site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dacwada -Diinta Alle- ?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Dacwada -Diinta Alle- ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
As-Salamu aleykum warahmatullaah!

May this letter find you in good health and high islamic spirits -Amen- after that waxaan doonayaa walaal bro/sis in la ii sheego halka aay dacwada Islaamka ka mareyso halka (arliga) aad joogtid.

Maanta soomaali meel walba Argentina, Perú, Madagaskar, North America, Zambia yacnii meel walba wa ay joogaan, markaa waxaan doonayaa in aan maqlo walaalaha bal halka dacwada mareyso iyo arliga aad joogtid Dacwadu si fiican ma usocotaa?

Salaam....
ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Walaal dacwadu aad ayeey uga socotaa halkan Great Britain, qaas ahaan England.

Dadku aad ayeey usoo islaamaan. Alxamdulillaah it goes well. So far so good!

wa aleikumasalaam!
Cilmi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Its mine

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.Ansaari walaal anigu waxaan ku noolahay Gobalka BC, Kanada. Dacwada halkaan hadaan kaaga sheekeeyo way socotaa waxaana soo islaama dad iska roon. Dadkaasi waxay kusoo islaamaan dhawr siyaabood. 1-in qof muslin ah ama Soomaaliba aan iraahdo uu guursado gabar ajanabi ah.(Chinese, white, Indian etc)isla markaana ay islaanto. Laakiin dhibaato jirta ayaan arkay: Waxayna tahay waxay ubadan tahay in labadaas qof ay marka hore guri ku wada noolaadaan ayagoon is qabin; kadibna ay gabadhii ay uuraysato. Argagaxaas wuxuu dhaliyaa guur, kadibna in gabadhii uu yiraahdo islaam, ayana ay yeesho.Intaa wixii ka dambeeya waxaa lagu dhaqmaa waa wax kabaxsan shareecada.(waa sida loo badan yahay in kastoo ay jiraan dad Islaanimo isku qaba)2- Waxay kaloo kusoo islaamaan dacwo sida qof kula shaqeeya aad dacwada gaarsiisid. Ama walaalaha qaarkood oo istaaga meelaha Tareenada qaybiyana warqada Islaami ah. Soomaalida khaas ahaan hadaan kaaga waramo la iskuma jiro. Waxay ubateen dad Masaajidka galay iyo dad caksigooda ah oo sameeya waxay naftoodu usheegto. Dhalin yaradii soo koraysay ee u dhaxaysay 15sano-20 runtii khatar wayn ayey ku jiraan oo khamriga afka kama qaadaan badankood.Dhalinyaradii masaajidka gashay hadaan kaaga waramo aad baan ugu xumahay dadaal la'aantooda. Anigu ayagaan ka mid ahay anigaana ugu dadaal xun run ahaantii. Laakiin waxay qaban karaan iyo siday talo uga foorarto ayaan aad ugu xumaaday. Tusaale ahaan: Wadaadada kutubada akhriya waxay wax uwadaan sidii wax loo baray Todobaatameeyadii. Soomaali maanta colaad ayaa dhexmartay, dad bay iska laayeen; nin baa aabihii ladilay. nin baa hooyadii ladilay; nina reerkiisii oo dhan. Sidaa daraadeed ma ila haboona inaad aayada Tafsiirka loo dulmaro oo kaliya. Waa in labaraa walaaltinimada islaamka, samirka, lasameeyaa wada tashi, isku kalsooni iwm. Ma aha in kitaab la dul maro la iskana kala tago. Ma aha in wadaadka la qiimeeyo oo aysan ardadu dhexdooda isqiimayn. Waa in la isbooqdaa isla markaana lawalaalooba. Nabiga scw kolkuu madiina soo galay 2dii shay ee ugu horreysay ee uu qabtay waxay ahayeen. 1-Masaajid buu dhisay 2-wuxuu walaaleeyey muhaajiriin iyo Ansaar. Laakiin hadda nin walba wuxu la saaxiibay kii usahlanaa sida kan kula qabiila ama kan dabeecadaa yaqaan ama ku fahmay. Waxaan umalayn inaan aad ugu dheeraaday ee iga raali ahow. I hope you understand where i'm coming from. Waxaan jeclaan lahaa in waxyaabaha basic ah dib loogu noqdo sida Walaaltinimada. Wasalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.