site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

CAQIIDADA TOOSAN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): CAQIIDADA TOOSAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyberwadaad

Saturday, November 04, 2000 - 11:09 pm
Waxaan ku soo dhaweynayaa walaaleheenna raba iney arrimaha ku saabsan caqiidadooda ay wax ka ogaadaan.

Maanta dhibka jira wuxuu ku saleysan yahay caqiido xumi, markii caqiidada toosto ayaa camalkana toosaa, sidaa darteed aan isugu geyno dadaalkeenna sidii caqiidada loo toosin lahaa.

Anigu waxaan volunteer u noqonayaa in aan ka jawaabo ( Moderator)intaan si toosan u aqaan, inta kalena waxaan warsaneynaa culumada kale oo ku takhasustay.

Sidaa darteed waxaan boggaan u furay in lakala faaiideysto, si sharaf lehna loo hadlo.

aan isku dayno boggaan inuu najaxo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Sunday, November 05, 2000 - 10:34 am
Asalaamu caleeykum

To. Cyberwadaad
Kheer ALLAHA ku siiyo. Halkaasna nooga wad dadaal kaaga. Waxaan ILAAH kaaga baryaaya in u kuu saaro miizaan kaaga DAMBE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyberwadaad

Monday, November 06, 2000 - 06:16 pm
Walaal, Skandaneefiya,

Dhammaan, walaalaha kale ee naftooda halganka kula jira naftooda iyo ahalkooda sidey u toosinlahayeen, Boggaa caqiidadda maanta waxaan soo bandhigeynaa nmowduuc ku saabsan xiriirka ka dhexeeya, caqiidada iyo camalka.

SHEEKO

Dad dalxiis ah ayaa waxaa loo sharxay in libaax agtooda joogay inuusan dadka cunin.

Waxaa la warsaday ineyy aamineen iyo in kale,

Wexey ku wada jawaabeen iney aamineen.

Libaaxii ayaa lagu soo furay

Dadkii dalxiiska ahaa, wey wada carareen.

Sheekadaan waxaa ka muuqata, xariirka duuban ee ka dhexeeya wuxuu qofku dhab u rumeysan yahay, iyo wuxuu sameeyo.

Allah wuxuu Quraanka ku leeyahay:

"Falaa Saddaqa, Walaa Sallaa"

"Walaakin kaddaba, wa tawallaa"

Ma uusan, rumeyn, mana tukkan, laakiin wuu beeniyey, wuuna ka tagay salaaddii.

Qofka wuxuu ku kacaa wuxuu rumeysan yahay, ( Softwareka ayaa amar siiya Hardwareka)

Laakiin, labo qof ayaa ka baxsan qaacidadaas
(2 exceptions)

Muslimka ku dhax nool cadow Islaam, oo ka baqaya hadduu muujiyo diintiisa in la dilo, qofkaas ficilkiisa daliil uma aha wuxuu rumeysanyahay.

Munaafiqa ku dhex nool muslimiinta, qofkaasna, wuxuu muujiyaa, islaannimo, inkastoosan ku qanacsaneyn oo haddii uu waddan gaalo tago la soo baxaya wuxuu aaminsanaa.


Markaan intaas isla ogaannay, waxaan soo bandhigeynaa su'aasha maanta.

QOFKII ISLAAM SHEEGANAYA, KUNA DHEX NOOL WADDAN ISLAM AH OO DIIDA INUU U HOGGAANSAMO RABBI, LANA DIRIRA QOFKII WAANINAYA, WAA MAXAY XAALKIISA?

QOFKII KU NOOL WADDAN GAALO OO MUSLIM SHEEGTA UNA NOOL SIDA GAALADA XAALKIISA WAA MAXAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alfarooq

Monday, November 06, 2000 - 08:44 pm
Asalaamu Calekum

Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay boga aad furtay waana mid loo baahan yahay maadaama ay kuwa kaleba ku mashquulsan yihiin macsi inagana inaan ku mashquulno cilmi iyo kala faa'iideysi ayaa nala haboon naxariis Allena waanu rajeyneynaa Insha'alaah.

Hadaan isku dayo su'alaahaan jawaabahooda wixii Alle iga garansiiyo ayaan ka jawaabi doonaa hadaan khaldamo ha la isaxo.

Qofkii Muslim ah (ama sheeganaya) oo diinta ku dhaqmi waaya wadan Muslim ahna ku nool wuxuu mudan yahay in maxkamad Islaami ah oo cadaalad ah la saaro maxaa yeelay diinta soo galideeda qasaba ma aha laakiin ku dhaqankeeda waa QASAB mana la baryayo laakiin haduu caasi yahay uusan aheyn nin diinta diidan balse naf iyo sheydaan ka qaalib noqoto wuxuu mudan yahay wacdi iyo waano intii la karo in loo duceeyona way ka sii fiican tahay maxaa yeelay gaalada ayaa banaan in hanuun Ilaahey looga baryo qof Muslim ahna kaba daran. Mida kale, waan soo gaabinayaa, qofkii Muslim ah oo sidii gaalo camal u dhaqma ayaguu ka mid yahay waxaana cadeeyay xadiiska rasuulka, meeshuu doono ha ku noolaado hadba dhaqan gaalo haduu la yimaado waxaa cad ayaga inuu ka mid yahay sidoo waxaa meesha ka cad in dhaqanka gaalada ku dhaqankeeda uu jecelyahay kuna kalsoon yahay marka taasna waxey muujineysaa qofka inuu MACIGIISA ahaado cida uu jecel yahay maalinta qiyaame. ILaahey baan hanuunka weydiisaneynaa inuu wadada toosan nagu ilhaamiyo.

WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyberwadaad

Tuesday, November 07, 2000 - 08:40 pm
AlFAARUUQ

Jazaakallahu Khairan.

Ra'yigaaga waa mid waafaqsan manhajka diinteenna, markii ay jirto dawlad Islam ah oo leh imaam.
Xaaladdaa maanta lagu jiro, oo imaam la'aanta ah, mushkiladda jirta wexey tahy, in dadkaan ku kalsoonaan leheyn kuna tirin leheyn muslim aan u baahannahay iney noqdaan dad aan ku sifeysneyn sifaadka gaalada.

Markii Islaam dhismo, axkaamtii samaaxada leheyd ee dadka ku dadaaleysey sidii dadka loogu geesinimo gelin lahaa raacidda diinta ayaa lagu wadaa. Laakin marka ururka dadka maanta isugu tageen ay tahay qawmiyaad, dhul, ama qabiil, waxaa baaba'ay xarigii Islaamka ee dadka isku xiraaaye.

Markaad saa u fiiriso, adoo ka mid aha dadka raba soo celinta maamul Islaan ee nolosha dadka, suaalihii mar labaad ku laabo.

Waxaan ka waday waddan Islaam ah, waddan dadkiisu sheegtaan Islam, inkastoo ayan ku dhaqmin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fowzan

Wednesday, November 08, 2000 - 03:28 am
Asalamu Aleikum.
Akhii cyberwadad ilaahay ha kaa abaal mariyo dacwadaada sharaft leh waana mid maanta aad iyo aad uu ugu baahanyahay caalamka islaamka.
maantana waxaa murugo wey nagu lahaatay in dedkeenii musliimiinta ahaa qaarkood in ey cadow isku noqdeen ayna isku uruursadeen ururo kala duwan taasina ey ukeentay naceeb dheexdoodayaal iyo iney murmaan ama eyba dagaalamaan.
laakiinse waxaa dhab ahaan ooga badbaadaya naarta Alle ururka Alle (xisbiga Alle) waana kuwa kitaabka Alle (Quraan) iyo sunada rasuulkiisii (SCW)si dhab ah u qabsada kuna dhaqma.
Cyberwadaad Akhii na waani oo waxnoosheeg intay waanadu waxnootareyso Allena ha nagu toosiyo wadada xaqa ah ilaa maalinta weyn (Aakhiro). (Aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyberwadaad

Saturday, November 11, 2000 - 12:24 am
Walaal Fowzan

Arrinta maanta qof walba oo naga mid ah uu u baahanyahay waa in uu qiimeeyo levelka caqiidadiisa. Wuxuuna ka ogaan karaa levelka camalkiisa.

Gaarigu wuxuu leeyahay meter kuu sheegaya speedkaad ku socoto, iyo jihada aad u jeeddo. si aad ku gaarto meeshaad u socoto waqti habbon.

Markaan ku eegno arrintaas mushkilada ugu weyn oo maanta taagan waa in 1421 sano ka dib, macno badan oo ruuxa Islaamka ah uu dhumay.Guushii ey xaqiijiyeen Saxaabadii, iska dhaaf in guulo lagu biiriyee, iydiiba waa la dhowri waayay.

Natiijada wexey noqotay in maanta dadka muslimka sheegta ey joogan xaaladdii Yuhuuddu taagneyd markii suubbanihii SAWS la soo saaray.

Quraanka siffadka uu ku sheegay waagaas Yuhuudda wexey eheyd
1. " Naarta nama taabaneyso maalmo kooban mooyee"
2. " Leysa caleynaa fil ummiyiina sabiil"
3. " Adiga iyo rabbigaada baxa ee soo dagaallama, annaga halkan ayaan fadhineynaayee"
4. " Waxaannu naha dhasuu Allah jeclaa"
5. " Waa naloo dambi dhaafaa" " Sa yughfaru lanaa"
6. " waxaad mooddaa iney wada jiraan, quluubtoodanaa waa kala jeeddaa"
7. " Waxaa korkoda ahaatay, dulli iyo maskano"
8. " markey ka tageen wixii la farary, waxaannu dhax dhigney cadaawad iyo isneceyb"

Sidaad aragto, xaaladda lagu jiro waxaa keeney, caqiido xumo, camal xumo ey ku xigsatay, dabadeedna, xaaladda maanta lagu jiro ay na dhaxalsiisisay.

Haddaan waxaan weligeen sameyn jirnay aan sii wadno, xaaladdeenna waxba iskama baddalayaan.

Aragti cusub ayaa loo baahan yahay.

Aragtidaas hala soo bandhigo, rayina ha la isku darsado

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxibbullah

Sunday, November 12, 2000 - 01:12 am
Walaal Fowzan

Waxaan kaloo dardaarmayaa waxaa soo socda:

Fitnadii waa badatay, baadilkiinii wuxuu helay minbar badan, ahlul Khayrkiina waa yaraadeen, confusionka taaganna waxaad ka arki kartaa internetka waxa lagu wada hadlayo.

Walaal

xaqqa waxaa lagu arkaa qalbiga
Qalbiga waxaa nadiifiya jeceylka Allah
Jeceylka Allah waxaa lagu gaaraa, xasuustiisa
Xasuustiisa wexey ku dhaxalsiisaa walinimadiisa
walinimadiisa wexey ku jecleysiisaa awliyadiisa
walinimadiisa wexey ku necbeysiisaa cadowgiisa
walinimadiisa wexey kugu tustaa arrimaha siduu Allah u arko

Walaal

Dadku qaarna adduun bey rabaan
Dadna aakhirey rabaan
qolo walbana wexey rabtey helidoontaa

Markii qofku adduunku u daran yahay, diinta ayuu u leexiyaa si danahiisa (qaladka ah) boos u helaan
Markii qofkaa aakhiro u daran tahay, waxaa wax walba kala weyn raaligelinta rabbigiisa, inkastoo khalqi badan caradiisa uu helayo.
Qofkii Allah illooba waa qasaaray
Qofkii Allah illoba asagoo diin ku dhex jirah rajo maleh

Waxaa lagu baxsan karaa maanta in marka hore la is warsado, halkeen taagan nahay?
Ballantii Rabbi ma ka baxnay?
Sunnadii suubbanhii ma heysannaa?
Yaan raalli gelinaa? jecelnahay?
Hammigeenna maxaa u weyn?

Ma fahamsannahay macanaha kalimadda tawxiidka?
macnaheeda maanta ma waafaqsanyahay camalkeenna?

Waxaan nafteydaa iyo idinka idin farayaa.
Allah ha lagu ekaado, waa nagu filanyahay,
Si toosan addoomo ha loogu noqdo.
waxaan asga aheyn yaan loo hoggansamin, gaar ahaan markey socodsiinayaan waxaanan awood Allah la siinin. Ha la naco, cadaawad ha loo muujiyo sidii nabi Ibraahim iyo qowmkiisii.

Walaal

Qowmiyaduhu, Nationalism waa sanam cusub
Calamadu waa asnaam cusub
Barlamaannadu wa gole lagu xalaaleeyo wuxuu Allah Xarrimay, laguna xarrimo wuxuu Allah xalaaleeyey.
Dimuqraddiyaddu waa nidam gaalo, wexey siyaadada ka qaaddaa Allah, wexeyna siisaa shacabka.
Siyaadada (sovreignty) waxaa leh Allah oo qura
Maxaa yeelay asagaa wax walba leh
Dowladaha adduunka oo dhan wexey ku dhisanyihii iney leeyihiin siyaadada dalkooda, oon looga sarreyn
Sharciyaashoodana wexey ku saleysan yihiin in aan laga sarreyn.

Sidaas u ogow!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 12, 2000 - 10:45 pm
MUXIBBULLAH

JAZAAKA ALLAHU KHAIRAN, WAXAAN LA YAABAY SAAN BOGGAAN LOO WADA ARKIN? MAA SHAA ALLAH, TABAARAKALLAH.

WALAAL, SII WAD KHAIRKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/xakiim-suufi-nairobi

Tuesday, January 23, 2001 - 09:31 pm
as salaamu calaykum.'
walaal sida aan la wada soconno nabi muxammed ka hor waxaa nabi kasta loo soo diri jiray qoomkiisa,waxaana nabi kasta markii uu dhinto la soo diri jiray nabi ka danbeeya ee shareecadii nabigii hore sii wada. ama mid cusub la yimaada kaas oo dadka ugu yeera xaqa iyo waxii nabigii horeba ugu yeerayay. laakiin nabi muxammed waxaan ogsoonnahay in aanu nabi ka dambeeyaa jirin oo soo baxaya haddaba waxaa is waydiin leh yaa xilkii rasuulku saaran yahay ee looga baahanyahay in uu halkii ka sii wado?!
taasi way caddahay oo ilaah iyo rasuulka ayaa inoo caddeeyay waayo ilaahay wuxuu yiri
aayad macneheedu yahay << dheh nabi muxammedoow kani waa jidkaygii dadka ayaan ilaah ugu yeerayaa inigii cilmi iyo aayaad xaq ah ku dul sugan, iniga yaa ugu yeeri iyo intii i raacday
sidoo kale rasuulku wuxuu yiri al-culamaau warathatul anbiyaai
haddaba iyadoo ummatul muxammedka oo dhan xilku saaranyahay oo laga doonayo inay xilkii rasuulku kaga tagay u istaagaan,waxaa haddana xilku si toos ah u sii saaranyahay ninkii bassiiro leh oo qaatay dhaxalkii anbiyada waa caalimkee,,
waxaan idinka codsanaynaa walaalayaaloow khayr allaaha idin siiyee inaan xilka gudanno oo kolley 100% gudanmaynee aan isku daynno inaan gudanno 50%
islaamkii cadwgiisii ayaa shaarar u soo gashadayoo wuxuu marayaa meeshii saadiqul-masduuqu sheegoo waa qariibe aan ku darmanno kuwa laanta janno u suganaatoo uu rasuulku yiri duubaa lil qurabaa,,
nabad gelyo akhwaanii
see you inshaa allaah..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bidca diid

Saturday, January 27, 2001 - 08:48 pm
C/xakiim suufi - nairobi
Walaal waad ku mahad santahay sida cilmiyaysan ee aad noo wacdisay, waxaana aad ula yaabay oo aan ugu farxay magaca wanaagsan oo aad wadato oo dadka qaarkood ay u haystaan diin ka bax.

Walaal halkaa ka sii wad khayrka aad nairobi kala timid.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyberwadaad

Sunday, January 28, 2001 - 01:02 am
Cabdulhakim

Bidca Diid

Walaalayaal waad mahadsantihiin inaad nooleyseen boggaan.

Anigaa bogaan furay, laakin Ramadaanki saan uga mashquulay haddaan arkay waanan ku farxay inuu weli noolyahay. Allaha sidaad boggaan kor ugu qaaddeen kor idiin ku qaado, martabo fiican Allah agtiisa idin geeyo, aamiin.

Walaalayaal

Mar labaad aan soo nooleeyo suaalihii aan ku furay boggaan.

Walaalkeen C/Xakiim wuxuu soo bandhigay in aan is ku deyno 50% oo karti ah in aan u gudanno dacwadda, maa daama aan dhaxalnay xilkii saarnaa anbiyada.

Suuratul Anbiyaa haddaan fiirinno waxaa noogu jirta waano badan oo noo sahleysa waxa na heysta. laakiin ma fahamsannahay xilka anbiyada?

Anbiyada marwalba wexey dadka bari jireen Rabbigooda, asaga kaliya ahna ayey dadka fari jireen raaciddiisa, wexeyna ka xoreyn jireen daaghuutka jinniga ah ama basharka ah ee kala dhex gala dadka iyo Rabbigooda.

Anbiyada qaarkood wexy ka xoreeyn jireen dadka jabbaariinta sida Fircown oo dulmi dadka ku haayey.

Marka howshooda ma aheyn mid sahlan oo xataa aan haweysan karno 2% maxaa yeelay, mawaaqiftey istaageen wexey u baahan tahay tajarrud laga tajarrudo rabid adduun oo dhan oo naftana loo huro Allah oo ah kii na siiyay, marlabaadna naga gatay oo nooga gatay Janno.

Anbiyada wexey muujiyeen midnibada Allah iyo ku kaliyeyntiisa daacadda iyo cibaadada. Taasoo ka careyn jirtay kuwa kibray mar walba.

Sidaa darteed waxaa ii muuqata in caqiidada aan xoog saarno si aasaaska aan wax ku saxeyno uu tooso.

Wallahul mustacaan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.