site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waa maxay farqiga udhaxeeya wadaad iyo Muslim?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Waa maxay farqiga udhaxeeya wadaad iyo Muslim?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalif

Unrecorded Date
Mawduuca Waa Islaamaah ayaa waxaa ka abuurmay Ciwaankan: Waa maxay faraqa udhaxeeya wadaad iyo muslim? Hadii aad doonaysid inaad kaqayb qaadatid akhri sheekada layiraahdo Waa Islaamaah,kadibna ka jawaab su'aalaha uu Khalif layimid.Wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaal waxaad soo jeedisay mawduuc xiiso leh oo aan iska hayn waayay inaan ka jawaabo,waxay aniga Ila tahay marka uu walaalkeen Qadhafaa lahaa meeye wadaadadii waxa uu ula jeeday culumadii oo uu lahaa ka soo jawaaba idinkuna su'aashaas kaligay haygu daynina e,marka ay gabadhuna lahayd anigu kama mid ihi wadaadada aad u qayshanaysay waxay ula jeeday anigu ma ihi culumo ka mid ah culumada aad u yeedhanayso.
Wadaad iyo muslin way kala duwan yihiin waayo muslin waa qof Ilaahiis u hogaansamay,wadaadna waa qof diinta bartay ama barashadeeda ku dhexjira oo meel fiican maraya,hadaba ma jirto cid gaar ah loo yiraahdo wadaad aynuna iska saarno cuqdada aan ka qabno eraygaas.
Wixii ra'ayi ah waxaan la qaybsan doonaa Insha Alaah walaalada dambe.
Walaalkaa Cabdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu caleykum!

Brother Abdalla, tusind TAK for din kloge svar!

Wadaad waa ardey bartay Diinte Alle (swt), muslina waa nin ku dhaqmaya qirayana In Illaah mooyee Illaah Kale jirin, Muxammedna (scw) yahay rasuulkiisi.

Your brother in Islam
Ansaari (Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salamu calaykum.
Walaal ansaari waa mahadsantahay.
Waxaa jira dad badan oo erayga wadaad cuqdad ka qaba ,una arka in cid gaar ah loola jeedo ama si gaar ah laysugu xigsanayo,waxaanay muslimiintu u kala baxaan qaar diinta ku toosan laakiin cilmi badan aan diinta u lahayn kuwaas caamo ayaan u aqaan,qaar diinta ku toosan isla markaasna baranaya oo barashadeeda ku dhexjira dadkay dhaamaana baraya kuwaas ayaan anigu u aqaan wadaad,kuwo diinta ku toosan si fiicana u bartay dadkana baraya kuwaana culumo ayaan u aqaan,intaa waxaan ahayna muslin caasi ah ayaan u aqaan.
Walaal maadaama aan Denmark wada joogno ila soo xiriir E_mailkaygu waa mohamed132@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Aalaikum Warhma

Muslim waxaa layiraahdaa Qofkii Shahaada Qirey oo ku go'aansadey inuu Alaah u hogaansamo.

Mustalixa Muslim waa mustalix Sharci ah, laakiin Wadaad waa hadal soomaali.

Waagii hore soomaalidu wadaad waxay utaqaaney ninka safiinaha yaqaana minhaajkuna ubilaaban yahay. Oo waxaa waagaas ladhihi jirey ar ninkaasi waa ahlu diin waa wadaad.

Aniga shaqsiyan wadaad waxaan u aqaanaa Ninkii kudadaala Cabsida alaah lana yimaada wuxuu amrey kana fogaada wuxuu kareebey. Kani waa mustalix soomaali ahaan.

Ninka Alaah sifiican ugu hogaansama Carabi ahaan waxaa lagu yiraahdaa MU'MIN, lamana yiraahdo Muslim.

Islaamku wuxuu leeyahay 4 darajo, midi waa Mu'Min oo waa inaga kor kuxusey midina waa muslim oo waa qofka aan darajada Mu'min gaarin, midina waa faasiq, midka soo hareyna waa daalim.

Aftartaasba Quraanka iyo Axaadiithta Nabigeenii suubanaa NNKH weykusoo aroortey.

Intaas ayaan kusoo koobey dhalinyaro.

Salamu alaikum

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalif

Unrecorded Date
Jisaakallaahu khayran dr who. waxaad isiisay jawaab aan ku qancay oo wadata daliilkeedii. Waxaa igu kalifay inaan su'aashaan soo bandhigo waxaan arkay dad badan oo rag iyo dumar ah oo labaxay ayagu "caadi" si ay isaga ridaan waajibkii muslinimo. Tusaale ahaan waxaa dhacda marmarka qaarkood inaad maqashid dumar ku sheekaysanaya heblaayo xijaab maxirato oo waa gabar Caadi ah. Amaba hebel kalaab ma aado oo waa Wadaad. Marka dadkaasi miyeysan ahayn muslimiin ilaahay hal waajib wada saaray? Waxaa kaloo dhacda in adigoo qof Soomaaliyeed kala sheekaysanaysid Xalka Soomaaliya aad ku tiraahdid in Xalka kaliya uu yahay Kitaabka ilaahay uu kuugu jawaabo adigu ma wadaad ayaad tahay? asagoo kuu fiirinaya si layaab leh!!! Su'aashaas anigu waxaan u arkaa ma muslin baa tahay oo qarsoon inay tahay. Sidaas daraadeed ayaan waxaan jeclaan lahaa inaan dadka iyo naftaydaba xasuusiyo in ilaahay uu muslimiinta hal waajib ah wada saaray; naloogana baahan yahay kuligeen inaan adeecno ilaahay caasinana shaydaan. Wasalaamu calaykum. I hope you understood where i'm coming from. Thank you all.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.