site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Ramadan: Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Sunday, November 26, 2000 - 05:18 am
Bisha Ramadaan iyo Arrimaha Soonka

Soonku waa tiirka afaraad ee diinta islaamka,waana cibaado soo jireen ahatd oo ummadihii
horena samayn jiren oo waajib ku ahayd. Sidaa awgeed waxaan Walaalaha Soomaaliyeed
u soo gudbinaynaa qoraalkan koobaya dhinacyada arrimaha Soonka. Waxaana ugu hambal-
yeyneynaa Muslimiinta Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Macnaha Soonka :- Soonku waa ka istaagid ama joojin uu qofku iska taago ama iska
joojiyo waxkasta oo ALLAAH iyo Nebigiisu N.N.K.H. amreen in laga istaago.

Xukunka Soonka:- Soonku waa waajib saaran qofkasta oo muslim,Qangaara,Miyir qaba,
Isla markaana awoodi kara. Waxaan daliil u ah Aayada Quraanka ah oo ee oraneysa.
“Dadkii ALLAAH Rumeeyow! Waxaa la idinku waajibiyey Soonka sidii loogu waajibi-
yey Soonka sidii loogu waajibiyey ummadihii idinka horeeyey”.
Nebiguna N.N.K.H.wuxuu xaddiis saxiix ku yiri “Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir, in
la qiro ALLAAH mooyee in ALLE kale oo xaq lagu caabudo uusan jirin, Nebi Muxamed-
na yahay Rasuulkii Alle, Salaada oo la oogo,Zekada oo la bixiyo,Bisha Ramadaan oo la
Soomo iyo Xajka oo la guto.

Wanaagga Ramadaan:- Waxaa sugan in Rauulku N.N.K.H asxaabta ugu bishaareyn jirey
soo gelidda bisha Ramadaan.Saxaabiga ah Cubaada Bin Saamit wuxuu weriyey in Nebiga
N.N.K.H saxaabada ku yidhi “ Waxaa idiin yimi Ramadaan oo ah bil barako leh,ILAAH
wuxuu idiin huwiyaa kheyrkiisa,naxariista ayaa soo degta,dembiyada ayuu dhafaa,ducada ayuu aqbalaa, ILAAH wuxuu fiirshaa tartankiina bisha dhexdeeda,Malaa’igta ayuu RABBI
ku yidhaahdaa fiiriya camalka addoomahayga, ee marka ILAAHAY tusiyaa camalka khayr
ah, ka nasiib daran waa ka naxariista ILAAH ka qaaday”
Abu-Hureyra wuxuu weriyey in Nebigu N.N.K.H yidhi “ Qofka sooma Ramadaan isaga
oo rumeysan ILAAHAYNA ajir ka doonaya waxaa loo dhaafaa dembigiisa hore”
Weriyey Bukhaari & Muslim.
Abuu-Umaama wuxuu yidhi waxaan u imid Rasuulka N.N.K.H waxaana ku idhi Rasuul
ALLOW ii sheeg camal Jannada i geliyey wuxuu yidhiNebigu “Soonka ha sii deyn maxaa
yeelay wax la mid ihi ma jiro”. Wuxuuna yidhi mar labaad ayaan ku soo noqday hadana
Wuxuu igu yidhi “Soonka ha sii deyn” weriyey Axmed Nasaa’i iyo Xaakim.

Faa’iidada Soonka:-

1-ILAAH wuxuu yidhi Aayada micnaheedu yahay “Kuwa rumeeyow! Waxaa la idiinku
waajib yeelay Soonka sida loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey si aad ILAAHAY
ugu cabsataan”.Marka Soonka wuxuu inoo kordhiyaa cabsida EEBBE taasi waxay ku
imanaysaa markuu qofku maalin oo dhan af xidhnaado ILAAH dartii.
2-Qofka waxay bartaa sabirka,adkaysiga, go’aanyelashada,kontoroolida nafta waxaana
ka faa’iidaysan kara dadka jacel inay sigaarka iyo Qaadka iska dayaan.
3-Wuxuu beeraa dareenka ah isu naxariisashada wax-istarka iyo warqabka baahida
dadka kale.
4-Wuxuu wanaajiyaa caafimaadka jidka guud ahaan,waxaana uu nasiyaa shaqooyinka
ka socda xubnihiisa, gaar ahaan caloosha,jidhkana waxaa u suuro gala in uu iska saaro
qashinka dheraadka ah.

Ka Soomani arrimaha uu ku dadaalayo :-
1-Kol haddii Soonka loo jideeyey inuu ALLE ka cabsigeena kordhiyo,waa in la iska ilaal-
shaa afxumada iyo dambiyada kale si Soonku u tooso.Rasuulka wuxuu xaddiis ku yidhi.
“Ka aan ka tegahayn hadalka dembiga ah iyo ku dhaqankiisa ILAAH dan kama leh inuu
ka afxidhnaado cunto iyo cabidda”. Bukhaari & Muslim.
2-Waxaa sunno ah in la saxuurto saqbadhka ka dib,horena loo afuro markay qoraxda dhacdo
3-In la ducaysto marka la afurayo iyo maalin weynta uu qofka Sooman yahayba,Nebiguna
N.N.K.H. wuxuu sheegay in baryada laga aqbalo ka sooman.
4-Qur’aan akhris badan iyo sadaqo badan sidii Nebiguba N.N.K.H.yeeli jirey iyo weliba
afurinta cid sooman, si ajirkiisa oo kale u helo sidaa Nebigaa sheegay.
5-In aad loo cibaadeysto tobanka dambe ee bisha Ramadaan si uu qofka ula kulmo habeenka
Leyletulqadarka oo Qur’aanka sheegay inuu ka fadli badan yahay kun bilood.
Soonka waxa jabiya:-
1-Cunid,cabbid, iyo galmo dumar,intuba waa haddii loo kaso,sigaar cabbiduns iyana
way jebisaa soonka.
2-In caado dumar timaado, ama dhiig dhalmo.
3-In si u kas ah la isaga matajiyo.
Waxyaabo aan soonka Jebin.
1-Biyo la dhex galo ama la dabaasho.
2-Indhakuusha.
3-Istoob, iyo jidhka oo dhiig laga keeno.
4-Luq-luqasho iyo sandaarsi aan sanka hore loogu eryin biyaha.
5-Candhuuf liqid iyo cunto dhadhamin aan la liqin.
6-Ursasho cadar.
7-Janaabada haddii waagu kugu cadaado soonka waxba yeeli mayso,waxaa la mid ah
caadada ama dhiiga dhalmada oo habeenkii go’ay ilaa waagu cadaanayana la qubeysan.

Gebegabadii qofkasta Muslim ah waxaa looga baahan yahay inuu ku dadaalo cibaadada
Iyo kheyraadka oo dhan markastoo gaar ahaan bisha Ramadaan,waxaa R ABBI ka baryey-
Naa inuu na waafajiyo kheyraadka badan ee bisha Ramadaanka lee dahay.
“AMIIN”

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zumayo

Friday, December 08, 2000 - 06:18 pm
Asallmu allykum.

Jazaakumllahu khayra,walaal ilaahey hakaa abaal mariyo sida aad noogu faaiidaysay bisha ramdan barakedeeda iyo waajibaadkeedaba.

insha allhu taalla waa da daalaynaa intaan awoodno muslimiinta oo dhana ha ka faaiidaysteen.

wabilahi towfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 11, 2000 - 01:05 pm
WALAAL AHMED KA WARAN HADDII UU QOF SOOMAN ISKA
QAADO DHIIGA?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.