site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa u dhexeeya Islaamka iyo Dimoqoraadiyadda

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Maxaa u dhexeeya Islaamka iyo Dimoqoraadiyadda
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eng. Cumar Cabdinuur

Unrecorded Date
In badan oo dadka muslimiinta ah waxaa isaga qasan faraqa u dhexeeya Shareecada Islaamka iyo Dimoqoraadiyadda.

1. Diimoqoraadiyadda waxay u fahmeen qofkoo loo ogolaado xornimo xagga haddalka ah iyo in uu dooran karo wixii uu rabo.

2. Shareecada islaamka cilmi weyn uma lihin, inteena badan waxaan dhagta ka maqalnay qeybta shareecada ee loo yaqaan "Xudduudda" sida tuuga oo gacan la gooyo, kan sineysta oo la karbaasho iyo kan wax dila oo la dilo.

Haddaba waxaan ku soo dhaweynayaa dadka soomaliyeed ee wax ka yaqaana Shareecada Islaamka iyo Diimoqoraadiyadda in ay noo kala caddeeyaan labadaas nidaam ama mabda' iyo sida ay ushaqeeyaan, waxa ay ku kala duwan yihiin, in la isku dhex wadan karo iyo in kale iyo kooda u fiican nolosha casriga ah ee maanta lagu jiro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalaamu caleykum waraxmatullaah!

walaal waad mahadsan tahay waana su'aal wax ku ool ah, balse intii aqligeyga bal aan fikradeyda halka ka dhiibto.Ok. Walaal horta shareecadu waa qorsha iyo nidaam Alle (swt) uu u dajiyey in dadku isku maamulaan kuna dhaqmaan. Shareecadaasi waa wax xag Rabbi ka degsen Allehna rabo in aan ku dhaqano. Haddii markaa mushtamacu ku dhaqmo siddii waqtigii rasuulkeni subanaa (scw) maanta dhibkan iyo cuqubadan iyo dulligan maanta dalkii haysta iyabo guud ahaan caalamu-islaamba ma jiraan. shareeco waa wadada kaliya oo lagu badbaadi karo haddi la qabsado ama la raaco. shareeco waa dastuur Rabaani ah, oo uu Rabbi (swt)dajiyey rabana in makhluuqaadka oo dhami (caalamka) aay ku dhaqmaan. Aanu usoo noqono DIMUQURAADIYADDA. Dimuqraadiyadda aanu maanta naqaan qeexitaanka erreygaas iyo sida loogu dhaqmo maanta is maleh- Kaaf iyo kala dheeri weeyan.
Ereygan dimoqraadi (Democracy) horta marka hore waa erey laatiin ah micnihiisuna waa sidan DEMO oo ah xukumid iyo CRASY (shacabka)markaa marka la isku geeyo labada xarraf waxaay noqoneysaa xukummidda shacabka. Markaa shareeco iyo dimoqraadi meel mawada galayaan, waayo shareeco micnaheedu waa (xukunka Alle) Alle kaliya ayaa dejiya, Alle kaliya ayaa wax xukuma, but not people!.
Kalmaddan waa Reer Galbeedka hubkooda casriga ee aay maanta dad ku gumaadaan. Waa laga tagay guumeysi, waa laga sii tagi rabaa maskax kaguumeysi, maanta qorigooda u weeyn ee aay wax ku gumaadaan kuna ugaarsadaan waa DEMOCRACY.

Fiiri! waxaay sheegtaan in aay dimoqraadiyadda illaalshaan, markaa su'aashu waxaa weeyey maxaay wax uga qaban waayeen dowladdii DOMOCRACY-ga lagu soo doortay ee shacabku reer Aljeeriya si xoog leh usoo doorteen deedna waa muslimiin inta layiri guushoodi gashaanka loogu dhuftay?. Cid kahadashay majirin!. Is that democracy? NO!. Dimoqraadigoodu kumajirto wax ISLAM layiraa. Ok. Mida kale Turkiya waxaa shacbiga reer turkiya soo doorteen si dimocracy ah dowlad Islaam ah, maxaa ka dambeeyey? Meedey dowladii sida democracy-ga lagu soo doortey? Jeneraaladda calmaaniga ayaa ka talaya reer galbeedkuna raali uga yihiin. Kuwaas oo u adeega danaha dadka "democracy" isticmaala USA, Israel and The West.

Marka runtii Demcracy run ah oo cad oo waadix ah waxaay ku jirtaa ISLAM, waa haddii dadku runta doonayo. Eeg waqtigii Rasuulka (scw)ee islamku xoogga lahaa quwadiisana Roomkii iyo Faarsiyiintu ka cabsan jireen waxaaa magaalada Madina degenaa yuhuud, kirishtaan iyo kuwo kale lama taaban jirin, lamana dulmin jirrin diimahoodana xor ayeey u ahaayeen, maanta gabar muxajaba ah qamaar turkiya loogama ogala.
Markaa dimuqraadi fiican wuxuu yaalaa ISLAM ee ma aha mid sax ah tan reer galbeedku wataan. Waa Hub aay danahooda ku raadsadaan, meeshii aan danahooda aheyna aay ku qarxiyaan oo aay probogaandho ku bilaabaan.

Waxaan filayaa walaalkeyga sharafta lehoow in aan wixii fikradeyda ah in aan ku siiyay.

Wa salaamucaleykum waraxmatullahi!

Your brother in ISLAM
Said A. Isak

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!
I could not say it better Ansaari, Jazaakallaah.
Hadii aan uga jawaabo su'aasha saan u fahmay, wax u dhexeeya ma jiraan mana wada xiriiri karaan dastuur uu ALLAAH dajiyay iyo mid bini-aadam suubsaday. Diinta Islaamka sidii loo baahnaa maynaan u fahmin mana aha in qofku uu shaki ka galo diinta uu sheeganayo iyo dimoqoraadiyada lidka ku ah. Dimoqoraadiyada waxay ka shaqeysaa westernka maxaa yeelay dadkooda ayaa loo tusay inay ayadu nolosha xal u tahay balse Muslimiinta waa in ay ogaadaan in dimoqoraadiyada ay tahay tool loo adeegsado sidii diintaadii lagaaga kaxeen lahaa dimoqoraadiyada dhabta ahna lagaaga ilaalin lahaa. Tusaale, dimoqaadiyada ay sheeganayaa muslim worldka kama jiro, look at the situation in Algeria, Turikiya as ansaar mentioned. Xataa wadamadooda mid run ah ma taalo maxaa yeelay waad taqaan waxa ku dhacay dadyoow badan oo yahuuda ka soo horjeeda markii ay dhaqdhaqaaq suubiyaa. Erayga dimoqoraadi ayaa noqday sida erayga "terorists" oo micnohoodu yihiin muslimiinta; waydii dadka hadii la sheego labadaas eray waxaa isla markiiba maskaxda ku soo dhacaysa muslimiinta. Waxaa su'aal iga ah inaad ii sheegtid ayada ama xadiiska diidaya in qof codkiis dhiibto? Yahuud badan ayaa ku noolaa madina waqtigii nabiga iyo khilaafadii Cumar; midkooda kuma xad gudbin laakiin waxaa lagu faraxasha markii ay damceen shirqool wayn oo khiyaano ahaa. Ogow in xurmada qof muslim ah ay ka wayn tahay wax walba oo aan marnaba la khasbi karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Unrecorded Date
AMMIN WANAAGSAN GIDIIN


Waxa u dhaxeeya Shareecada iyo waxa loo yaqaan Dimuquraadiyada waa kaaf iyo kala dheeri, waxaana ila quruxsanaan weyday in leys bar-bar dhigo nidaam ALLE soo dejiyey iyo nidaam bidixeed ay sameysteen kuwo ka tirsan ubadka Xaawood.

Anigoo aanan dooneyn inaan dacay ku taago moowduuca, ayaa haddana waxaa ii muuqata in badan oo ka tirsan bulshadeena ay dhaan dabagaale raacsan yihiin.

Waxa loogu yeero Dimuquraadiyad maa mabda' ku saleysan "la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan".

Haddaan tusaale u soo qaato xilliga aynu maanta joogno, waxaan aragnaa in wadamada isku sheega inay horumareen ay u adeegsadaan erayga dimuquraadi si handadaadi ku jirto ayagoo ku fara gelinaya siyaada gudaha ee wadamada saboolka ah, amaba loogu yeedho wadamada soo koroya.

Waxaan anigu aaminsanahay inaan u muujino bulshadeena kala saarida waxyaabaha ay dhagartu uga imaan karto iyo waxyaabaha faa'iidada laga heli karo, ha noqoto xag dhaqaale, aqoon, cilmi-farsameed, iyo siyaasada wanaagsanba.

Waxaa kaloo ila haboon inaan tusaaleyno mujtmaca illaha horumarka ugu jiro si ay wax ula wadaagaan bulshaweynta caalamka, iyo inaan u iffinno wadiiqooyinka marin haboowga leh, si ay isaga ilaaliyaan waxyaabaha kala soo gudboonaan kara.

Dhab ahaantii waxaan aaminsanahay inay jiraan indheer garad fara badan oo tusaale iyo talabixinba ka geysan kara waxyaabaha daruuriga u ah bulshadeena.

Mahadsanidin

NABAD iyo CAANO

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somar

Unrecorded Date
salaama caleykum.

Islaam,waa dastuur uu ilaahay swt soo dijiyey uguna talagalay in muslimiintu aduunka ku maamulaan waxayna shareecadu ku salaysan tahay dabeecada ama deegaanka qofba sidii uu u yaqaan,quraankuna waa manual buuga bani,aadanka, kuuna sheegaya sidii aad aduunka ugu noolaan lahayd oo tafatiran.
Habka doorashadda islaamku waxa weeye in lasoo ururiyo wax garadka muslimiinta iyana ay iska soo saaraan ninkii amiir noqon lahaa taasoo ku dhacda garasho ee aan ku dhicin issharaxaad,waayo islaamka waa ka mamnuuc in nin isa soo sharaxay la doorto,nebiguna scw wuxuu yiri muslimiineey xukunka ninka ka carara u dhiibta taas oo macnaheedu yahay nin isa soo sharaxay xukun ha u dhiibanina,mar arintaas uu nebigu scw fasiraad ka bixiyey wuxuu yiri-markii qof muslimiintu iska doorteen xukunka uu hayo umadda oo dhan ayaa la shaqaysa,markii nin isa soo sharaxay xukunka qabtana umadoo dhami way ka carartaa oo lama shaqayso.
dimoqradiya waa erey idaacadaha laga maqlo hase yeeshee aan wax qoraal ah lahayn macnihiisuna yahay kaa xoog weyni,muslim ma ahaan karid,raaciyad ii noqo,lezbian iyo khaniis free,wixii xun oo dhan free.
habka doorashada dimoqraadiya waynu wada aragnay baan filayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Student

Unrecorded Date
To all,

Dad aad wax garad u ah ayaad tihiin, aad baana idiinku raacsanahay dhamaantiin. Good discussion topic.keep the good work.

Nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Salaan Ilaahay korkiina ha ahaato

Ilaahay markuu aabaheen Nabi Aadam abuuray ee uu Malaa'igta amray in ay u suujuudaan ayay Malaa'igta oo su'aal la'aan u haggaasan amarka Ilaahay weydiiyeen Rabbigeena waxa uu u abuuray kuwa kharibi doona dhulka oo dhiig daadin doona.

Ilaahay wuxuu noo abuuray in aan isaga caabudno oo keli ah magac iyo maal midna nagama rabo. Ilaahay wuxuu kaloo na siiyay IKHTIYAAR oo ku raacno DASTUURKA uu u dejiyay in aan aakhiro iyo adduun ku liibaanno.

"Amarkoodu waa Talo." Ayuu Ilaahay ku sheegay Muslimiinta waana macnaha Dimuqraadiyadda hase yeeshee sida ay tahay xaalkeennu dadka Muslimiinta ah aad bay uga fogaadeen murtida "Amarkoodu waa Talo," isla markaana waan marin habawnay weliba haddii aynu Soomaali nahay.

Ilaahay ha ina hanuuniyo Dastuurkiisana hanagu dhaqan geliyo.

Walaalkiin Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Eng. Omar Abdinur

Unrecorded Date
Assallamu Caleykum,
Walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu fraxsanahay in doodcilmiyeedkii aan bilaabay uu heerkaan gaaray.

Su'aashaan markaan qorayey waxaan uga jeeday in qaarkeena aan aqoon fiican labadaas nidaam ulaheyn ay uga faa iideystaan.

Waxaan markale ka codsanayaa walaalaha aqoonta fiican uleh Shareecada Islaamka iyo kuwa ku takhasusay Dimoqoraadiyadda in ay noo soo gudbiyaan una sharaxaan shacabkeen waxa labadaas nidaam xambaarsanyihiin xag dhaqaale, bulsho, siyaasadeed iyo wax barashaba.

Markaan saa leeyahay uma jeedo is bar bar dhig ee waxaan rabaa in si cilmiyeysan cid walba wax soo gud biso cid walbana qanaaco iyo daliil ku tagto.

Waxaan u maha celinayaa walaalaha sida hufan uga dooday arintaan sida Anzaari oo kale.

Wasaalumu caleykum.
Eng. Omar Abdinur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IIDI

Unrecorded Date
ASSALAAMU CALAIKUM
ILAAHBAA MAHAD ISKA LEH IDIN WAAFAJIYAY XAQA RUNTII WAA WAX LAGU FARXO IN INTAASOO QOF OO MEELO KAL DUWAN JOOGA OO AAN ANIGU KU JIRO OO KASOO HADLAAYA PAKISTAN AAN LAGA HELIN QOF KU ANDACOONAYA IN DIMOQRAADIYADU XIRIIR LA LEEDAHAY AMA U DHOWDAHAY AMABA LA MID TAHAY ISLAAMKA!!TAASINA WAXAY KU TUSINAYSAA IN DADKA SOOMAALIYEED INTOODA BADAN AY YIHIIN DAD ILAA XAD FAHAMSAN ISLAAMKA IYO INUUSAN JIRIN NIDAAM AMA MABDA, KALE OO LA BARBARDHIGI KARO BALSE WALAALAYAAL AAN IDINKA YAABSADEE MA OGTIHIIN DAD MUSLIMIIN SHEEGANAAYA OO XATAA QAARKOOD CULIMO YIHIIN INAY DHAHEEN ISLAAMKA IYO DIMOQRAADIYADU WAA ISKU MID!!!!!!innaa lillahi wa innaa ilayhi raajicuunWAXAA DADKAAS KA MIDEA DAD HADII MAGACYADOODA AAN IDIIN SHEEGO AAD MADAXA GACMAHA SAARAN LAHAYDEEN.
ILAAHEY WAXAAN KA BARYAYAA INUU DHAMAANTEEN NA TUSIYO XAQA DIINTANA NOO FAHAMSIIYO SIDII SALAFU SAALIX AY U FAHMEEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magan

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Western Demoqoraadi = burbur, fusuq, gaynimo, aduun-ushaqeysi & Shirki.

Islam = sinaan, cadaalad, Alle-u-hogaansamid & midnimo.

Markaa walaalayaal idinkuba marka garta gooyo oo sheega ka saxsan!

wa salaam...
Magan!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abkeey doolli diloow

Unrecorded Date
asalaama caleeykum
to:walaalkiin
qaaliga nabad iyo naxariis korkaaga ha ahaato
qaaliga bal ii faahfaahi oo iftiimi qoraalkan micnihiisa aad qortay
1-ilaah wuxuu ikhtiyaar noo siiyey inaan raacno dastuurkiisa adduun iyo aakhiroba? ..micnihii waxaan dooranayaa kii ku habboon noloshayda iyo xilliga aan noolahay?
2-amarkoodu waa talo!!!..(democracy)...you mean it is part shariia?
3-shareecada islaamku waxa la soo dejiyey 1420 sano ka hor,adduunkana waxa ku noolaa in ka yar 2 bilyan ,imminka ooy ku nooshahay 7 bilyan oo hadda adduunku noqday tuulo yar shareecadu ma xallin kartaa dhibaatada xilligan dhammaan mise waxay u baahan tahay hadba ummaddaa xilligaa wixii la gudboonaada inay ku dhaqanto
kana raalli noqda haddii aan qaldamey aqoon darri awgeed
nabad iyo naxariis

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.