site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Diinteenu maxay qabtaa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Diinteenu maxay qabtaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdixiis

Tuesday, October 31, 2000 - 04:51 am
walaalayaal ma iiga jawabikartaan waxa ay diinteenu ka qabto in afka la iska jakho?yacni waxaan ula jeedaa ninka iyo haweenkiisa afka afka ma isu gelikaraan ? waayo waxaan arkay dadbadan oo iskuhaya waabanaantahay iyo mabanaana markaas ma iga jaahil bixinkartaan arintaa ayada ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reallady2000

Tuesday, October 31, 2000 - 11:44 pm
to cabdixiis,

brother i would love to read your email but i wish i could understand. so can you write that in english so i can give my own opinion.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn-Islaam

Saturday, November 04, 2000 - 01:00 pm
Assalaamu Calaykum

Walaal arinka aan na soo weydiisay waa BANAAN yahay, arintaasna DIINTA way ka hadashay meelo faro badan oo Axaadiista ah baana dhiiri gelisay.

Waxaa ka mid ah Xadiiska ay ixdal ummahaad al-mu'miniin werinayso oo oranaya wuxuu Nebigu nabad gelyo iyo naxariis badani korkiisa ha haatee markuu guriga yimaado waxa ugu horeeya ee uu samayn jiray waxay ahayd Cadayasho ama Rumayasho isagoo isu diyaarin jirey DHUNKASHO uu ku qaabilayo Xaaskiisa.

Marka arinku waa banaan yahaye laakiin iyadoo ay wax kaa soo karayaan oo aan BAASHO daaye aanba laguu soo dhowaan karin ama iyadoo aan la CADAYAN ha la iska ilaaliyo yaan la is nicine.

Bishmaha iyo Carabka iyo jirka intiisa daahirka ahiba waa banaan yihiin in la iska Baasheeyo ama Mubaashareeyo, hala iska ilaaliyo meelo beryahan danbe aad loogu waashay su'aashooduna badatay.

Ziyaado:-

Cabdixiisoow walaal Allah hakuu naxariisto waxaan su'aashaadii kuugu ziyaadin laba masalo oo midina XAARAAN tahay midina BANAAN tahay oo khuseeya QOYSKA!
maxaa yeelay adna Bushmihii oo ah meel qaaliya oo haddii MUBAASHARO jirto ugu horeeysa ahna raaxo weyn oo weyn oo weyn baad ka shakisan tahay dadkiina qaar baa waxaa laga celcelin la'yahay KAADI mareen iyo meel gacanta aan loo quurin ama diiday weesadana jabisa bay waxay jecel yihiin inay AFKA la aadaan ama isu nuugaan ama carabiyaan.

Mida labaad ee aan rabo inaan xuso taasoo iyadu ah arin banaan waa in aad Xaaskaaga HORAADADA ama LAMAANAYAASHA ka nuugi karto adoo aan caano ka cabayn, culimaduna way banaysay.

GUURKA HA LA BADIYO, UMMADDA NEBI MUXAMADNA SALALLAAHU CALAYHI WASALAM HA LA BADIYO INSHA'ALLAAH DIINTANA HA LA BARTO.

Walaalkiin
Ibn-islaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 04, 2000 - 02:01 pm
Cabdixiis
Wax laga hadlaba ma aha! Maxaa adi iyo naagtaada waxaa sameynaysaan ilaahay uga jira? Ilaahay bedroomyada dadka maxaa geeyay? Peeping Tom miyaa? Get a Life man!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 04, 2000 - 02:08 pm
Ibn-Salaam
Wadaadadu inay bukaan weligay waa la socday. waryaa maxaad ku sheekaynee? Are you getting a kick out of talking about sexual acts?
Ilaahay maxaa ku wareejiyay shaqadaan? Meeshaad taabanayso taabo haddii aad isla ogoshihiin.Ha caayin ilaahay, hawlahaas ma dhex geli karo ilaahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 04, 2000 - 02:15 pm
Ibn-salman
Kaalay adi maxaa magac carbeedka isugu bixisay? Caruurta ha labadiyo, si gaaladu kuugu soo koriso(mase farriintaan xamar weyne aad kasoo diree)Hypocrites weeye wadaad weysa xume idilkiis. Waxay doonayaan inay guursadaan shan naagood mise afar ma aqaan, 50 ilmood mid kasta dhalo, gaaladuna ilmaha usoo koriso ayagoo intaa haddana gaalada cayn ula soo jeeda. Hypocrites! Haddii gaalo necbaan idin hayso maad dalkooda uga tagtaan? Weyso xumayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Saturday, November 04, 2000 - 02:44 pm
Galool.

Meeshaan waa meel islaameed waxaana wanaagsan inaad wax isku reebato maadaama islaamka aadan la dhacsaneyn sida soomaalida kale ula dhacsan tahay. Waa iga talo. Dhowrkii beri ee aad joogtey meesha durbadiiba olole xoog leh yaad ka waddaa meesha. Kuuma fiicna meelna gaari meysid maadaama aan lagula qeybsan kufriga ee walaal meel walba iska ilaali inaad magacaaga dhigto. Haddaad diiddo waxaad ka hesho waxba ha iga siin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Saturday, November 04, 2000 - 03:02 pm
FG
Haddaa xusuusato hore waxaan idii fidiyay inaan doodayda la maqnaado hadday adinka caraysiin. Waxaa i dhahdeen maya. Meeshaan ma ogayn in ay meel muslin keli ah tahay. Waxaan u maleynayey in haddi cid meeshaan wax ay kusoo qorto ay dinyaar u yihiin jawaab kasta, ha xumaato ama yeysan xumaanin. Marka aad i leedahay wax iskula har maxaad u jeedaa? Handadaada dambe waa arkay, lamana yaabsani, gar-dheere iyo shaqadiis waaye. Hadda ma idin dhaafaa? haddiiba aydin dood iska xejin karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Saturday, November 04, 2000 - 03:18 pm
GALOOL.

Wax iskula har waxaan ula jeedaa inaad ka harto wixii aad garaneyso in dadka ay dhibsanayaan oo ah wax ka sheegga diinta dadka ay aamminsan yihiin. Wixii cilmi darro kaa ah ee aad rabto inaad fahamto waad weydiin kartaa dadka oo aad rabto inaad ka qanacdo. Lakiin haddii waxaaga noqdaan dhaliillo aad ugu dan leedahay inaad hoos ugu dhigto islaamka waxa uu qabo, miyaad fileysaa in wada sheekeysi wanaagsan meesha aad ka heleyso?. Aniga waxaa iga waana ah inaad dadka walaalaha wax aad la qeybsato oo xattaa haddadan ku diin ahayn aad la wadaagto soomaalidinnimada adigoo ixtiraamaaya diintooda. Ma ceebbaa?. Qaladna ha ii fahmin walaal aniga kaama ceyrsanayo meesha. Waan u siman nahay. Waxaan kula jeclahay inaad sideennoo kale islaamka nala wadaagto haddadan nala wadaaginna aad ixtiraamto. Haddaad dhibsaneyso intaa sidaad doonto yeel adigaana i xusuusan doona markaad madaxa isla gashaan dadka kale. Walaalkaa baan ahay aniga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Saturday, November 04, 2000 - 03:38 pm
Galool.

Walaal i cafina haddaad i dhibsatey. Aniga waxaan kuu sheegayaa wax sidaan u arkey. Meeshana kaama xigo sidaad doonto u immoow ama usoo booqo. Cuqdadda iska saar walaal. Mar kale i cafi saaxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Sunday, November 05, 2000 - 12:19 am
FG
Sax baad tahay. Qofkii aan qaadi karin in laga caraysiiyo ama la dhibo ma aha. I do get carried away sometimes. The "Peeping Tom" thing is totally out of order. Dadku xaq bay u leeyihiin in la ixtiraamo caqiidadooda- as long they don't try to impose it on others. Hadda iyo laga bilaabo adi, Common, Asad iyo xataa wanaag(intuu ka baxay) keli ah aan la doodi. Masaakiinta kale faraha ayaan ka qaadi. Ku mahadsanid taladaada. Ciddii aan afartaa ruux ahayn oon af-xumo u geystay raalli ha la iga noqdo. Ulama jeedin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Sunday, November 05, 2000 - 03:51 am
Galoool.

Waad ku mahadsan tahay qaadashada waanada. Garashadaada ma xuma. Walaal fahamka xagga islaamka yaa kaa qaldan laakiin wax waad ka taqaan. Ilaahey carada qalbiga kaaga jirta ee ku wajahan diintiisa hakaa saaro. Ogoow ilaahey inaannu dadkuu abuurey uu marnaba raalli uga aheyn iney ku gaaloobaan oo wuxuu la jecel yahay iney rumeeyaan isaga wuxuuna siiyaa fursad ay ugu soo laabtaan. Adiga nasiib baad leedahay aad kaga fekerto xaaladdaada oo dib ayaad isugu noqon kartaa intaad iska illoowdo balaayada sheydaanka kugu aqriyo ee quseysa islaamka. Gaal iyo muslimba waa u ILAAH ALLE. Hal mar iyo laba mar oo aan wax kuu sheegnana waan ognahay inaadan islaannimada ku qaadaneyn laakiin waxaan jeclahay inaad dib isugu laabato mar kale bal inaad si ka duwan sidaad hadda u aragto islaamka aad u aragto. Caqligaada ku feker oo ilaahey ka bari inuu ku tuso sawaabka. Rajaan kaa leennahay dhammaanteen mid kula doodsan iyo midaan kula doodsaneynba ee ilaahey haku soo hanuuniyo. Wallaahu waliyutowfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galool

Sunday, November 05, 2000 - 04:41 am
FG
Dugsi Quraan yaad ku jirtay, Commona weli ma jiro marka aan ogaaday inaan diini ummadda wax u kordhinayn. Haddii caqiida keli ah darteed dadku u haystaan, dalka wax yeeli may. Haddii diin siyaaso loo rogo, oo la isku dayo in dalka lagu xukumo se dirir aan ka xigaa. Islam wax igama dilin, cadowna uma ihi. Laakiin in haweenka madaxa looga istaago, masaakiinta gaajadu hayso gacmaha middi af daran looga jaro, hooyo Soomaali ahna dhagax madaxa looga burburiyo ma aha wax la aqbali karo. (sida aad ogsoon tahay intaba waa dhacday).

Marka ha igu dhumin. Kasoo horjeedkayda mid mabada' ku saleysan waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daad

Monday, November 06, 2000 - 05:55 pm
galool:
saaxiib horta marka hore iga raali noqo hadaan dareenkaada wax u dhimay.
waxaanse jeclaan lahaa inaan ku xasuusiyo.
In horta Alle GARYAQAAN uu yahay ee uu cidii hooyo cadaalad la'aan ciqaabta uu u abaalmarin doono, Islaamkuna iyo rumaynta ilaahayna ay tahay wax lagu dhawaaqo kabacdina shaqo lala yimaado ee aysan ahayn wax kaliya ee qalbiga laga rumeeyo. islaamkuna wax buu xoreeyaa ee waxba ma gumaysto, dumarkana islaamka ayaa nololba ugu horeeyey , ee kohor iyagoo nool ayaa la duduugi jiray.
sidoo kale waqtigii nabigeena Muxamed ah nabadgalyo iyo naxariis alaha yeele
Haweeneey ayaa itimid Nabiga SWC iyadoon lasoo qaban si looga abaalmariyo xumaan ay samaysay iyadoo ka cabsanaya tan danbe ee AAQIRO.
marka saaxiib waxaan kaa waaninaa xumaatada aad u qabtid ama aad isku qabtaan nimanka aad hore u sheegtay yeysan kuu noqon sabab inaad qalad kagasho diinta aad adiguba mas'uulka ka tahay.....
daad wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAMOTALIYE

Friday, November 10, 2000 - 12:33 pm
ASSALAAMU CALAYKUM;

TO GALOOL;

WALAAL DIINTA BARASHADEEDU CEEB MA AHA NEBIGANA(NABAD GELYO KORKIISA HA AHAATEE) SUAALO KUWAA KA DARAN BAA LA WEY DIIN JIREY, WAXAANA TUSAALE U AH MAR NEGIGA AY CAA'ISHA LA FADHIDAY, AYAA UMMA SALEEM, ALLE HA KA RAALI NOQDEE WAXAY TIDHI," NEBI ALLOW, ILAAHAY XAQA KAMA XISHOODEE, HADDII HAWEYNADU AY RIYOOTO OO AY IS KU ARAGTO WAXA RAGU ISKU ARKO(ISKU BIYO BAXDO), MA MAYDHASHO AYAA KU WAAJIBTA?" CAA'ISHA AYAA INTAY IS HAYN WEYDEY TIDHI DUMARKII AYAAD CEEBAYSAY GACANTU HA KU BOODHOWDEE(CIIDOWDEE). NEBIGA AYAA U JAWAABEY CAA'ISHA OO KU YIDHI," ADIGA GACANTU HA KU CIIDOWDO". WAXAA KALE OO DHACDAY IN RASUULKA(NNK) SAXAABI WEYDIIYEY: HADDII AAN NAAGTEYDA U GALMOODO, OO AN KA DAALO(CAAJISO) IYADOO AAN BIYO IGA IMAAN QUBEYSMA IGU WAAJIBAA, NEBIGU WUXUU UGU JAWAABAY ANIGA IYO TAN(CAA'ISHA OO DHINAC FADHIDA INTUU TILMAAMAY) WAY NAGU DHACDAA WAANNA MAYDHANAA. IYO XADIISYO BADAN OO AAN WAQTIGU II SAAMAXAYN IN AAN HALKAN KU XUSO. MARKAA WAXAA HABOON IN QOFKA MUSLIMKA AH WIXII UUSAN AQOON YIRAAHDO MA AQAAN SIDAY YEELI JIREEN IMAAM MAALIK, SHAAFICI IYO CULIMADII SALAFKA OO DHAN, OO MARKA LA WEYDIIYO MASALO AYAN GARANEYN ODHAN JIRAY MA AQAAN. INTAA WAXAA SII DHEERAYNAYAA IN AAN LA ODHAN WAX WALBA WAA XAARAAN, WAAYO XAARANTA WAA LA CADDEEYEY. SU,AASHAN WALAALKEEN INA WEY DIIYEY WAA SIDA LOOGU JAWAABEY OO WAY BANAANTAHAY. WA BILLAAHI TAWFIIQ

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.