site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxan idii kaga digayaa buuga cusub ee xambaarsan figrada ikhwaanka ee layiraado tarbiyatu awlaad

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Waxan idii kaga digayaa buuga cusub ee xambaarsan figrada ikhwaanka ee layiraado tarbiyatu awlaad
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Wednesday, November 01, 2000 - 07:06 pm
ila fiir sha buugaa waxa kuqoran fikraddo hadaam ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Wednesday, November 01, 2000 - 07:20 pm
salalam calaykum

wax yaa baha iga yaab sha ee buuga ku qoran waxaa kamid ah in maraajicda laga soodiyaariyay buuga
ay yihiin kutub ta maraajicda ikhwaanka taas
oo la iska indha tiray maraajicdii salafka ee
baabkaan kusoo arooray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reer Somalia

Wednesday, November 01, 2000 - 10:02 pm
Walaal Shakir

Intaadan dadka uga digin buug, marka hore sheeg fikraddiisa oo kooban, markaasna daliil keen sharci ah oo taageerysa waxaad ku diiddantahay fikraddaas, dabadeed u dhaaf dadka iney soo jawaabaan.
Xaqqiqooyinka ayaa dadka lagaarsiiyaa, laakiin looma fakaro, haddii aad adiga u fakarto, waxaad meel uga dhacday karaamadooda.

Waxaanse ku darsan lahaa hal arrin,
Ikhwaanka ka mid ma ahi meelo badanna waa igula qaldan yihiin, haseyeeshee waa dad xaq raadis ah sababna u ahaa dhaqdhaqaayada ay salafka ka mid yihiin iney baraarugaan. Dadka salafka sheegta, ayagana meelo ayeey ku qaldan yihiin, haseyeeshee wa dad khayr badan leh, sidaasoo kale kuwa tabliiq sheegta waa dad cibaado jecel arrimaha qaarkoodna igula qaldan.
Maa daama ay diintu muddo badan maqneyd, oo waadhow la soo baraarugey, qofba meel buu ka bilaabay halganka, in la isku ceebeeyo ma aha ee waa in si akhlaaqda Islaamka ay ka muuqato la isu saxo, la iska kaashado wixii guud, khilaafkana la yareeyo. Markaad qofka ixtiraamto ood qaddariso wuxuu leeyahay ayuu adna ku dhegeystaa qaddariyaana waxaad leedahay.

Waad ku mahadsantahay hammiga aad iska saareysid korinta carruurteenna, iyo ka ilaalinta xumaha, intaadaan ka walwalin buugaan, maad Somalida Europe iyo woqooyiga Mareykan ku noo aad ku waanisid iney carruurtooda usoo dhigaan Somalia, si ay ugu fakaraan sidaadoo kale, iyo si ka fiican. Geed walba meeshii lagu abuuro ayoo mireheeda dhalaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baqawesalafee

Thursday, November 02, 2000 - 06:16 pm
asalaama calaykum
walaa layaal waa run kitaab ka figrado daran ayuu xam baar san yahay waxaan kamid ah
cutub ka shanaad waxa ayku tiri(arimaha waxyeeleynayatarbiyada wanaagsan ee caruurta )
waxa aysheegta ilaa iyo 12 qodob waxaana kamid ah
inayleedahay waxyaabah caruurta tarbiyadooda haleeya waxaa kamid ah (guurka badan)waxa aydiidan tahay tacadud sawjaadka taas oo quraanku inafaray iyo sunaha -waa socotaa qodabada buuga ku qora ila aqriya buuga
waan kuraac sanahay walaal kay (ahmed shaakir)
figrado khatar ayuu xambaar san yahay
walaal kiin (baqawe asalafee)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, November 03, 2000 - 03:06 am
To: Axmed Shaakir & BaqaweSalfee

Marka la doonayo in wax lanaqdiyo,sidan looma naqdiyo.Ilaa iminka ma cad waxa aad ka hadlaysaan.

Sheega buuga iyo qofka qoray markaa ka dib ayaad wax sheegi kartaan buuga.Hadaladiina waxa ka muuqda "IKHWAAN NACAYB" hadii ay taas idinka tahay iska cadaysta.

Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Friday, November 03, 2000 - 07:51 pm
To:siciid
walaal waxa aan kahadal na buug ay qodhay gabadha
layiraado shukri cabdulwali mohamed kana hadlaya
figrado khalad ah xaga sharciga magaca waan kuu sheegay hadii uu ku anfacayo tan labaad ikhwaan ka
heshiis lama ihi dagaal ayaa inaga dhaxeeya
dhadii buuga aad ubaahan tahay waa n kuu soo dirayaa

ahmed shaakir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Friday, November 03, 2000 - 07:53 pm
To:siciid
walaal waxa aan kahadal na buug ay qodhay gabadha
layiraado shukri cabdulwali mohamed kana hadlaya
figrado khalad ah xaga sharciga magaca waan kuu sheegay hadii uu ku anfacayo tan labaad ikhwaan ka
heshiis lama ihi dagaal ayaa inaga dhaxeeya
dhadii buuga aad ubaahan tahay waa n kuu soo dirayaa

ahmed shaakir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiic asalafee

Friday, November 03, 2000 - 08:02 pm
To:saciid walaal kitaabka aqri shar badan baa
kutaal sida uu sheegay ahmed shaakir magac
oo laguu sheego faa iido kuuguma jirto ee raadso buuga waa buug qatar ah

walaal kaa(rabiic(asalafee)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Friday, November 03, 2000 - 09:03 pm
axmed shakir.

Walaal waxaad tiri ikhwaanka dagaal baa inaga dhexeeya. Qofaad la dagaalsan tahay sideed wax ugu sheegeysaa adiga?. Ma is weydiisey in la heli karo qof wax qaadan lahaa laakiin fahamka ka qaldan yahay?. Oo haddii daliilka la tusi lahaa ama waxa uu ayidsan yahay wax ka saxsan la tuso uu qaadan lahaa?. La colleytanka muxuu faa'iideeyey illeyn waabad ka fogaatey qofkiiye?. Midda kale qofkii idin waaniya maxaad ugu aragtaan inuu dad kale la safan yahay?. Waa sida aan ka fahmo hadalladiinna marar badan. Aniga waxaan idiin arkaa dad kheyr ilaahey siiyey oo kheyrka ku baqeyla mar walba. Ogow qofka ilaahey dartii oo la nacaa waa shey diinta ka mid ah haddana qof waxaa jira xummaan iyo sammaan isku dhex wada oo la toosin karo. Qofaan heerkaa soo marin waa yar yahay. La dagaallanka joogtada ah waxaa ka wanaagsan soo dhaweysiga aan dhibaatada keeneyn. Xaqqa haddaad sheegto waajibkii waa kaa dhacay. Qofka loo sheegey yey u taal inuu qaato ama daayo. Adigana ajarkaagii waad leedahay. Gaar ahaan halkan oo aan la isu jeedin dagaal inuu wax qarribo maahane wax ma hagaajiyo. U fiirso waxaa laga yaabaa halkii la iska faa'iideysan lahaa in kuwo kale yimaaddaan oo meesha ka billaabaan salafiya tan ah salafiyah sidaas ah iyagoo ka shidaal qaadanaaya hadalkaaga.

Muhimmadda waa halka qof ee wax kaa qaata ee maaha inta aad la dagaashan tahay wallaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Saturday, November 04, 2000 - 02:09 am
To:rabiic asalafee &ahmed shaakir

Ma laqaadan karo waxa aad sheegaysaan,waayo cadowtinimada aad u qabtaan ikhwaanka ayaa idinka indha tiray wax kasta oo wanaagsan oo ay sameeyaan.Markaa naqdintiinu naqdin cadaalad ku dhisan ma'aha.
Markaa waxaa idinkula talin nimanyahow ILAAHAY ka baqa oo FITNADA aad muslimiinta dhexwadaan iska daaya.Oo marka aad wax naqdinaysaan marka hore niyad fiican la kaalaya OO iska DAAYA nacaybka intan le'eg eed u haysaan muslimiinta.

SICIID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reer Somalia

Saturday, November 04, 2000 - 07:31 pm
Walaalkey Saciid, Formeguest Kahyr badan Allah idin siiyo, aamiin

Walaalladeen Salafiya Allaha xaqa tuso, maxaa yeeley wexey ku koobeen diinteennii arrimaheedii qoraalkii ku ekaa qarnigii 12aad oo qura

wey diideen in culumo cusub oo Sunnadii SAWS raacsan ay qarnigeenna wax qori karaan ummadana hanuunin katraan.

Saan u sheegay Ikhwaan ma ahi, qofkii tacadduud xaaraameeya waa qaldan yahay sida kuwa salafiyada isku sheega oo dulmi badan iyo qalad badan ka aamusaa ayagoo sheeganaya addeecidda waliyul amar.

Marka, ninkaan sidaad sheegteen waa nin dagaal ku jira.

Sida quman ee wax loo naqdiyo waa marka hore qoraaga sheeg wuxuu sheegay, ilaa iyo hadda hal arrin buu sheegay, taasoo ah qoraagu inuu diiddanyahay xaasas dhowr ah in la guursado.
Aniga laba xaas ayaan leeyahay, waanan fahmikarraa qoraa naag ah, iyo saman ay adagtahay korinta carruur badan iyo maamulka dhowr xaas.

Waxaan ku talin lahaa, si walaalnimo islaan ku jirt ha la isula munaaqashoodo,

"muminiintu waa walaalee, walaalihiin maslaxa"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Saturday, November 04, 2000 - 07:43 pm
To siciid
walaal buug cewaan kiisa kor ayuu ku qoran yaha hadii aad is indha tireen tan labaab qofka qoray
waa gabar magac muhiim ma aha hadii ad hayso akhri hadii kale raad so buuga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Saturday, November 04, 2000 - 07:48 pm
To:siciid
walaal buuga ciwaan kiisa kor ayay ku qoran tahay
hadii aad isindha tireen tan labaad waxaa qoray
buuga gabar muhiim ma aha magaceed in aan kuu sheego ee buuga raad so

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Saturday, November 04, 2000 - 09:02 pm
Reer somalia.

Adigana kheyr badan ilaahey haku siiyo. Walaal tacadudka waa laga digey sida quraanka ku cadna waa in loo midoobo diinta oo aan lagu kala tegin. Salafkana waa dadka inaan raacno mudan ee safka ugu horreeya ka galey diinta. Iyagaas wexeysan horumar ku gaarin annagana kuma gaareeyno. Qof inuu wax qorey loo diidey ma jirto ilaa haddaa la qoraa. Laakiin sheekha wax qoraaya waa inuu marjiciisa yahay AL-KITTAAB WASUNAH. Haddii wax intaa ka baxsan uu qoro oo laga talo baxo wuxuu qorey FALAA YALUUMANNA ILLAA NAFSAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Sunday, November 05, 2000 - 05:17 am
To:Reer Somalia

Marka hore waad ku mahadsantahay hadalkaagaa wanaagsan.Anigu waxaan aaminsanahay in qofkasta la naqdin karo ilaa macsuumkii nabigeena (CSW)ahaa mooyee,laakiin naqdintaasi waa in ay tahay naqdin cilmiyaysan.
Gabadha walaasheena ee buuga qortay inkasta oo aanan akhrin buugeeda hadana hadii ayna si cad oo qayaxan u inkirin TACADUDKA ASWAAJKA waa in la'eegaa waxa ay ka hadlayso.Hadii ay ka hadlayso waaqica dadka wadaadada ah oo qaar ka midi ay si xun u isticmaaleen tacadudka waa mid, hadii ay kuliyan diidantahyna waa mid kale.
Markaa mar labaad waxaan odhan lahaa yaan qof wuxu qoray loo diidin isku jamaaco ma nihin ama kutubta uu adeegsanyaa ma'aha kutubta aan anigu aqaan ee waa in hadii wax la naqdinayo lagu naqdiyaa usuusha ahlu cilmigu ay dhigeen.

Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 05, 2000 - 10:39 am
to saciid,
walaal saciid aad ayaad umahad santahay
sida wanaagsan ee aad ugu jawaabtay
wiilashan ay hayso aqoon yaridu hadii aay aqoon lahaayeen waxbadan ayay kafiirsan lahaayeen sikastaba ha,ahaatee taadii ayaan u,daayay
adigana waxaan kuleeyahay jasskalaahu khayr.
ninkii buugan furayna waxaan leeyahay iskadaa
bila aadanka oo isxisaabi intaan lagu xisaabin
iskana kaycafi,
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Sunday, November 05, 2000 - 07:13 pm
salaamu caleykum
walaalaha waad salaamantihiin kuwa la naqdinayo iyo kuwa kaleba , axmed shaakir walaal buuga waxyaabaha ku jira hadaadan soo koobi karin diyaarna aysan kuu ahayn naqdintaadii cilmiga ahayd walaalow qalal ha keenin !!! teeda kale Iqwaan baan la dagaalsanahay meel xujo lala soo istaago maahan .
walaalaha indha la'aanta wax inay ku difaacan rabaana fadlan joojiyo qof Iilkii yaraa kula galaaya ma jiree !!!!
maslaxadan waxaa ah in walaasha wax qortay loo naseexeeyo ka dibna laysku dayo sidii wax loo hagaaji lahaa walaahu aclam.
salaamu caleykum
F.G : walaalaha fadlan iska fiiriya qoraaladiina inteydaan post gareyn ( ama laba mar aadan dirin )

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daad

Monday, November 06, 2000 - 07:04 pm
To Dhamaan.
salaam warahmatullaah.
Diin iyo dulqaad waa la iga badiyaa laakiin dhamaan walaalaha waxaan usoo jeedin lahaa xasuusin.
waxaan bogaan iskugu sheegnaa uma aan isku aqoon waydaarsanaa Diinta ilaahay waxaana aan umalaynaa muhimadu inay tahay inaan dhamaanteen Rabbi raali galino, marka aan wax isku sheegayno waxay ila tahay inay fiican tahay inaan isdhagaysano hadaan isla joogno, inaan is xushmayno hadaan kala maqanahay, inaan is cafino hadaan isku gafno, inaan isku naseexeyno qaarkeen qaarka kale.
Waxaa uu yiri (Ibnul Qayim Aljowziyyi)
qofkii raaadiya walaal aan ceeb lahayn yuusan sugin
waxaase jirta dad aysan banaanayn in lasheego ceebtoodu, waxaad fiirisaa Nabi Muse SWC
alwaaxddii talooyinka wanwanaagsan kuqornaayeen ayuu jajabiyey, nabi sidiisa oo kala ah walaalkiisna ah ayuu gergiisa jiiday, naf ilaahay abuurtayna dilay. intaas oo dhan isagoo sameeyey hadana Ilaaha awooda sare lihi waa uu jecel yahay
waxaana uu kadhigtay kuu lahadlayey toos.
sababtoo ah waxa uu usoo diray Fircown oo ilaahnimo sheegtay, sidoo kale labada umadood ee ugu dhibka badan xaga daaweynta (qibdhiska & reer bani- isra'el).
marka walaalayaaloow dul qaad hala yeesho iqlaas
haday cid walba katahayna iyo Raxmaanka raaligalintiis ee aysan ka ahayn ceebayn reer(X) magacaas dhamaanteen waxaan ku tilmaamnaan lahayn quruuntii qayrka badnaa. Kuwa wax ceebaynaayoow caziizka kabaqa,oo yaanay idinku xanbaarin xumaato aad u qabtan kuwa kale inaad uga tagtaan iqlaaska, kuwa laceebay naayoow kabacsada Macbuudka ay ceebtiisu ceebta tahay amaantiisuna ay amaanta tahay.
igana raali hadaan idnku dheereeyey.
daad..........wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reer Somalia

Monday, November 06, 2000 - 07:29 pm
Formetrguest

Walaal, inkastoon waxyaalo badan kugu raacsanahay, malahana aan aad kuugu fiicneeyo, qoraalkaagii ugu dambeysey waxaa ku jirtay, isdabadhaaf (inconsistency)

Waxaad tiri Tacaddudka waa laga digey???

Waxaad kaloo tiri " Iyagaas wexeysan horumar ku gaarin annagana kuma gaareeyno "

Walaal, ma moogtahay, tacaddudku inuu asaas u ahaa mujtamaca Muslimka ah ee xaqa ah?

Waxa laga digey waa acdaalo la'aanta haweenka.

" Guursada inta idinla qurxanaata haweenka, labo, seddex ama afar, haddadse ka cabsataan inaad cadaalo sameynweysaan, hal xaas ku ekaada"

Si caddaan ah waxaa u muuqata in (institution) tacddudka uu yahay asalka, halka xaasna ay tahay (Exception) adigana waxaan ka fahmay caksi arrintaas.

Marlabaad, Waxaan si dhab ah u caddeynayaa, ina aan Allah darttis kuu jeclahay, adiga iyo inta halganka keyboardka kula jirta dacwada internetka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

_MAN

Tuesday, November 07, 2000 - 03:07 pm
Dear brothers/sisters


SOMALI(MOST OF THEM) ONLY KNOW HOW TO TALK AND DESTROY AN EFFORT. WRITE A BOOK AND DO NOT MAKE MISTAKE!!!!!!!.

YOU HAVE DIFFERENT UNDERSTANDING SO YOU CAN NOT DISCUSS AT ALL.

MARRY TWO,THREE,FOUR AND DO NOT MAKE YOUR CHILDREN TO BE " A WORLD WITHOUT FATHER".

YOU ARE STILL IN WESTERN COUNTRIES BUT NEVER CHANGE YOUR BAD HABITS/CULTURES.

YOU HAVE BEEN PEACEFULL COUNTRIES AND STILL YOU ARE FIGHTING THERE!!!!!

YOU ARE IN 'THINKING CULTURE' COUNTRIES AND YOU NEVER TRY TO THINK!!!!!!!.

YOU WENT THERE FOR WHAT???????????????


SALAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Tuesday, November 07, 2000 - 08:42 pm
salaamu calaykum
TO: abuu dujaana

walaal horta inaan buuga kuu soo sardiyo waxaad moodaa inlaga fiican yahay tan labaad aniga waxaan ugu tala galay tambii bacdal mawaadic ee
ma aha inaan buuga oodhan kuu aqriyo buuga waad heli kartaa adiga ayaa aqrin karo
tan labaad raga aad leedahay indha la aanta waxaan
uarkaa habaar allah ayaan ubar yayaa in ragaa indha la aan kudhigin

ahmed shaakir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiicasalafe

Tuesday, November 07, 2000 - 08:55 pm
salaamu calaykum
TO:SACIID
walaal marka hore qaado ama haqaadan
waa hool kuu taal(alle wuxuu yiri)qofkii doona xaqa haqaato ama qof kii dona haku kufriyo
tan labaad in dadka waxa ay aamin san yihii quluub
tooda laga hadlo(alle ) wuxuu yiri (suratu maryam
(ma wuxuu daalacdaywaxa maqan miswuxuu ale kayeeshay agtiisa balan) marka walaal dadaal

walaal kaa (rabiic)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Wednesday, November 08, 2000 - 05:40 am
Reer soomaali.

Asslaamu caleykum.

Tacaddudka aan kuu sheegaayo waa kuwa xizbiyada walaal ee Sidaa u faham. Sida gadaal hadalkeyga ka muuqateyna waa laga garan karaa. Waad ku mahadsan tahay ishaarada. Haddii xizbiyada ay heshiin lahaayeen oo mid qura ay noqon lahaayeen daliil xoog badan iyo midnimo ayey ku doodi lahaayeen laakiin hadda wey adag tahay sidey u sharxi lahaayeen badashada iyo waxa keeney tacassubka. Dhammaantoodna wax perfect ah ma leh. Mid walba qalad iyo sax buu isku dhex wadaa. Quraafadooda haba ugu darnaatee. Walaal waan ka cudurdaaranayaa mowduucaan inshallaah marar badan oo hore yaan dhex galey wax faa'iido ahna kama helin. Waxaan u imid inaan siciid u sheego inuu qaldan yahay oo la colleytanka uusan waxba aheyn. Wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 07:59 am
Cadow Cadow keentay baa tihiin. Islaamka iyo inta u dhimataba waad necebtihiin. Waxaad eryateen Salafiyiintii xaqqa ahayd sida Salmaan Cawda, Caadal Qarani iyo Safar Xawaali! Kuwii kasoo hadhay ee waxoogaaga ka dambeeyey (sida Carcuur iwm) waxaad tuurteen ood "sAlaFiniMadinii" qalqaloocday sida xarfahan een la garanayn waxay tahay, keddib markuu soo xigtay Seyid Qutub waxaanaad u bixiseen Qutubiyiin.

Waxaad tihiin cayayaan Muslimiinta sida dhuuryada intay dusha uga baxaan dhiiga uga nuuga.

Miyaydaan ogeyn in MAGTII dadkii Muslimiinta ahaa eed kulayseen Boosaaso iyo Gobolka Galguduud laydinka sugayo! Magtii haa magtii1

Ikhwaanka maxaad u badasocotaan eed cadawtinimadaad u qabtaan u faafinaysaan iyagu dadka ma dhiigbay ka galeen?

REMEMBER! "MAN CADAALII WALIYAN FAQAD AADANTUHU BIL XARBI":O

Illaahay u diyaargarow dagaalkiisa adaa doontaye


Wa Salaamun Manittabacal Hudaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, November 08, 2000 - 10:02 am
Asalamu caleeykum

SICIID

Tan iyo maalintii uu balaawday xiwaarkaan, waan hubay nimanka soo qoray in ay buuro iska garaacaayaan,

Walaal ka joog oo hala wadin nimankaan xiwaarka. Waa cadahay, waxa ay yihiin iyo u jeedadooda.

Marka shaatigaaga ha iska wasakheeyn ee noo wad xiwaarada kale ee socda.

Waad mahad santahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu qudaama

Thursday, November 09, 2000 - 05:23 pm
salaama calaykum
TO: dhaman shabaabka
walaalayaal buuga lasheegay walalahu aycadeyen
waa bug xam barsan figrado qatar ah waan aqriyay
waa walaal kiin


abuu qudaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 07:18 am
To abuu qudaama,

Bax beenaaleyahow beenta badani! Inaad beenaale tahay waxaa cadayn u ah magaca aad la baxaysid ee beenta ah! Ma adigaa lagu dhahaa abuu qudaama? Innaga aayaad iska kaana qarinaydaa Allaahna waa ku arkaa! Beenaalaad tahay buuga aad sheegaysidna ma aanad akhrinin mana aadan sheegin buuga magiciisa ee Allah ka cabso BEENAALENA MUSLIM MA NOQDO ee horta Islaamnimada kusoo laabo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu qudaama

Friday, November 10, 2000 - 06:13 pm
TO:anonymous
walaal adiga ayaa been badan oo is qarin badan
ima taqaanin ha igu been abuuran buuga hadii aad
rabtid ooad gadan karin waan kuu soo dirayaa
hadii aad itaqaan magacayga sheeg iyo magalad
aan daga nahay
dadka in aad ku been abuu rato(hiya caynul firyah)

walaal kaa abuu qudaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, November 11, 2000 - 01:22 pm
To abuu qudaama,

walaal inaan been aniga sheegaayo iyo in kale waxaa caddaynaayo adiga ee ma magaca aad sheeganaysaa lagu dhahaa? Soo qor jawaabta adigoo Allaah uu ku fiirinahayo markaasaa la kala garan beenaale iyo runlow waxaad tahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu qudaama

Saturday, November 11, 2000 - 05:51 pm
TO:anonymous
war nin yahaw hadaladaada kafiirso wax baa si kaa ah
hadii aad nin raga ah tahay magacaaga cadee
sida loo doodana mataqaanid ee soobaro waxaa tahay nin isqarinaayo magacayga waa(cabdulaahi)
kun yadayda waa(abuu qudaama)rerbaadiya nimada iska daa iscadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiic asalafi

Saturday, November 11, 2000 - 05:54 pm
TO: anonymous
walaal iscadee waa run tii walaalkaa abuuqudaama

ha isqarin si aad raga ula doodid aflagaadada
daa waa laga fii can yahay


rabiic asalafii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 12, 2000 - 12:19 pm
To "abuu qudaama"

Horta waxbaa iigu dhiman weli inaad tahay beenaale iyo in kale si aan kuu kala hubsado. Waa yahaye adigu goormaad wiil dhashay la dhaho Qudaama? Waxaa shaki igaga jiraa inaad kamid tahay kuwa magacyada dadkii suubanaa dadka ku qalda! LAAKIIN markan way kaa qaldantay saaxiib nika saalixa ah eed damacday inaad isku qariso lama oranjirin abuu qudaama ee waa IBNU QUDAAMA!

Waxaad tiri aflagaadadu ma fiicnee jooji. Oo adigu sawdigan dadka dhan ee Ikhwaanka la yiraahdo sheegtay inaad cadawtinimo u hayso! Miyaanad maqal Xadiiskii Qudsiga ahaa een hore kuugu akhriyey (QOFKA ADDOONKAYGA CADAAWADEEYAA, WAXAAN U BALANQAADAY DAGAAL). Mataqaanaa awliyada Illaahay micneheedu. Imisa awliyo Illaahay ahbaad cadawtinimadaada aad u qabto caalamka u sheegtay?!

Adigoo waxaa wada baad dalbanaysaa inaan lagu aflagaadayn ADNA waxaadba u furatay inaad AFLAGAADAYSO dad wax ay kaa galeen aanay jirin!

Waxaa laga hayaa Imaam Shaafici inuu oranjirey, "waxaan jeclaadaa inuu Illaahay qofkaanu doodayno isaga afkiisa xaqa ka keeno". Adigana waakaa Illaahay afkaaga ka keenay ee CAQLI YEELO!


CAQLI YEELO!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu dujaana

Sunday, November 12, 2000 - 07:01 pm
salaamucaleykum
to: anony.
walaal waxaa lagu weydiiyay magacaaga ilaa hadana maadan sheegin marka (1) adiga allah kuma arko miyaa???? (2)waad caytamaysaa xadiisna waad sheegaysaa waa maxay waliba xadiis qudsi !!! (3) waxaad soo gashey bogaan fiiri Nov.08.2000 , maadan salaamin walaalaha laakiin waxaad ku dhamaysay Wa Salaamun Manittabacal Hudaa , TAASNA WAA SALAANTII TAKFIIRKA !!! (4)Nov.10.2000 salaaman maleh horay & gadaal ,laakiin waxaad xukuntay RIDO ( BEENAALENA MUSLIM MA NOQDO ee horta Islaamnimada kusoo laabo! ) (5) Nov.11 & NOv.12.2000 salaan maleh marka waa yaabe maxaa dhacay ma waanan muslimiin & mu'miniin la ahayn ???. teeda kale walaalow waxaad sheegtay in abuu qudaama uu yiri ( Oo adigu sawdigan dadka dhan ee Ikhwaanka la yiraahdo sheegtay inaad cadawtinimo u hayso) mana oran hadalkaas asaga FIIRI qoraalkiisa Nov.09.00 ayuu soo galay waxuuna dhahay sidan ( salaama calaykum
TO: dhaman shabaabka
walaalayaal buuga lasheegay walalahu aycadeyen
waa bug xam barsan figrado qatar ah waan aqriyay
waa walaal kiin ).marka walaal anigu kuma caynayo dacwadeenana maahan in qof muslim ah la caayo oo rasuulka (salalahu caleyhi wasalam )uu yiri ( sibaabu muslim fusuuq wa qitaaluhu kufur ) ama siduu u yiri fadlan muslimiin ayaa nahay ee qaato naseexada dagaalkana dhaaf oo hadaad buuga difaaci kartid difaac laakiin ha oran maadan aqrin , magacaaga maahan & goormaad dhashey wiil !!!.
sidaa iyo walaaltinimo wanaagsan laakiin sidii aan u weydiiyay walaalkeen axmed shaakir keen khaladaadka buugga , ha oran kuuma akhri karo walaal adaa bogaan u furay taasna waxay noqonaysaa amaana xumo maxaa yeelay ma fiicna in aan wax sheegto hadan aad tiraahdo ma keenayo !!!.
walaalkey axmed shaakirna waan aqaanaa waana walaal salafi ah oo aan khatr u rajeynayo laakiin xaqa ayaa noo ah mabda'a oo hadii uu qaldanyahay waa la qaban maahan sida xizbiyada ( na tacaawuna fiimaa itafaqnaa wa nacduru bacdunaa bacdan fiimaa ikhtalafnaa ) oo ah mabda'a ay ku dhisanyihiin xizbiyiinta maba ugu horeysa IKHWAAN ,walow ITIXAADNA aysan ka marnayn tacasubkaas oo qofka qaldan la tabriirinayo .
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu qudaama

Monday, November 13, 2000 - 11:27 am
TO: anonymous
walaal ilaa hada walaalaha way kaaga digayaan cayda taas horta jooji tan labaad waxaaed cadeysaa
inaan ubixin karin wil kayga tan kale maxay ku
kala duwan yihiin(ibnu qudaama)iyo(abuu qudaama)
markaa sheegtid ayaan kuu cadeyn doonaa waxa
aan kawado(ibnu qudaama almaqdasi) waa nin layaqaan oocan ah adoo kale ma aha oo is
ibhaaminaayo

walaal kaa
abuu qudaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Monday, November 13, 2000 - 11:38 am
TO:abuu dujaana
walaal waxa aan ula jee day marka aan kulahaa makuu aqrin karo buuga waad heli kartaa tan labaad meelo qaarkood ayaan tambiihinaayay
tan labaad waxaad tiri waan aqaan ahmed shaakir qatar ayaan urajeenayaa maxay tahay qatarta
walaal
buugana fiiri camoo qaybaha aan kadigayo waad ku arkaysaa

ahmed shaakir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fowzia

Monday, November 13, 2000 - 03:32 pm
To: Abuu-Dujaana
Walaal waa salaaman tahay marka hore salaan ka dib waxaan Ilaahay ka baryayaa in adiga dad sidaada oo kale u fekera uunan MAXKAMAD GARSOORE NOOGAGA DHIGIN(AAMIIN). Walaal waxaa wax lala yaabo igu noqday in dad dhan oo muslimiim ah oo weliba sheeganaya in ay dacwo fidinayaan afkooda laga maqlo dad kale oo walaalohooda ayagana dacwada ISLAAMKA ku howlan ayaa colaad inaga dhaxeysa. Mida kale haddii aad tahay qof wanaagsan oo MUNKARKA REEBAYA maxaa marka hore uga WAANIN weyday wiilka la yiraahdo AHMED SHAAKIR oo yiri aniga IQWAANKA colaad ayaan u qabaa, midda kale sida aad u wada dhan tihiin MA LAYDINKA HELAYAA QOF QOFKA KALE QALADKIISA TUSAAYA????????. CAJAA'IB!!!!!!!!!. Walaal AHMED SHAAKIR HADDII AAD TAHAY NIN DACWADA ISLAAMKA AAD U DANAYNAYA waxaan kugu waanin lahaa marka hore in iska ILOWDO CADAAWADA AAD U QABTO WALAALAHAAGA ISLAAMKA OO AAD QALBADAADA NADIIF KA DHIGTO. Muslimiinta fikrado wey ku kala duwanaadaan ee AHMED SHAAKIROOW xooggaa bal ka yara feker dhibaatada GAALADA IYO GAALA-RAACUBA AY KU HAYAAN MUSLIMIINTA MEEL WALBA OO AY ADUUNKA KA JOOGAANBA. WAXAAN KALE OO AAN LA HADLAYAA ANYMOUS, walaal adiga qof muslim ah haku oranin been ayaad sheegtay ilaa adiga xogg-ogaal uma tihide. Midda kale walaal maxaa ku ogeysiiyay inuu issaga yahay dadkii ka dagaalamayay BOOSAASO, haddiise uu yahay maxaa koox gaar ah aad eedda u saareysaa adigoonan xogg-ogaal u ahayn wixii meesha ka dhacayay. Midda kale walaalkiis ayaga wax hagaajiya ayay is lahaayeeen ee laaya isma aynan lahayn. Walaalayaal waxaan hadalkeyga kusoo gaba-gabeynayaa ILAAHAY HALAGA BAQO OO DADKA SI CADAALAD AH UGU KALA XUKMIYA, NACAYB WAXAA MUDAN GAALADA IYO GAALO RAACA, IYO IN QOFNA UUNAN KA WARAMIN ARIN UUNAN CADEYN U HAYNIN IYO WELIBA WALIBA WAXAAN HADALKEYGA RAACIN LAHAA IN QOF MUSLIM AH AYNAN U BANAANEYN IN QOFKA KALE UUKU YIRAAHDO "BEEN BAAD SHEEGTAY". ILAAHAY HA INOO WADA DENBI DHAAFO.
MACASALAAMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 13, 2000 - 11:15 pm
Salaamu Calaykum

Waad mahadsantihii dhammantiin gaar ahaan Fowzia waanaan kaa qaatay waano badan ood iisoo jeedisey- Anigu ma dafirayo inaan sameeyey qaladaad waanaan ka noqonayaa walaalaha (Islaamnimadaa iga siisaye maan iraahdeene) kale ee meesha fitnada ka wada inay iga cafiyaan IYAGUNA qaladaadkooda ka haraan. "Waa run oo waxaad wadaan fitno". Waxaa taas u daliila ilaa iyo hadda maydaan soo sheegin 1- magaca buuga iyo qorihiisa, 2- meesha laga helayo 3- waxyaalaha ku qoran eed ka digaysaan sidii ay u qoraayeena umaydaan qorin.

Waxaa kale oo caddaynaya inaad fitno wadaan, waxaad halkan ku beeraysaan cadawtinimada idinku jirta ee aydaan qarsanaynin. Waan idinku celinayaa mar kale, "MAN CADAALII WELIYAN, FAQAD AADANTUHU BIL XARBI".

Waxay culimadu ku daraan calaamaatul munaafiqiin "TATABUCU CAWRAATU SAALIXIIN" Imisa saalixa ood ogtihiin, qadiiman aw xadiisan, ayaa ku jira Ikhwaanka?

Buugga aad sheegaysaanse ma waxaa qoray qof ka tirsan Ikhwaanka mise waxaa qoray IKHWAANKA oo dhan??? Caddaaladdaad sheeganaysaan iyo Xaqqaad sheegayso inaad isu dardaarantaan aaway?

Qaaciidadan aad sheegayso ii khilaafka Muslimiinta dhexdooda ka hadlaysa walaal aan kuu sheegee waxaa lahaa oo qotomiyey Caalim Salafi ah wuxuuna ahaa Sh. Rashiid Ridaa´ isagaanuu Shahiid Xasan Banna ka bartay oo ardaygiisa ahaa. Haddaydaan isku salafinimo ahayn ma garan.

Wa Salamu calaykum

NB: Magacayga ma rabo inaan sheego wax igu kelifayaana ma ay jiraan walaal, ma garatay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rabiibasalafi

Wednesday, November 15, 2000 - 02:36 pm
TO: anonymous
walaal marka hore wax fahan ha is indha tirin
buuga ciwaan kiisa kor ayuu kuqoran yahay
tan labaad waa lasheegay qofka qoray buuguna
lama oran ikhwaanka ayaa wada qoray waa wax aad
jeebkaaga kala timid

waxaa wax loosheegaa qofka marka aad taqaanind
marka hore iscadee maga caaga

walaal kaa (rabiic)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed shaakir

Wednesday, November 15, 2000 - 02:40 pm
TO: anonymous

walal meeshaan buuqa kadaa marka hore magacaaga

soo qor somalidu waxa aytireaadaa wax laqarsho
qurun ayaa kujira

iscadee kadid ayaa laguu waramayaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.