site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Islaamku waa NOLOL waa NOLOL dhamays tiran!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: Islaamku waa NOLOL waa NOLOL dhamays tiran!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn-Islaam

Friday, November 24, 2000 - 04:35 am
Assalaamu Calaykum

Waxaan Walaalaha SomaliNET uga mahad celin sida wanaagsan ee ay u qaybaha discussionka khaas ahaan qaybtan islaamka dib ugu habeeyeen oo qof walbi mawduuca ama topicga uu doonaayo si fudud u aadi karo.

Walaalayaal DIINTA Islaamka ee Allaah inoogu manno sheegtay waa diin dhamays tiran oo inaga hagaysa ama inagala talinaysa shay walba oo nolosheena ka mid ah, waxaase dayacay dadkeedii waxayna noqdeen Muslimiintu sida QOF maalqabeen bakhayl ah oo OOMITAADKIINA ama cuntadii ka xirantay oo barwaaqo nooc walba haysta laakiin ka qatan ama ka gaajaysan ehel qaraabo iyo dadkii oo dhanna aan u ogolayn isna ka dhimanaya, weliba isagu markuu dhintaa laga noolaadaa xoolihiisa.

Walaal Diintii qaaliga ahayd ALLAAHNA ku khatimay diimihiisa gacanta bay inoogu jirtaa, nasiib daro inana kuma dhaqano, dadkii rumayn lahaana inaga foolxumada iyo qaab darada inaga muuqata darteed bay uga carareen.

Walaahi waxaa dhacday in dad Muslimiintii ka mid ahi diintii Caayayaan ama waxaysan qabin ku sifeeyeen Gaaladiina difaacayso iyagoo leh you are not a muslim becouse Islam does not teach that.

Arimahaasi wax badan bay dhaceen qaar ka mid ahna gadaal baan ka soo qaadan doonaa haddii Allaha awooda sare lihi innoo saamaxo.

Yahuudii baa intay Islaamkii la yaabeen waxay yiraaheen Nebigiinu wax kasta ma idin barayaa markaas bay Saxaabadii Alle ha ka raali noqdee waxay ugu jawaabeen HAA! xittaa sida Musqusha loogu dhaqmo ama la isu nadiifiyo buu na baraa.

Wuxuuna Nebigu nabad gelyo iyo naxariis faro badani korkiisa ka ahaatee yiri waxan idiin ahay sidii Aabe iyo Hooyo oo kale waanna idiinka sii naxariis badanahay.

Walaalkiin
Ibn-Islaam
http://ibn-islaam.homepage.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ARDEY.

Saturday, November 25, 2000 - 01:51 am
Assalaamu caleykum.

Ibnu-islaam waan tegey pagekaaga waana very cool website. Waad na jeceshahay dad ahaan ilaahey haku jeclaado. Walaal wey yar tahay qof soomaali ah oo soomaalida jeceyl dhab ah u haya. Cadaawaddaa ka awood badisey xitaa eheludiinkii waa is neceb yahay. Waxaan xusuustaa waa wadaaka masaajidka jimacaha innoo tacliiqin jirey qudbada uu ilmeyn jirey sida uu u jecel yahay dadka iney xaqqa iyo wanaagga diinta qaataan. Hadda waxaa beddeley sheekhii kuwo aad ka nexeyso aqlaaqdooda markey wax sheega yiraahdaan. Masjidkaba iyo diinta haddii loo dhaafi lahaa soomaali wareerkeeda waan u dhaafi lahaa dhallinyarada qaar.

BARAARUJIN:

Qeybta martida wax ku qoraan ee websitekaaga hagaaji. Aniga waan ku wareerey isticmaalkeeda. Fududee haddaad awooddo isticmaalkeeda.

wassalaamu caleykum.

Walaalkaa fil islaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaliyah

Saturday, November 25, 2000 - 04:56 am
Asalamu Alaicum walaal all

Aad ugu bogey earyadaada qaliga ha ee aad halkan ku soo qortey jazaka alaha qeyran.waan isku dayey inaan bagaga fiirsho laakiin hada waan awoodi waayey

walaal waan ku dhidtootey aadida dugsiyada iyo la xiriirka walaalaheyga islaamka ah waayo sida walaalkey ardey sheegey yaan aad u dhibsadey. Insha Allah waan is badli doonaa.

wasalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, November 25, 2000 - 07:33 am
Assalaamu calaykum
walaalayaal sida walaalkeena ibni-islaam uu u sheegay diinteena islaamka waa diin dhameestiran oo kabkab u baahnayn allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri(maanta ayaan idin kaamiliyay diintiina) idan wax alaale wixii ay u baahdaan insaanka waxay ka heli karaan kitaabka alle iyo sunnaha nabiga s.c.w sidaas darteeda alle subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri(kitaabka dhexdiisa ugama tagin wax yar oo banii'aadamka ay u baahan karaan).
waxaan idinkaga sheekaynayaa qiso gaaban oo ku saabsan arintaan waxaa jiray labo wiil oo saaxiibo ahaayeen midna wuxuu ahaa dhalin yarada oo diin iyo dunyoba ku fiicnayn midka kalena wuxuu ahaa mid ku fiican diinta oo wuxuu ahaa qolada xerta ah maalin maalmaha ka mid ah ayay waxay isku qabsadeen wax alaale wixii aad u baahato waxaad ka helaysaa kitaabka qur'aanka wiilkii aan diinta ku fiicnayn ayaa wuxuu yiri hadii arintu sidaas tahay su'aal ayaan ku waydiinayaa kiilada baasto intee koombo biyo lagu kariyaa ee quraanka ha iisheego su'aashaas? wadaadkii baa kitaabka kala furay wuxuu arkay aayada orannaysay (dadka aqoonta u leh weydiiya idinka hadii aqoon u lahayn) wadaadkii baa islaan wadada iska maraysa ku yiri walaal waxaan ku waydiinayaa kiilada baasto imisa koombo biyo ayaa lagu kariyaa islaantii baa tiri intaas koombo biyo ayaa lagu kariyaa, wadaadkii baa saaxiibkiisa u sheegay jawaabta saaxiibkii baa asagoo inkiraaya ku yiri islaanta ayaa kuu sheegtay ma quraanka miyaa kuu sheegay wadaadkiibaa wuxuu yiri haa quraaanka ayaa ii sheegay oo qur'aanka baa wuxuu i yiri (dadka aqoonta u leh waydii hadii adigu aqoon u lahayn)
alle wuxuu yiri (qur'aanka kagama tagin wixii insaanka u baahdo) saaxiibkii baa sidaas ku qancay.
intaas iyo nabad galyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fos

Friday, December 01, 2000 - 12:15 pm
thanks all of you. waxaa amaan mudan Alahii
Abuuraya dunida oo dhan intaa kadiba. Ale ha
kaa abaalmariyo walaalkeyga qaaliga ah. iyo
walaalahayga siiyeye waqati ay ku aqriyaan
mowducaan. ee Ale ayadkiisa halkan kuma soo
koobikarno. Hadii aan isku dayo. wuxuu Ale weyne
yiri hadii bada lagu daro todobo badooda oo
geedaha aduunka jiro laga wada dhigo qaliman
Ale weyne kalimadiisa mida dhamaaneyso ma ahan.
wa jazaa kuma laaha qayr wa axsan jazaa.
waaaaaa walaashaa fila islam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Sunday, December 03, 2000 - 03:24 pm
walaalayaal ajir iyo xasanaad allaha idinka siiyo
asalaamu calaykum waraxmatullahi tacaallaa wabarakaatu

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.