site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SU'AALO!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): SU'AALO!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Unrecorded Date
DIINTU MAXAY KA QABTAA IN LA YIRAAHDO WALALKEY AMA WALAASHEY AYAAN QABAA SI LOOGU KEENO DARTEET,HADII AAD CILMI ULEEDAHAY II SHEEG WALAAL WAXAAN DOONAYAA IN AAN WALAALKEY SHEEGTO AMA AAN IRAAHDO WAAN IS QABNAAYE SI LA IIGU KEENOO DARTEED,MARKA SI DEGDEG AH IIGU SOO JAWAABA DADKA CILMIGA YAQAANA AMA HA WADAADADA AH,
WABILAAHI TOWFIIQ!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi

To: Muna

walaal suŽaashaada waa suuŽaal aad u muhiim ah waxaana kaa muuqata inaad tahay qof jecel inay ku dhaqanto waxa uu ilaahay raali ka yahay.

Marka walaal hadaan isku dayo inaan suŽaashaada ka jawaabo anigoo kaalmeysanayo ilaahay waxaan ku dhihi lahaa, Ilaahay dartii isaga daa inaad keento walaalkaa oo waliba habkaas diintaada iyo sharaftaada dhaawacaya ha ku keenin,waxaan isku dayayaa inaaan ku siiyo daliilooyin.

walaal marka hore waxaad sheegaysaa been waayo qofaan ku qabin ayaad tiri waan is qabnaa beena waan ognahay waxa uu islaamku ka qabo iyo inaan xataa been lagu kaftami karin.
Mida kale waxaad walaalkaa u keenayso waxaa ugu horeeyaa laga yaabaa ha noolaado, nabadgelyo ha ku noolaado ama ha helo irsaaqad uu ku noolaado.

Taana waxaan kaa dhihi lahaa Ilaahay ayaa qoray nolosha walaalkaa oo intay hooyadii siday ayaa loo qoray wuxuu helayo ee walaal ha u galin danbi irsaaqad uu Ilaahay qoray oo uu balanqaaday noocay doonto ha noqotee.

Walaal Muna waan isku dayey inaan wax ka iraahdo suŽaashaadii qaaliga ahayd anoon cilmi saas ah u lahayn diinta iyo iyadoo ay adag tahay in suŽaal laga jawaabo iyadoo uu qofkii ku hor fadhin ama aadan maqlaynin hadalkiisa.

walaashaa Deggan (Sweden)

Asalaamulaahi calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
To Muna.
Walaal waxaan Ilaahay kaaga baryayayaa khayr aduun iyo mid aakhiroba,waana ku farxay sida aad ugu dadaalayso ku dhaqanka diintaada ,in badan waxaan ku raacsanahay walaashay dagan oo kaala hadashay xumaanta iyo dambiga ku jira sheegista beenta,laakiin waxaan ka fiirsday cajlad iyada oo su'aashaas la waydiiyay wadaad la yiraahdo sh.yuusuf wuxuuna ku jawaabay inay xaarantahay in wiilku walaashiis ku keeno anigaa qaba ,laakiin hadii gabadhu kaligeed joogto dhul gaalo ah oo ay doonayso inay muxrim ka dhigato waa banaantahay ayuu yiri oo baabu daruura ayay soo galaysaa ayuu yiri ,bal hadaba si fiican u baar arintaas .
Walaahu Aclam.
Walaalkaa Cabdalla (Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Unrecorded Date
salaama caleykum,
walaalayaal waad ku mahad santihiin jawaabtiini sharfta lahayd ilahyna ha idinka ajarsiiyo,walaalyaal aniga waan ku cusubahay diinta oo meesha aan deganahayna madegana wadaado oo waa in aan u aadaa magaalo kale oo aad iiga fug marka waxaan jeclaytey in ay iiga fududahay in aan meeshaan ku soo qoro, marka waxaan rabaaŽin aan sii ogaado arintaas, hadii uuse jiro qpf hayajawaabo kale waxaan ka codsanayaa in uu iisoo jawaabo ilahayna ha idinka ajar siiyo,
wabilaahi towfiiq!!
e-mailkayga waa cuyuuni@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sugaal

Unrecorded Date
by Sugaal.

To:Deggan.

Asalaamu calaykum, Deggan, sheeqow waxaan ku waydiin lahaa su,aallo badan oo madaxayga ku jira
aniguse aana garanayn ee fadlan hadii aad iiga roon tahay jawaab wanaagsan iga sii, adigoo xag alla ajar ka kasbanaya.

Su,aashadaydu waxa ay tahay, maxaa ka xaaraan marka laba qof oo is qaba ay raaxaysanayaan.?
Mase banaan tahay in ninku naagta fajarkeeda uu u leefo, ayaduna ay u dhuuqdo fajarkiisaa.
Sheeqow adigoon la yaabin su,aashayda hadii meesha aqoon la,aan waxaa ila wanaagsan inaan waydiiyo dadka yaqaan.


Waadna mahadsan tahay.


Waslaamu calaykum waraxmatullahi wa barakaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somalinet forums

Unrecorded Date
waa walaalkiin (AHMED)

asalaamu calaykum w raxmatulaahi w barakaatuhu
walaal hadii uu waxaan aad sheegaysid kaa dhab yahay oo madaxaaga ku jiro waad dhunsatahay e alaah haku soo hanuuniyo waayo waxaan inuusan banaanayen qofku ilaahay caqli saliim ah siiyaayba wuu garanayaa walaal waxaani waa xaraan mana banaana qof ilaahay dhab u rumasana waxaas oo kale inuu sameeyo iska dhaafe kumana fikiro walaal tusaale ahaan ma afkaad quraanka ilaahay ku akhriday ayaad waxaa kuu ku smaynaysaa walaal firjigiina ku isticmaala meeshuu ilaahay ugu talo galy walaal waxaasi shaqo gaaleed N,S-C-W- wuxuu yiri khilaafa gaalada waxay sameeyaan hasamaynina mida kale walaal anigu magaranayo baahida idiin haysa arintaas haba yaraatee gabagabadii arintaasi waa xaraan marna ma banaano walaalayaaloow haday arintaasi idinka dhabtahay niyadiina kasaara mardanbana waxaasasoo qorina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaliyed

Unrecorded Date
Qofka la baxay magac "Somalinet forums" walaal waxaan kugu la talin lahaa inaad magac badasho, sabaato ah waxaa dhiic karto in lagu maleeyo inaad ka socooto maamulka somalinet forums iyo administration. Walaalha ina siiyey fursada aan isgu gudbineeno ra'yiga, waa inaan uu xaq dhowrnaa magacooda.
Mahadsanid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.