site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su'aalo su'aalaha iyo jawaabaha ku saabsan

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Su'aalo su'aalaha iyo jawaabaha ku saabsan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, November 01, 2000 - 03:46 pm
Assalaamu Caleykum

Wax shuruudo ah ma leedahay waydiinta ama soo qorida su'aalaha?

Su'aalaha la isweydiinayo wax dambi ma ka imaan karaan? Haddii dambi ka imaan karo, waa kuwee?

In laga jawaabaa wax shuruudo ah ma leedahay?
Jawaabidu dambi ma keeni karta? Hadday keeni karto, ilaa dambi heerkee ah?

Haddii gaaladu wax iga su'aalan Islaamka, oo aanan markaas garaneyn, maxaa fiican in aan ugu jawaabo?

Walaalayaalow waxaan ahey ardey su'aalo ku saabsan Islaamka kala kulma ardeyda iyo macalimiinta kalaaska ee su'aalahan iyo wixii danbe ee aan soo qoraba iiga soo jawaaba. Walaalayaalow si fudud, oo la fahmi karo iigu soo qora. Ilaahey baa idin ka ajarsiinaya, insha Allaahu.


Walaalkiin Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AbdulJabaar

Thursday, November 02, 2000 - 10:40 am
Asalaamu Caleykum

Brother Mohamed, thanx 4 asking but here are some things that you should consider before getting an answer from here. Be creative and use WISDOM whenever you are about to answer to someone regarding religion as Allah has recommanded.

Marka hore, su'aalaha la is weydiinayo shuruudo waa inay lahaadaan, shardiga ugu muhiimsana waa inuu yahay qofka waxa weydiinaya mid doonaya cilmi ma ah mid jeesjees raba taasna adigaa ogaan kara iyo qaabka uu qofka u hadlayo. Mida kale, su'aashu waxey ku haboon tahay cida cilmiga u leh ama lagu tuhmayo inay ka jawaabi karto in la su'aalo maxaa yeelay cilmiga ma ah sida ay tahay dad badan oo inaga mid ah u isticmaalaan "WAXAY ILA TAHAY" ee waa NAS ka yimid xag Alle ama xag rasuul. Damdi weyn oo ilaa gaalnimo gaaraya ayaa ka iman kara hadii aan laga fiirsan maxaa yeelay qofka jaahilka ah meel dhow ayuu wax ka eegaa qofka caalimka ahna waxaa laga yaabaa asagoo cilmigii leh kana jawaabi kara inuu ka aamuso saasna waxay ka dhacday culumo badan oo salafkii hore ahaa sida Imaam Maalik waxaa dhici jirtay in 40 su'aalood la weydiiyo dhowr kaliya uu ka jawaabo. Su'aalaha la iska weydiinayo halkaan waxay ka mid tahay waxyaalihii lagu sheegay diinta oo ahaa calaamadaha saacada qiyaame, dad aan cilmi laheyn ayaa iska iftoonaya. Anigoo kale oo jaahil weynaaday ah ayaa raba maskaxdeyda faasidka ah inaan dad ku hago taas ayaana bohosha naga tuurtay. Waxaa fiican wixii aadan garaneyn inaad u gudbiso culumada amaba dadka meeshaa jooga ee aad is leedahay cilmi ayey u leeyihiin. Adiga cilmi u lahoow marka hore ka dibna dadka ugu yeer waxaad taqaanid wixii kaa hor yimaadana consult with your local sheikh not necessarly somalinet, kuwaan yagaaba dadka lugooyo ku rida. Meelo badan ayaa jira oo internetka ah oo su'aalaha kaaga jawaabayaa culumo lagu kalsoon yahay ama fatawa 1-800 number ah ayaa jira. (north america). Hadaad awoodo isticmaal xikmad, murti iyo caqli hadba waxaad awoodo. Nin baa waxaa la yiri asagoo banaanka saanbuus ku karinaya gaalo u timid waxey yiraahdeen diintiina wax walba in lagu sheegay ayaa quraanka ku qoran ee waxaan aad karineyso ma lagu sheegay, wuxuu ugu jawaabay, dabcan waa lagu sheegay quraankana wuxuu ka tagay ma jiro laakiin aayada ayaa jirta dheheysa wixii aydaan garaneyn weydiiya culumada iyo ahlu dikriga ee anigu caalim ma ahiyee waan hubaa inay diinta ku jirto laakiin u taga culumada. Ninkaas cilmi badan muusan isku difaacin laakiin xikmad ayaal Alle meel yar ka tusay marka iska ilaali, hadaan soomaali nahay waxaa nalaku yaqaan inaan dadka anaga diinta ka didino ee dambigeeda xagee lagu hilmaamay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Friday, November 03, 2000 - 01:41 pm
AbdulJabaar

Asalaamu Caleykum

Waxaad ii soo qortey jawaabo i deeqey, oo xigmadi ka buuxdu, ee ilaahey ha kaa siiyo ajar iyo xasanaad waara.

Waxaan la cajabey oo maskaxdeyda buuxisey, jawaabtu uu gaalada siiyey, ninka saanbuuska bannaanka ku karsanaya. Waxaa halkaas iiga muuqata in hanuunku uusan ahayn cilmi iyo kutubo badan oo la aqristo ee uu yahay sidii Alle kuu fahamsiiyo oo kuugu duwo wadada xaqa ah.

Waxaa kaloo sheekadu i xasuusisey sheeko waqti hore ka dhacdey Gobalka Hadda loo yaqaan Bay sida la yiri: Nin reer miye ah oo geel la joogta baa soo istaagay meel nin wadaad ah ku wacdinayo dad, ugana sheekeynayey sidii gaaladu dhibaatooyin dhawacyo leh ugu geysanyeen Rasuulkeenii Muxamad(Naxariis iyo nabad galyo korkiisa Allaha yeelee). Markuu cabaar dhaxeysaneyey, dadkiina aad ugu calool xumaadeen, buu dhinac intuu soo marey ul dheer oo uu watey wadaadkii saarsaarey. Dadkii baa naxay oo hal mar ku soo boodey ninkii oo kor u qaatey, kuna yiri: "War maxaad ku uleysey wadaadka?"
Markaasuu yiri: "Maxuu sameynayey intaas oo dhan oo Rasuulka saa loo galayo?! Dadkii iyo wadaadkiiba qosol iyo farxad bey la ilmeeyeen, loogana raali noqdey sida qiiradu u qaadey, asagoo aan waliba wax baran, waayo wuxuu jecleystey in uu ka maqlo wadaad wax hiil iyo gacan geysasho ah.

Haddaba markii dadkeena aan wax baran sidaas u jawaabaan ama u dhacmaan, maxaan ka filaynaa kuweena ayagu cilmi(diin iyo maadiba) bartey inay noqdaan, u dhaqmaan, ugu jawaabaan gaalada iyo munaafiqiinta???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farina maxamed

Sunday, November 12, 2000 - 09:19 am
Salamo calekum.
Waa idin wada salamay dadow,salan ka dib waxan qabaa su'alo,waxana rajeynaa qof dinta iga badsha
oo si dacada igu soo jawabo,in uu ii soo jawabo.
(1) Hadii la dhalo cunug meher la'an,oo abihisna
uu inkirey,Ilahay xagisa qofkas danbiga u yalo iyo
ciqabta u tal waa maxay?.
(2)Qof haduu balwad cabo qamri,sigar iyo jad,lakin
uuna rabin balwad oo dhan,ee lakiin cidlada iyo
nolasha uu ku dhibtodey ey ku qasbeso,maxaa laga qaban karaa,Ilahayse qofkas muxuu ku ciqabi dona?
(3)Qof guurdonaya lakiin qofkasta oo nolasheda aan barto,waxuu noqdaa qof xun,ama markuu xisa ka dago wuu inacaa,ama wuxuu igu noqdaa balwadiiste,oo waa ka cararaa,soo why I can fined nice guy,how will
love me and care about me,is same thing rong with me,what you gays thing?.
(4)I realy have a big question that is I born muslim,I been a race a muslim family,but I don't do any thing,like muslim woman do,sow I ask my self if I'm muslim or if is right fo me to say I'm muslim,whe I'm not doing the right thing sow what you gays thing?.
I will loved if same one answer me,si dacad nima ah.
Macsalama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Wednesday, November 22, 2000 - 01:54 pm
Farina Maxamed

Waxaad ilaa muuqataa qof da'yar, haddaadan isyeelyeeleyn, sidaas owgeed aan wax yar kaaga sheego su'aalahaga.
Su'aasha 1 iyo tan 2 waa dambi cad oo loo bareerey, mana yeelan karaan wax sabab ah, dareenku ha ka adkaado ama cidla ha joogeene. Waxeyna helayaan cinqaab Alle adduunka iyo aakharaba. Cinqaab Allana yaraan ma leh haddey faqri lagugu salado tahay iyo haddii cadaabka Naarta tahayba. Waxaase ogaataa in markasta towbadu noo furan tahay, oo aan ka soo noqon karno danbiyadaas oo kale.

Su'aasha 3 iyo 4 waa isku xiran yihiin oo haddii aad mar kasta ku xirnaatid Allahii ku uuntey oo aad raacdid waxii uu ku farey, waxaad heleysaa caqli iyo xishood aad uga adkaatid noqtaada ku garatidna wiilasha wanaagsan oo naftaada u ilaaliya sida noqtooda oo kale, waayo markasta waxey xasuusan yihiin waxii Rabbi farey oo ah inay adoomadiisa dambi ka galin.

Illaahey ha ku hannuunsho!
Aammiin dheh!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Thursday, November 23, 2000 - 09:06 am
asalaamu caalykum

waxaan walaalshay u leeyahay amiin ilaahay ha soo hanuuniyo nagana sidoo kale.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.