site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma'ogtahay !!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Ma'ogtahay !!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharaf

Monday, November 06, 2000 - 09:06 am
Ma'ogtahay, habeen walba ood seexato in "Allah" nafta kaa qaado?
Ma'ogtahay, ruuxii uu "Allah" qadarka ugu qoray in habeenkaa diman kaliya uudiman, kii kalase iska sarakici shaqadiisana qabsan?
Masa'ogtahay waxa ay kala yihiin saaxiibakaa iyo cadowgaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hakima

Monday, November 06, 2000 - 12:13 pm
I do know that sleeping is a minor death and that the soul during that stage goes to her Creator Allah and asks Him the permission to stay or go back to our mortal bodies.

Thanks walaal.


peace...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hakim

Monday, November 06, 2000 - 10:25 pm
Salaam,

Thanks hakima for the translation...
so do you sharaf to remind us that !!

reg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Tuesday, November 07, 2000 - 06:38 am
Sharaf

Saaxiibkey waa ruuxii Alle saaxiib la ah.
Cadowgeygu waa ruuxii Alle cadow la ah.

Haddaba, sidee lagu gartaa saaxiibka Alle?
Sideese lagu gartaa cadow Alle?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Wednesday, November 08, 2000 - 07:56 am
Asalaamu Calaykum

A222

Saaxiibka ALLE waxaa lagu gartaa inuu yahay mid u darban awaamirta RABBI, wanaaga sameeya xumaantana ka leexda, isla markaana xumaanta kugu naca wanaagana kugu jeclaada.

Wabillaahi Towfiiq.

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharaf

Thursday, November 16, 2000 - 08:32 am
Waa walaalkiin sharaf oo kusoo laabtay boggan.
Walladay Hakiim, walaashay Hakiima, iyo dhamaan walalada kale ee xiisanayey in ay wax ka ogaadaan su'aasha ku saabsan dhimasha jawaabteedu waa sidan. Allah isga ayaa inoogu sheegay qura'aankiisa, wuxuuna yiri:
Allah ayaa oofsada-( nafta ka qaada ) Nafta xilaga qofku uu seexdo. Haddaba, tii uu Allah qoray in ay dhimato, way dhiman oo naftii loo soo dayn maayo. Tii kalese, Allah wuu u soo dayn ilaa ay ka dhamaysato ajasheeda-(time aduunyada loogu talagalay in uu joogo qofku). Micnaha aayadaasina waxaa weeyaan, mar walba oo uu qofku seexdo nafto ayaa laga qaadayaa sidii buufinkii oo kale, tii dhimasha loo qoray, buufinkaas lasoo dayn maayo, tiise aan loo qorin si tartiiba ah ayaa loogu soo dayn ilaa qofka loo soo daayey uu ka dhamaysanayo wathtigii loogu talagaly in uu aduunayadan ka qaato.
Waxaa intaa sii dheer, nabig Muxamed (s.c.w)wuxuu ina baray in aan niraahno ama aan orano: Allah ayaa mahad leh, Alahaasoo isoo noolaysiiyey kadib markii uu i oofsaday-nafta iga qaaday,isaga rabbi ahna waa loo laaban maalinta aaqiro.
Haddaba qof walboow diyaar garayso waxa aad rabigaa lahortagi lahayd waad dhiman e.


2- Su'aasha kale jawaabteeduna waa sida tan.


Codowgu qofka ibnu'aadamku uu lee yahay waa sedex:

a- Codowgaa

b- Codowgaa saaxiibkii

C- Saaxiibkaa codowgii

Saaxiibada uu qofku lee yahayna waxay kala yihiin:

a- Saaxiibkaa

b- Saaxiibkaa saaxiibkii

C- Codowgaaga codowgii

Marwalbana hanoqdeen saxiibadayn saaxiibo aan ku saaxiibnay Rabbi dartii, maxaa jira, saaxiibkaa naarna wuu kuu horkacaa, jannana wuu kuu horkacaa. Naarbuu kuu horkacaa haddii uu yahay saaxiib wanaagsan, Janno ayuu kuu hor kacaa haddii uu yahay saaxiib xun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharaf

Tuesday, November 21, 2000 - 08:38 am
Fiiro Gaara ah. From Sharaf

Walaaladay waxaan ka codsanayaa in ay iga raali noqdaan isdaba marinta aan isdaba mariyey ee waxaan ulla jeeday waxay ahayd:
Saaxiibkaa oo xun naar ayuu kuu horseeda, saaxiibkaa oo fiicnaadana, janno ayuu kuu horseedaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fowsiyo Hassan

Wednesday, November 22, 2000 - 09:43 am
WALAALOW KHAYR ALLAH HA KU SIIYO SIDA WANAAGSAN EED NOOGU SHARAXDAY SU'ASHAAS AY WALAALAHA KU SOO WAYDIIYEEN WAANAD KU MAHADSANTAHAY

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.