site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Islaamku Waa Nidaam Nolaleed

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: Islaamku Waa Nidaam Nolaleed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Friday, November 24, 2000 - 03:53 am
Asalaamu Calykum
*******ISLAAMKU WAA NIDAAM NOLOLEED(1)**********
Ilaahay markii uu abuuray bani aadmiga waxa uu u abuuray ujeedo,ujeedadaasina sida uu Alle ku sheegay Quraanka waxa weeye in Alle la caabudo.

Su'aaasha jirtaa ee in badan oo muslimiin ahana aanay fahmin waxa weeye maxaa ay tahay cibaadada Alle uu u abuuray Bani-Aadmiga.Cibaadada uu Alle u abuuray Baniaadmigu ma waxa weeye uun Salaad,Soon,Xaj iyo Zako mise intaa waa ay ka balaadhantahy.


Si aan jawaab ugu helo su'aashaa waxaa muhiim ah in aynu fahano dhawr arimood:

a)Waa in aynu qirno in Alle uu bani aadmiga abuuray, Allena keenay dhulka.

b)In aynu Qirno qiritaan dhaba ah in aynu ujeedo u joogno dhulaka.

c)In aynu qirno qiritaan dhab ah in aynu dhimanayno Ilaahayna Hortagayno,Oo la ina waydiinayo in ujeedadii la inoo abuuray aan soo gudanay iyo in kale.

Hadii aynu aad u fahano qodobadaa waxa inoo fududaanaysa in aan jawaab u helo su'aasha ah maxaa ay tahay cibaadadu?

Cibaadadu waxa weeye ujeedadii uu Alle Baniaadmiga u abuuray.Cibaadadu waa ujeedada aynu aduunka u joogno.Cibaadadu waa arinta marka aynu aakhiro tagno la ina waydiinayo in aan soo gudanay iyo in kale.

Cibaadadu waxa weeye in aynu nidaam ka dhigano nidaamka Alle.Cibaadadu waxa weeye in aynu ka dheeraano nidaam kasta oon ahayn nidaamka Alle.

Cibaadadu waa risaaladii(MESSAGE) nabiyada oo dhan marka laga soo bilaabo Aadam ilaa iyo Nabigeenii Muxamed(CSW).

Gabagabadii Cibaadadu ma aha uun salaad,Soon,Xaj,Iyo Zako laakiin macnaheedu waa uu ka balaadhanyahay sidaa aan kor kusheegnayba.
Cibaadadu waa hab nololeedka qofka muslimka ah la doonayo in uu naftiisa ku hogaamiyo.

Nasiib daro waxa ah in dadka muslimiinta ah intooda badan aanay sidaa u fahansanayn Micnaha ay leedahay Cibaadadu. Hadii Alle yidhaa marka soo socota waxaan eegi asbaabta keentay in macnaha sidaas ah ee cibaadadu uu dadka muslimiinta ah ka lumo.

Mahadsanidin
Siciid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.