site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOONKA BISHA RAMADAAN YAY KU WAAJIBAYSAA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Ramadan: SOONKA BISHA RAMADAAN YAY KU WAAJIBAYSAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Thursday, November 23, 2000 - 09:44 pm
Assalaamu calaykum
walaalayaal sida aad lasocotaan waxaa nagu soo food leh bisha barakeeysan ee ramadaanka ah marka waxaan jeclahay in aan kala ogaaano cidda ay ku waajibayso iyo cidda kale si annagoo aqoon u leh aan u soo dhaweeyno bisha ramadaan waa marti nagu soo socdee.
walaal soonka bisha ramadaan waxay ku waajibaysaa qof walba oo ku sifoobo sifooyinka soo socda, rag iyo dumarba ha ahaadaanee :-
1- (Al-islaam)waa inuu muslim ahaadaa.
2- (Al-tamyiiz)waa inuu ahaadaa qof kala sooci kara xumaan iyo wanaag.
3- (Al-baalig)waa inuu qaangaar ahaadaa.
4- (Al-muqiim)waa inuu magaalo joog ahaadaa.
afartaan sifooyin waa afarta sifo oo qofka hadii laga helo soonku waajib ku noqonnayso, hadii uu midkoodu uu maqan yahay soonka qofkaas waajib kuma aha.
idan waxaan u maleeynayaa in aan fahannay cidda ay ku waajibayso soonka bisha ramadaan,
walaalayaal ramadaanka waa bil barakaysan waa marti nagu soo food leh ee aan soo dhaweeyno oo barakadiisa aan ka reebano, barakadiisa waxaa kugu filan inta magac uu leeyahay halkaas bil (shahrul-mubaarak,shahrul-gufraan,shahrul-raxmah,shahrul-citqi,iwm)
nabigeena naxariista rabbi iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri(shahrun awwaluhuu raxmah, wa'owsaduhuu maqfirah, wa'aakhiruhuu citqun minan naar).
idan waa hal bil oo sanadii halmar timaada waxaa laga yaabaa in aan gaari wayno sanadii dambe ee aan ka faa'iidaysano sanadaan oo aan ka reebano barakadiisa iyo khayraadkiisa.wixii kordhin ah waa u furan yahay walaalahay in ay kusoo kordhiyaan.
intaas iyo nabad galyo
sadiqalqa@hotmail.com
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 24, 2000 - 03:43 am
Qofka wadan gaalo qaxooti ku ah soonka ma qaleyn karaa maadaama uu yahay qof masaafir ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, November 25, 2000 - 06:52 am
to: anonymous
assalaamu calaykum
walaal waad mahad san tahay sida wanaaga ah oo aad u soo bandhigatay dhibka kaa haya qurbaha, walaal soonka lama qalayn karo hadii aad wadankaasi degan tahay, marka aad qalaynayso waa marka aadan deganayn oo aad musaafir ku tahay .
walaal waad fahamtay ayaan u maleenayaa
wabillaahi al-towfiiq
wassalaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.