site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bible-kii oo la af-soomaaliyeey

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Bible-kii oo la af-soomaaliyeey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Al-farooq

Unrecorded Date
Walaalayaal waxaan idinkaga digayaa dhibaato aad u wayn oo inagu soo food leh; waxa la ii sheegay oo xaafad Soomaaliyeed lagu hayay xalay BIBLEkii oo loo tarjumay af-soomaali waliba asaga oo si wayn loo qoray. Waxaan ilaahey ka baryayaa midka afka-yaqaan ee badalay buug shaydaanka inuu Ilaahey cadaabkii aakhiro usoo dadajiyo; aduun iyo aakhiroba ka dheereeyo naxariistiisa; iyo inuu Ilaahey fircoon, qaaruun iyo asagaba isku meel ka soo saaro qiyaaamaha. Alloow uga dhig cibro dadka cibro qaatayaasha ah oo caqliga u saaxiibka ah.

Halaag baan uga digayaa ummada soomaaliyeed iyo ilmahooda. Isa kaashada oo gaalo-raacyada iska ilaaliya. WABILAAHI TOWFIIQ
Ala u baahane; Al-farooq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
By abdalla.
Ku Alfarooq.
Salaamu calaukum.
Walaal Ilaahay hakaa abaalmariyo arinta aad nooga digaysid ee ah dacwada ay gaaladu ku wadaan oo ah inay inaga fasahaadiyaan diinteena,laakiin walaalaw mid ha ilaawin hadaynaan inagu u kicin umadeena dadkale ayaa u kacaya iyo waxaas iyo wax ka daran baa imanaya,waxaa loo baahanyahay qorshe dhab ah iyo dad ay daacad ka tahay waxkaqabadka dhibaatooyinka ummada oo Ilaahay daraadii ugu istaaga sidii masiibadan inagu habsatay xal loogu helo.
Walaalkaa Abdalla(Denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Al-farooq waad mahadsantahay!

Runtii haddii maanta dalkii lagu noqdo wax walba waa lahelayaa, budiiste, katoolig, protestaan, jahovas witness, etayiiste, qaniis (gay) qaniisad (lesbian) dhamaan wax aanu maqalnay iyo wax la arkay ayeey isugu jiraan.

Markaa waxaan walaalaha muslimka ah ee arliga gaalo jooga u farayaa in aay diinta Alle kusoo noqdaan, is-ilaaliyaan caruurta iyo dumarkaba laga warqabo lagana dhowro waxyaalaha faaxishada ee western society reer galbeedku caado iyo dhaqan u ah ha la iska ilaaliyo.

Qoon Allaah ma badalo ka hor inta aay iyagu isbadaal mooyaan. Markaa everybody watch out!
Alle (swt) waxaan kabaryeeynaa in intii muslim ah waxakan foosha xun ka badbaadiyo. Amiin amiin amiin!!!!!.

Ma ragga saas noqdaa, waxaan Rabbi kabaryayaa in Alle soo hanuuniyo oo uu Xaqa tuso, haddii kalena mujtamaca ka qabto.

Alloow kuwaas oo kale dalkii iyo dadkii ha ugeen. Yurub ku tahluukee! Yaasan dhaafin halkan annagana shartooda Alloow na dhaafi.

Ma ninkii tarjumaybaa... Iimaan laawe Rabbi kuuma dambi dhaafo, shillimaadka xunka ahana waxba kuguma dheefsiiyo aamiin aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: MUNAAFAQ IYO mushrikba
waxa idan ka soogalayo waxaad samaynaysaan allaha idan ku gubo waayo munaafaq iyo mushrikba
Alle wuxuu yiri hadaad habaartaan danbi idanka soo gaari maayo allana inuu muslimiinta ducadooda
aqbalo shaki kumajiro ee
Allaha kugugubo hadaad mushriktahay aduun iyo aaqirabo naxariista allena allaha kaa dheereeyo!!!!!
aaaaaaaaaamiiiiiiiiiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Al-farooq:
Walaal waa arin dhib leh.Runtii aakhiru zama baynu joognaa oo wax welba waynu arag nay!!!
Runtii inta Ummadda Soomaliyeed ay niyadeeddu kala jeedo tabaalooyin if iyo aakhiro leh wayna soo gaadhaayaan.

Guumaabo:

Arimaha diinta si wax lugu qabto waxayaalaha ugu hore ee inala soo gudbay inaynu wax ka qabano:
1) waa in anu CULUMMADA intii Eebo dartee u jeeda waa in: LA IXTIRAAMO oo wacdiga ay bixiyaan wax lagu qaato. Arintaa Allah in firay hadanu wax ku qaadanayno.
2)Wadaada Somaaliyeedow "Axsaan iyo xikmad" ummada ku waaniya oo dadka soo dhaweeya. Si khaasana Dumarka markaa waaninaysaan. Ogow qoyska asaaskiisa waxaa leh gabadh. Sidaa dartee Nabigii (scw) Ragga wuxuu u yidhi doorbida ta diinta leh.
Diinta iyo xaqa barashdiisu aad bay dumarka igu yartahay taas na dhaliisheed waxaan leh Ragga oo aad u yasa dumarka oo aad ugu "busy" noqday waxyaalo yar yar. Hooyadu haday xaqa ka lunto ogow ilmihiina lun. Dumarka inta dhalinta yar diinta Eebe haku dirina ee kusoo dhaweeya. Qurbaha fitmadu way badan tahay laakiin qosyka diinta halagula daalo.
3) Wadaada iskala saarsaarka iyo firqadaha inaga daaya!
Haddii laynaga helo in dacwad nafta u hurta wax kasta waa laga hortagi lahaa.

Bibleka waxa laga boqo ma aha waayo waa buuk macno daran. Dhibaatadu waa ku kirstaan ka ee lacag iyo aduunyo dadka ku walacsanaya. Qofkii aan Imaankiisu dhamayn baa lacagta damac ka galayaa!!!
Dadka waawayni dhib ma ahee Caruurta sidaynu ka yeelaa?
Amaano Alle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asallama caleykum waraxmatulaahi,

Waxaan aad ugu xumahay dhibaada maanta meelkasta inaga heysata ee ah mid diin, dal la'aan cilmi la'aan iyo diin la'aan, intaas waxaa maanta innabaday illaahay waa yaqaan anaganah waan naqaan ee illaahay subxaana watacaala, ha inaga yeelo gadaalsamiddi nabi Yuusuf NKH.

Intaa kadib waxaan marka hore leeyahay walaakey inoo sheegay in uu jiro bibel ku qoran af Soomaali ayna tarjumeen dadka layirahdo "Laa diiniyiinta iyo Maansuuniyiinta" Ilaahay ha ugu bishaareeyo naarta jahanamo addunka dushiisna allaah kadhigo tuke canbaarleh,rabina ha inaga qabto geerida horteed. Waxaa kaloo jira DAD SOOMAALIYA OO LASHEEGAY INEY WATAAN CALAAMADDI KIRISHTANKA.
Ilamarkaasnah wada siddii diinta islaamka ay ugu dirtirlahaayeen umaadeena Soomaaliyeed oo awalba lafhooda uyaabanaa iyagoo fulinaayo amaradda gaald.
Taas waxaa daliil u ah,todobaadkii dhaweyto ayaan anigoo fiirfiinayo wararka caalamka waxaan aaqriyey war iga yaabsha oo hadana iga yaabshay
ilaa aan indhaheygii katirtiray ilin,walaahi baan ku dhaartaye hadaad sooboqataan waad qaracmeysaan qoraalkaas waxa uu kahadlaayo mana moodeynin iney jiraan dad Soomaaliyainey heerkaas maangaabnimadda ah ku shaysanayaan, waxba yaan war idiin ku daalinin cidii dooneysa waa ay soo booqan karaan boggaas sheydaanka waana sidan inkastoo anigoo iska falaadaya aan sidaan ugaraacasy, hadanah anoo maalin kale sheekadii baritaan ku sameeye aye suura gal ii noqotay.

qofka raba inuu soo booqdo sidatan hasameeyo,
waxa aad garaaceysaa http://www.altvista.com
marka aad garaacdo waxa aa kuu soobixi doona meela banaan oo aad ku qoreysid waxa aad raadineyso- kadibnah waxa kuu soobixidoona serch oo ah raadi,inta aadana raadin serchka korkiisa waxa ku qoran annylangue< waxba luqadkale hakuraadin, maxaayeelay waxaa lagayaabaa inuu meelo kale kaatuuro kumputerkan sheydaanku sameeyey.
Marka aad halkaas riixdo waxaad arki dontaa warbixino farabdan oo isgu jira qoraalo Soomaali iyo kuwo qalaad, kadib waxa aad aada hoos oo ah meesha u danbeysa kadibnah riix "nextbage" marka aad riixdo ayaad sadarka labaad ee boggaas ku arkidoontaa warkii naxdinta lahaa ee anigga iga oohiyey, kadibnah adigga ayey ku jirtaa sida aad u aqrisanlheyd iyo u turjumanlaheyd.

Waxaan walaalhey Soomaaliyeed kulatalinayaa iney waxan tahay addunyo laganah bixidoono maalim maalmah kamid ah, ilaahay uu u shegay muuminiinta marka dhibaato la soo gudboonaato inuu guushii iyo nasrigii eebe kuxiga oo ay iyagu guuleysandoonaan.
Hadaba illaahahy ha inagga dhigo kuwii guusha eebe hela waan dhibaatoonaye aaaniimn dhaya dadkii iskumeel iasgu yimaada waa wada duceystaane.
Wabilaahi towfiiq.

Walaashiin Sucaad Axmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaalayaal waa wax xaqiiqdii lagu naxo waxa laynaku samaynayo ,waxaana ka badan waxaas aynu ognahay in badan oo aynan ogayn iyo in kale oo laynala maaganyahay ,waxaase wax laga sii naxo ah inaan gacmaha ka laabano oo qofkeena ugu rooni uu yahay ka ka sheekaynaya ama odhanaya waxaas ayaa laynugu sameeyey .
Hadaba maxaan samaynaa ?
Miyaan calaacalaa ?
Mise waa oynaa?
Mise waa habaarnaa kuwa waxaas inagu samaynaya?
mise waxaan niraahnaa aniga reerkayga kuma jiraan kuwa saas loo gelayo?
Mise dadbaan iska dhignaa oo xalbaan wada raadinaa?.
Waxaan walaalahayga sida dhabta ah uga gubanaya arintan ka sugayaa jawaab.
Walaalkiin abdalla(denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.Arintani waa shar layskuma hayo. laakiin dhinacaan ka fiiriya: Sh. ahmed diidaat quraanka iyo baybalka labada wuxuu badshaa baybalka. Tan kale Baybalku wuxuu ku qoran yahay af walba. Carabigaa kamid ah; Faarisigaana kamid ah.Laakiin diintu diin matahay? Maya. Ilaahay wuxuu quraanka ku yiri aayad micnaheedu ahaa: Hadii quraankani uu ka imaan lahaa ilaahay cid aan ahayn waxaad ka heli lahaydeen khilaaf badan. Baybalku khilaaf ma kamaran yahay? Maya.Waxaan aad iskugu taxalujiyey inaan dhagaysto doodihii axmed diidaat iyo kirishtanka. Waxaan ogaaday inaysan dadkaani meel dheer jirin, aqoona diintooda.Waxaad ogaan in boqolkiiba 90 aysan aqoon diintooda. Waxaa loo sheegay in ciise yahay badbaadiyahoodii oo uu dambigii aadan udhintay. Waxaad ogaan in baybalku uu arintaa laftigeeda kasoo horjeedo. inaan aabaha loo dili karin dambiga caruurtiisa ama caruurta loo dilo dambiga aabahood.Oo ay naf walba dambigeeda xambaarsan tahay. Waxaan intaas kasoo wadaa in ay ceebtooda un natusayaan iyo beentooda oo ku qoran afkayaga. Anigu Baybalka wax yar ayaan ka aqaan laakiin dad badan oo iyaga kamid ah ayaa isku dayey inay dacwadooda ii gudbiyaan. Ma rumayn in qaarkood ay yiraahdeen kaala hadli mayno diin maxaa yeelay Iimaankeena ayaad khalkhal galisay. Aniga Faruuq! ii soo sheeg meesha aan ka heli karo.anigaa raadinayee. Ninkii hunguri raadin soo maaha; gado diintaada iskuna diyaari Naar. Wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM ALL OF YOU
WAAN IDIN SA LAAMAAYEY KALIYA:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To sucaad axmed
FROM dalmar maxamed 07/11/99 Time 17:00pm

WALLAAL WARKII AAD SOOQORTAY BISHII (JUNE 10.99)
OO NAXDINTA LAHAA ,SIDII AADTIRI WAAN SAMEYAY WAANA SHAQEYN WAYSAY EE PLEASE KU SOO QOR MEESHAAN SI AAN U OGAANO PLEASE:


JAAW

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.