site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sidee lagu heli karaa raali ahaansha Alle?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: Sidee lagu heli karaa raali ahaansha Alle?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kheyr Doon

Saturday, November 25, 2000 - 02:07 pm
Sidee baa lagu heli karaa ama lagu gaari karaa raali ahaansha Alle?
Ma isku dariiq baa loo mari karaa rag iyo dumarba?
Kee baa heysta dariiqa ugu sahlan, Dumarka, gabdhaha iyo haweenka la qabo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, November 25, 2000 - 07:40 pm
Kheyrka cid laga hor taagan yahay ma jirto, qof walba meeshuu is dhigo ayaa looga tagaa. Hal wado looma maro ee meelo badan ayaa loo mari karaa. Raggana waxaa kheyr ugu filan inay dumarkooda ula mucaamaloodaan sidii Alle sheegay oo ah macruuf dumarka waxaa u haboon inay ragooda ku adeecaan wax walba oo aan macsi laheyn, dhalinyaradana waxaa kheyrku ugu kooban yahay inay Waalidka u baari suubiyaan taas ayey ku heli karaan raali ahaanshaha ilaahey. Waxaan ku soo gabagabeynayaa qof walboow, MEESHII ALLE KAA REEBAY YAAN LAGUGU ARKIN, MEEL LAGU AMRAYNA YAAN LAGAA WAAYIN. Dardaarankaan ayaa nafteyda iyo tiinaba u dardaarmayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 30, 2000 - 09:04 am
Asaalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatu waxaan rabaa inaan weydiiyo walaalaheey cilmiga ilaaheey ku maneystay in ay iga jaahil bixiyaan suáashan.

waxaan heystaa taleefoon waxaan rabaa in aan ku badasho midkale oo keeyga ka qiimo baddan,qiimaha keygu la iigu qiimeyey 50$ kan aan rabana waa ilaa 100$ waana taleefoonka gacanta ee lagu iibiyo wadanka ka mid ah wadamaadda yurub, qiimahaasi maxey ka qabtaa diinta, haleyga soo jaahilbixiyo idinkoo mahadsan !!!
wasallamo caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KheyrDoon

Thursday, November 30, 2000 - 03:34 pm
Anonymous

Su'aashada sii sharax oo sheeg, badelka noociisa iyo cidda aad kala badalaneysaan waxey tahay, sida qof(waayeel, ciyaal) iyo aqoonta uu uleeyahay qiimaha telefoonka, Company, ...
Ma wax ribo ah baa, ku jirta?

Bedel toosa, oo labada dhinacba gaareen heshiis aan midna lagu dulmineyn(qayaaneyn), waa caadi.
Balse haddana waxaa fiican, waxii aad adiga iyo walaalkaa kala gadaneysaan in loo eego siday iskugu qalmaan ama ugu dhowyihiin kan suuqa markaas la joogo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 03, 2000 - 02:04 am
asalaamu caleykum suáasha haddii aan sii sharaxo waxaan ka badalanayaa dukaan lagu iibiyo taleefoonadda loo yaqaano nokia, anigu keygu waa nooca loo yaqaano NOKIA 5110 midka aan rabana waa NOKIA 3210 ama NOKIA 3310 oo labaddaba ah labo nooc oo ka banbeeyay kega.

sidaasi ayaan kuugu soo koobay ee ii soo jawaab saaxiibkeyga muslinka ahaw. wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabrakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kheyr Doon

Monday, December 04, 2000 - 03:52 pm
Marka arrintaadu waa bedel toos ah, oo la isdhaafsanayo laba telefoon oo isku magac ah, kalase qaalisan sida aad aaminsan tahay, adigu.
Waxaanad kala badalneysaan waa dukaan asaguba gada telefoonada, waliba wax ka gada noocyadaas.
Taas waxey natuseysaa in aan dukaanku ka indho la'eyn waxtarka iyo qiimaha telefoonadaas ee suuqa, waayo waa shaqadoodi oo cid walba waa uga aqoon roon yihiin. Waxaase laga yaabaa inay dhinacyo kale ka fiirinayaan, ee ogyihiin qiimahaas ama adiguba dhacan tahay, magaca kaliya lagaa gadayo.
Intaas oo dhan markaan ka fiirinno, waxey iila muuqataa in aan dhib kaa soo gaareyn isdhaafsigaas.

Allaase naga og runteeda!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luul

Monday, December 18, 2000 - 03:59 am
Please try to writte at least one of your letters in English so we can all understand what your saying,I am not saying my English is better or anything, and please do not be offended by this.

thanks to you all somali brothers/sisters

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.