site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Islaamku Waa Nidaam Nolaleed

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Islaamku Waa Nidaam Nolaleed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, November 24, 2000 - 03:44 am
Asalaamu Calykum
*******ISLAAMKU WAA NIDAAM NOLOLEED(1)**********
Ilaahay markii uu abuuray bani aadmiga waxa uu u abuuray ujeedo,ujeedadaasina sida uu Alle ku sheegay Quraanka waxa weeye in Alle la caabudo.

Su'aaasha jirtaa ee in badan oo muslimiin ahana aanay fahmin waxa weeye maxaa ay tahay cibaadada Alle uu u abuuray Bani-Aadmiga.Cibaadada uu Alle u abuuray Baniaadmigu ma waxa weeye uun Salaad,Soon,Xaj iyo Zako mise intaa waa ay ka balaadhantahy.


Si aan jawaab ugu helo su'aashaa waxaa muhiim ah in aynu fahano dhawr arimood:

a)Waa in aynu qirno in Alle uu bani aadmiga abuuray, Allena keenay dhulka.

b)In aynu Qirno qiritaan dhaba ah in aynu ujeedo u joogno dhulaka.

c)In aynu qirno qiritaan dhab ah in aynu dhimanayno Ilaahayna Hortagayno,Oo la ina waydiinayo in ujeedadii la inoo abuuray aan soo gudanay iyo in kale.

Hadii aynu aad u fahano qodobadaa waxa inoo fududaanaysa in aan jawaab u helo su'aasha ah maxaa ay tahay cibaadadu?

Cibaadadu waxa weeye ujeedadii uu Alle Baniaadmiga u abuuray.Cibaadadu waa ujeedada aynu aduunka u joogno.Cibaadadu waa arinta marka aynu aakhiro tagno la ina waydiinayo in aan soo gudanay iyo in kale.

Cibaadadu waxa weeye in aynu nidaam ka dhigano nidaamka Alle.Cibaadadu waxa weeye in aynu ka dheeraano nidaam kasta oon ahayn nidaamka Alle.

Cibaadadu waa risaaladii(MESSAGE) nabiyada oo dhan marka laga soo bilaabo Aadam ilaa iyo Nabigeenii Muxamed(CSW).

Gabagabadii Cibaadadu ma aha uun salaad,Soon,Xaj,Iyo Zako laakiin macnaheedu waa uu ka balaadhanyahay sidaa aan kor kusheegnayba.
Cibaadadu waa hab nololeedka qofka muslimka ah la doonayo in uu naftiisa ku hogaamiyo.

Nasiib daro waxa ah in dadka muslimiinta ah intooda badan aanay sidaa u fahansanayn Micnaha ay leedahay Cibaadadu. Hadii Alle yidhaa marka soo socota waxaan eegi asbaabta keentay in macnaha sidaas ah ee cibaadadu uu dadka muslimiinta ah ka lumo.

Mahadsanidin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Sunday, November 26, 2000 - 04:20 am
Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakathu.

Jisaakalahu khayral jisaa ilaahay Sxw ha kaa abaal mariyo. Aboow sidaas noogu wad khayra hana naga caajisin. Ilaahay abaal marin taada haka dhigo jana´tul farsawsal aclaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Sunday, November 26, 2000 - 08:09 am
*********ISLAAMKU WAA NIDAAM NOLOLEED(2)*********
Nabi Maxamed(CSW)waxa uu dadka ugu yeedhay Islaam.
Islaamkaa oo micnihiisu ahaa in ay dadku Alle isu dhiibaan.Sida aad la socotaanba nabigu 13 sano ayuu diinta Islaamka ugu yeedhayay dadwaynihii ku dhaqnaa magaalada Maka. Inbadan oo ka mida dadka ku dhaqnaa magaalada Mecca ma aysan ajiibin
Nabiga sababtuna waxa weeye waxa ay aad u fahansanaayeen Micnaha Islaamka uu nabigu dadka ugu yeedhayo.Waxa ay ogaayeen Micnaha ay leedahay "LAA ILAAHA ILALAAH".Waxa ay ogaayeen in macnaheedu tahay hadii ay diinta Islaamaka soo galaan in ay u hogaansamayaan Alle oo ay ka tagayaan wixii ay Caabudayeen Alle sokadii.Waxa ay ogaayeen in noloshooda ay wax badani iska badalayaan.Waxa ay fahmsanaayeen in aanay noloshoodu sidii hore ku soconayn.Sidaa daraadeed in badan oo ka mida dadkii ku noolaa magaalada Makka waa ay ka hor yimaadeedn Nabigeenii.

Laakiin intii yarayd ee rumaysay Nabigeenii(CSW) waxa ay mudo yar gudeheed ku guulaysteen in ay Islaamka ku faafiyaan inta badan ee Jasiirada Carabta.Iska dhaaf in ay Islaamka ku fidiyaan Jasiirada Carabta ah oo qudha ee mudo yar waxa ay muslimiintu ka guulaysteen labadii boqortooyo ee markaa caalamka ugu waynaa(Boqortooyadii Roomanka iyo tii Beershiyaanka).Islaamku waxa uu ku fiday caalamaka badidiisa.Islaamku waxa uu gaadhay ilaa China. Islaaamku waxa uu ku fiday Africa inteeda badan.Muslimiinta awoodoodu waxa ay gaadhay Yurub oo ay mudo dheer ka talinayeen Spain iyo agagaarkeeda.

Islaamkaa sidaa u fidaya dadka gaalada ahi marna kama ayna raali ahayn.Mar kastana waxa ay isku dayayeen in ay ka hortagaan Islaamka.In badan ayay iska kaashadeen boqortooyootinkii ay gaaladu lahaayeen ee ka jiray Yurub in ay muslimiinta iyo Islaamka burburiyaan.Laakiin kama aanay guulaysan muslimiinta intii ay muslimiintu ku dhaqmayeen diintooda.Waxa kutubta taariikhda lagu soo wariyay in dagaal ka mida dagaalada la yidhaa Xuruubu Saliibiga(cross wars)ay muslimiintu qabteen boqorkii hogaaminayay ciidamada gaalada.Ninkaas oo la odhan jiray Lewis Todobaad.(LEWIS VII).Ninkaas markii la xidhay ayaa waxa uu is waydiiyay sababta ciidankiisa looga adkaaday.Waxa uu Lewis VII ogaa in ay muslimiinta ka ciidan fiicnaayeen ama la mid ahaayeen.Waxa uu ogaa in hubka ay haystaann aanu ka liidan kan ay haystaan muslimiintu,hadana waxa uu arkay in la jabiyay.Intii uu jeelaka muslimiinta ku xidhnaa waxa uu ogaaday ina aanay gaaladu muslimiinta ka adkaanayn inta ay muslimiintu ku dheganyihiin diintooda.Markii laga sii daayay jeelkii muslimiinta ee uu qowmkiisii ku noqday talo ayuu siiyay qowmkiisii. Taladiisu waxa ay ahayd in marka kale ee muslimiinta lala dagaalamayo aan lagula dagaalamin uun Hub iyo CIIDAN ee marka hore lagala dagaalamo xaga maskaxda.DADKIISI WAA AY QAATEEN TALADAA,Waxa aanay bilaabeen in ay muslimiinta kala dagaalamaan maskaxda.

Hadii Alle yidhaa marka soo socota ayaan eeegi doonaa dagaal maskexeedkaa lagu soo qaaday muslimiinta iyo sida uuu saameeyay maskaxda muslimiinta.

Mahadsanidin
Siciid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adoon ale

Monday, November 27, 2000 - 08:59 am
soomaaliyee so aal,hoorta ramadaan wanaaagsan
kadibna what if the place that you work is food market and they sale alchol and pork
does that mean ramadaan majiro
thankz all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 07:59 am
To Adoon Alle From Dadka Jecel

Ugu horrayn, ma'bannaana in aad ka shaqayso food market gada khamriga, iyo khaansiirka. Maxaa jira lacagta kaa soo galaysa ayaaba xaaraan ah walow aadan cunin cabinna khaansiir iyo khamri e.
Nabigu (s c w) wuxuu inoo sheegay in Allah uusan ka aqbalin soonka qof been ku dhaarta. Been oo xaaraan ahayd in la'isticmaalo in Allah uu lee yahay kama aqbalayo soonka qofkii sheega, maxaad u malayni khamri iyo khaansiir uu Allah xarimay qofkii shaqadiisaba ay tahay! Micnuhu waxaa weeyaan, in lagaa aqbalo soonkaagii iskadaaye, dambi ayaa sidaa kuugu socda, ee siddii aad uga hortagi lahayd waddadeeda mar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAYNI

Tuesday, November 28, 2000 - 08:29 pm
ASWW
waxaan la yaabaa marka aan shay cusub oo koronto ku shaqeeya aan soo iibsano wa inaga eegna wuxuu gaalka soo saaray inoo sheegayee
maxaa kitaabka quraanka ee alle noogu sheegay sida adduunka loogu noolaado na garab marinaya?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.