site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Miyey fashilmeen xarakaadkii islaamiga ahaa ee soomaaliya??

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Miyey fashilmeen xarakaadkii islaamiga ahaa ee soomaaliya??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariin

Tuesday, November 07, 2000 - 07:51 am
sida aynu la socono waxa wadankeena ka hanaqaadey xarakooyin badan oo islaamiya oo u sacyinaya sidii islaamka loo soo celin lahaa ,inkastoo ay kala duwanayd wasiilooyinka ay raacayaan hadda ahdaafta guud wey iskaga dhadhawaayeen . dabayaaqadii todobaatanaadkii ayaa dhaqdhaqaaqa xarakiga ahi ka bilowday meelo badan oo ka mid ah wadanka waxaanuu sii xoogaystey sideetanadkii ,halkii ugu sareysayna waxay gaadheen xarakaadkaasi burburkii soomaaliya ka bacdi oo ay meesha ka baxdey dowladdii cadadin jirtey diinta ,dadkiina ay xoriyad u helaan cibaadadoodii ,laakiin waxaad moodaa in muddo sanado ah ka bacdi ay gaadheen xarakaadku darajatul kamaal ama koriinkoodii buuxsamey ,taasina waxay keentey in ay bilaabanto hoos u dhac iyo nuqsaan ku timaada xarakaadkii ,ha noqoto ahdaaftii ay higsanayeen oo ay xaqiijin kari waayeen ama wasiilooyinkii ay mareen oo ay ka leexdeen ,si kastaba ha noqotee su,aasha aan idin weydiinayaa waxay tahay miyey fashilmeen xarakaadkii islaamiga ahaa ee soomaaliyeed mise anigaa is moodsiiyey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 10:13 am
Ninyahoow saad u haleysid ma aanan fahmin, adiga dowladii horena waxbaad ka sheegtay inkasoon waligey arag ayadoo cid ka reebeysa cibaado balse waxaa meesha ka cad hadba kii meesha ka taliyaan la jiraa miyey kaa tahay? Su'aashaada saad inoo weydiisay ayaa ka cad in xarakooyinka aadan diidaneyn wasiiladooda iyo habkey adeegsanayaan ee aad diidaneyn in ISLAAMka soo kocbo, mustaqbalka ISLAAMKAA leh wilina darwatu-sanaamihi ma gaarin, ma waagii gaajada loo dhimanayey ayey muslimiinta xoogsadeen? walee in aad hor taagagan tahay hormarka diinta meeshay ku geyn doonto ayaan la yaabanahay. Munaafaqiintaa lagu yaqaanaa kala soocsooca muslimiinta iyo magac ugu yeerka iyo jeesjeeska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Tuesday, November 07, 2000 - 01:52 pm
Salaam;
Anonymous;
Walaalkeen Abdikarim taxliil mustawe sare ah ayuu soo bandhigey. Halkeed ka damqatey?.
Haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo, waxaan dhihi lahaa Dhaqdhaqaaqyadii Islaam doonka ahaa wahab culus ayaa saarmey. Waxay ku fashilmeen iney soo bandhigaan wax ka qurux badan in Qabiil qabiil loo kala fadhiisto, siyaasaddana sidaa lagu habeeyo. Hadalka inaan si fudud iskaga dhahay ayaa loo qaadan karaa. Laakiin marnaba iskuma diyaarinin iney noqdaan cod madax banaan. Xataa Ikhwaankii (Islaax) oo lagu tuhmaayey iney yihiin kuwa ka biseyl badan Itixaadka marka la eego dhinaca siyaasadda iyo afkaarta la halmaasha waxay aqbaleen iney in iyaga ka mid ihi jagooyin ka raadsadaan reerohooga. Taasi waxay ku tusin kartaa in Islaamiyiinta Soomaldu u baahantahay koboc xagga siyaasiga ah.
Codadka soo baxaaya ee leh in la urursado si loo hirgeliyo waxa diinteennu inaga dooneyso, aniga xageyga wax tixgelin ah kama mudna. U maleyn maayo in Albaani oo kale masalan uu waligii yeeshey aragti ku wajahan dhibaatooyinka syaasadeed ku habsatey umadda Muslinka meel kasta oo ay joogaanba. Markaa wax miro ah dhalimeyso in laga niqaasho dhimaha urur iwm. For they have no clue about the subject and its negative and positive implications.
Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Tuesday, November 07, 2000 - 06:59 pm
waxaan u furey doodan bal in lagu kala faa,iideysto oo bal sidii dhibaatooyinka haysta xarakaadkii soomaaliyeed ee islaamiga ahaa wax looga wax leyska weydiiyo ,laakiin waxaad moodaa inaanuu nin kasta oo computer haystaa ka hadli karin ama fahmi karin mustawaha mowduuca laga hadlayaa taagan yahay ,tusaale ahaan ninkan magiciisa inuu sheego ka baqey waxaad moodaa in aanuu fahmin ujeedada ama dulucda maqaalkan ,sidaan aaminsanahayna qofku markuu wax ka hadlayo waa inuu fahamsan yahay waxan uu ka hadlayo fikradna uu ka haystaa . saaxiib ninkan magiciisa la xishoodayoow markan aad leedahay dowladdii hore oo cid diin u diideysa ma arag ma kaa dhabaa ?ma dhowaan ayaad dhalatey oo berrigaas maad jirin ?mise waxaabaad aheyd kuwii loo adeegsan jirey cadaadiska diinta ?aniguse ma waxaan ku idhi dowlad dambe ayaan hadda la jiraa ??? saaxiib anigu waxaan ku odhan lahaa malaha mowduucyada siyaasiga ah ayaad ku wanaagsan tahaye haka hadlin wax fikrad ahna ha ka dhiiban mowduucyada diiniga ah ama xarakiga ah sida kan oo kale ,waa iga talo haddaadse diido waa adiga iyo yeelkaa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Wednesday, November 08, 2000 - 03:24 am
Assalaamu calaykum
Walaalyaal Cabdikariim iyo Muslim aad baan idiinku mahadnaqayaa sidaa wanaagsan eed utaabateen rafaadka umadda kuhabsaday iyo yididiillo xumada taallo, xaqiiqdii shabaabka inyarbaa fahamsan dhibka ina dultaagan maanta iskaba dhaaf inay fahmaan sidii loo xallinlaahye.
Kuwii shalay seefta lahorboodayey jamaacooyinka oo magacooda wax kudulminayey dhibaatana ku'abuurayey ayaad mooddaa inay hadana waji hor leh oo kii hore kadhib badan lasoo baxeen.
Haddaan dib ugu noqdo hadalkuu cabdulkariim furay, walaal su'aashaad nawaydiisay jawaabteedii qoraalkaada ayaan kadhaxhelay waxaad tidhi: dhowr sano kabacdi ayey xarakooyinkii islaamiga ahaa gaadheen (darajatul kamaal) ama qaangaadh qofba siduu uyaqaanno. Maxaad u malayn hadduu ilmo shan sano kuqaangaadho oo halmar gadh iyo gawso usoo baxaan oo uu jidhkiisu tilmaamo 40 jir, jawaabtu waa inuu billaabo tabar yari cudur iyo duqnimo kadibna inyar inyar ayuu usocon illaa uu kagalbado. Waxaan aaminsanahay inay saasoo kale kudhacday xarakooyinkaas haddana aannan waxba kasugaynin maadaama uu cimrigoodu foorarsaday, qolana dibugurasho ayeyba billaabeen qolona kolkii horeba siyaasad iyo mabda dhisan mawadan oo qubane emotional ah ayey ahaayeen.

Haddallo ay waxgrad kuhadlaan ayaad soo bandhigteen
Wabillaahi tawfiiq walhidaaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Wednesday, November 08, 2000 - 10:44 am
Asalamu caleeykum

Ku akhyaarta.

Hadal qiimo leh akhyaarta ayaa hore u sheegtay. Waxaan jeclaani lahaa in aan ku daro wax yar oo ku saabsan Xarakaatka.

Soomaalida waxa ay tiraahdaa "Habar fadhida lagdin la fududaa", waxaan ula jeedaa inteena xiwaarka ku jirta.

Walaalayaal waxaan ka dhan dhansanaaya qarkiin in ay sugaayeen MIRO GOOSASHADA. Laakiin kama fakareeyno sidee ayuu yahay shacabka Soomaaliyeed xaalkooda.

Xarakaatka aan dhalee ceeyneeyno maanta oo dhan, bal aan isweeydino intee ayuu u maraaya xaalkooda?, garaadka dad weeynaha ma gaaray, xilli uu u dhinto Islaamnimada? jawaabta waa maya.

Taa kama wado waa in la dagaalama oo waan ka soo horjeeda. Laakiin xaalada maanta wadankeena, waxaa diinta ka xoog badan QABIILKA, oo wadaadka waa la tuuraaya, marka ay qabiilka ay soo gasho arint.

Marka wakhti dheer ayaa haray ee aan sabarno. Waxaa la gaari doona insha Allah, xilli ay Islaamnimada ku weeynaato qalbiga soomaaliga, waana xilligaa, xilliga uu wadaadka sharaf leeyahay, ee maanta ma ahan. Maanta wuxuu ku mashquul sanyahay wax dhis.

Mida kale, walaalayaal, diinta maanta waxaa naga qaatay oo kaliya DUMARKA iyo CARRUURTA. Aaway ragii??????, ragii kuma qanacsano barnaamijta ay wataan wadaadadu. Bal arintaan u dambeeyso ka fakir adiga.

Iga raali ahaada waan dheereeyay hadal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

_man

Wednesday, November 08, 2000 - 11:09 pm
Dhamaantiin waad salaamantihiin.

Topican waa fiican yahay laakiin haddii la rabo in si fiican looga hadlo u malayn maayo inay ku haboon tahay in puplic loo keeno, waayo waxaa fiican in wixii dhab ah farta layska saaro taasna waa in dadkeedii ay iska saaraan ee nin hada maqlay xarakooyinka u malayn maayo in qaladaad iyo dadaal badan oo sameeyeen xarakooyinku inuu qaadan karo, kuwaa kale ayaa jira oo hadalka negative ah keliya qaata oo cilmi gaab ah, kaasna wax bay yeeli haddii la rabo in la keeno facts. hadal kormar ahse waa la dhihi karaa.

runtii waa su'aal lasy waydiiyo gaar ahaan dadka ku hawlan inay Islaamka mirihiisa dadka u keenaan.

mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Thursday, November 09, 2000 - 06:58 am
AAWW.

Run ahaantii waxaad intiina badani ka hadasheen arrimo aad u muhiima. su'aasha qiimeheeda waala layga hor sheegay. Waxaan hadalka ku darsanlahaa:

Sida uu MAN sheegay waxaad moodaa inaynu meesha ku haasaawaynee aanay meesheedii ahayn waayo sida uu Man sheegay weeyee markaad wax ku samaynaysid taqyiim waa inaad si cilmiyan ah u baadhaa ood samaysataa manhaj (model) aad ku falanqayso. Mid wuxuu noqon karaa sidaad u taabateenba in ahdaaftoodii lagu eego waaqaca maanta iyo xaaladda dacwo. Taasi waxay markaa u baahantahay in lasoo helo ahdaaftoodii marxaliga ahayd, kuwii joogtada ahaa iwm. Waxay u baahantahay tusaale ahaan in la ogaado waxa ay rabeen Ma dawlad bay rabeen inay ku dhisaan sanadahan aad tilmaamteen? Ma dhaqaalahay rabeen inay qabsadaan? Ma dadkay rabeen inay horta wax baraan? Hadday bareense marka loo eego Awoodooda (both human and material), Tayadooda (AT) iwm, inteebay ka gaadheen? Hadday dhaqaalaha inay qabtaan ama dhinaca siyaasadda wax ka bedelaan, intee in le'eg bay ka gaadheen marka loo eego AT= awoodooda iyo tamartooda?

Waxa kale oo Model ahaan loo qaadan karaa Isbarbar-dhig lala barbardhigo dalalka kale ee camalka Islaamiga ahi ka jiro.
Waxay aniga ila tahay haddii sidan loo eego in wax badan ay jareen. Ninka maanta raba inuu tilmaamo (inkastoon cidi tilmaamin way muuqataaye) inay fashilmeen waxaan weydiin lahaa marka isbarbar-dhig la sameeyo ee loo eego meelihii Nuurku ka dhashay sida Sucuudiga iyo Masar oo kale intee in le'eg bay inga horeeyaan? Mise inagaaba ka horayna? Dalalkii kale ee inagaga horeeyey sida Syria oo xubnaha Ikhwaanul Muslimuunku gaadheen 500 000 oo xubno rasmiya ah maanta xaalkoodu halkuu marayaa? Maalintii dubaabadaha iyo diyaaradaha lagu dalbaday ee magaalada Xamaa dhiigu daadka noqday ee lagu dilay ilaa 30 000 ee qof maxaa ka dambeeyey?

Miyaanay ahayn Masar tan maanta ka qaylinaysa 15-ka Ikhwaanul Muslimiinta ah ee soo galay Paarlamaanka Masar? Maanta imisa ayay islaamiyiintu ku leeyihiin Paarlamaanka Soomaaliya? Bal sida lagu xanto Islaax oo keliyi miyaanay ka badnayn intan iyo wax u dhawtoona?

Aljeeriya, Urdun, Ciraaq, Sucuudiga oo weligiiba sheeganayey inuu shareecada ku ilaashado xukunka boqortooyadooda markaad barbar-dhigto Soomaaliya waxaad heli jawaabo kala geddisan.

Dalka iyo dibeddaba cidda dadka ku daryeeshaa waa uun dadka Islaamiyiinta ah kuwaasoo ah kuwa keliya ee ka caafimaadka qaba cudurada diinta xiira. Bal ii sheeg mushtamacyada kale ee islaamiyiintu halkaa kaga jiraan dadkooda?

Waxaan idinka dalbanayaa inaan sii wadno dooddan inagoo iska eryeyna kuwa dadka Muslimiinta ah ee kala faa'iidaysanaya shaydaanka ku noqda ee kala erya haddaynaan innagu isku noqon!

Waxaan idiinsoo jeedinlahaa in Shirka Somali Studies ee Sanadkii hore lagu balamay in Hargeisa lagu qabto aad ka diyaarisaan warqad kana akhridaan.

WAWW
Jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Friday, November 10, 2000 - 07:20 am
AAWW

Idin aaway hee kuwiinii hadalka furay?

WAWW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Friday, November 10, 2000 - 10:25 am
Jama iyo akhyaarta kaleba;
Hadal aad u fiican ayaad tidhaahdeen. shaki kuma jiro isku duubnaanta iyo midnimada ummaddu ay tahay quwadda kaliya ee aan heysanno. dhinaca shareecadana, inta aan akhriyey, maqley, dhegeystey, etc. wax diidey ma jiro. Rasuulka(scw) cadowgii wuxuu kaga guuleystey Eebbe weynena nasriga ku siiyey waxay ahayd Caqiidadii toosneyd oo saxaabada (rc) u hogaamisey walaalnimo taam ah iyo isku duubnaan. U fiirso siirada. Waxyaabo cajiib ah oo ku saabsan habka loo ummada loo dhiso ayaad ku arki. Ummad qof waliba meel taagenyahay marnaba suura gal maaha marka la eego sunanka Allaah iney dowlad (Islam or otherwise!!!!!) dhistaan. Fawdadu (Anarchy) wax ma dhisto. Wey dumisaa. Markaa dadka tamartooda ku luminaaya inta yar ee isku timidey waa laba midkood:-
1) Dad u adeegaaya cawga Islamka, ogaansho iyo ogaansho la'aanba.
2) Dad aanan hogaansami kareynin, sidaa darteed iyaguna wax ma hogaamin karaan. Kitaab aad u qurux badan ayuu mowdhuucani ka qorey Callama Sh. Saciid Xawaa (Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiye'e). Kitaabka waxa la yidhaahdaa " Jundullaahi Saqaafatan wa Akhlaaqan".
Boggani maanta ayaan arkey, markaa waxan isku dayi inaan wada eego aragtiyaha lagu soo bandho.
Abdirashid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariin

Saturday, November 11, 2000 - 12:16 am
TO;DHAMAAN DHALINYARADA DOODAN KA QAYB-GASHEY. ------------------------------------------------ walaalayaal aad ugu mahadsan tihiin qiirada islaamiga ah ee idinku jirta iyo shuclada iimaanka ah ee idin gubaysa . anigu waxaan ahey ninkii doodan furey maan filahayn runtii in shabaabku ay sidan ugu heelan yihiin ka qeybgalka dood islaamiya ,waase alxamdulilaahi mar haddii aynu wada darensan nahay dhibka jira . mr jama walaal si fiican ayaad u hadashay laakiin ujeedadaydu maaha maxay xarakaatka islaamiga ah ee soomaaliyeed u gaadhi waayeen natiijadii iyo hadafkii ay higsanayeen,waxaanse u jeeddaa waxa kala duwan inaad midhaha goosato adigu iyo inaad beeritaanka ama falida ka caajisto ,waxaan ka wadaa natiijada iney gaadhaan xarakaadku shardi maaha laakiin waxa daruuri ah iney manhajkii ku socdaan ,macnaha haddii caqabado kaa horyimaadaan xagga bulshada ahi maaha inaad tanaasulaad u sameyso ama aad bilowdo takhfiifin ama dad is raacin laakiin midda muhiimka ahi waxa weeye inaanad ka tanaasulin mabda,aad sido ee islaamiga ah .taasi waa xaga ujeedadayda. walaal jaamac dhinacan aad ka hadashay ee aad tidhi meel fiican ayey maanta xarakaatku marayaan waa runtaa oo meel fiican ayey marayaan laakiin lama eego cidda kaa hooseysa markaad ias qiimeynayso ee waxa la eegaa cidda kaa horeysa tusaale ahaan sudan waxay hanatey xarakada islaamiga ahi xukunkii (kama hadlayo manhajka xarakadaas) dalkaa,turkiga waxay hanteen xukunkii sidaadse ka warqabto waa loo awood sheegtay oo laga qaad ,malaysia meel aad u wanaagsan ayey joogaan ,laakiin midda isweydiinta u baahani waxa weeye shacabka soomaaliyeed oo muslim 100%ahi ma wuxuu u baahan yahay in lagu bixiyo dadaalka ay xarakaatka kale ku bixinayaan dalalkooda sida masar oo kale oo rubuc kiristan yahay ama syria oo boqoliiba afartan kiristan ah ama turkiga oo boqolkiiba 10 kiristan yihiin boqolkiiba 40na ay yihiin cilmaaniyiin ,???? waxay ila tahay marka loo eego dalakaa caalamul islaamiga xarakaatka ka jiraa sidey u dadaaleen marka loo eego soomaalida in aynaan wax weyn qaban ee walaal jaamacoow haysu qushuucin ama hays cajabin. ugu danbeyntii waxaan odhan bal si aynu isu qiimeyno qof waloowba dal ayaad joogtaaye intee ayaad dadaal ku bixisaa diinta si aad u ogaato in aynu dadaalayno iyo in aynu magacyo aan jirin gaadh ka hayno . wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaamac

Saturday, November 11, 2000 - 01:17 pm
AAWW.

Walaal Cabdikariim iyo intiina kale,

Waad mahadsantahay walaalkay sida aad kala qaadqaaday aragtiyaha aad soo jeedisay islamrkaana aad uga dabatagtay aniga aragtiyahayga Waxaan walaal kaaga hayaa xog xasanu-saxeexa in Sudan xarakada aad tilmaamtay qaadadeedu tilmaameen in fursadda xarakaadka Islaamka ee Somaliya maanta ka fursad badanyihiin kuwa Sudan. Arrinta ku saabsan isbarbardhigidda xarakada (dhaqdhaqaaqa) Islaamka ee Somalia iyo kuwa kale eed sheegtay sida Masar, Syria iwm. Waxaan jecelaa inaan isla aragno sawirka guud ee camalka Islaamiga ah iyo mustawaha uu ka marayo. Walaal bal dib u eeg taariikhda dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Somalia xiliga uu bilaabmay. Xarakaadkii Ahli oo ugu horeysey iyo Waxda oo kusoo xigtey intuba waxay bilaabmeen lixdanaadkii dhammaadkiisii. Sh. Shariif, Maxamed Maalin iyo Ahmed Nuur (Gadhyare) markii ay dalka ku laabteen ayuu dhaqdhaqaaqii cagadhigtay wadanka markaasaana ugu horeysey dhallin ku xidhanta duruus dareen saxwo la socdo. Haddaad hadaba barbardhigto xiligaa uu bilaabmay camalku iyo weliba markii ay xarakaadku ururo ahaan (institutional) u aasaasmeen, wadamada kale een ahayn kuwaa aad ciladaysay walaal sida Yaman, Kuwayt, Sucuudiga, Turkiga (oo iyadu walaal 100% Muslim weliba Sunniya ah), Indonesia, reer-khaliij iwm. Miyaanay run ahaantii qabanin waxyaalo farabadan.

Arrinta kale eed taabatay ee aad ku tilmaamtay inaan la debcin ama aan laga baydhin mabda'a waa mid muhiima. Laakiin walaal waxa meesha ku jirta su'aal; intee in le'eg ayaynu ogaan karaa khalfiyaadka go'aamada ay gaadhaan xarakooyinka qaarkood marka ay ku dhaqaaqayaan talaabooyinka qaarkood dadku u arki karaan inay ka leexdeen manhajkii? Mise inagoo outsiders arrinta ka ah oon waxba ka ogeyn baynu ku tilmaamnaan inay leexdeen? "HA WADWADIN WAX AANAD CILMI U LAHAYN..." Keddib marka la ogaado meesha ay wax kasoo dhirindhiriyeen in daliil haddii masalo sharciya tahay ama ra'yi haddii meeshu ra'yi tahay loola yimaado laakiin aan meelahaas dusha uun layska qoorsan hadalkana aan la sarka xaadin.

WAWW
Jaamac

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.