site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SEEGADDA maxay ISLAAMKA ka qabtaa.....????...

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): SEEGADDA maxay ISLAAMKA ka qabtaa.....????...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHIBANE

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum Soomaalieyey...


WALAALAYAAL ha ii arkina qof xun fadlan JAWAAB ISLAAMI Ah ayaan u baahanahay oo Cilmi FIQI iyo AXKAAM kudheehan..

ISLAAMKA macsiyo ma qabo ..FINE!!!

Waa in la guursadaa hadii kale la SOOMAA..FINE!!!

HAdiise intaa la waayey ...meesha aan joognona tahay dhul gaalo oo xilliga kuleylaha ay naagihii jirkeda quruxda badan sanka kaa galinaayaan isla markaana telefishinka kuu dheer yahay...adna aad caafimaad qabto..Dareena leedahay ...Cunidaada ay wanaagsan tahay..Noloshaada guud ahaana ey degantahay.XAQIIQDII dareenkeyga uu aad u daranyahay SEXUAL ACTIVE....

Maxaa sameyn..???...sidee KACSIGAAGA kaga badbaadin laheyd MACSIDA...AAD BAAN U DHIBANAHAY ...Walaahi waxan ahay qof dhowrsan Salaada iyo guud ahaan cibaadada waan ku fiicanahay laakiin ARINTAAN ayaan xal u la'ahay ee ila garabgalla ..hadii KALE AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA...

MARKA SUAASHEYDA WAXA WAAYE..

ISLAAMKA SEEGADDA MAXUU KA QABAA..!!!..????????

Jazaakalaahu Kheyran.....

Wasalaamu Aleykum Waraxmatulaah..

Walaakiin DHIBAN..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar kacsi dilay

Unrecorded Date
waa laydin samlaamay salaan ka dib horta kuuma haayo talo cause siigada inay danbi tahay i dont know xak diimeed laakiin walaalow xakeed aduunka ka joogtaa lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum Walaal dhibane salaanta islaamka kadib walaal waxaan rabaa inaan wax kaa dhaho wixii aqoon aan leeyahay arinkaas.walaal hadaan ku horeeyo su,aashaada walaal islaamku ma banaynayo siigada waxaana taa daliil u ah(SUURATULMU,MINUUN)
ISAGOO ALLAAH SIFAYNAYA MU,MINIINTA WUXUU YIRI(WAAKUWA FARJIGOODA XIFDIYA ILAA XAASASKOODA MOOYEE IYO WIXII ADOON U AH MARKAASWAANA KUWO AAN LAGU DAGAALAYN HADAY SAMEEYAAN,LAAKIIN QOFKII LABADAA MID AAN AHAYN WAX KUDALBASIDAY DOONTABA HANOQOTEE WAA KUWA XADGUDBAY).Aayadu wxay banaysay xasaskii iyo wixii gacantu hanatay oo ah adoon.laakiin wixii kasoo haray way xaaramaysay.
Marka walaal waxaa ijmaac lagu yahay inay xaaraam tahay.waxaa jira rag oranaya hadii uu khatar kacabsado waasamaynkaraa waxaana kamid ah IBNU AL-XAZMI AL-DAAHIRI.Carabtu wxay uyaqaaniin CAADATULSIRIYAH waxay ku tusaysaa inay caado qofka u noqoto.waxaana dhibaatooyinkeeda ka mid ah inuu qofku tabardareeyo,goonida inuu jeclaado ,aasaar xun inay wejiga kaga reebto,guurkii inay udiido,haduuguursado xataa inuu ubaahdoinuu siigaysto waayo waa caado xun oo sida lasheego aan laiska goyn karin,fidradii oo uukaleexdo qofku islamarkaana gacantiisa guursado.

Walaal waxaan kugula talin lahaa inaad gabadh xalaal ah inaad raadsatid oo aad fitan oo dhan kaga magangashid,Walaal tv iska qaad joornaalada xun-xunkafogow oo himadaada kicinkara.

waa walaalkaa Ismaaciiil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

La taliye dhibane

Unrecorded Date
TO: Dhibane
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi
Salaan ka dib
walaale waxaann jecelahay inaan kuu soo gudbiyo si
run ah arintaan sidaan u arko, waayo waa isoo
martay, waxaana ugu yaraan ku jiray sanad marka
xaqana lagama xishoodo, marka anoo jawaab doon ah
ayaan helay cajalad laga soo duubay nayroobi oo la
waydiiyay su,aashaas sh: Shariif Cabdinuur,
wuxuuna ku sheegay denbi, mana xasuusto daliilkii,
laakiin waxyaabihii kale ayaan xasuustaa waxaa ka
mid ahaa kow in ay jiraan dad isticmaala saabuun,
waxaa la ogaaday in dhib ka danbeeyo, labo in wax
laga yaabo in ilaahay awlaad ka abuuro aad meed
cidla ah ku shubayso, sida walaalkeen ismaaciil
kuu sheegay in guurkii aadan ku degdegeyn, waayo
waa sida dadka sinaysta guurka kuma degdegaan,
calaa,ayixaal adiga iyo dadka arintaan kula qaba
waxaan kula talinayaa in ay soomaan ama guursadaan
intaas adoon samayn waxaad kaloo samayn kartaan
inaad waxaad samaynayso u aqoonsato denbi, ka
dibna iska dhaafto, hadaba aniga waan guursaday ka
dib maxaa dhacay waa arin u baahan in la ogaado si
run ah, koley waxaa qof walba laga yaabaa inuu wax
isku arko aniga anigoo iska daayay kano soo
wareegatay sanad ama labo sano ayaan guursaday
waxaan isku arkay wixii aan cidlada ku shubi jiray
oo si dhaqso leh iiga imaanaya, taasi waa dhib
waxaana garan kara qofkii og calaa,ayixaal ilaahay
waa iga caafiyay, awlaadna rabbi waa isiiyay
al-xamdulilaahi marka intii waxaas ku jirtana
rabbi ha ka caafiyo aamiin,aamiin. dhibane waxaan
kugula talinayaa guurso rabbina talo saaro, ajarna
waad ka helaysaa, ilaahay ha kuu sahlo amuurahaaga
aamiin.TALO YAR: gabadha halkaan kusoo gudbisay
magaca laaga fiican yahahay ilaahay ka baq waxaad
tahayba ogowna in danbi lagaaga qorayo waxaad isku
magacawday, meeshaana dad badan ayaa akhrisanaya
ogow.ISMAACIIL: waad ku mahadsan tahay jawaabtii
aad bixisay iyo taladaadiiba waxaan filayaa in dad
badan ay ka faa,iidaysteen.CUDUDAAR: yaan la ii
qaadan nin iska hadlaya ee waxaan ogahay nin horay
danbi u galay iyo nin kale ay isku si wax u arkin.
taasina waxaa garanaya dadka caqliga u saaxiibka
ah.wixii aan ku gafo rabbi baan ka dalbanayaa inuu
iiga danbi dhaafo, wixii aan asiibana inuu ajar
iga siiyo aamiin.
sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX

Unrecorded Date
Salaama Caleekum:

Ani si cilmiyan ah ayaan u baaray arrinkan waqti hore waxaana aad u falaqeeyey buug lagu magacaabo "Sex and Islam" oo uu qoray nin jarmal ah oo soo islaamay magaciisana aan ka xasuusto kan hore oo uu la baxay Ahmed. Buugaas waan raadinayaa hadan helana waan idila qaybsan.

Buuggu wuxuu arinkan kusoo gabagabeeyey in afarta mad'habad oo islaamku sadex isku raacday in siigadu xaaraan tahay midda afraadna ay cambaaraysay laakiin ka gaabsatay kalimadda xaaraan waxayna sababo ka dhigatay dhibaatada aad kor ku shegtay iyo ayadoo aayad ama xadiith si dirito ah siigada uga hadlaya ayan jirin.

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Salaaman Dhammaan
Akhrista Suuradda Tabaarak. Ilaahay wuxuu noo sheegayaa sida ay ku haboon tahay in nafta lagu dhawro. Ogow in kacsigu ba'an yahay oo indhaha, dhagaha iyo jirkoo dhan laga kacsado. Si aad isu dhawrtid naftaadana aakhiriyo adduun u badbaadisid
walaal GUURSO. Mar haddi Ilaahay caafimaad ku siiyay oo sida aad sheegay Mahad Ilaahay Joogto Heedhe Guurso. Seegadu waa xaaraan oo ka mid ma aha inta Ilaahay fasaxay. Xitaa Kiristaanka ayaa xaarintimeeyay. War heedheh anaa wax kuu sheegiye in Ilaahay ceebtaada asturo Guurso gabadh Soomaaliyeed oo kuu dhaq kula dhaqanta.

Samir oo indhaahaga iyo dhahaaga ilaalso inta ka horaysa. Waxaad u eg tahay qof diinta yaqaan saad guur iyo soonba waad sheegtay. Waxaa ku haray JIHAAD aad naf iyo shaydaan la gasho inta gacaliso qalbiga kuu qaboojisa Ilaahay kuu sahlayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaan dhamaan.

To dhibane iyo inta falkaa xaraanta samaysa:

Walaal waa xaraan in la seegaystaa, Aaqirona waxaad arki gacanta aad isticmaasho ama (shaygii) oo uurleh waayo waxaas aad meesha cidlada ku daadinayso waxaa laga yaabi lahaa Awlaad baari ah inuu Ilaah kaaga dhigi lahaa, Walaal shaydaaka Alle wuxuu yiri waa cadogiina ee iska ilaaliya Hadaba maxaad naftaada ugu ogolaatay in shaydaanka uu hogaanka kuu qabto.

Waxaan jeclaystay sida sharafta leh ee aad su'aasha u waydiisay iyadoo ka muuqata dhibka kaa haya xili fiican baad dhibkaa garatay waayo goortay naftu tabardhacdo (sakaraad) noqoto ama dhimato wax qabsi ma laahaateen shaydaankiina guushiisa waa uu gaariyaa waayo waxuu oo doonayaa qof ku wehliya (la gala) NAARTA.

MA maqashay aayada shaydaanka uu markuu ogaaday ciribtiisa danbe inay tahay Naar waarta uu Alle ugu dhaartay in uusan asna Umada (adoomada) uu u ogaalan inay caabudaan Alle wanagna falaan ee uu leexsan doono kuli Markaas baa Eebe ku yiri leexso intii ku raacda oo kula mid ah Leexinse kari maysid mid Alle yaqaan ah ee dhowrsada caabudid badan. Marka walaalow cadwogaan maxaad ula doontay naftada wadadiisa xun ee kaa marin habaaninaysa caabudida Eebe.

runti qofku markuu waxaad samaysay ama (danbi oo dhan) ku kaco waxaa madoobaata qaluubtiisa sida ahaydba xadiis qalbiga waa miraayad oo kale waxaa nadiifiya cibaadada Alle wanaaga, qofkii samyn intaas ee danbi ku dhex jiraa waa madoobaan madoobaan si tartiib ah ka dibna wada dabooli madoow wasaq ah qofkasina waxaa uu noqon qalbigiisa sida dhagax oo kale wax galaya iyo wax ka baxaya midna ma jirayaan ee qoraalkaga waxaa ka muuqata qof Cabsi Alle ku danbeeysa inaad tahay ee intaan shaydaan iyo wasaq qalbiga kaa daboolin ka har xaaranta Toobad keen Alle u noqo. Alle waa Naxariis badane danbi dhaaf badan. Ciqaabtiisuna aad u daran.

Guurso ku dadaal sidaad ku guursan lahayd waayo guurku waxaa uu yiri Rasuulka waa Iimanka barkiis qofku u kaamil yeelahayo iimaankiisa. Hadaad awoodin waqtigaan isaga ah, FIIRI sidaa Alle inoogu fududeeyey diinta waxaa lagu yiri SOON isgaa kaa kala dhimaya shahwada badan waayo qofku markuu sooman yahay cabsi Alle baa xanaarsan.

Caawin yar sidaad uga badbaadi lahayd arintaadan.

1. Guurso
2. Soon.
3. Aadida masjidka badi.
4. meesha aad ku sameeyso falka xaaranta ka guur.
5. Hadaad kaligaa dagan tahay, dad kale (saaxiibo, qaraabo, iwm) la dag si aad u keli yoobin.
6. Hadaad school ku jirto shaqo ku darso si waqtigaa aad ugu dhameeyso aqrin iyo shaqo.
7. Hadaad hal shaqo ku jirto, in mudo ah labo ka dhigo si aad waqtiga ugu qaadato, markaad imaadana adaaba daalan.
8. Iska goo' waxyaalaha kuu saa'idinaya Hamiga galmada. sida aad sheegtay Tv.ga iwm.
10. Ha aadin meelaha haweenka caariyaadka ee qaaqaawan u badan yihiin.
11. Hadaay dhacdo aad la kulanto Haween damacaas kuugu beeraysa Ka JEEDSO ishana ha ku xadin. mardanbana ha dhugan waayo waa SHAYDAANE, wax xun kuu horseedaysa.
13. Haday ku badan tahay waxyaalaha kuu keenaya damaacaas oo aad ka dhowrsan karin ka haajir oo tag meela ay ku yar yihiin si aad naftaada uga badbaadiso xaaraan iyo CIQAAB ALLE.
14. saaxiibo rag kula ah yeelo la qaado waqtiga sida maqaxaydaha lagu sheekaysto SOOMALIDA U BADAN YIHIIN.
15. Quraanka aqriskiisa badso, adigoo micnihiisana raacaya.
16. waxaad tagtaa qabuuraha si naftaada ay u aragto meesha ay gali doonto goortu Alle idmo.
17. haday suurto gal tahay ama aad haleesho qof sakarad ah booqo dhimasho ka dibna qabriga u raac si aad u aragto qof ewel wax walba qabsan jiray maantana tagay wax ka horeeyana uu yahay waxaa uu gaystay oo QURA.
19. Eeebe talo saaro, qofkii Eebe talo saarta wax ma waayayo.
20. sabar wax walboo kuugu yimaada.
21. fikir markaad seegaysato oo shaydaankii kaa raayo inuu qosol meel la fadhiyo adigana danbigaas meel kuu yaal.
22. Markaad meeshaas aad ku samaynayso xaaranta kali ku tahay ka fekir In EEBE KOR AHAAYE KU ARKO, SHAME TO YOURSELF ka xishoo Rabi, EEBEHA ku abuuray waa inaad ka xishootaa.
23. Meesha aad caadaysatay inaad waxaas ku sameeyso, waxaad soo dhigataa ayaadaha quraanka, waxaad far waawayn ku qortaa WAXAA AAD SAMAYNAYSO WAA XAARAAAN, NAFTAADAN DACIIFKA AH HADAAD KA ADKAAN WAYDO EEBE KU AABUURAY KA XIISHOON WAYDO WAXUU KU FARAY EE WANAAG RAACI WAYDO, NAFTAYAHAY SAMEEY WAXAAD DOONTO UNA DIYAAR GAROW CARO ALLE IYO CIQAAB DARAN AAQIRO, ADUUNA DHIB IYO WELWEL IYO NAXIIRTII ALLE OO KAA GUURTAY U DIYAAR GAROW.
24.waani naftaada mar waliba u sheeg oo daji in aad guursan doonto mar dhow, intaa kaaga hadhayna aad farjigaaga ka adkaato si EEbe nicmadiisa aad ku hesho. waayo Eebe wuxuu yiri WAANAAG ABAALKIISU MIYUUSAN WANAAG AHAYN? (waa suratul Al-Raxmaan ayada nabarkeeda ma xasuusto) hadaad wanaag ku da'daasho Eebe wanaag buu kuugu abaal marin siduu yiri.
25. sidoo kale xumaan kuu falaa naar bay ciribtiisu ahaan.

Ma joojin karo qoraalka waayo waxaa ciil iga hayaa Shaydaankan rabo inuu walaalkeen dhibane meel xun u danbeeysiiyo waayo Asagaa meel xun u danbeeye (shaydaanka) hada intaan baan ku joojin ee fadlan da'aal Oo Allahaaga ka baq.

pagekaan waan ka xishooday magacayga kuma soo qori kare, waaxaan se waajib ah in wanaaga la isugu yeero oo laiskugu dardaarmo I hope inaan ka soo baxay kaalintii walaaltinimo (islaanimo) walow cilmigaygu aad u yar yahay wanaaguse haduu yar ayahay ma la yareeysto.
boobsiis baan ku qorayee hadaad xarfo ka booday oo aad garan waydo dib ii waydii, mahadsanid.
Walaashaa oo kaa naxaysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHIBANE

Unrecorded Date
Asalaamu Aleykum Waraxmatulaah...WALAALAYAAL..

GAZAAKUMALAAHU KHEYRAN..Walaalaheyga sida Wanaagsan iigu nasteexeeyey...ALLA YA KHALIIKUM..

Walaahi..waxaad sheegeysaan waan fahamsanahay wax walbana MArxaladda aan ku jro ayaa iga keentay inaan SUaashaan idiin weydiiyo..Waana qaatay waanooyinka iyo caqlicelinta aad ii hurteen ..

Inkastoo qaarkiin uu ii arkay qof QIYAALI ku jiro..laakiin arinkeyga aad buu ii murugo geliyey..XALKEEDNA waan ku jiraa INSHAA ALLAAH..

Waxaan rajeynayaa hadii ay jiraan more comments inaan laga daalin waayo Aad baan u aqristaa waanadiina WEHELNA wey ii tahay..

ANONX...saaxiib waan jeclaan lahaa inaad BUUGAA ii soo raadiso aniga waan raadinaa INSHAA ALLAH..

Walaahi..ma aqaano sida aan idinku mahadnaqo..Laakiin waajibkiin ayaad guteen waa waxaan DHABCAN aniga sameyn lahaa..sida walaasheen Anonymous sheegtay..
Runtii Arintaa baaris dheer ayaanku sameeye weli na FAANOOLE FARI KAMA QODNA..anigana ma ihi qof raadinaaya inuu XALAALEYSTO ee waxaan rabaa inaan more information ISLAAM AHAAN AND CILMI AHAANba..

Once again JAZAAKUMALAAHU KHEYRAN ..
Wasalaamu Caleykum

Walaakiin DHIBANE..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum Waraxma

Ku: Cidey Quseeso,

Walaal Diiniyan, mas aladaan waa mas'alo khilaafi ah. Culimada qaar ayaa xaaraam yiraahda iyagoo daliishanayaa Ayaadaan " Aladiina fii furuujihim xaafidoon, ilaa calaa aswaajihim awmaamalakad eymaanuhum,,,). Ayaadaan waxey sififeyneysaa qofka mu'minka ahi, marka Waxey leedhay, kuwa xifdiya Xubinta tarankooda oo aan kaliya u ogolaada iney ku isticmaalaan Xaasaskooda ama kuwey gacantooda mulkidey.

Marka culimadu waxey leeyihiin, Xubinta taranka looma isticamaali karro labadaas shey midaan ahayn.

Qaar kale oo culimada kamid ah waxaa igu maqaalo ah iney yiraahaan, maadaama qofka looga baqayo inuu Sinno kudhaco, dhibmalaha inuu siigeysto. oo waxey isticmaalayaan Qaacido layiraahdo, Akhufu Darareyn! oo Culimada Suuulku ey dejiyeen oo Qaacido muhiim ah ah.

Marka waxey ila tahay, hadii uu qofku kacabsanayo inuu kudhaco sinno, waxaa lagama maarmaan ah inuu guursado, maxaa yeelay Guurkii ayaa Waajib kunoqonaya qofkaas, Ooo Culimada oo dhan waxey yiraahdaan qofkii sinno looga baqayo inuu layimaado waxaa waajib ku ah inuu guursadu! oo waxey daliishanayaan Xadiithkii caanka ahaa oo dhahaayey " yaa macshara shabaabi manistadaaca minkum Albaa'ta falyatasawaj...).

Aniga personall opinionkeyga macada oo Labadaas qolo midna ilaa iyo hada midna ma aanan raacin laakiin hade If you want to be safe, then I would advice you to subscribe the first methodology which states that Wankering" if such word exists" is Prohibited according to Islam.

Alaah Diinta Hanabaro.

Alaah baa mahadleh.

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu alaikum,

Ku; Simaaciil

Siigada waxaa cariga saxiixa ah lagu yiraahdaa Al istimnaa, laakiin caadatu siriya waa term cusub. T

Tankale waxaan akhii kuweydiiyey, Ibnu Xazam xakeebuu arinkaas kusheegey, makitaabkiisa layiraahdo Almaxalaa bil Athar ayuu kusheegey, if yes, please would you please let me know wich volume, Jazakalahu kheyraa!.

Alaah baa mahad leh

Salamu alaikum

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
KU DR WHO: WALAAL WUXUU KULEEYAHAY KITAABKIISA AL-MAXALI LAAKIIN MAXASUUSTO MAJALADA IYO SAFXADABA, WAXAA KALOO JIRTA WALAAL IN IBNU TAYMIYA YIRAAHDO HADAL KAA U EG FATAAWIHIISA MAJALADA TODOBAAD EE UU IIMAANKA UGA HADLO LAAKIIN ISAGU WUXUU YIRAAHDAA LIL CILAAJ WAANA MEEL AAD U AYAR OO SIDA LOO HELAA ADGTAHAY MAXAA YEELAY MA AHAN MAWDUUCEEDI MEESHA UU UGA HADLAY SIDAA WAA WAX MUDRAJ OO KALE AH LAAKIIN WAXAAD FIIRISAA AL-XALAAL WALXAARAAM ISAGA AYAA KUU CALINYA.

WALAAL LAAKIIN WAXAAD OGAATAA INTUBA SHAAD AYAY KU NOQDEEN IJMAACUL UMAHNA WAY KU QILAAFEEN SIDAA DARTEED WAA IN UU AGTAADA YAALA MIISAAN AAD WAX KU RAJIXI KARTO, WAXAAD KALOO DHAGAYSATAA CAJILDII UU DUUBAY SH.SALMAAN CAWDAH EE LADHOHO JALSATU RASIIF
AAD AYUU UGAGA HADLAA.

UGU DANBAYNTII WALAAL ALLAAH HANAGU RIZAAQO CILMI NAAFIC AH AAMIIN

WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonym

Unrecorded Date
To: jalle dhibane: walaal suaashadan waxay ku fiicneyd takhtarka maskaxda inaad ula tagto; waayo dadka ku waaninaya ma weydiisay in iyaga ay seegeystaan? war munaafiqnimada aad dadka kula dhexwareegeysaan meesha kala taga; maadaama dad 100% muslim ah aan nahay meeshaan ay soo booqdaan caruur iyo dumar, suaashaada meeshan waa lagaga fiican yahay; haddii kale munaafiqnimada iska dhaafa diyaar u noqda in laga hadlo nooc kasta wasmada ku saabsan anigoo faahfaahineen.
wasalaamu aleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.
akhuukum Mustafa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHIBANE

Unrecorded Date
Asalaamu ALeykum Waraxmatulaah...

Walaalayaal mahadsanidiin..WAA WALAALKIIN DHIBANE...runtii waxaan ahay qof sida aan horey idinku soo sheegay DHIBAATEYSAN..WALAAHI..waa iga dhab..waxa aan arintaan meeshaan ugu soo qorayna waxey aheyd inaan qalbigeyga ku qaboojiyo digniinta iyo waanada si markaas aan Awood ugu helo inaan MAFTEYDA la jihaado...

Waxaanse ku farxsanahay ALXAMDULIAAH in WAANADIINA ay wax weyn igu kordhisay oo ay XQIIQDII i BARAARUJISAY..waxaan hadda bilaabay inaan ku fekaro sidii aan ku guursan lahaa ASAP...Inshaa Allah..inkastoo aysan sahlaneyn siddii lagu heli lahaa Miss Wright..qoftii aan noloshadeyda ku AAMINI lahaa ...DHBCAN waa fahmi kartiin..
II SOO DUCEEYA ...Idinkana Waan adiin duceeyey inuu Ilaah KHEYR iyo Wanaag idn waafajiyo..Abaalna idinka siiyo WANAADA IYO CAQLI CELINTA..
JAZAAKALAAHU KHEYRAN...I SALUTE YOUR Bro/Sis
Ma aqaano sidaan idinku mahadceliyo..
Laakiin waxaa igu ledihiin inaan idinka CASUUMO Xafladda Arooskeyga Isnhaa ALaah...

Mahadsanidiin..waa walaakiin DHIBANE..oo idin leh

Wasalaamu Aleykum Waraxmatulaah...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu alaykum

say usheegen walaalahay ismaiil iyo ragii kalaba badanaaba waxa keenaysa sii gaysashada allah kacabsi la'aan inta badan dhalinyarada ayaa samaysa ayagoo usamaynaya fun iyo raaxaysi waxayna leedahay dhib wayn kasakow haaramnimadeeda waxaa kudaciifaya indhaha ilaa hadaadan iska dayn ad waxba arki waa yaysid biyaha oo marak aad kacsatid iska imanayaa controol la'aan marka ilaahay hakuu fudeeyo intaan jirkkaga indhaaga uusan daciifin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.