site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Abshir Bacadle ma Wadaadaa mise waa Qabiiliiste????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): Abshir Bacadle ma Wadaadaa mise waa Qabiiliiste????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed1

Wednesday, November 08, 2000 - 04:00 am
Waxaan maqli jirnay inuu bacadle yahay nin wadaad ah diintana ku difaaca gabayo. Wuxuu tiriyay gabayo fara badan oo ugu hadlaayo arimo kala gedisan sida: xijaabka & wanaagiisa, guurka, suufiyada IWM.

Dagaaladii ka dib, markii ay dheceen dagaaladii ku saleysnaa qabyaalada, Abshir waxbaa iska bedelay oo dhinaca qabiilka iyo qabyaalada ayuu u janjeersaday.

Gabayaduu tiriyay waxaa ka mid ah qaaruu ku ceynaayo Majeerteen oo uu ku matalay yuhuud iyo munaaiqiin. Ma banaantahay in qabiil dhan la caayo????

Dagaaladii xamar, wuxuu aad u difaacay Ceydiid iyo Habargidir wuxuuna tiriyay gabayo badan uu kula xifaaltamayo niman Abgaal, Murusade iyo xawaadle. Raga ay hadalada is weydaarsanaayeen ma aheynin rag wadaado ee wexey ahaayeen rag difaacaya danaha qabiilkooda dabcan isaguna wuxuu difaacaayay danta qabiilkiisa!!!!

Markii Ceydiid iyo Caato dagaalameen wuxuu u leexday dhinaca Caato illeyn waa reer Hilowle e, wuxuuna soo baal galay Abgaal Muuse Suudi.

Hadaba Soomaaliyeey Bacadle ma wadaadaa mise waa qabiiliiste?????!! Sommaalidu waxay ku maahmaahaan "Fiqi tolkii kama jano tago" waa mida heysata Bacadle!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed kale

Wednesday, November 08, 2000 - 04:32 am
Waxaan u malayn inaad isu jawaabtay adiga laftaada waloow aan kudhihi lahaa hadlka aad latimid munaasab ma'aha kumana haboona in lala dhaxyimaado mujtamaca, hadii ninka aad sheegtay yahay waxaad kusheegtay iyo haddii kale waa asaga iyo naftiisa oo cid kale uma habboona inay macsharka keento.
Su'aal aan kugusoo celiyo ama faahfaahin. Haddi maahmaahda aad qortay ay runtahay iyo haddii kaleba majiraa qof soomaali ah oo kamadhan qabiil, ogoowna qofka inkiro ayaa ugu daranee. (Libaax kan qaylqaylyo iyo kan aamusa kee daran.)
Marka ladoodayo mawduucna lagalayo ma'haboona in qof lamagac dhabo haddayna arrintu cilmi ahayn, hadii qof magaciisa laxuso meesha waxa lugu hayo waa xan waana xaaraan. Ninkaad sheegayso anigu ma'aqaanno balse adaa igayaqaanno ee ninyahoow xanata jooji lanasoco su'aashaada jawaabteeda adaa haya sida ii muuqatana qof adiga kugu dhaamo mawduucaas waa yaryahay.
Sifiican makuula hadlay
Wabillahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Wednesday, November 08, 2000 - 06:26 am
Fadlan ku dhaaf ka faaloodka abshir in uu yahay muwaxid ku difaacay afkiisa diinta iyo dacwada saxiixa ah.Waa bini'aadam khaldami kara laakiin ha ilaawin xasanadkiisa iyo u dadaalkiisa dacwada iyo ehelkeeda.
Ma ihi qabiilkiise bal waxaan ahay daarood harti weliba ah,laakiin waxaan ku jeclahay muwaxidnimadiisa waana walaal haddii uu khaldamo mudan in loo nasteexeeyo loona duceeyo.
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 05:26 pm
markii horeba diin ma heysan. Waa gabayaa jaahil ah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.