site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

In lala sheekeysto dhowr nin ma banaatahey si loo kala xusho

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): In lala sheekeysto dhowr nin ma banaatahey si loo kala xusho
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
ma waxbaad ku dhimeysaa hadii aan dhowr nin la sheekeysatid adoo u dan leh kan ku anfaco in aad qaadato?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Walaal asalaamu calaykum waxaan ku leeyahay gabadh kun baa shukaansata kow baana guursada.ragu arintaa majecla laakiin wax khalada kuma lihid
walaalkaa nabadoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maskiin

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM
to: IDIL,
Salaan ka dib IDILEEY ha samayn saas why??diinteeno waxay ina faraysaa sida ku sugan xadiiskii nabiga NNKH, in aan nina gabar nin walaalkisa khidbo (ama sheeko guur) ugu jirta uusan dabo fariisan, inkastoo xadiiskale laga qadanayo gabar nabiga NNKH u sheegtay dhawr nin, hadana sida culumo badan ku tageen ma banaana in gabar labo nin iyo ka badan isagu tagaan.
Ogowna waxaa la ilaalinaya umada muslimiinta ah quluubtooda inaan xumaan isu galin, markaa mid iska iimaanso, haduu ku anfici waayo mid kale fiiri hase isku wadin.
wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Salaan kadib waa Nabadoon waxaan leeyahay ilaahay wuxuu yiri guryaha uga imaada albaabadooda.gabdha marka khudbo lala galaayo waa marka aad doontid oo ay adiga kuu joogto.Laakiin khudbo lama yiraahdo shukaansi shubuh ku jiro sida reerkii oo aan ku ogayn inaad daaqada ka soo dhacdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
To Idil .
Walaalay horta xaq ayaad u leedahay inaad xulato qofkii aad nolosha la wadaagi lahayd ,xulasho wanaagsanina waxay yaraysaa furiin badan, waxaanad ogsoonaataa qof aan iin lahayni ma jiro qofkana waxaad ogaataa wuxuu yahay markii aad nolol run ah wada gashaan ,laakiin intaad banaankaa kala joogtaan qof waliba wuxuu kuu muujinayaa wanaagiisa oo ma arkaysid xumaantiisa wax uu isaguba qarin waayay mooyaane,waxaan kugula talin lahaa inaad Ilaahay baryadiisa badisid oo aad markasta ka baridid inuu qof wanaagsan kugu toosiyo taas kaliya ayaad ku heli kartaa qof wanaagsan laakiin niman badan oo aad la sheekaysato waxay ila tahay inaad wareer uun ka qaadi.
Walaalkaa Abdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salamacalaykum;

To Idil:
Walaal intii uu Abdala yiri ka badan kuma iraahdeen, waxaanse kuu raacinayaa.

Waxaa laga yaabaa markii aad mid ka mid ah nimankaas la sheekaysanayso inaad kalsooni siiso, ama uu kaa arko inaad isaga mooyee cid kale niyad u lahayn ama aad ku tiraahdoba, taasoo been ah. Kolkaad midka kalena la hadashona sidoo kale ku tiraahdo, Arintaa iyada ah mid qurxoon oo wanaagsan ma aha sidaad ogtahay. Hadii nimankaas aad mid ka doorato kuwii kale ama kii kale ee niyadiisa ku siiyey ayaad niyad jab iyo dhibaato marsiinaysaa taasoo iyana qurxoonayn oo wanaagsanayn.

Waxaan ku oran lahaa kolay waad ogtahay naftaada deep down kii aad dooran lahayd hami uun baa ku wareerinaya ee intaa fariisato fikir oo dooro mid sidaana baana nidaamka sharaftaada iyo wanaaga ku jiraa. waayo adiguba danbiile inaad tahay baad dareemaysaa kolkaad dhowr qof sidaa ugu kala dhoolo cadeeyso adigoo wax kuu qarsoon (aadan rabin mid) siduu Abdala yiriba qofka maogaan kartid dabcigiisa ilaa aad nolol wadaagtaan. Naftada qanci, duko ducayso Si uu Alle kuu waafajiyo kii qayr kuugu jira aayatiinkaaga danbe. Hadii aad daacadnimo ku dhaqanto xag Alle qayr ka waayi maysid ee ku dadaal daacadnimada. qayr baan kuu rajayn.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MADBACO

Unrecorded Date
Salaam For all...

Horta dhamaan aqayaartii iga horeysay ayaa warkii badankiisa qaatay laakiinse wax yar ayaan rabaa iaan ku daro..ee ii OGOLAADA..

Idil horta adiga aan ku fahmee ma waxaad ula jeedaa inaad isku wado dhalinyaradda si aad kii kuu baxo ula boodid...hadii ay saas tahay waa laga MAC yahay maxaa yeelay SUUQA ayaa kaa xirmaa Wiilasheena qaarkood waxaa caada u ah inay saaxiibadood kala sheekeystaan faxdii ay la socdaan..marka hadii aad mid walba chance siiso then MOOS meel walba yaala camal aa noqonee...

Waxaan aniga u arkaa in ay lagama maarmaan tahay in la xushto wehel laakiin waa in ay marka hore jiraan wax COMMON ah oo aad wada leedihiin..aadna deristaa qofka intaadan sheekada SHUKAANSI gaarin ...waa wax wanaagsan inaad marka hore soo xansato..ama fiiriso Saaxiibadiisa...Kaalay SHAAR IYO SURWAAL makuugu jiraa ina keen aan sheekeysanee WAA LAGA MAC yahay...Weligaana iska ilaali qof aadan HAPPY ku aheyn..Go'aan la gaaro waa kan ugu adag..Marka ay sheekadda tahay XULASHO...ileyn waa MUSTAQBAL..

IDILEEY dhibkaan adiga kaligaa ma aha ee waa guud ahaan dhalinyardda oo dhan..Aniga aan number one ka ahaa...

Hadane weli dhibka ma ii yara waayo waxaan raajicis ugu jiraa qoftii saxda ii ahed ee aan nolosha macaan ee Alla noogu talo galay la qeybsan lahaa...WALAALYAAL Ha leysku soo duceeyo..

Waa walaalkiin..MADBACO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANON

Unrecorded Date
MADBACO ADIGA STAMPERIA MAAD RAADINEEYSAA? MASE KHAD. MURAADKAAGA MEEL SOOKE KA HEL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: UKHTIL CAZIIZA IDIL
walaal waxaan filayaa hadal wanaagiisa
waxaa kuu sheegay cabdala, suleeqo iyo-
dhamaan walaalaheena kale
ana waxaan kuugu darilahaa dadku ama ragu
wax kastaa oo kale waxaa laga yaabaa inay iska shabahaan ama iskaga ekaadaan balse waxa kaliya aysan iskaga mid u'noqonkarin waa in qofku diintiisa si saxa ugu dhaqmayo taabac nimadiisuna kamuuqato
waa hadaad tahay gabar jecel inay mustaqbal layeelato wiil islaama,
markaa waxaan ku oran lahaa kaad u'aragto inuu diinta xageeda ku fiican yahay,
waxuu ralsuulkeenii(n n k) uunabaray ficil yar fududahayna samayn tiisa aanana lagu qasaarayn allena ku waafajinayo arimahaaga sida xaqiiqada ah, taasoo ah (itikhaarada)
taasoo micnaheeda tahay in aad labo ragco tukato waqtigay ahaataba laakiin ka sii fiican tahay
in waqtiga uu alle xusay inuu u'soo dhawaado adoomihiisa si uu baryadooda u'aqbalo
aad alle waydiisato haduu qofkaas khayr kuuyahay inuu alle ku waa faji hadii kalena alle ku waafajiyo ku qayr qaba
anagana waxaan alle kaaga baryaynaa
inuusan alle rajahaaga kugu qadin
aamiiiiiin
wasalaamu calaykum
walaashaa deeqo
degan (sweden)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Idil

Unrecorded Date
to abdalla, nabadoon, deeqa, suleeqa ,miskiin iyo dhamaan walaalayaan aad baad ugu mahadsantihiin talooyinkiina kala duwan gaar ka midana wey i caawinayaan oo wey wacantahey in alaah la talo saarto oo daacad la noqdo, balse mid baa jirta waxaa laga yaabaa in mid aan la sheekeysto wali wax go,aana aanan la gaarin balse mid kale iska yimaado hadii aan u bandhigey in aan nin la sheekeysto uusan yeelin asagoo dhahaaya chance i sii oo doorasho wey kuu banaan tahey wali ninka sheeko uun baad wadaagtaan, taa baa igu dhalisey in aan wax ogaado, si kasta arintu ha ahaatee waa ku mahadsan tihiin taladiina. nabadiino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Asalamu alaykum
bacda salam waxaan yaa ukhtii kaa dareemay inaad wareersantahay waxaana ku dhihi lahaa ilaahay hakuu fududeeyo dabadan baa naseexo kusiiyay ayagoo laakiin qaarkood xadiis meel aan islahayn usoo dalooshaday waxaa horta kaa maqan asaaska nin lagu doono waxa walba oo asaas lahayna si dhakhso ah ayay uburburaan waxaad qaadataa qaacidaan kow fiiri ninka aad rabtid muxuu yahay waxyaabaha awal aadkudooranaysid madiinbaa mise waxyaabaha kale ee sooraaca awalan hadii aad diin nin kurabtid akhlaaqna leh adiguna sidoo kale aad tahay meel baad uwada jeedan waxaad tihiin dad wax common kuah kabadi waxaa imanaya inuu qurxoon yahay inaad adigu qurxoontahay inuu dheer yahay inaad adigu dheertahy wacmaca daalika.
marka garanmayo waxa ahamkaaga koowaad ah. hadad arinkaas xalis waxa yaraandoonta inaad niman badan u hanqal taagtid ninkii walaalkay ahha eekusoo daliishaday hadiiskii nabga scw ee nina wallakiis gabar u doonan yuusan doonin adiga kuma khusayso wa ninkii gabar reerkooda kadoona sidii horay loocadeeyay waxaan anigu kugula talinlahha wallalay idil inaad aadan laba nin isku mar shukaansan maxaayeelay maraka qaarkood waxaa dhacaysa inaad been sheegtid beentuna waa shay haaram ah waligaana nin muslima waqtigisa hakaluymin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awqurbaawi

Unrecorded Date
IDeley ka joogso
Aniga way igu dhacday khibrad baanan ku leeyahay gabadh baan la sheekaysan jiray waxay ii sheegtay inaanay cid kale u ballan qaadin macal asaf saaxiibkaygii koowaad ayaan ku qabtay iyadoo la sheekaysanaysa hadii ninkale uu ahaan lahaa waan la wadi lahaa gabadha Billahi caleyk ka fikir saaxiibkaad roodhida ka la jabsataan oo arinkaas oo kale idinkala qabsaday. Go'aan degdega ayaan gaadhey gabadhii oo gabdhaha dumarka aan ugu jeclaan waa ka hadhay waanan daayey anoo u daayey saaxiibkay gabadh kalena waan guursadey isagiina ma guursannin. Maxaan samayn kara imminka iyadiina ma guursan karayo mid labaade. kolkaas arinku idiley ma sahlanee ka fiirso qalbiguna wuu ku jabaaye is jireey.
walaalkaa aw qurbaawi
waslaamucalekum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN GAAS

Unrecorded Date
WALAALEY IDIL HADDI AAD TALO IGA QAADANEYSOWAXAA KUU FIICAN INAAD SI FIICAN U XULATO MIDKAAD RABTO OO KU QANCIYA SIIBA WAXAAD XOOGGA SAARTAA MIDKA AAD KAAGA QOSLIYA OO AADAN KU AG CAAJISIN OO WAQTIGA SI DEG DEG KUUGU DHAAFIYA MARKA LABAAD WAXAAD SIDOO KALE IL GAAR AH KU FIIRISAA NIN WAXBARTAY OO HERBAADIYAASHA ISKA ILAALI WAQTIYADAAN DAMBE WAAY SOO BATEEN.
UGU DAMBEENTI MINFADLAN ISKA ILLALI WAX SEX LA YIRAAHDO OO NIMAN BAQTI AH OO WAX KALE RAADINAYN AYAA BUUXA OO MARKI AAY WAX IDIN DHEX MARAAN KUU QAADANAYA INAAD SHARM......TAHAY.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.