site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KHEYR TUSIYAHA WUXUU LA MID YAHAY KHEYR SUUBIYAHA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): KHEYR TUSIYAHA WUXUU LA MID YAHAY KHEYR SUUBIYAHA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya

Thursday, November 09, 2000 - 03:27 am
"Man dala calaa kheyrin falahu mithlu ajri ka faacilihi." Xadiisun-Shariif.

Halkaan waxaan u furay qof walba oo kheyr yaha inuu walaalihiis la wadaago uusana kala bakheyrlin, waxaa sugnaatay in qofkii kheyr dadka tusiya inuu la mid yahay mid asaga kheyrkaas ku dhaqmaya ajarka qofka suubinaya mid le'eg ayuu la helayaa ayadoon mid walba ajarkooda wax laga dhimeyn............xageenu u soconaa kheyr intaas ka badan.

Fadlan, hadaadan aheyn qofk kheyr inoo sheegaya iska aamus si uusan hadalkaan xasro kuugu noqon maalinta qiyaame amaa hadii kale kheyrku waa badan yahay walowba uu hal eray noqdo ha inagala xishoon inaad na bartid wixii Alle ku baray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Thursday, November 09, 2000 - 06:41 am
Sheegida kheyrka

Markii qofku kheyr sameeyo ama sheego, wuu farxaa, waxuuna dareema fahmo dheeraad ah.

Tijaabi arintan: kaliya qor ama akhri wax aad u aragtid kheyr iyo wanaag, ka dibna fiiri dareenkaaga, sii wad tijaabada oo waxii aad horey u qortey akhri marar badan. Maxaad dareentey? Ma farxad, jecleysi iyo in aad ku noqnotid? Mise wax kale?
Haddii aad dareentid: caro, nerfis, walwal iyo karhid, caasin naftaada iyo waqtigii kaaga lumey, fahmo darro iyo kalsooni darro, ogow waxaad sameysey, qortey, xiiseyneysey in aynan aheyn kheyr ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsinyare

Tuesday, November 14, 2000 - 08:57 pm
Kheyr wuxuu inoogu jiraa inaan aakhiradeena ka fakarno aduuna aanu Ilaahey weydiisano inuusan niyada naga galin balse uuu gacanta inoo galiyo.

Sifooyinkii lagu garan jiray muslimiinta kuwaasoo culumada ay inoo dardaarantay mid ka mid ah ayaan maanta dul istaageynaa insha'alaah.

"AKHLAAQDA WANAAGSAN WAXAY KU GAARSIISAA DARAJADA QOFKA SOOMAN OO HABEENKII OO DHANNA SALAAD U TAAGAN"

Akhlaaqda wanaagsan waxay culumada ku daraan cibaadooyinka fudfudud kuwaasoo Ilaahey uu ugu naxariistay Muslimiinta waxayna ka mid tahay waxyaalaha uu mujtamaca Islaamka kheyrka ugu jiro inay ku dhaqmaan, Qur'aanka wuxuu ku amrayaa inaad cafiyo cidii ku dulmisa, aad xiriiriso cidii ku jarta aadna wax siiso kuwa ayaga waxooda kuu diidaya, sidoo kale hadii xumaan ku soo gaarto waxaa lagu amray inaad baladkeeda wanaag ku jawaabtaa wuxuu Qur'aanka raaciyay arrintaas waxaa ku dhaqma kuwa dulqaadka leh kaliya, Dulqaadkana waa qeyb weyn oo ka mid ah akhlaaqda wanaagasan micnihiisana waxaa weeyey inaad qofka cafiyo aadna u dulqaadato adigoo awood u leh inaad ka aarsato. Suratul Alicimraana waxaa lagu sheegay sifaadka muslimiinta inay ka mid tahay inay qariyaan caradooda maalkoodana ku bixi qarsoodi ayagoon dadkey siiyaan ku mani sheegan, Allena u soo laabta xumaanta ka dhacdayna aan qarsan balse Ilaahey u towbad keena had iyo goorna cafiya dadka si ay cafis uga helaan Ilaahey agtiisa, waxaa kaloo ka mid ah in qofka uu Ilaahey ku xirnaado weydiistano inuu noqdo Adoon Alle xusuusta mar walba akhlaaqda wacana ka barya ilaahey sidii uu nabiga scw suubin jiray. Waxaa kaloo sifaadkooda ka mid ah inaysan la hadli jirin JAAHILIINTA ayna oran jiray nabadgalyo maalaayacniga ka dhaqaaqi jireen maxaa yeelay waqtiga waa xisaab ku hor taal qiyaamaha. Cibaadu Raxmaan waxaa lagu yaqaan waxyaalahaan soo socda oo dhan waan calaamadaha lagu garto akhlaaqda wanaagsan sida ay culumo badan tilmaameen, XISHOOD TIRO BADAN, DHIB YAR, ISLAAXIN BADAN, CIBAADO BADAN, CARRAB RUN SHEEG BADAN, HADAL YARI, RAALI AHAANSHO BADAN (hadey ahaan laheyd dhibta dadka ama qadarta Alle), BAARINIMO, MAHADCELIN OG, DHOWRSANAAN, U DHIMRID BADAN, U DULQAADASHO BADAN, WAX DIIDMO YAR, AAN LACNAD LAHEYN, AAN XAN LAHEYN, AAN XAASNIMO AQOON, AAN CEEBEYN AQOON, AAN NIMCAD INKRID AQOON, AAN BAKHEYL AHEYN, AAN DOOD BADNEYN, AAN DAGDAG AQOON, AAN XIQDI KU JIRIN, FURFURAN (bashaash ah), ALLE DARIIS DADKA KU XIRIIRIYA, ALLE DARTIIS U CAROODA UNA RAADI NOQDA ILAAHEY DARTIIS.


Nabiga scw wuxuu yiri "Kula dhaqan dadka akhlaaq wacan[dabeeca wanaagsan]"

Nabiga wuxuu kaloo yiri "Janada waxa lagu galo ee ugu badan waa CABSIDA Alle iyo akhlaaqda wanaagsan waxa naarta lagu galo ee ugu badanna waa FARJIGA iyo CARRABKA"

Xadiis kalena wuxuu ku yiri scw. "Labo wax qofka mu'minka ah isugama kulmaan, Bakheylnimo iyo Akhlaaqda xun" Sidoo kale wuxuu yiri "Muslimiinta waxaa ugu iimaan dhameystiran kuwa ugu akhlaaq wanaagsan"


Cali bin Abii Daalib wuxuu yiri "Shan waxyaalood aniga iga qaata, Qofi yuusan ka xishoon inuu barto wuxuusan garaneyn, yuusana ka xishoon inuu yiraahdo Alle iyo rasuulkiisaa og hadii la su'aalo wuxuusan garaneyn, Qofi yuusan ka baqin waxaan dambigiisa aheyn yuusana ka rajeyn wax cidaan Alle aheyn, Sabirka wuxuu ka jooga iimaanka meesha uu madaxa ka joogo jirka, hadii sabirku tago, iimaankana waa tagaa, hadii uu madaxa tagona jirka waa tagaa [yacni madaxa ayuu jirka ku xiran yahay madax la'aana wax jiraya ma jiraan].

Xassanul Basri wuxuu yiri "Qofkii akhlaaqdiisa xumaato, naftiisuu cadaabay"

Soomali waxey tiri "Af daboolan waa dahab"

Walaalkiin Muxsinyare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Monday, November 20, 2000 - 05:50 am
asalaamu calaykum

kuligiin waxaan ilaahay idinka rajaynayaa ajar aan ka koobi karin inuu idin siiyo qaas ahaan walalkay muxsinyare ilaahay ka kaa ajar siiyo walaal ilaahay abaalkaaga haka dhigo janatul fardawsa .aamiin aamiin anagana ilaahay ha naga dhigo kuwa ku dhaqma wax wanaagsan oo loosheego waxaan ku leeyahay ilaahay cilmigaaga ha ku siyaadiyo walaal khayrka sidaas noogu wad akii jisaaka lahu khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi-kororsato

Monday, November 20, 2000 - 01:46 pm
Aslaamu calaykum waraxmatullah wabarakaatuhu. Maansha alaah ilaahay ha idinka abaal mariyo dadaalkiina. Rasuulka (csw) waa isagii yiri: QOFKII DARIIQ QAADA ISAGOO CILMI RAADINAYA, ILAAHAY WUXUU U FUDUDEEYAA DARIIQA JANADA. ILAAHAY HA NAGA DHIGO KUWII JANADA KU WAARA INSHA ALAAH. Wasalamu calaykum waraxmatullaah wabarakaatuhu.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.