site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MALA ODHAN KARAA SOMALIDU WAXYAABA BADAN AYAAY CAABUDAA ILLAAHAAY KA SOKOW !?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MALA ODHAN KARAA SOMALIDU WAXYAABA BADAN AYAAY CAABUDAA ILLAAHAAY KA SOKOW !?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFAROOLE

Unrecorded Date
Waxaan aamin sanahay hadii layidhaaho somaamidu ILLAAHY keliya macaabudo in aan lagu denbaabayn,
waayo ? caabudidu maaha wax meel gaar ha inta latago loo foor foorar sado , sida aay dadbadani aamin sanyihiin , waxaan lagayaaba in dad badani is yidhaah daan soomalidu waa muslimiin maxaa keenay cabudida!. (CIBAADA) waa odhaah carabi ah somaali waxaa lao dhankaraa QADARIN,WEEYNAAYN, IYO WAX LAGA DABMBEEYO OO AAN LAGU XAD GUDBIKARIN,
ok Hadaay sidaas tahay , waxaa la'odhan karaa Waxa ugu weeyn aaq darrinta siiso soomalidu waa QABIIL, iyo LACAG, waxaana la odhan karaa labaduba waay kagaweeyn yihiin ilaaha cibaada mutaystay.ok taas waxaa dalil u ah maanta hadii qabiilka aad kadhalatay uu ku amro wax ilaahaay kaa xaaraantinimaayey oo aad ku adeecdid , ILAAHAAY macaabudine QABIIL baad cabuday, Tankale waxaa lagayaaba in aad u gashid lacag aawgeed wax yaabo badan o ilaahaayn kaa reebay adoo og , markaas waxx lao dhan karaa ilaah maad caabudine lagac ayaad caabuday.
hadaan sookoobi fakrada aan ka qabio soomalida labadaasiba waay ka horaayaan ilaahaay oo si aanay u caabudin ayaay u caabudaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Walaal waxaad xustay arin muhiim ah ,laakiin kuguma raacsani inaad isticmaasho erayga ah soomaalidu waxyaabo badan bay caabudaan Ilaahay ka sokow,sababtoo ah hadaan mid mid ukala qaado labada arin ee aad xustay ee ah lacagta iyo qabiilka.
Lacagta ma aha soomaalida kaliya waxa jecel ,ee jacaylka aduunyada iyo maalka waa wax ay ka simanyihiin bini'aadamka oo dhami ,waadna dareemi kartaa hadaad tagtay wadamo kale oo muslin ah sida dadku uga darnyihiin soomaalida jacaylka ay u qabaan lacagta,mana helaysid aduunyada qof aan soomaali ahayn oo lacag uu ku soo dhididay siinaya cid kale.
Ta qabyaalada : waa run oo soomaalida qabyaaldu way ku wayntahay ,waayo waa nidaamka dawladeed ee ay waligood yeesheen manay arag nidaam kale oo uga wanaagsan oo u badala waxaanan hubaa haday helaan inay ka tegi lahaayeen qabyaalada ,hadaba hadaadan u hayn wax u dhaama iska daa walaalaw soomaalida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharaf

Unrecorded Date
Abdalla, aad iyo aad ayaan uga helay tifatirka aad dhiibtay waana kugu raacsanahay.

Sidoo kale waxaa qabiilka la mid ah oo adduunweynuhu ku dhaqmaan waa waddaninimo. Kama duwana qabiilka ee wey ka baaxad weyntahay. Yaan loo maleyn in dadka somalida ah kaliya ey yihiin CAWAAN ku dhaqanta qabiil iyo isxigsi aan ku salaysneen Mabda'a ee waa adduunka intiisa badan.
Xiise dambe!
Sharaf

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
Sharaf waa mahadsantahay walaal ,waxaa jira arin ay dad badani khalad ka fahmeen oo ah qabiilka ,qof kasta oo soomaali ah oo aad arimaha soomaliya kala sheekaysato wuxuu eeda dusha ka saarayaa qabiilkaa soomaaliya burburiyay,waxaa iswaydiin leh hadaanay dadku kala qabiil duwanaan ma aabe iyo hooyo qura ayaa wada dhali lahaa soomaali oo dhan? waxaan isleeyahay jawaabtu waa maya ,dhibaatada runta ahina ma aha qabiilka dadka oo kala duwan waayo taa waligeed waa lagu kala duwanaanayaa,markii soomaalida badankeedu miyiga deganayd ee nidaamka runta ah ee qabiilka ay ku dhaqmi jireen ma jirin waxaan oo dhibaato ah oo hada dhacaya,waayo wixii dhaca waxay yaqaaneen hab lagu xaliyo ,laakiin markii dadkii miyigii ka soo galeen oo ay magaalo soo degeen maadaama ay yartahay mudada dadka intiisa badani degan yahay magaalooyinka ,waxaa isku khaldamay wax badan oo ah dhaqankii magaalada iyo kii miyiga,xeerarkii qabiilka ee lagu dhaqmi jiray iyo nidaamyadii dawliga ahaa ee dibada laynooga keenay ,marka waxaan is leeyahay waxay qaadanaysaa mudo intaynu nidaam dawli ah oo aan anagu leenahay uu dhalanayo sidaa daraadeed sabar baa loo baahan yahay.
Walaalkiin abdalla(Denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFAROOLE

Unrecorded Date
abdalla iyo sharaf waad mahadsantihiin:
walaalayaal horta arinta meel kala du wan ayaa laga abaaray , hadaan wax yar kai dhaah do qablka lagahadlayaa maah kala du waanan shaha qabaa ilka soomaliyeed.
Waaayo waa la ogsoonyahay oo ninba qabiil ayuu kadhashay , mida lagahadlayo oo soo maali aduunka kareebtay waa QABIIL kudhaqan aduunkana badan kiisu mayaqaano , markaas walaalayaa aniga ilama haboona in la yidhaaho ama qiil loodoono qabyaalada, waayo waxa aay dhashay amam midheheedii nin kasta oo soomaliyeedd waa ogsoonyahay, waan waxa halkaas ina dhigay ,
waan kabaxay waadna mahadsantihiin :

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum.
To Mrfaroole.
Walaal kuma lihin qabiilka habka soomaalidu ugu dhaqanto wuu wanaagsanyahay,laakiin wax waliba waxay leeyihiin sabab(Reason) iyo waxyaalo ka dhasha (Consequances) ,waxa aan aaminsanahay inaan ahayn qabiilku sababta kaliya oo soomaalidu u burburtay sida dad badani aaminsanyihiin hase yeeshee waa hub ka mid ah hubabka loo isticmaalay,ogowna haduu qof doonayo inuu ku dilo inuu xabad kugu dhufto ama mindi ku geliyo ama dhagax kugu dilo ama ku sumeeyo iyo in badan oo kaleba wuu heli karaa ,laakiin ma odhanayno inaynu niraahno mididan ama xabadan ama suntan baa laygu dilay waayo waxba ma kordhinayso laakiin waxaa muhiim ah inaan ogaano sababta ka dibna laga taxadaro inaynan dib u dhicin.
waxaan rajaynayaa inaad ujeedadayda fahamtay.
Walaalkaa Abdalla(Denmark).

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.