site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

IIMAANKA IYO CAMALKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): IIMAANKA IYO CAMALKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABDOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walalayaal waxaan rabaa inaan waxbadan kasii ogaado arin aan baaritaan kusameeyay marka qofkii yaqaanaa ha iiga soo jawaabo.

CAMALKU MA SHARDI BUU UYAHAY IIMAAN ANSIXIDIISA MISE WAA SHARDI KAAMILNIMADIISA ANSIXIYA

WAAWALAALKIIN NABDOON

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum Waraxma

Nadoooh!

Walaal hadaan kajawaabi lahaa su'aashaada runtii sifiican uma fahmin.

Waxaa shardi ah hadii Mufti ama nin caalim ah laweydiiyo su'aal waa inoo si buuxda oo tifaftiran u fahmaa intuuna u banbixin jawaabta.

Fadlan sifiican usharax su'aashaadu waxay tahay.

Salamu alaikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabdoon

Unrecorded Date
DRWHO WAAD MAHADSANTAHAY
Asalaamu calaykum walaal arintaan mudo badan ayaan baxsiyay marka waxaan raadin qof baaray oo ka gungaaray marka hadaad cilmi igu dhaanto waa sidan.
marka qofu uu rumeeyo Allaah waxaa ku waajibaya cammal wanaagsan sida salaada zakada etc.Marka camalkaasi mashardi buu uyahay inuu imaankaagi ansaxo mise qurxin iyo kaamilnimo ayuu uyahay.

wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Ku: Nabadoon

Walaal Arinkaan waa Arin aad muhiim u ah, kajawaabidiisuna waxey ubaahan tahay nin xoogaa kitaaba Caqiida Akhristey. Laakiin Insha Allah waxaan Ka Akhriyey kutabtaas (inkastoo xoogaa laga joogo) ayaan bal halkaan kusoo bandhigi.

Culumaa'u Ahlu sunna waxey yiraahdaan !sida ku qoran "Caqiidatu Daxaawi" kitaabka loogu yeero (Al iimaanu Huwa Alqawlu wal Camalu wal Ictiqaad), Macnaha hadalkaasi waa, Imaanku wuxuu kakoobmaa Camal iyo Rumeyn iyo Hadal.

Taas Macnaheedu waxa waaye Imaanku wuxuu kakoobmaa Rumeyn aad rumeysid Islaamka iyo kudhaqan aad kudhaqantid Diinta iyo Dhawaaq ama Hadal.

Tusaale ahaan hadaan Camalka kahadalno, Culimadii Salafku waxay isku Qilaafeen Qofka aan Tukan Salaada, Imaamu Axmed Ibnu Xambal iyo Rag kale waxey kutageen inuu Qofka aan tukani uu gaal yahay, laakiin Imaamu Shaafici iyo Rag kale arinkaas wey ku qilaafeen oo wey kudiideen.

Sanab usujuudidu waa Gaalnimo qofkii snab usu juudana wuxuu layimaadey Cmal Gaalnimo.
Taas Macneheedu waxey tahay Camalku wuxuu kamid yahay Udubdhexaadyada uu kutaagan yahay iimaank`u oo la'aantiis wax badan meesha majiraan.

Tusaale kale hadaan kaasiiyo dhanka hadalka, Mathalan Qofka Nabiga ama Alaah ama Diinta Caaya waa Gaal. Jahli loogu cudur daaraayona majiro maxaa yeeley arinkaan uu layimaadey waa Minal macluumi mina diini bidaruura. Ibnu teymiyah (sheykhul Islaam) Alaah naxariistii janno hasiiyee ayaa Kitaab kaqorey arinkaan ah Nabi caayida "wana Cuudu bilaah". Kitaabkiisa waxaa layiraahdaa Saal masluul calaa Shaatimi rasuul, Waa kitaab aad qiimo uleh fadlan kitaabkaas akhri waa kitaab aad ufiican.

Walaal Camalku wuxuu kamid yahay IIMAANKA ee ma aha shey Qurxinaya.

Waxaa jira rag qaba arinkaas laakiin waxaan shaqsiyan aniga ila xoog Hadalka dhahaaya Camlku waa qeyb kamid ah iimaanka.

Fadlan waxaad akhridaa Kitaabka layiraahdo Al minal wanixal, iyo Caqiidatu Daxaawi, iyo Ashariica lil Ajuri.

Waad mahadsan tahay.

Salamu alaikum

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Dr who. Asalaamu calaykum allaah hakaa abaal mariyo si fiican ayaad uqaadaa dhigtay gadaal ayaana kaga sii dari doonaa waayo waxaan baxthi ku hayaa ( fatawa ibnu taymiyah majalada todobaad ee al-iimaan. wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Nabadoon

Akhii markaad baxthigaas soo dhameysid fadlan nasoo gaarsii cilmigaas.

Salamu Alaikum

DrWho

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.