii daray fikradihii IBNUTAYMIYA uu ka ga duwanaa muslimiinta oo dhan ila uu gaarsiiyay in uu yiraahdo assaga iyo wixii raacsan mooyee dhamaan umadda muslimiinta ah oo dhan xitaa Assaxaabadii nabigu khalad ayay fahameen xaga diinta. Mabda'aas ayayna ku dhaqmaan qolada loo yaqaan AL-itixaadku.

Hadii aad rabtid intaa wax ka siibadan oo ku saabsan taariikhdooda waa lagaa caawini hadii allah idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Friday, November 10, 2000 - 04:23 pm
salaamu caleykum
walaalayaasha waad salaamantihiin marka hore waxaan u jawaabayaa AL AKhYAAR " allah ka cabso ma waxaad mooday allah in uu san ku arkeyn , maqlayn , kuna xisaabin doono " . hadaadan aqoon taariikhda ururada islaamka been ha ka sheegin waa maxay xiriirka ka dhaxeeyo ( sh.max'ed cabdi wahaab suleymaani al tamiimi dhashey 1115H - 1206H waxuu noolaa ku dhawaad 91 sano , waxaa laga joogaa dhalashadiisii ilaa 306 sano ) iyo Alitixaad al islaami ( Al Ictisaam Bil Kitaab Wassuna ) oo la Asaasay 1983 in mogadishu Aana naqaano Asaasayaashii oo aan heyno wareysi laga qaadey amaba ku qoran dukumenti marka waa hafaryo iyo been abuur .
waxaan su'aal weydiinayaa anny.( Salafiya jadiida oo ah kuwo lo isticmaalo burburinta diinta, ayaase labadaba ka barnaamij fiican, kana habeysan, sida muuqatana ayagaa golaha ku soo haridoona )maxaad ula jeedaa ??????
Axmed xaaji : su'aal cumar khadiib goormuu qoray buugaas ama qoraaladaas waxaan u maleynayaa in uu noolyahay USA uu joogo ????
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AL Akhyaar

Saturday, November 11, 2000 - 02:57 pm
To abu dujaana

Salaamu caleykum .

Walaalwaa ku mahad santahay wacdigaaga waana waxa waajib ah in la'isfaro cabsida Allah meelkastoo lajoogoba.

Waxaad sheegtay "Alitixaad in la'aasaasy 1983 in Mogadisho" maxuma taasi ee ma waxaad u la jeedaa kuma abtirsadaan Maxamed Cabdulwahaab oo sidaan u soo sheegay ma'aha? hadii aadan sidaa ula jeedin walaal waxaad akhrisaa ninkaan u jawaabayay ee(Xogdon) su'aashiisii.Hadii aad leedahay kuma abtirsadaan Maxamed Abdul wahaab na ii soo sheeg ayana waa kawada hadlaynaa hadii Allah idmo.

Salaamu caleykum .

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.