site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KU: AHLUL CILMI WAL CAQLI.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): KU: AHLUL CILMI WAL CAQLI.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashiin

Monday, November 06, 2000 - 12:07 am
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH.
WAXAAD II SHEEGTAAN WALAALAYAAL
HADII AAN SAARANAHAY TAREEN AMA BAS AMA DOON -
DIYAARAD OO AY IGU SOO GASHO SALAADI MAKUTUKAN KARAA DHEDEEDA ANOO ILAALINAYA MAWAAQIITUSALAAT
ALLE KHAYR BADAN HA,SIIYO QOFKII IIGA SOO JAWAABO
ISAGOO CILMI U,LEH WASALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI

Monday, November 06, 2000 - 05:46 pm
WA CALAYKUM SALAAM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH.
WALAAL DIINTEENU MAAHA MID ADAG SIDA UU ILAAHAY
QURAAN I NOOGU SHEEGAY OO WAAFUDAY SIDOO KALE
RASUULKEENII WANAAGASANE WUXUU XADIIS
(SCW) INOO GU SHEEGAY INAY DIINTEENDU FUDAY OO
WUXUU YIDHI LAXARAJA WAX DIB AH MALE DIINTEENO
HADABA DAHAAN U SOO NOQDO SU 'ASHAADII WALAAL
LABO MID BAA LAGUU OGOLYAHAY
A: INAAD NIYOOTO WAXA LAYIDHAA QASRIN OO SALAADAHA
QAAR LAYSKU DARO SIDA DUHURKA IYO CASARKA AMA
MAQRIBKA IYO CISHAHA OO AAD MAR WATA DUKATO WAA
HADII AAD SAFAR AMA TRAVEL AAD DAHAY
WAXAANAD SAMAYNAYSAA HALKII AAD AFAR RAGCADOOD
MID AAD KA TU KAN LAHAY WAXAAD TU KANAYSAA
LABO WAXAAN KA AHAYN MAQRIBKA OO AAD ISAGA
SIDIISA U DHAMAYSTIDOONTO
WAXAANAD YEELI KARTAA INAAD DUHURKA IYO CASARKA
MAR WADA TU KATO OO LABO DUHUR AH AAD MARAKA HORE
TU KATO KADIBNA AA AQIIMO U SAMAYSO LABADA RAGCADOOD EE CASARKA KADIBNA AAD TUKATO AMA DUHURKA AAD DIB IDHIGTI OO AAD WAQTIGA CASARKA
LA SUGTO OOD SIDII OO KALE YEESHO
TAASI WAA MID
B: WAXAAD YEELI KARTAA MESHAAD U MALAYSO INAY QIBLADU KAA XIGTO UUN AAB U TUKANI XADAA WAXAAD
KA TU KANKARTAA FAR WAAYO WAXAA INAAN XURMAYNO
SALAADA WAXAA UU ILAAHAY YIDHI KU TUKADA SARAJOOG
FADHI JIIF WAXAANAD HALKAA KAGARANAYSAA INAAN
SALAADA SINA LA INOOGA DHAAFIN ILAA INTA MAXKAXDEENU WAX KALA GARANYSO OO DHAN
BAL WAXA KALIYA OO DUMARAK LAGA DHAAFAY MARAK
AY LEEYIHIIN CAADADA AMA AYNA DAAHIRA JIDHKOODU AHAYN
WALAAL WAXAAN RAJAYNAYAA INAY INAASI KU ANFICIDOONTO HADAAN WAXA DIINTA KHALADA KA SHEEGAY
WAXAY KA AHAATAY NAFTAYDA IYO SHAYDAAN HADII KALE
WAXAA MAHAD IS KALE ILAAHA IGU GARAARAY
INAAN CAAWIYO QOFKA WALAALKAY AHA AAD BAANAD
UGU MADAHSANTAHY SU 'ASHAAS WAANAN KU FARAXAY
KEEP ON THAT WAY MY BRO OR SIS
TAHNK YOU WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATU LAAHI WABARA KAATAHUU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, November 08, 2000 - 04:38 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

SALAADDU waa tiirka labaad ee DIINTA ISLAAMKU ku dhisan tahay qofkii ka tagaana wuxuu la mid yahay qof dumiyay DIINTA.

Sida uu walaalkeen Cabdi sheegay Ilaahay Wuxuu Nala Rabaa In Uu Noo Sahlo ama Noo Fududeeyo (YUSR) gudashada waajibaadkeena. SALAADDU waa waajib joogta ah oo ay tahay in shan jeer la tukado maalintii.

Haddii aad safar tahay Ilaahay Wuxuu Noo Fasaxay in aan soo gaabino oo isku darno salaadaha qaarkood.

Duhurka iyo Casarka oo afar ragcadood ah ayaa laguu fasaxay in aad soo gaabiso oo kiiba aad labo ragcadood tukato adoo soo hormarinaya oo tukanaya wakhtiga duhurka ama dib u dhigaya oo tukanaya wakhtiga casarka.

Cishaha oo afar ragcadood ah ayaad labo ragcadood tukan kartaa adoo ku daraya Makhribka oo saddex ragcadood ah. Makhribka laba soo gaabin karo. Cishaha oo labo ragcadood ah iyo Makhribka oo saddex ragcadood ah ayaa laguu fasaxay in aad soo hormariso oo aad tukato wakhtiga makhribka ama aad dib ugu dhigato wakhtiga cishaha.

Salaaddu waxay ansaxdaa markaad u jeedsato dhinaca ay ka jirto Qibladu. Haddii aadan garanayn dhinaca ay kaa jirtana meeshaad u jeedsataba waa Ilaahay Wejigiisa.

Markaad saaran tahay baabuur, tareen ama diyaarad ma lihid xoriyad aad ugu jeedsato dhinaca qibladu kaa jirto ama aad tukato adoo taagan. Sidaa darteed adoo ku fadhiya kursigaaga ayaad gudan kartaa waajibka salaadda sida aan kor ku sheegay.

Ma haboon in aad salaadda dib uga dhigto wakhtigeeda adoo is leh markii gaadiidka aad saaran tahay joogsado ayaan tukan doonaa. Salaadda waa in aad gudato wakhtigeed si kasta oo aad ku sugan tahay.

Haddii aad bukto oo aadan fadhi iyo joog midna qaban karin waa in aad tukato adoo jiifa ama xitaa far ama indhaha ayaad ka tukan kartaa.

Salaadda saaxiib ka dhigo iyo dhaqan aadan ka tagin meel kasta oo aad joogtana yayna kaa fogaan.

Ilaahay Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashiin

Thursday, November 09, 2000 - 09:24 am
TO ABDI IYO WALAALKIIN.
walaayaal aad ayaad umahadsantahiin
sida wanaagsan oo aad isoo fahansiiseen salaada
gaadiidka oo shaki yar iiga jiray anoo saas oo aytahay saas ugatagin ee rabay xaqiiqo amaba
dad aqoon uleh dheeraada sidaas oo alle nafaray
isagoo leh< FAS ALUU AHLADIGRI INKUNTUM LAA -
LAA TACLAMUUN.
waydiiya kuwa cilmigaleh hadii aydaangaranayn.
marka waxaan idin leeyahay -
jazaakumulaahu khayran.
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.