site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QIMAARKU XIJAAB MA YAHAY MISE MAAHA??????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QIMAARKU XIJAAB MA YAHAY MISE MAAHA??????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM DHAMAAN AKHYAARTA.

WAA MAWDUUC KA SOO GUURAY QAYB KALE OO MURAN BADANI KA TAAGAN YAHAY,MACNUHUNA WAXAA WEEYE QIMAARKU XIJAAB MA YAHAY MISE SHAQO KUMA LEH.
ANIGU WAXAAN QABAA INUUSAN XIJAAB AHAYN SHAQONA KU LAHAYN, WAXAANA DALIIL U HAYSTAA IN LAGA WAAYAY DHAMAAN SHARUUDIHII JILBAABKA.
SHARUUDAHA JILBAABKA WAXA KA MIDA.
1- INUU DHAMAANBA JIRKA KA RAARACO (QIMAARKUNA MADAXA KALIYA AYUU KU KOOBAN YAHAY)
2-INUSAN MARO QURUXSAN AHAYN (QIMAARKUNA WAA KALARO BADANE KU SOO JIITA)
3-INAAN QAAB DHISMEEDKA QOFTA DUMARKA LA ARAG (QIMAARKUNA QAABKEEDA MA QARIN KARO OO WAA MARO YAR OO MADAXA KU KOOBAN, WAX WALBA OO LALA XIRTANA ISAGII MAAHA EE WAA MARO KALE, ASAGU MADAXA UUN BUU KU KOOBAN YAHAY)
4- INAAN MARADA JILBAABKA WAX RIIXA KA SOO URIN,(INTA BADAN KUWA QIMAARKA XIRTA MARKAY DUGA KAA MARANA WAXAY QIMARADOODA SOO MARIYAN CADAR ILAA GABAR ILAHAY U NAXARIISTAY MOOYE)
INTAAS IYO SHARUUDO KALOO BADAN BUU LEEYAHAY OO WALAALAHAY KU DARI DOONAN HADII RABI IDMO.
WAXAANSE ANIGU KU SOO GABAGABAYNAYAA FARQIGA WEYN EE U DHAXEEYA XIJAABKA IYO QIMAARKA QOF WALBA WUU ARKI KARAA, WAXAADNA KUBA GARANAYSAA FARQIGA JIRA GABADHA MARKAY XIJAAB WADATO XATAA GAALADA WAXAY U ARKAAN QOF DHARKII ISLAAMKA SIDATA BALSE MARKAY QIMAAR WADATO GARBAHEEDA IYO QAARKEEDA DANBE HALKAA KA MUUQDANA QOF WALBA WAXUU U ARKAA XOOGA FASHION AH OO AAN NUXURKII ISLAAMKA HUWANAYN.
UGU DANBAYNTII IGA RAALI AHAADA HADALKA WAN DHEEREEYAY WAXAANA JIRA WALAALO AAN CHANNEL KALE ISKALA NIMID OO ARINTAN ISKU DABO SOCONO.
WAA WALAALKIIN MASKIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
www.usc.edu/dept/msa/humanrelations/womeninislam/whatishijab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamantiin.
Salaan kadib walaalayaal dodaan maskiin shegaayo ayaan ku dhaxjiray oo waa aniga qofkii ay is af faxmi wayeen. Ee walalayaal nakalabaxsha aniga iyo asaga. Wuxuu meel halkaan lafadhiyaa qamaar xijaab magalo oo waa nothing, anigana waan ka so horjedaa, because wax jiro ayuu leyahay majiro.

Qamaarka waa galaa xijaab ayaan qabaa, sababtoo ah wuxuu asturaa a big part of the body which is the head, qorta and dhagaha. Sida aan ognahay qamaar magaro jablbaabka oo asturo korka oo idil, lakinse still waa xijaab. Hadii ay gabadha xirato dhar aan ku dhaganayn korkeeda mise mujinaynin her body organs qamaarna kor kaxirato walalayaal gabadhaas ma'asturantahay mise maya? Siduu Alle nafaray Gabadha waa in ay asturtaa madaxeeda ilaa iyo qorteeda, gacmeheeda waxaan ka'aheen faraheeda, waxaa u banaan kaliya in ay dabolin wajiga iyo faraha inta kale dhan waa ka mamnuuc, hadii gabadha saas sameyso qamaarna xirato somaliyee gabadhaas ma'asturantahay mise may, so ma eyn sameyn wuxuu Alle faray? Aniga waxaan qabaa jalbaab kaliya asturaad mise xijaab magalo, because there are other things la isku asturi karo, such as waxa jiro dharar badan oo laisku asturo cabayad or shuko, gabasar wayn oo qafiif aan aheen, xijaab, and etc as long as the girl covers her body organs, midii Alle ka baqaysana way sameeni, marka somaliyee maxaad kaledahay saas? For example sucudiga dumarkooda oo idil waxey isku xijabaan shuko or cabayad wayna asturanjihiin meelwalbo aad ka firisid qabarna kor way ka xiranyihiin. sucudiga oo aad wadagaraneysiin in ay ku ad adagyihiin dhinaca diinta ee somaliyee dumarkaas jalbaab ma sitaan wana asturnyihiin maxa kaledahay? asturnantood hal bacal lagulisay miyaa mise wax ayaa ka jiro?

Walaalkeen Maskiin wuxuu ila soo taganyahay qamaar xijaab ma'galo. Haduusan galin maxey gabdho badan oo muslimiin ah ay isku asturaan qamaar, ma xarago oo kale ayee u xirtaan mise please the others mise Alle kacabsi dartiis? Walaalayaal gabar qamaar sidata iyo mid madax qawan teebaa asturn? i believe a baby could tell which one aa asturan. Maskiin wuxuu leyahay oo kale gabadhii qamaar sidata waxey soo marisaa catar mise way so carfisaa, Jalbaableyda arinkaas kuma ka caan. Aniga waxaan qabaa not all qamaarley do that, because midii og in laxarantimeyay in ay gabadha isa soo carfiso dabadeedna dibada u sobaxdo saas sameyn mayso ee maxaad kaleydihiin saas somaliyee?

Somaliyee Aniga iyo walaalkeen Maskiin nakala baxsha waan isku dalnee.

Maskiin waa i kana hee aan aragno wax walaladeen nadhahaan. Wacalaykumu salaam waa iga intaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO:FALIS
SALAAMU CALAYKUM UKHTIL MUSLIM
walaal adiga horta ma waxaad ka soo hor jeedaa jalbaabka mise??
mida xigta waxaad sheegtay in dood wayni idan dhax martay (maskiin) kuna saabsan xijaabka
1)waxaad ku doodaysid waa inaad horta cilmi u'leedahay una haysatid xadiis saxiixa iyo aayad quraana ee waalaga fiican yahay inaad tiraahdo gabdho badan oo muslimiina ayaa qaadata qamaarka
xijaabka na waa sidaad sheegtaye waa inuu dhamaan jirka gabadha muslimada dabooli karaa uusana ahaan mid gacmaheeda iyo barideeda aan la suuraysan karin, taasi haday dhacdana waad garan kartaa inuusan qamaar ahayn mid dabooli kara ama qarin kara intaan soo shegay
waayo gabadhu markay qamaar qabto waala dareemi karaa gabadhaas waxay tahay magro" o' garoso buuran ama caato ah,
shukadaa kuu soo hartay waa shay jilicsan!
sifaha jalbaabka kuma jirto
jalbaabku waa inuu ahaadaa(utan jileec ama midaan jilicsanayn, waxaan sheeq (ibnu m/xamad ka maqlay dadka shuko xijaab moodaayo ama u'isticmaala jalbaab ahaan waxay u'dhawdahay in alle ku gubo, waayo ma'aha kamana mid aha amaradii alle
guntiinadaa kuu soohartay!
guntiinada waxaan iswaydiis lahayn markay qabaan dumarkeena soomaaliyeed in baridooda la suuray san karo inay yar tahay iyo inkale
dabcan waxaad halkaa ka garan kartaa inaysan ahayn ama u'dhigmin jalbaabkuu alle nafaray
warka dhan isku soo duuboo
jalbaab waa maro adag waasacna ah qurxanayn
udgoonayn
faah faahintiisa oo dheeraada hadaad rabtana waad heli kartaa
fadlan hadaan kugu xadgudbay ama aan meel kaaga dhacay iska kay cafi raalina iga ahoow
walaashaa
deeqo
degana
sweden DEEQO2HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
WALAASHAY DEEQO JASAAKA LAAHU KHAYR,ALAHA MIISANKAGA XASANAADKA KUUGU DARO.
TO:FALIS.
WALAAL WAANADA QAADO, KUNA SOO BIIR GABDHAHA JILBAABKA QAATO OO AMARKII ALAH ADEECAY,WAXBA TARI MAAYO MURAN IYO ISKU XIIQ,WAXAAN RAJAYNAYA GABADHII UGU HORAYSAY OO NAGU SOO BIIRTAY WALAASHEEN DEEQO INAY KAA JAAHIL BIXISAY,WAXAAN KALOO FILAYA IN DOODEENU WAX KALA FAA'IIDAYSI NOQOTO EE AYSAN NOQON MIDI MIDI KU TAAG, HADII XAALKU KUU CADAADO OO AAD KU QANACDO WAXII WALAALAHAA KUU SHEEGEEN WAXAAN KAA RAJAYNAYAA INAAD JILBAAB XIRATO.
WAA WALAALKA MISKIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum dhammaan:

Markaan akhriyey dooda dhexmartey miskiin iyo falis waxaan ka fahmey qoraaladooda sidatan.
MISKIIN: wuxuu rumeysanyahay jilbaabku inuu yahay lebiska keliya ee dumarka la rabo iney ku lebistaan una noqon kara xijaab.
FALIS: waxey qabtaa in jalbaabka oo keliya uu noqon karin lebiska dumarka la rabo iney ku lebistaan ee u noqon kara xijaab.

Awalan waxaan wada ogsoonahay in xijaabku yahay waajib si cad laysugu faray Quraanka iyo Sunada,lagana rabo dumarka muslimka ah in lebistaan dhar dabooli kara jirkooda,ayna u lebistaan sida Allaha awooda leh raaligelineysa.

Intaas ka dib hadaan usoo noqda dooda.
Falis anigu kuguma raacsani fikradaada sababtoo ah waxaa jira sharuudo loo baahan yahay inuu yeesho lebiska haweenka muslimka ah.

Sharuudahaasna oo lagala soo baxayo ayado ku jira quraanka sida ayada suurada AL-AHZAB"Nabiyoow ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka muminiinta isku deda shukadiina taasoo idinku dhaw in la idin aqoonsado oon leydin dhibine,Eebana waa dambi dhaafe naxariiste ah"(AL-AHZAB 59).

Sharuudaha laga rabo inuu yeesho lebiska haweenka muslimka ah waa kuwa uu miskiin inoo sheegay sida.

1)Dharku waa inuu daboolaa dhamaan jirka waxaan filayaa jalaabiibku inuu buuxinaayo shardigan.

2)Dharka ay haweentu ku xijaabaneysu waa inuusan noqon mid soo jiidanaaya fiirada raga,sida in aan laga fahmin bilicsamida muuqaalka qofka dumarka.

3)Dharka xijaabku waa inuu noqdaa mid adag oo laga arki karin haweenka jirkooda.

4)Dharka xijaabku waa inuu hoos u raaracsanyahay oo uusan jirka ku dhegeneyn ama holof uu ku yahay.

Intaas aan soo sheegay waxa khilaafsan ma filayo anigu inuu yahay labiska haweenta muslimka ah laakiin waa soo dhoweynayaa qofkastoo cilmi nagu soo kordhiya.

Maca Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalamu calykum dhamaan
First walalayaal ifahma where I’m coming from qamaar kaliya wax ma’asturo sida aan wada ognahay, lakin hadii ay gabadha laxirato dhar aan mujinayn korkeed aana qafiifaheen iskuna asturta siduu Alle faray deyqaay madiidi in ay qoftaas asturantahay. I’m not talking about kuwa laxiranayo gono kudhagan mise surwaal no no I’m talking kuwa sida sharciga sheygayo isku asturay ubanaan wajigood iyo farahood kaliya I believe gabadhaas way asturantahay. Deeqo jalbaab kama soo horjeedo waxana amisanahay waa dharka ugu wanagsan when it comes to xijab, but jalbaab kaliya laiskuma asturo ayaan qabaa wayo hadii ay gabadha xirato dharculus aan sosareeynin korkeeda iyo melaha aad wada sheygteen I believe gabadhaas waa mid muslimad oo asturan wajibkeedana ka sobaxday. Mida kale mid qamaar sidata dhar asturana sidata iyo mid madax qawan oo dhar aan korkeeda astureynin wadata tebaa asturan somaliyee? People qamaar inkastoo jalbaab u dhaweeyn lakin waa in aad sisaan credit wayo qeybdhan ayuu asturaa. Qamaar waa qidco yar aan ka badneeyn madax kaliya balse hadii lalaxirto dhar asturan wugalaa xijaab ayaan qabaa.

Deeqo shuko jileecwaye sida aad sheygtay lakin wugalaa asturaad walalay saas u ogow. Wayo hadii aad dhar kale hoos ka xiratid shukana xiratid waad asturantahay ee jilecnimad ha kuliidin, siba wax wanagsan tan madow.
Wacalaykumu salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salaamacalaykum;

Falis adiga iyo Miskiin waxaad tiri ina kala baxsha oo waxaad idinkoo xijaabka ka hadlaya hadana si wax ahaadeen Markaa siduu nabiga yiriba (scw) sunda iyo kitaabka u noqda hadaad wax arini ku murantaan.

Falis walaal qoraalkaaga sidaa aan ka fahmayee waa sidaas haday gabadhu asturan tahay xijaabkeeduna yahay sida islaamiga ah waa ay xijaaban tahay waxay doonto ha isku xijaabtee, Go'a sariirta (firaashka) haday huwato xitaa.

Sidaa walaaladeena sheegeen haaduu xijaabku yahay kii islaamiga. Jilaabiibtana waxaa ay kulansatay sharuudihii laga rabay xijaabka ama buxin lahaa xijaabka markaa sidaa buu ugu horeyaa xijaab ahaan.

Markaa adiga suurayso haduu shayga aad xiranayso kulansado 7da sharuud ee hoos ku qoran inuu kuu noqonayo xijaabkii la rabay waxuu doono ha ahaado ama go',shuko, qimaar, jilbaab, iwm.

1. Waa inuu ahaadaa dharka ay isku xijaabayso mid qaraya jirkeeda oo dhan, laga reebo labada gacmood iyo wajiga.
2. Waa inuu noqdaa dharka ay isku xijaabayso mid aan qafiif ahayn oo jirkeeda laga dhex arkayn, (mana aha inay isku kalifto dhar wayn oo aysan xamili karin adayg iyo waynin dheeraad ah noqdo)
3. Waa inuu ahaadaa dharka ay isku xijaabayso mid aan ku dhaganayn jirkeeda soo saarayn, (inuusan dhab ku ahayn oo la suuraysan karin sizeka jirkeeda)
4. waa inuusan noqon dharka ay iksu xijaabayso mid u eg dharka raga, (xirtaan)
5. Waa inuusan noqon dharka ay isku xijaabayso mid aad u midabo badan qurxoon oo soo jiidasho leh sida dharka dhaldhalaka leh. (qurxda looma diidana dharkaa ee waxaa loola jeedaa dharka aad u qurxda daran, laakin way ku haboon tahay dhar nadiif ah oo fiican inay xirato gabadha muslimada)
6. Waa inusan noqon dharkaa ay xiranayso mid shabaha ama u eg dharka ay xirtaan gabdhaha gaalada.
7.Waa inuusan noqon dharka ay isku xijaabayso mid gaar ah sida, (kibir iyo faan inay tahay dharkaa gaarka ah xirashadiisa oo aan gabdhaha kale musliimta la xirnay isla markaa ay iska gooni yeelayso si ay ugu faanto isala wayni dheeraad ahna u soo jiidayo dharkaa, sida dharka qaaliga ah adoo xirato si aad uga muuqato gabdhaha kale dhexdooda kaligaa iwm.)

Markaa waxaan filayaa inaad oogsoon tahay sharuudahaan sidaan qoraalkaaga ka fahmayba.Intaan sharuud haduu dharkaasi la yimaado waa xijaab waxuu doono ha noqodo dharkugye.

In dharkaa barafuun ama catar wax udgoon aysan yeelana waa lagama maarmaan haday dibada la soo aadayso.


Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
SULEEQA SAGAARO AFKAAGA CAANO LAGU QABAY, BAL CAR WALASHAY FALIS HA KUGU RAACDO, OO XIJABKA SHARCIGA HA XIRATO, KOLAY XUJADII LAGU OOGYE!!!
WASALAMA CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IIDI

Unrecorded Date
TO;AKHYAATRTA GOLAHA KU XAAJOONAYSA
WALAALAYAAL XIJAABKU WUXUU LEEYAHAY SHURUUDOAHA WALAALAHEY AY KOR KU XUSEEN MARO ALLA MARADII LAGA HELO SHURUUDAHAASNA WAA XIJAAB MARADII LAGA WAAYANA MA AHA XIJAAB.

TO:FALIS
MARKA ABAAYO FALIS QAMAARKU MA KULANSAN SHURUUDAHA XIJAABKA SIDAA DARAADEED MA AHA XIJAAB RAGANIMADANA WAXAA KA MID AH INAAD QALADKAAGA QAADATO EE KU RAAC WALAALAHAA FIKRADA AY QABAAN

DHAMMAAN WAAD MAHADSANTIHIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu aLaikum;

Ku: Falis

Alaah wuxuu yiri: Fa intanaasactum fiisheyin faruduuhu ilalaahe warasuulihi....)

MAcnaha aayadu waa "Hadii aad shey isku qabsataan oo aad siku afgaranweydaan, waxaad sheygaan u celisaan Alaah iyo Rasullkiisa NNKH). Marka Dadka Muslimiinta ah waxaa looga baahan yahay iney hadey arin isku qilaafaan ey arinkaas ubandhigaan Quraanka kariinka ah iyo Sunnada Sharfata leh.

Hadaba Hadii xaalku saas yahay oo arinkii la siku afgan waayoba loo bandhigaayo Kitaabka iyo sunnada, waxaa halkaas kabaxaaya Arinka ah " ANIGA WAXEY IILA MUUQATAA AMA EY ILATAHAY", maxaa yeeley adigu rasull matihi.

Hadaba Nabigu wuxuu xadiith saxiixa oo uu saxiixiyey Sheekh Albaani uu kuleeyahay: AL MAr'atu kulahaa cawra ilaa wajhaha wakafeyhaa, macnaha xadiithku waa Qofka dumarka ahi waa cawro kuligeed wajigeeda iyo gacmaheeda " Gumudka calaacasha iyo faraheeda uu kuyaalo, Dhudhunka iyo inta kale masoo hoos galayaan" marka laga reebo.

Waliba waxey Culimadu isku Qilaafaan Wajigu Cawro miyaa mise maaha?, arinkaas golaheedii majoogno hada.

Nabiga NNKH wuxuu xadiith saxiixa kuleeyahay, Al culamaa'u Hum Warathatul Ambiyaa....! Macnaha xadiithkani wuxuu yahay, Culimadu waa dadka dhaxley NABiyada. Xadiithkan waxaa laga faa'iideysanayaa in Culimadu ey muhiim kadhextahay Mujtamaca islaamiga ah, oo ey utaagan yihiin booskii ambiyada. Alaah wuxuu yiri, Fas'aluu ahlu dikri inkum laataclamuun " Waxeydaan garaneyn weydiiya dadka Cilmiga leh".


Hadaba Culimadu Shuruudaha Xijaabka waxey kuyaalaan Kitaabada Culimad ee Fiqiga ah, Qimaarka waa layaqaaney oo waxaa laga qoos xiran jirey Jilbaabka rasmiga ah.

Shuruudahaas wax kamid ah oo muhiim ah waxaa sheegey Ninka layiraahdo Miskiin.

Walaal Faliseey, waxaad Akhridaa kitaabka layiraahdo " Xijaabo Almar'a Almuslima" oo uu qorey Sheeekh Maxamed Nasrudiin Al-baani. Waxaad kitaabkaas kaheli doontaa Macluumaad aadan haatan heynin, maxaa yeeley waxaad kudoodeysaa inuu Qimaarku yahay Xijaab. Shaki waxaanu kujirin inuu asturaayo Madaxa iyo timaha oo kamid ah jirka, oo gabadha xirani ey Boqol jeer dhaanto tan madaxa qaawan. laakiin taas macnaheedu maaha in Qimaarku uu yahay Xijaab Kaamil ah.

Waxaan rajeynayaa inaad kitaabkaad raadsatid oo uu Allah kugu anfaco Diinta kuqoran.

Waslamu alaikum Warxma

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
TO: FALIS
SALAAMU CALAYKUM
walaa shukada noo ceed ola jeedaa ma tan carabta xirato ee madow mise tan toob ka camalka ah
ee diruucda soomaalida ka hoos qaadato??
haday tan carabta xitato tahay
walaal taa culimo badan ayaa waxay ku sheegeen inaysan xijaab ahayn
nisbadii xijaabkana aysan shaqo ku lahayn
tankale ee soo maalidu istic maasho
ayadu waaba qayrul xijaab
salaamu calaukum


deeqo2@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum dhamantiin
Walaaladay hadii aan soo kobo hadalkeyga sida dadka badankiis ay isku raceen in usan qamaar xijaab galin, waa idinku racay balse wali mid ayaa ii tagan sidii aan horey u shegay hadii ay gabadha larxirato dhar aan horkeed aan mujineynin gabadhaas way asturantahay qamaarkana qayb dhan ayuu ka qabaa asturadaas. Sida dadbadan yirahadeen Jalbaab un xijaab magalo as long as ay gabadha dharka ay isku astureyso uu ley yahy sharuudihii ay sheygeyn walaladay.

Suleeqa sagaaro
I agree with you sis, I think qof ka kaliya oo ifahmay waa adiga. Walaal 7 istaamo aad soshegtay waa mid aan ogahay waxaan umalenayaa in aad qoralkayga ka aragtay, wana ku mahadsantahay for remanding me. Walalay waan kugu racsanahay in la isku asturi karo dharkasto as long as gabadha ay asturantahay completely without showing her body organs. Tani waa tii aan ka dhadhicin wayay Maskiin, wuxuu qabaa Jalbaab un ayaa la isku asturaa, which is of course not true.

Maskiin walaashay suleeqa ayaan ku racsanahay wax ay ladahay ee iska dhaaf qash qashaadka. Koley aniga always waxaan racaa waxa sherciga qabo. But still waxaan amisanahay waa laisku xijaabikaraa dharkasto as long as ay gabdha xijabantahay.qamaarkana wugalaa xijaab hadii ay gabadha la xirato dhar asturan oo aan mujinaynin korkeeda leh na sharudaha ay sheygeen walalaheen.

Deeqo ya ukhti muslima fahamiini shukada aan sheygayo ma’aha mida carabta ay u badan yihiin ee ay isku asturaan waa midakale oo adag. Ugula ma jedo kuwa diraca hoosta ka soxiranaayo, dabadeedna xiranaayo shukada furan ee jilicsan.

Waa iga intaas wacalaykumu Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULLAHI

Unrecorded Date
ABDULLHI
WAXAAN HALKAAN KASALAAMAYAA DHAMAAN MUSLIMIINTA
SALAAN KADIB. WAXAA LA ISWAYDIIYAY QIMAAR MAXIJAABAA.WAXAY ANIGA ILATAHAY SIDII UU ALE NOO SHEEGAY OO AHAYD GABDHUHU HAA ASTUREEN KORKOODA
HADII AY QAATAAN JILBAAB AMA DHARKALE MARBA HADII
AAN LOOJEEDIN KORKOODA TAASI WAA MID JILBAABAN WAXAAN KAWAAD DHIB MALAHA WIXII AY KU ASTURTO
WAXAASE MIHIIM AH ASTURKA
SULEEQO IYO DEEQO LABADUBA WAA SAXAN YIHIIN INTAAS
IYO NABAD GALYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.Walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaantiin.Walaalayaal anigu waxaan idin leeyahay waa mustaxiil inaad isku fahamtaan machinkan waana wax waaqici ah.Anigu waxaan leeyahay raga ku doodaaya Jalbaabka un ayaa asturaad ah waa saxsanyihiin laakiin walaalayaal eray bixintu waa cajiib kii saxaabadii iyo kani ma iswaafaqsanyihii?:Waxaa soo aroortaymarkii xijaabku soodagay inay subaxdii imaanayeen iygoo ku duuduuban go,yaal taasi waxay kuugu daliil tahay isdilaaxu waa isku mid laakiin waxaa laga yaabaa inay habka iyo kayfiyadaba isku khilaassanaayeen marka anigu waxaan leeyahay wixii laga helo shuruudaha xijaabka oo dhan ayaa xijaaba go, ha ahaado maro kale ha ahado sida uu shariifku muxaadaraadkiisa ku sharxi jiray.

Falis abaayo runtii waxaan ahaa ninkii bilaabay mawduucan hadaad xasuusatid waxaana ku leeyahay aad ayay u fiicnaan lahayd hadaad waxaad qabtid markaad soo bandhigaysid aad si cilmi diiniya aad usoo bandhigtit khimaarku haduu yahay kan aan garbaha dhaafayn u malayn maayo inuu xijaab yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIINKA

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
TO:NABADOON.
WAR NABADOON MA ADAA BILAABAY MISE ANIGA??WAXAAN FILAYA KAN MAAHE MID KALAAD BILAWDAY SAAXIIB.

TO: FALIS.

WALAAL CAZIIZA WAAYADAN WAN KA MAQNA MEESHE II WARAN, WALI MA QANACDAY OO XIJAABKII MA XIRATAY?? QIMAARKII MA TUURTAY?? WADAAD MA NOQOTAY??

TO: ALL BRO&SIS.
XIJAABKII MA FAHANTEEN?? QIMAARKU WAX AAN RAAD LAHAYN INUU YAHAY MA ARAGTEEN??
WA BILAAHI TAWFIIQ. WASALAAMU LAAHI CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salanmaryo

Unrecorded Date
MISKIINKA, SEEF-LABODNIMADA JOOJI!
DUMARKA SOOMAALIYEED WAXA AY DOONAAN
AYEEY XIRAN.ADIGU XIL LAGAAMA SAARIN
INAAD KUQASABTID JILBAAB INAY XIDHAAN
IYO IN KALE. GOONA,GARBASAAR,GUNTIINO
KHIMAAR,DIRAC,IWM OO AY ISKU QURXIN
KARAN HAA QAATEEN."MR.MASKIIN you are
not the creater so shut up you poor
dictator of women".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
To:Salanmaryo.

Bismilahiye magacagaba adag, adigu ma shaydaan baad tahay, isgaa waswaasin badine. waxaan ka hadlay aayad ilaahaye ma anigaa wax qasba(OGOW KAN LA ADEECAYO ANI MAAHA EE WAA ALAAH)
ina adeer salanmaryoy adigu ma kuwa la qaatay oo dhaqanka iyo diinta ka tagaad ku jirtaa??? hadalkaagu si buu u sirgaxsan yahaye hadaad cayaarayso dee wax lagu kaftama jiree diinta alah kaftan ma gasho, haday aqoontadu intaa tahayna dee dadka wax garanaya waydii, hadii uu shaydaan kuu qurxiyay oo aad ka xanaaqday gabdhaha walaalahay ah oo aan xijaabka ku qalqaalinayo nolashooda danbe (AAKHIRO) ee runta inay wanaagsanato aan rabana dee shaydaanka iska didi geedku waa cadowe.
Gabogabadii mar danbe ha soo qorin waxaan shiilayn
GARBASAAR, DIRAC, GOONO & GUNTIINADII DHINACA QAAR KA MUUQDAY ILAAHAY UMADA WAA KA KORIYAY, QIMAARKA FASHIONKAANA ALAAH GABDHAHAYAGA WAA KA MASAXI KARAA.
WA BILAAHI TOWFIIQ, HADAAD SOO QORAYSO CILMI KU SOO QOR HADII KALE AAMUS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warda

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum somaliyee
To: Maskiin waley maskiin matihid munaafaqna ka ma dheerid. Horta sidee u dhihi kartaa Falis Qamaarka tuur? Ma ogsotahay in ay dabi kugu tahay? Imisa jeer ayee kugu wacdinaysay qamaarka xijaab wagalaa hadii ay gabadha u qadato dhar asturn hadii aysan u qadanin magalo. Maskiin ku sheygyahoow dhaaf waxa aad wadid ee dib iskugu laabo anaga hanoo gula imaan waxa gardheera yasha idinku wacdiyaan. Sidii Falis & suleeqo sagaaro yirahdeen gabadha waxa aydoonto ayee isku asturi karta hadii aysan mujinaynin korkeeda.

Aqristayasha
Aleylahey wax ayaa Ii dhafay wayadaan wamaqnayee. Qamaar, qamaar, qamaar xijaab wagalaa sida aad dontaan u qaata. Hadii ay gabadha asturato korkeeda kale qamaarna kula qadato gabadhaas 100% way asturantahay. Ee iska dhaafa waxa aad maskaxda gashateen "jalbaab un ayaa asturaad galo" wrong 100%. Mida kale gabadha qamaarka sidata ma ogtihiin in ay ka asturntahay kuwa madaxa feedan 100%. Warjiro mogooyin ayaad tihiin siiya qamaarleeda credit ee seef labodayaal ha noqonina. Qurbaha la jogo tii qamaar qadato ayaa sokor ah. 75% of them kuwa qurbaha joga way qawanyihiin ee tasna xisaabta kudara.

To: Falis macaney, walashiis, sokorey, gacalis miyaan kugu cidlayay meesha sorry 100% I was busy. Walashiis maskiin ku sheyga warkiis dhag ha udhigin you right 100% ee sidaada ahoow hana tuurin qimaarka. Runtii gabadh sidaada oo kale u hadleeyso kana dhigayso her point clear way yaryihiin ee yee ku qalbi jabin kuwan. Waxaan u maleen gardherayashii iyo idha shareera yashii oo jalbaabka sitay ayaa ku soo hurgufay qurafaadkooda. EE Kir dheh.

To: Salanmaryo Lol@@@@@@@@@@@@ walaal waleey maskiin runta ayaa ku tuurtay.
Wacalaykumu salaam somaliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warda

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum somaliyee
To: Maskiin waley maskiin matihid munaafaqna ka ma dheerid. Horta sidee u dhihi kartaa Falis Qamaarka tuur? Ma ogsotahay in ay dabi kugu tahay? Imisa jeer ayee kugu wacdinaysay qamaarka xijaab wagalaa hadii ay gabadha u qadato dhar asturn hadii aysan u qadanin magalo. Maskiin ku sheygyahoow dhaaf waxa aad wadid ee dib iskugu laabo anaga hanoo gula imaan waxa gardheera yasha idinku wacdiyaan. Sidii Falis & suleeqo sagaaro yirahdeen gabadha waxa aydoonto ayee isku asturi karta hadii aysan mujinaynin korkeeda.

Aqristayasha
Aleylahey wax ayaa Ii dhafay wayadaan wamaqnayee. Qamaar, qamaar, qamaar xijaab wagalaa sida aad dontaan u qaata. Hadii ay gabadha asturato korkeeda kale qamaarna kula qadato gabadhaas 100% way asturantahay. Ee iska dhaafa waxa aad maskaxda gashateen "jalbaab un ayaa asturaad galo" wrong 100%. Mida kale gabadha qamaarka sidata ma ogtihiin in ay ka asturntahay kuwa madaxa feedan 100%. Warjiro mogooyin ayaad tihiin siiya qamaarleeda credit ee seef labodayaal ha noqonina. Qurbaha la jogo tii qamaar qadato ayaa sokor ah. 75% of them kuwa qurbaha joga way qawanyihiin ee tasna xisaabta kudara.

To: Falis macaney, walashiis, sokorey, gacalis miyaan kugu cidlayay meesha sorry 100% I was busy. Walashiis maskiin ku sheyga warkiis dhag ha udhigin you right 100% ee sidaada ahoow hana tuurin qimaarka. Runtii gabadh sidaada oo kale u hadleeyso kana dhigayso her point clear way yaryihiin ee yee ku qalbi jabin kuwan. Waxaan u maleen gardherayashii iyo idha shareera yashii oo jalbaabka sitay ayaa ku soo hurgufay qurafaadkooda. EE Kir dheh.

To: Salanmaryo Lol@@@@@@@@@@@@ walaal waleey maskiin runta ayaa ku tuurtay.
Wacalaykumu salaam somaliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum walaal warda meeshaan cilmi ayaa lays dhaafsanayay ee maxaad lasoo shirtagatay ma hadal kaliya!!!.Walaal kafiirso hadaladaada miskiin matihid munaafqna kaama dheera xukun ayaad riday oo aad walaalkaa ku tilmaantay MUNAAQFAQNIMO WALCIYAADUBILAAH. WALAAL WARDA ALLAAH U TOOBAD KEEN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To: Warda.
Marka koowaad walaal WARDA shaydaanka iska naar soo dhawaw tartiib u hadal meesha dhib ma jiro,fudaydka isika daa, waxbaa la kala faa'iidaysanayaa cid dirirsan iyo cid wax isu qabta ma leh.
Mida labaad hadaladaada waxaa ka muuqata oo laga dareemi karaa aqoontaaada & caqligaaga,SIDA WAA KUWII GARARKA DHEERA IWM, taasna sadex qolo oo kaliya baa ku hadla QOF duraaya diinta islaamka iyo ehelkeeda ama gaal ha ahaado ama islaam ha sheegto oo gaala raac ha ahaade, iyo QOF jaahil oo aan ogayn xuduuda waxii ilaahay soo dajiyay, QOFKA sadexaad waa gabar ama wiil dhalinyaraa oo aan wax badan ogayn diintana lagu tarbiyayn dadkoo wax leh buu maqlay waana iska yiri. waana tan ugu danbaysa taan kuu filaayo.
Hadaba walaashayda qaaliga ahey waxaan kugu baraarujinayaa marka hore garka dheer waxaa lahaa NABIGA SCW. ee ka toobad keen caydaad u gaysatay. mida xigta walaalahaga aad internetka isku barateen ha caayin ee wax ka faa'iidayso. ugu danbayntii waxaad aniga ii gaysato oo aflagaado ah waa cafis why see baan dad wax ugu sheegayaa hadaanan dulqaad lahayn.
TALO IYO GUNAANADNA WAXUU IGA YAHAY QOF WALBA WAXAA ALAAH HORTIISA LA KEENAYAA ISAGOO KALIGIIS AH,NOLASHA ADUUNKUNA WAA GAABAN TAHAY DAD BADAN OO AAD TAQAANAY WAY TAGEEN KUWA HADA JOOGANA WAY SOCDAAN OO ADIGU KU JIRTO SAFARKUNA WAA DHEER YAHAY SAHAYDUNA WAA YAR TAHAY,MARKAA INTAAD WALAAL KALIGAA MEEL FARIISATO FEKER OO FEKER WAX ISKU CELCELI, SOONA SAAR NATIIJADA OO AH IN AAD ILAAHAY WANAAG KULA KULANTO, HADEERNA ADEECDO XIJAABKUNA WAXUU KA MID YAHAY WAXYAABAHA ILAAHAY KAA DOONAYO HADAAD QOF DUMARA TAHAY.
BOGAANA WAX CILMI AH KU SOO QOR SIDA UU WALAAL NABADOON KUU SHEEGAY HADII KALE QOF IN WAX LOO SHEEGO RABA NOQO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum somaliyee
Walaladay somaliyeed iga gudooma salaanta aan ku xusay hore oo ah mida ay isku salamaan muslimiinta.

To: Maskiin walaalkiis waxaad u egtahay nin donayo in uu ibadalo completely balse waxaan ku oran hadii aad ogaan laheed the way I dress saas ma aadan oran laheen. Yaa Akhi muslim waan xijabanahay how many times do I have to tell u that. Yes qamaar waan sitaa balse ma ihi mid ah asturaad u eg. Sidii aan horey u sheegay many times hadii ay inanta xirato dhar asturan oo aan korkeeda mujinaynin qamaarna kula xirato, iyadoo cover gareeysay korkeeda oo idil waxaan ka aheeyn faraheeda iyo wajigeeda, walaalkaygiyo way asturantahy inantaas. Ma'aha qasab in ay is carfiso dabadeedna dibada u soo baxdo hadii ay xirneen Jalbaab. Sidii dad badan sheygeen Jalbaab un xijaab ma galo oo wax yabo badan ayaa la isku asturaa as long as ay gabadha raacdo sharudaha xijaabka tasoo ay sheygeen walaladeen. I know 100% igu ma racsanid balse aniga saas ayaan qabaa. Do'dayna na waxey aheed mid wanaagsan walaalkiis.

To: Warda walaalay marka ugu horeyso Shaydhaan ka iska naar 3 jeer dabadeedna is qabooji. Wamaxay af lagadadaan & cayda aad la timid golahayaga? Sidii Nabadoon & Maskiin yirahdeen golahaan dagaal majiro ee wax ayaa lakala fa'idaysan. Hadii aad donaysid in aad fikradaada dhibatid u dheebo si sharaf leh oo wafaqsan diinteena iyo dhaqankeena. Walaalay waad sii danbaabtay un waxna kuma fa'idin ogow taas. In kastoo aad qaldantay waan kugu racsanahay in qamaarleyda la siiyo credit. Siduu Walaalkaa maskiin yiri kuwa aad ku tilmaantay gardherayaal iyo indhashareer yasha oo shuba qurafaad, adiga maxaad shubaysaa ma wax diinta wafaqsantahay mise Danbi ay shubaan kuwa jahilka ah iyo galada? Walaalay dadkaas xaqa ayee ku wacdiyaan tasoo wafaqsan diinta yada ee ha ku danbaabin. Waxaan u maleen in aad u bahantahy first in aad ka jahil baxdid waxa aad ka fahansantahay dadkaas.
waa iga intaas Wacalaykumu Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warda

Unrecorded Date
Somaliyee Salaan.
TO: Maskiin, Nabadoon & Falis Wixii aan ku sheygayay maskiin ayaad latimaadeen Nabadoon & Falis maxawaaye sheydhaan iska naarka aad sheygeysaan aniga wax meesha ku jiro ayaan sheygay. Hadii aad iga xumaanteen mise dhibsateen hadalkeyga iga raali noqda. Lakinse waxaad ogataan in ey meesha ku jirto sababta aad isku bixiseen 3 magacyo heersaro ah "Maskiin" ma run ayuu maskiin u yahay mise ………..! "Nabadoon" waley nabad ma doonin……………….! "Falis" ma falistay, mise waxaad ka falistay Jalbaabka oo kugu wacdinaayo maskiin………….!

Mida kale abowaya sheydiyow & walashaydiye aniga waxa aan u maleynaayay ayaan iri ee istartiibsha. Waxaa soo hare oo aad ka wada kul'lateen gardherayaal & indhashareer yaal waa runtay waxeey iska dhigaan kuwo xaqa ku wacdiyo lakinse maaha. Falis hadaad u maleysid in aan jahil ka'ahay waley been ayaad ku sheygtay waxaan u aqanaa kore iyo hoose waxa ay yihiin. Maskiin wax sheegid kaama rabo ee kir. Tii kutiri kaalay geedkayga leef ayaa kugu sugtay!!!!!!!!!!!!!!!!!!. Iska dhaafa qurafaadka aad wadaan ee aan ka wada hadalno Qamaarkan. Sidii aan hore u sheegay. Hadaan idiin gaysaty dhibaato iska kay cafiya. Fikrada aan ka khabo qamaarka horay ayaan u sheygay.
Jaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaawwwww.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoo

Unrecorded Date
To:walaalkay miskiin ha ujawaabin qofkaan laaxwla walaa quwati ilaa bilaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum:

Nabadoo:
Walaal waa saad u sheegtey ka Aamusid
waxey ku dhaanto ma jirto qoftaan oo kale,
Anigoo waxey hore u soo Qortey khaati ka taagan
Ayey waxey ku xejisey mid kii hore i kharso dhahaya.

Maxaan hade suubinaa?
waxaa jira dad ku nacsiinaya somaliNet
Hadey ogaan lahaayeen maalmaha ama
Saacadaha aan ka maqnahay sidaan ugu soo
Hiloobo, waxaan filaya in ay
Sidaan ka roonaan lahaayeen.

Maca Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.

To: Falis.
Abaayadiis waad mahadsantahay sida xushmada & qadarinta leh ee hadalkaagu ku socday ilaa aan aqoon is waydaarsigeena bilawnay, waxaana filayaa inaan heli doono mowduuc kale,oo sidaas oo kale aan u kala faa'iidaysano. aragtida hada aan kaa qabona waa inaad ila qirsan tahay ama aadba tahay gabar xijaaban.balse aad jeceshahay dumarka qimaarka wata in la soo dhaweeyo,waana figrad wanaagsan.waxaana filayaa inaan hayo mowduucyo badan oo diini ah oo dhamaanteenba aan ka faa'iidaysan doono balse waxaan jeclahay inaad kan koowaad adigu bilawdo.

To: Dhamaan akhyaarta. sida NABADOON,MOH SAID,DEEQO,ABDULAHI &SULEQO SAGARO.
Waad ku mahadsantihiin sida qaymaha leh ee aad dood cilmiyeedkaan uga qayb qaadateen waxaana rajaynayaa in hadba aan furan doono barnaamij cilmiyeed diini ah,aana kala faa'iidaysan doonana.
WAXAAN HAYAA MOWDUUC AH GARKA OO LA XIIRO MAXAY DIINTU KA QABTAA??
Waxaana furayaa bal marka aan ogaado in falis mowduuc kale hayso iyo in kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamaantiin.
Walaalkiis ugu horeentii aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay sida sharaftaleh eey dodaynu noogu dhamaantay. Runtii waxey aheyd wax wayn oo aan ka faidaystay inkastoo horey wax igu bilabnayeen and its all thanks to u walaalkiis. Runtii wax lakala faidaysto waxaa ugu fican xag dinta waxaana rajenayaa in ay walaladayn kale naga kala faidaysteen. Hadii aan hadalkayga soo kobo dodayna aheed qamaarka waan kugu racay balse waxaan wali qabaa sidii aan horey u sheygay asturaad wugalaa but waxey ku xirantahay dharka ay gabadha u qaadato.

To:- All walaladay Deeqo, Suleeqo sagaaro, Mo_said, Iidi, Dr who, Abdullahi iyo Nabadoon waxaan idin leyahay waad mahadsantihiin sida sharaftaleh ee aan isku waydaarsanay fikradaheena iyo cilmigeena. Waxaana rajenayaa in aan markale saas isku waydaarsano cilmiga dhinaca diinta haduu Alle idmo waayo wax lakala waydaarsado waxaa ugu wanagsan uguna ajar badan cilmi dinayd.

Ninaca furintaanka moduuc cusob oo igu sharfay walaalkeen maskiin. Runtii way jiraan mooduucyo badan oo aan donayo in aan kala faidaysano sida maxey ka qabtaa diinteena in ay gabdhaha muslimiinta marsandaan Rinji iyo roseeto? Tasoo runtii gabdho muslimiin badan ay jahil ka yihiin kuna kacaan ficil kan. Maxey diinteena ka qabtaa Af lagadada, cayda iyo xanta? Iyo mooducyo badan ku saabsan dhinaca dumarka. Balse waxaan jaclaan lahaa in aan hada u dhaafo maskiin in uu furo mooduc cusub oo aan kala faidaysano si aan ugu baarandagi lahaa mooduca aan furi lahaa haduu Alle idmo. Intiina kale hadii aad heysaan mooduuc wanagsan oo kuligeen faiido noo leh u r welcome to open it.
Waa iga intaas wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
To: Maskiin qaybta kobaad adee ku socotaa sorry i forgot to write ur name on it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
TO:DHAMAAN WALAALADAY WALAALAYAAL WAAD WADA MAHADSANTIHIIN.
WAXAAN DHIHI LAHA FELIS HA INOO FURTO MAWDUUCA AY HAYSO,HADII KALE MISKIINSOODAA KLAY ANIGU GARMADAY BAAN AHAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
To: Falis.
Abaayadis aad & aad baa ugu mahadsan tahay sida aad mowduuca cusub iigu sharaftay.walow aan jeclaan lahaa in aad adigu mowduuc cusub furto.
To: DHAMAAN AKHYAARTA.
Waxaan jeclaan lahaa in aan inoo furo mowduuc ah (GUURKA DUMARKA BADAN ADIGU MIISAAN!!)
waxaana dood xoogaa u dhow ka akhriyay meel forumska ka mid ah balse asagoo mowduuc khaas ah waa kan ee aan lafa gurno si cilmi ah.
waxaan rajaynayaa sidii doodahii hore kolay in lakala fikrado duwanaan doono,balse marka danbe aan wax isku raaci doono.
waxaan nooga furay isla qaybtan ISLAM, marka FALISEY intuu socdo waa inaad mowduucagi ka soo baaran dagta, qofkii mowduuc xiisaleh oo cilmi ah hayana intuu mowduucani socdo waa inuu sii lafo guraa si markuu dhamaado kiisa loo galo.
AKHYAARTA AAD & AAD BAAD MARLABAAD U MAHADSAN TAHIIN WAJASAAKUMU-LAAHU KHAYRA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum
Waxaan aad ugu xumahay in aan ka soo qay galin dooda dhamaatay, wax qeemo leh oo na'anfaca wax haaya idinka ayaa laga arkay in this forums. Koley aniga waxaan ku racsanahay Falis & Suleeqo sagaaro fikradooda, mida kale waa in aan soo dhawaynaa gabdhaha qamaarka ha googan maxaa yelay iyaguba way asturan yihiin sidii falis tiri hadii dharkoda kale ay xiranyihiin uu asturanyahay wey xijaban yihiin. Mowduuc furitaanka waxaan dhihilahaa Falis hanoo furto, walashay muslimada ah waxaan ka mid ahay kuwa rinjiga iyo roseetada laga celin kari waayay, ee wax iga celiyo 100% tokadaan mahaysaa. Mida labaad abaayo maad ka hadashid Guditaanka iyadoo ah mid aan ka dhiganay wax ay diinta nafartay iyada oo aan aheeyn 100%. Maskiin mowduca aad furtay oo ah GUURKA DUMARKA BADAN ADIGU MIISAAN waa mowduuc fican yarabi Ilahay ceebta ha asturo! Waxaan dhihilahaa raga ayaa liita if you know what I mean ee dumarka maserkood been been u ma imaan!!!!!!!!!
Hee waan sii bibay see ya next time.Wacalaykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CRizaaq

Unrecorded Date
Falis has a valid point: Khimaar wuu noqodaa xijaab hadii shuruudaha kale ee xijaabka la sugo, sida jidhka intiisa kale oo la qariyo. Dib u akhri aayada suuratul nuur ku jirta una fiirso siday wax u sharxayso. Xijaab wuxuu noqonkaraa wax kasta oo la isku xijaabo, go, khimaar, buste, jilbaab, Garbasaar weyn oon khafiif aheyn iyo wixii la mida. It is narrow minded to thing the somali style of Xijaab is the only valid one, nor the cibaayad of the Arabs. I had this conversation with many other Shabaab, and i think people like Falis have the right thinking when it comes to this issue. no offense, but let go the cultural styles and accept others who use other forms of Xijaab be they Khimaar or else. Jazaakumalaahu Kheyra. Wa Salaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Asalamalaykum dhamaantiin.

Runtii waxaad ka hadasheen mawduuc qiima leh, siaad uxushmad badan jazakumulaahu-kheyr.

Waxan ahay gabar muslin ah baratay diinteeda,ilaa xad jecelna inay ku dhaqanto waxan xirtaa khimaar waxaana u arkaa inaan xijaabanahay.
waxa la isku khilaafsan yahay maaha shuruuda xijaabka ee waa waxyaabahan

1-qafiif(maxaa qafiif ah)
2waasac (ilaa xadkee)
Waxa kaloo jira hadalo aan qofkii ann xerta ahayn (jilbaab qaadan) gef ku ah sida kuwan

KUSOO BIIR GABDHAHA JIL BAABKA QAATAY EE AMARKII ALAH QAATAY????

QIMAARKII MA TUURTAY? JILBAABKII MA XIRATAY? WADAAD MA NAQATAY?

WAXA DOONEESEY IN GABDHAHA QIMAARKA XIRTA LA SOO DHAWEEYO??


Anaga amarkii ala ma qaadan miyaa??
wadaadnimada iyo soo dhaweynta maba u baahnine.
"man camila saalixan falinafsih waman asaa`a facalayhaa."
ma ilawsani "KUNTUM KHAYRA UMMATIN UKHRIJAT LINNAASI TA MURUUNA BIL MACRUUFI WATANHAWNA CANIL MUNKAR"
Laakiin waxaad moodaa dadkeena soomaalida ah hadaan isku si wax uarki wayno inay noo sahlantahay inaan qofka ku dhahno macallinka kakac meesha waxaaga wax kama jiraane.

Hal suaal ookale.
Gabdhaha walaalehey ah oojilbaabkaxirta(waa ku amaananyihiin 100%) maxay wax u baran waayeen
intaan anigu aqaan waxba ma bartaan qaar badan baana gabdho yaryar ah?????!!!!!!!!


Mar kale jazaakumulaahu khayraa
WASALAMALAYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.