site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Diinta Islaamka iyo Dimiqoraadiyada keebaa ku haboon in Somaali lagu maamulo

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Diinta Islaamka iyo Dimiqoraadiyada keebaa ku haboon in Somaali lagu maamulo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Thursday, November 02, 2000 - 09:03 am
Dadka somaalida oo ah dad muslin ah waxa laga yaabaa in ay ku adagtahay in lagu maamulo shareecada islaamka dhawrsababood awgeed.
1-waxa ku yar dadka diinta si fiican u yaqqana taas oo dhibteeda leh.
2-wadaadada diinta oo had iyo jeer khilaaf ka dhex ooganyahay oo ay adagtahay in ay isku si wax u arkaan.
Hadaan dimuqoraadiyada eegno
Inkasta oo ay shirciyada wadanka u yaalaa xakamayn karaan waxyaabo badan oo wadamada gaalada caadi u ah hadana lafteeda way adgatahay in ay joojiso ku kalala qaybsanaanta qabiilka oo aad ugu adag dadka somaalida,

Dadkiina diinta igagaga aqoon badan fadlan iga soo qanciya sida wadaadada somaalida halmeer la isku keeni lahaaa.
Intiinsa aad u baratay mabaadiida isxukunka naga jaahil saara sida ay wadankan muslinka ah ee uu qabiilku dishhday loogu xukumi karo mabda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Thursday, November 02, 2000 - 11:13 am
Asalaama caleeykum

To. Cilmi

Walaakiis waxaad tiri, mar aad ka hadleeysid laguma xukumi karo shareecada wadanka. Adiga oo aad ku dhaliileeysay qodobka 2:aad

Waxaad tiri

"Wadaadada diinta oo had iyo jeer khilaaf ka dhex oogan yahay oo ay adag tahay in ay isku si wax u arkaan"

Islaamiyiinta maanta joogo Soomaaliya isku ma haystaan maxaa wadanka lagu maamuli. Maxaa yeelay tafsiirkii asalka, waa AL QURUUNU THALAATHA (3:dii qarni) ay dajiyeen asxaabta iyo kuwii ku xigay. Marka taa ma noqoneeyso qiil wadaada ayaa is haystaa.

Ee waxaa lagu kala duwan yahay, sidee ayaa lagu gaara maamulka. Koox walbana sidee u aragto ayeey qaadatay. Koox dagaalanto iyo mid iskulaat furtay oo meeshaas ka bilaawday.

Dhanka DIMUQRAADIYADA.
Ma waxaa ka wadaa sida reer galbeedka, oo wax walba waa furan yahay oo xalaal ayeey yihiin. Taa nama anfaceeyso anaga haddii aan nahay muslimiin.

Haddii aad ka wadit sidee ayuu ku imaanaaya kursiga, waa uun doorasho sida dimuqraadiyada. Waa sidii uu ku imaaday Dr. C/ Qasim. Haddi ay dadka dooneeyn, waa in uu iska tagaa, doorashada kale.

Waad mahad santahay CILMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam Salah

Friday, November 03, 2000 - 09:00 am
Asalaamu caleykum

Walaal waxa la yaableh dadka isbarbar dhiga wax Rabbi dajiyey iyo wax ibni'aadam uu sharciyeystay. waxaa aan kugula talin lahaa Cilmi in aad adigu dib isugu noqotid oo aad is wediisid, sharciga Rabbi iyo ka kale keebaa sareeya?, diiniyan maxaa ubanaan in ay muslimiintu isku xukumaan?, sharci la isku xukuma kee baa u caadilnimo badan?. kadib markaa ayaad heli doontaa su'aashaada jawaabteedii.

Rabbi ha inoo danbi dhaafo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Friday, November 03, 2000 - 09:36 am
Asalaamu Caleykum

Bismilaah, I agree with sister Samsam.

Cilmi, saaxiib Ilaahey ha inoo dambi dhaafo laakiin towbada ku dadaal ayaan ku oran lahaa waxaad ku hadashay dambi weyn kaas oo uu Alle ku ceebeeyay Munaafiqiinta waxeyna cadeyneysaa in qofka saas u hadla uusan qalbigiisa ku sugneyn kuna kalsooneyn isku xukumida kitaabka Alle balse maalinba mowjadii ay hawadiisa tusiso raaca. Waxaan kaaga digayaa inaad is barbar dhigto XAQ iyo BAADIL ayadoo Alle ku tusaaleeyay biyo wax soo saar leh dadkana anfaca iyo daad-xoorta biyahay dusha ka saaran. Dimoqoraadiyadu waa GAALNIMO waan daadxoorka biyahay dusha ka saaran hadaad cuskatid ku sii heyn mayso aduun iyo aakhirona waad ku khasaareysaa. Xukunka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha Alle kaliya leeyahay bini-aadamkana lagu adoonsaday, marka Ilaahii ku abuuray wuxuu kuu suubiyay ha ka dooran gaal wuxuu alifay uguna talo galay habaabin. Hadey wadaadadu khilaafkooda batay, ogoow in raxmada Alle aysan koobneyn bal Ilaahey balan qaaday in Islaamka kor ahaan doono, marka ha quusan aniga iyo adiga hadaan nafteena ka adkaano inta nala qaraabo ahna diinta barno umada oo dhan wey hagaagi ee taanada aan ku dadaalno. Tusaale, Dimiqoraadiyadu waxay qabtaa in qof walba wuxuu doono suubiyo cidna cid kale ka hebeysan xoriyadna aad u leedahay wixii dacamadid falankooda, bal ka waran hadii la yiraahdo wixii madaxaaga ku soo dhaca ku dhaqaaq? Islaamku waa manhaj ku hagaya meel walba aad ka eegtidna nafta ay ku nagaaneyso wixii kheyr kuugu jirina ku amraya, laakiin diintu waxey tiri, mar hadaadan xishooneyn suubi waxaad doonto taasna ma aha ikhtiyaar lagu galiyay ee waa canaan waxeyna ku tuseysaa sida ay u xuntay ikhtiyaarka faraha badan marka aanu niraahno HADAADAN XISHOONEYN DIMIQORAADIYADA U DHAQAN TAG OGOWNA SIDAAD U DHAQANTID AYAA AAKHIRO LAGUULA DHAGMAA. Xishookana waa qeyb ka mid ah iimaanka, hadii xishoodka la waayo, iimaana inuusan jirin ayaa loo badiyaa, After all, kuwii democracy ku dhaqmayay ayaa is heysta maalin walba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mumin

Saturday, November 04, 2000 - 03:31 am
Cabdallah iyo SAMSAM

Waad ku mahadsantihiin waanadiinnah, laakiin ma warsateen Cilmi, intuu ka yaqaanno Islaamka, ama Dimuqraadiyadda?

SAMSAM waxaa hadalkaaga ka muuqda in aad aqoon fiican aad u leedahay Islaamka, maxaa yeelay yaabkaaga ayey ka muuqataa. Laakin Cilmi, waa nin cilmi la' oo u baahan in wax loo kala bixiyo.

Sidaasoo kale, Abdalla, aad baan kuugu mahadinayaa sida aadka u qurxan eed u muujisay sifaadka Rabbigeenna ooy uunka qaarkood sheegteen markii ay Dimuqraadiyad dooneen.

" Demo waa Greek = Shacbiga, Cratis = Xukun"
Xukunka shacbiga.

Quruumihi dhexe, Yurub waxaa xukumi jirey boqorro shegtay in waddankooda aan looga sarreyn "SOVREIGN" ama la yiraahdo "Awoodda ugu sarreysa" Wuxuu boqorku yiraahdo ayaa qaanuun noqon jiray. Markii tawradda Fransiiska ay dhacday ayaa waxaa dadkii sheegteen iney leeyihiin awooddii uu boqorka sheegan jiray oon laga sarreynin. Hadda shacbiga ayaa isu taliya mana aaminsana in laga sarreeyo, arrintaas u fiirso.

Markii Khilaafadda Islaamka ay babaaday, waddammadii Islaanka ahaana Europe ay gumeysatay ayey wexey u keeneen nidaamkoodii ku dhisna xukunka shacbiga, meeshaasna si qumaati ah waxey ummadihii raacay arrintaas uga bexeen diinta Islaamka ayagoon is ogeyn, dullinimada maanta lagu noolyahayna iyo baabaana waxaa keenay dad lagu karaameeyey iney Alloo qura u noqdaan addoomo oo diiday markaas labaday iney addoomo u noqdaan askartii ibliis, Maxaa yeeley,

1. Xukunka waa sifad u gaar ah Rabbi, Suratul Yusuf ( Xukunka Allah oo quraa leh,(SOVREIGN) wuxuu idin faray ineydan addoomo u noqon asaga mooyaanee cidkale...Taasi waa diinta toosan... laakin dadka badankood waa moogyihiin (macnahaas)).

Wuxuu Rabbi xaq ugu yeeshey inuu dadka xukumo, maxaa yeelay asagaa uuntay, dhulka iyo cirkabna asgaa leh, waxwalbana addoon bey u yihiin ama ha aqbalaan ama ha diidaane.

Markii aadmigu boobaan sifaadka rabbi sida FIRCOON uu yiri,( Idiin ma ogi ilaah aan aniga aheyn) oo uu Ilaah ka wadey (SOVREIGN), Waxaa dhacda in shirkiga ugu weyn la galo.

Qofkii sheegta inuu xaq u leeyahay inuu sharci aan ku saleysneyn kii Allah ummadda u dejiyo, Ilaahnimo ayuu sheegtay, qofkii ku raacana kuwaas ayuu addoon u noqday, waana ka baxay milladda Nabigeenna.

Sidaa darteed, Ilaahyaasha beenta ah waagii Islamka soo baxay wexey ahaayeen 365, qureysh ay kacbada dhigatay, Seddex krishtaanka caabudayeen, laakiin hadda adduunkoo dhan wuxuu caabudaa ilaahyo loo yaqaan Mudane Xildhibaan oo xaareemeya wuxuu Eebbe xalaaleeyey, Xalaaleeya wuxuu eebbe xaaremeeyey.

Maanta diinta meel walba wa laga tagay, wax daacad ahna waa yaryihiin, kuwaasoo ka kooban dhallinta diinta fidisa oo dhib badan ka soo garey dadkooda iyo kuwa ay addoonta u yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Saturday, November 04, 2000 - 02:04 pm
Asalaama Calaykum.
Waxaan aad uga xumahay in aydaan fahmin suaasha uu idiin weydiiyey Cilmi, layskuma hayo mana ahan
wax la isbarbar dhigi karo shareecada islaamka iyo diimoqoraadiyada, waxaa sareeya oo xaq ah in ummad kasta oo islaam ah ay isku maamusho shareecada islaamka. i hope in uu Cilmi si fiican u ogyahay arrintaas ee suaashu waxay tahay ma lahayaa muslimiin soomaali ah oo daacad ah oo u adeega kitaabka quraanka, oo ku xukuma cariga soomaaliya. jawaabtu waa may.
waxaana kuu daliil ah culimadii soomaaliyeed ee dhawaan taageertay dawladda baadilka ah ee C/qaasim ee xayaysiinaysa dadka lenin aaminsan, fusuqa iyo qawanaanta dumarka. muusikada ku tumanayey carta, ma waxay diyaar u yihiin in dhulka ka soo qaadaan kitaabka ilaahay waa maya.
waxay kala jabiyeen quwadii islaamka iyo nuurkii
soo baxayey.

wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mumin

Saturday, November 04, 2000 - 06:55 pm
Cabdullahi

Hadalkaaga waa xaq, laakiin walaal, miyaadan akhrin inuu cilmi yiri

" Dadka somaalida oo ah dad muslin ah"

Sidey Muslim ku noqdeen dad aad adiga ku sheegtay

"culimadii soomaaliyeed ee dhawaan taageertay dawladda baadilka ah ee C/qaasim ee xayaysiinaysa dadka lenin aaminsan, fusuqa iyo qawanaanta dumarka. muusikada ku tumanayey carta"

Qof Muslim ah miyuu taageeraa dadka aad waxaad ku sheegtay? oo boobay sifaadkii Rabbi oo ahaa inuu ku kaliyeysto xukun dejin? waxa quman iyo waxa qaldanna uu leeyahay hal miisaan oo ah kii Rabbi dejiyey. " Cirkana waa dheereeyey, Misaankana waa dejiyey" Suuratul Arraxmaan.

Suuratul Muxammad wexey leedahay.

"Kuwii dib uga laabtay (Islaamka) markey u caddaaday hanuunka, SHEYDAANka( munaafiqiinta) ayaa u dhoodhoobay (wexey wataan)oo rajo galiyey, Taasi wexey ku dhacday markey ku dheheen kuwii nacay wuxuu Allah soo dejiyey( Cilmaaniyiinta, Munaafiqiinta) waxaannu idiku raaceynaa arrimaha qaarkood"

Wadaaddadii ka qayb galay shirka Carta diintooda ayey gateen, Sicir yar bey ka bixiyeen, hoogna waa iibsadeen, Maxaa yeelay in gaalo lagu raaco qayb ka mid aha wax uu Allah diiday sida haweenka arrimahooda waa ka noqosho laga noqday Islaamka"

Adduunka maanta hal meel baa looga taliyaa, waana Ilaaha cusub oo dunida oo dhan la wada caabuda markii laga saaro inta diiddan oo haddey awood heli laheyd diinta ku soo celin leheyd meeshey xaq u leheyd. Ilaahyada adduunka u taliya waxey addegsadan UN, Jaraaid, TV, Gargaar, Iyo kuwo badan oo dadkeenna ah sidey kula diriri lahaayeen Rabbigii uumay, risqigoodana wuxuu galay ladiriridda diinta.

Marka dad cilmi leh waa jiraan, laakiin haddey soo baxaan ama waa la dili ama diintoodaa laga celin sidii kuwa carte baadilka ku taageeray.

Waxaa dhab ah in aakhiro aan lagu fakaneyn illaa Islaam toosan oo ah kuu Rabbi rabo, ma ah kan dadka ay danahooda (Hawadooda)raacsiiyeen,

Qofkii Raba inuu Islaamkaas ku sugnaadona waa inuu fahmaa Kalimadda "Laa Ilaaha illa Allah, Muxammada Rasuulullah"

Qaybta hore wexey sugeysaa seeddex arrin wexeyna burineysaa seddex arrin

Wexey sugeysaa ooy burineysaa

1. Addoon inaan loo noqin qof aan Allah aheyn lana weyneynin, oon loo sameyn taalloyin, qaddarin, damaashaad ama khushuuc. oo lagu gaaryeelo, cibaadooyinka oo dhan ALLAH oo Kaliyah.

2. Inaan la isugu gaashaanbuureysan waxaan aheyn Allah dartiis oo Kaliyah, oo la isugu gargaaro, la isugu hiilliyo, cadow la isugu noqdo, la isku jeclaado, lagu kala tago, laisugu yimaado Allah dartiis oo Kaliyah. In la diido in la isku gaashaanbuureysto waxyalaha kale, Qabiil, waddan, Somalinimo, Insaaniyad, iyo wixii baadilkaas la midah

3. In Xukun oo dhan loo sugu Allah oo qura, Sunnada Rasuulikiisa SAWS, iyo khulafadiisa, iyo wixii intaas lagu qiyaasoo looga dhawaado. In la diido in dadku xukun dejin karaa

Qofkaan intaas ula jeedin kalimadda tawxiidka, MUSLIM MA AHA , ha is ogaado meeshuu taagan yahay.

Marka ummada lagu sheegay iney Muslim tahay aan ku fiirinno qodobadaas.

1. Qaar wexey weneeyaan dad dhintay ooy baryaan
2. Badankood wexey isugu gargaaraan, isugu hiilliyaan, isu dilaan, isku gaashaanbuureystaan, naftooda iyo maalkooda u xalaaleystaan, QABIIL DARTIIS
3. Kuwa soo hareyna waa kuwo DIMOQRAADDIYAD ka raadiyey naf

"Kuwa ka yeeshey waxaan kii uumay aheyn ilaah wexey la mid yihiin sida caarada, caaradu guri bey sameysatay, guri la sameystana waxaa a liita kan caarada"

Marka la helo dad kalimadda sidaas uwada fahmay ayaa rajo jirtaa in adduunkana karaamad lagu noolaado, aakhirana aan nafteenna kala baxsanno naarta.

Inta ka horreusana, bal ha loo istaago labo-labo ama hal-hal, hana la iswarsado, nabigeenna ma waallaa?????????????????????????????????????

Mise annaga waalan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

saa isku meel wax u ma wadnee...................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Saturday, November 04, 2000 - 11:44 pm
Asalaama Calaykum.

brother muumin, ajar allaha kaa siiyo wacdigii aad
na wacdiday ilaahay hortiis adoo aan dan kale kalahayn oo ahayd kaliya in la qiro in aanu nahay adoomo ilaahay abuurtay oo lagu faradyeelay caabudaadiisa alle kaliye. waxaan u abuurnay baa eebe leeyahay jini iyo insiba in ay i caabudaan.
laakiin walaale waxaa dadka ilaahay u abuuray qoomam iyo qabiilo in ay isku xiririyaan oo isku aqoonsadaan. marka Soomaalinimo waa qabiil walaalo
oo isku af ah, diinteenu ma diidana in aanahay qoom Soomali ah oo isku qabiil in ay wax wada dhistaan oo iscaawiyaan, xaq isku taageerno, khaladkana iska qabano. midda kale ma fahmin waxa aad ula jeedid ilaahayga cusub. suaalaha cilmi waxaan u fahmay sidee u midownaa oo aan diinta isugu xukunaa, maybe in aan khalad wax u fahmay. sababtoo ah waxaan aan aaminsanahay in Soomaaliya maanta isku aamini karto shalay iyo maantaba shareecada islaamka. kitaabka ilaahay oo cagta hoostiisa laga soo bixiyo oo kor la keeno. waxaan
halkaan kula talinayaa in dhaliyarada shabaabka ah
in aan la taageerin xukumada baadilka ee dhisan wadanka Soomaaliya sida Cabdullahi yusuf, xukunka
ina Cigaal xukunka Ina caydiid xukunka C/qaasim oo
ugu sii liita.
ee aan isku dhaarsano sidaan dalkeenna hodonka ugu
soo dabaali lahayn shareecadda qaaliga ah ee aan qofkasta iska heli karin, ee ilaahay muslimka dhigay. waa maxay dimoqoraadiyo saw maahan midda ogolaatay in raggu is fuulo, dumarkuna is fulaan.
midda taagtay xeebaha ilaahay ciddii oo dhan oo
qaaqaawan oo odaygii, habartii, iyo caruurtii.

ilaahow u danbi dhaaf dadka muslimiinta ah oo dhan
naartana ka xoree, meel loo hoydo meel ka xun ma jirto.

brother Abdullahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmi

Thursday, November 09, 2000 - 02:05 pm
Walaalyaal Dhamaantiin waad salaamanthiin wacdiyada iyo tusaalooyinkaa xaqa ah ee aad umada akhrisanaysa aad u soo bandhigteena Ilaahayajerkeeda ha idinsiiyo.
Anigu waxaan ahay Ninka Tobigan furay,waxxan ahay qof muslin ah jecelna dinnta islaamka ee xaqa aha.
Quraanka wa bartay in aniga igu filan,Culuunta kalena ilaa heer jaamacdeed ayaan ka gaadhay mana aaminasani in diinta Islaamka wax ka waanaagsan oo la isku xukumaa in ay jirto.Waxaanse rabay in aan ogaaday somaalideenan waalatay ee qabiilka iyo danayiga gaarka ahi duleeyay sideebay ku wanaagsanyihiin in anu iugu soo dhawayno,waad ogtihiin in aay dad mulima yihiin hadana ayan dhaqankeedii lahayn danina ha isaarina ee xal ii sheega hadii aad haysaan.Mabdan sabata aan meeha ugu darayna maahan iska dheh ee hadba way ku doodaan hogaamiyaysha wadanku in ay yihiin dimoqoraadiyiin,wanay ku fashalman cadaalada iyo Alah ka cabsiga .

Waxa kale oo aan jeclan lahaa hadii uu qof wx ku waydiiyo h xukumin oo mrkiiba h la oo boodina kufri baad tahay xaqii baad ka fogaatay iyo nin muslin ahi waxaa kuma hadlo.
Waa laga fiicanyahay jawaabahaas oo kale qanci qofka Ilaahayba xukumay ee adigu wixii aad ku dhaanto ku biiri.
Waanad mahadsantihiin.Dooduna way inoo furantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muumin

Tuesday, November 14, 2000 - 06:43 pm
Walaal Cabdullaahi ,

Allaha kaa ajar siiyo dareenka fiican eed u qabtid Diinteenna la dhaawacay, Allaheennii laga duudsiyey xaqa ilaahnimada oo ah inuu kaligii xukun-dajin leeyahay, in ay sidaasi tahay addoonnimada quman, laakin ay dadka badankiis moogyihiin.

Allah wuxuu yiri " Xukun waxaa leh oo qura Allah, wuxuu amray (dadka) ineysan u hoggaansamin isaga mooyaanee,cidkale, taasi waa diinta toosan, laakin dadka badankood ( macnahaas) waa moogyihiin"

Walaal Cabdullahi

Waanadii ugu dambeysey ee suubbanihii nooga tagay intuusan dhiman wexey aheyd " Allah aktiisa waxaa idiinku karaamad badan kiinna idiinku taqwada badan"

Qabiilkeygu waa Islaam, nasabkeennu waa Islaam, Xasabkeennu waa Islaam. Kulligeen Adan baanu ka nimid, Aadanna ciidda.

Walaal, ogow in burburiska Islaamka ayan ka horreyn markii khilaafadii Suubbanihii la riday, kadibna gaalo isticmaarsatay waddamadeenna, ay noo keeneen nidaamyo nololeed ee gaalo (democracy) ummaddiinna jahli dartiis iska dabakeceen. Qowmiyaad ayaa naloo kala qaybshay, waxaa bilaabatay in lagu faano qabiil iyo qawmiyad, meeshii la isku walaaleysan lahaa Islaam.

Qabiil, qawmiyad, democracy, iyo inata magacyo meesha yaacaya kulligood ma aha wuxuu Allah soo dajiyey, waa magacyo ay dadka sameyteen oon awood Allah la siin, Dadku wexey raacayaan malo, iyo waxa nafto ay haweysato . Allah aktiisana waxaa uga sugnaaday hidaayo ay agmarayaan ayagoo indha la'

Walaal, Allah xus, habeen iyo maalin, fadhi iyo jiif, istiqfaarka badso, Suubbanihiina ku salli, si aan u mudanno shafaacadiisa maalin qof walba naftiisa u daran tahay illaa Suubbanaheenna SAWS oo ummaddiisa u daran tahay.

Ummaddiisa waxaa ah kuwa asaga jecel, Allah jecel, diintiisa jecel, u hiilliya, u gargaara, u dhiidhiya, una hura maalkooda iyo naaftooda sidii kalimadda Allah ay ku noqon leheyd tii ugu sarreysay.

Allah kuwaas ha naga dhigo

Aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/waaxid

Saturday, November 25, 2000 - 07:13 am
Asalaau calaykum

Alaahu Akbar
Goormey diintu ra'yi noqotey?!
Ninkii Su,aasha bilaabey hal mar oo kaliya buu su,aashaa meesha soo galin karaa, haduu uga danleeyahay " istifhaamu al-towbiikh" yacni su'aal uu uga danleeyahay inaysan haboonayn in mowduucaa oo kale la is bar-bar dhigo bal uu ku ceebaynayo fikradaa wixii qaba, tacliiqiisa ayaa arintaa diidaya oo sida laga fahmayo wuxuu u arkaa arin wada hadal gasha!.

Cabdullaahi isna waa difaacey!
C/hi wuxuu yiri hadal macnihiisu yahay ma jirto cid si sax ah diinta ugu xukumi karta.
C/hi ma dadkaad tira koobtey oo waxaad ogaatey in ayna soomaaliya joogin dad aqoon diineed leh oo dalka ku xukumi kara?

Waa hadaladii qab-qablayaasha oo markey rabaan in ay caamada wareershaan bay isticmaalaan hadaladaa.

Hadaad dhihi lahayd waa dad yar waa arin la fahmi karo oo badanaa dadka Allaah caqliga siiyey oo si fiican u isticmaala waa yaryihiin " wa qaliilun maahum" laakiin umadan muslimiinta ah marna dad kheyr badan lagama waayo.

Iska jir meelahan oo kale waa meelaha dadku ku simbiririxdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, November 26, 2000 - 09:40 am
COMMENTS TO ELMI
jawaabta su'aashaadu waaa:
"WAMAN LAM YAXKUM BIMAA ANZALA LAAHU FA'ULAA'IKA HUMUL KAAFIRUUN"
waxaan filaa inaad ku qanacday,haddii kale aan labo aayadood oo kale kuugu daro
biloga sadexda aayadood waa isku hal gadaal ayay ku kala duwan yihiin,duwanaan shahaasina waa kaan kuu sheegi doono:
sida tan aan kor kuugu sheegay oo ku dhammaatay
FA'ULAA'IKA HUMUL KAAFIRUUN.
2:FA'ULAA'IKA HUMUL DAALIMUUN.
3:FA'ULAA'IKA HUMUL FAASIQUUN.
walaal waad danbaabtaye ka laabo ilaahna u toobad keen.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.