site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

*** FADAA ILAL QUR'AAN***

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Dec. 16, 2000): *** FADAA ILAL QUR'AAN***
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Sunday, November 26, 2000 - 10:06 am
su'aashan ayaa waxay tahay mid mudan inaanu is waydiino
maxuu alle quraankan inoogu soo dajiyay?

waxuu inoogu soo dajiyay inaynu isga ku dhaqano
inaynu isaga(quraanka) ka dhigano dastuurkeenii iyo qaanuunkeenii aynu ku dhaqmi lahayn inaynu ka dhigano ayuu alle inoogu soo dajiyayhadii ay tahay sidaynu alle u caabudi lahayn iyo haday tahay mucaamalaadkii dabiiciga ahaa ee bulshada sidaynu hadaynu wax ijaaranayno u ijaaran lahayn hadaynu wax iib sanayno sidaan dadka ula kulmi lahayn iyo sidii aan familadeena=qoysaskeena u maamuli lahayn sida dariska iyo arxanka loola dhaqmayo loo hagaa jinayo sidii dawlad lagu maamuli lahaa sidii dawladi dawlad kale ula dhaqmi lahayd waqtigay ahaataba xaalad dagaal marka lagu jiro xaalad nabadeed marka lagu jiro iyo sida aqlaaqda//anshaxa oo hagaa jinayo

marka sow aqlixumo naguma aha hadaynu moodno oo kaliya inuu alle inoogu soo dajiyay quraankan
inaynu barakaysano/aqrisano markii ruux inaga xanuun sado ku TUFNO ku quraan saarno dadka inaga dhintaa u hadyayno u aqrino oo laakiin aynu u qaadan inuu alle sidatan aynu soo tilmaanay inoogu soo dajiyay quraankan taasi waa dalaalkuu alle inooga digayay s,watacaala.

aayad quraana ayaa waxay ina leedahay sidan ruuxii ka jeedsadaa dikrigayga kitaab quraan tanziil intaba waa lagu magacaabaa quraanka
waxuu ku noolaan nolol cariiri ah aaqirana waxaanu keeni isagoo indha la'-
markaasuu waxuu leeyahay yaarabi maxaad aniga oo indha la'iikeentay halkan aduunkii waaban ku indha qabaye?

markas buu alle waxuu ugu jawaabayaa waxaa kuu yimid aayadaheenii quraanka ahaa markaasaad ka jeed satay! maadaama aad ka jeedsatayna anaguna maanta sidaas ayaan kaaga tagaynaa
waxaa kaloo uu alle leeyahay isagu(kitaabkan) waa mid caziiza kalimada caziiz waxay leedahay labo macno midu waxaa weeye shaygan awooda iyo quwada badan lahoo aan lakarayn aanu qofna isku dayayn inuu ka qaalib noqdo.
waxaa kaloo la yiraahdaa shay qaali ah oon lagoynkarin.

kitaabkaasoo xagiisa danbe iyo xagiisa horeba aanan uga imaanayn wax baadil ku xugmiya yacni kutubtii ka horaysay malaha mid dhahaya kitaabkan qalad baa ku jira ama xaqba ma aha oo lama soodajinin wax kitaaba oo ka danbeeyay oo sidoo kale xumaan ku xugminayana malaha waxaa weeye miduu alle xigmad badan oo sharaf oo dhan mutaystay uu soo dajiyay kaasoo alle uu cilmigiisa dhexgaliyay,

saxaabi ayaa wiilkiisa intuu uyeero oo hortiisa fadhiisiyo waxuu ku yiri ninyahoow quraankan baro oo ku dhaqan hadii aad sidaa yeesho ma ogo ninkaa cilmi badan inuu jiro li'ana allaa cilmigiisa dhex galshay quraankan.

nin layiraahdo CABDULAAHI IBN XABIIB
ayaa xadiis uu kamaqlay cusmaan binu cafaan(r,c)
ayaa waxuu ka waramayay quraanka tacliintiisa dadka la baro ajriga uu leeyahay ninka idin kugu khayr ka badan waa kan quraanka barta dadkana bara
markaasuu CABDULAAHI IBN XABIIB intuu guntiga xrtay yiri alaylehe kaas dadka ugu khayrka badan maad noqotid waxuu dagay UUFU halkaas oo uu afartan sanadood oo uu dadka quraanka ku barayay ruux kastaana ku boorin jiray//dhihi jiray waxaa halkaan i fadhiisiyay waa xadiiskan intuu u akhriyo ALLAAHU AKBAR aayado quraan iska dhaafe dadbaa axaadiista saas ugu camalfali jiray.

heer maanta dad badan oo muslimiin sheeganaya ay hal hays ka dhigteen markii aayaadka alle lagu dul aqriyo inay dhahaan waa wadaad iyo sheekadiis
ama waa BIDCI".
waxuu alle ayad quraana ku leeyahay isagoo lahadlaya rasuulka(c,s,w) waxaan kugu soo dajinay kitaabkan inaad u cadayso umadaada waxkastaa oo dhexdiisa ahaaday oo wanaaga mud naan toodee inay darsaan/bartaan oo k tadaburaan,

aayadana waxuu alle ku leeyahay waar miyaydaan ku tadaburayn quraankan oo markii la idinku dul aqriyo quluubtiina gilgilanayn ooydnaan darsayn mise quluubtiina daboolaa ahaaday/ wax galayaa ma jiraan
aayad kaloo taas u dhow ayaa waxay leedahay quraankan miyaynan ka fakarayn dadkaan oo inuu alle soo dajiyay caqligooda ku garanayn hadii uunan alle soo dajinin qilaaf badan ayay dhexdiisa ku arki lahaayeen 23 sanadood ayuu soo dagayay kolba aayad juz suurad soo dagaysay iska daba imaanayay oo wax iska soo hor jeeda isla markaa aysan ku jirin markaa waxay taas calaamad u noqotay inuu aale soo dajiyay.

markaan u fiirsano qorayaashaan wax qora waxaad arkaysaa mararka qaar wax uu qoray 10 sano ka horoow uu qoray inay dib uga cadaanayso inay been tahay amaba wax jiraa aysan ahayn asluubtiisa qoraaleed markaad u fiir sato waxaad arkaysaa mararka qaar inay wanaag san yihiin
mararka qaarna aysan wanaag sanayn ama macno fiican aanan lahay.

ball kitaabka alle hasl si ayuu ku soconayaa asluubtiisa iyo kayfiyadiisu isma dhimayso
macaanidiisa iyo axkaamtiisu iskama hor imanayso
waxii uu 10 sano ka horoow soo dajiyay iyo wixii gadaal ka soo dagay iskagama qasmayaan wax ilaabi mayo markaasuu alle s,wataacaala leeyahay maxay uga fakiri waayeen inuu kitaabkan alle soo dajiyay ma caqligoodaa daboolan mise waynan fakarayn?


lasoco!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kheyr Sheeg

Monday, November 27, 2000 - 03:06 pm
Illaahey ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo, casharka qiimaha badan oo aad halkan nagu siisey.
Runtii si qiimo badan baad u soo gubisey, haddii aadan ku soo qorin magacaaga waxaan moodi lahaa, mid ka mida wiilal aan ku aqaaney wacdi wanaagga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Wednesday, November 29, 2000 - 02:10 am
AS'SALAAMU CALAYKUM!
dhamaan walaalahyga islaamka ah

waxaan jeclahay inaan dhamaystiro qoraalkan intii iiga har sanayd.
axaadiis badan ayaa ku soo aroortay fadliga uu leeyahay quraanka aqriskiisa muhiimadu ha ahaato inlagu dhaqmo oo lagu camalfalo.
laakiin aqriskiisa la aqrinayaa lafdia ahaan ayaa nabigeena c,s,w waxa uu ina leeyahay waa cibaado oo waa waliba min afdalilcibaadaat// cibaado teeda ugu wanaagsan/ugu khayrbadan
waxa u yiri rasuulka c,s,w qofkii quraanka maahir(xariif=qatar=laacib) ku noqdaa oo aad u xifdiyay oon gaf gafayn malaa igta ayuu mustawahooda(ma'qaamkooda=booskooda=jagadooda) joogaa sida basharka oo idil ka sareeya!

qofka quraanka aqriya ee gafgafa oo uu ku adagyahay oo hadba intuu soo dhaafay ilaawaya balse jecel quraankiiyoo ku dadaalaya siduu u baran lahaa oon marnaba ka harayn waxa uu leeyahay 2 ajar midu waa ajarul mashaqá mashaqada/dhibka uu kala kulmayo aqrinta oo uu ku adagyahay!
miduna waa ajarul qiraa'á oo aqrinta uu lafdigiisa aqrinayaa waa ajar.

xadiiskalena waxuu leeyahay ruuxa quraanka dhameeyay ee hadana aqrinaya waa uu ka ajri badan yahay kan hada wada!
xadiiskana waa xadiis mucayina/wada naqaano
waxuu leeyahay ulamajeedo aliflaam'miim ayaa hal xaraf ah ee alif ku waa xaraf laam kuna waa xaraf miim kuna waa xaraf xarafkastaana waxaa laguu qorayaa 10 ajar waxaa laga hadlayaa qiraa'ada
tusaale ahaan suurada quraanka ugu yar waa inaa acdhaynaa waa 3 aayadood imisa xaraf ayay noqonaysaa? waa 41 xaraf markaad xisaabiso min xaraf waxaan halkaas ka qaadanaynaa inay cadad badan tahay suuradaha dhaadheerna warkooda daá
waxaan kaloon dareemi karnaa nimcada alle inagu galaday inaytahay mid aan lakoobi kari(alxamdulillaah)

Nabiga c,s,w waxuu yiri ehlu janaha marka janada lakeeno waxaa la oran doonaa fuul jaranjartaan oo soco aqrina quraanka ilaa heer ama meeshaad ka gaartay, una aqri sidii markii aad aduunka joogtay u aqrin jirtay micnaha meesha ku jira ee la leeyahay u aqri quraanka sidii markii aad aduunka joogtay waxaa weye imisa ayay ku qaadan jirtay markuu aqrinayo quraanka aayadii ama xarafkii meeqa aayadood ama xaraf ayuu daqiiqadii aqrinjiray wuu soconayaa qofkaas ilaa ama uu ka dhameeyo ama uu ilaa meeshii uu ka gaaray uu geeyo hadii uu dhameeyo waxuu helayaa darajada ugu sareeysa janada intii uu soo dhaafayna isgaa iska milkinaya/leh) qofwalbaana intuu quraanka ka yaqaano ayay darajadiisu ahaanaysaa waxaa layiraahdaa darajaadka janada iyo waxaa is leh aayaadka quraanka. 6236 aayadood ayuu quraanka aayadihiisa ka koobanyahay!

Cumar ibn khadhaab ayaa waxuu leeyahay waxaan rasuulka c,s,w ka maqlay ilaahay kitaabkan dadna kor ayuu ugu qaadaa yoo darajuu ugu yeelayaa dadna hoos buu ugu ridaa ,
Cumar ibn khadhaab ayaa waxaa maalin ka hor yimid oo magaalada maka kabaxeeda uga hor yimid ninkii maka xukumayay markaasuu suáalay oo yiri yaad uga timid maka?
waxuu ku jawaabay C/raxmaan ibn abza!
cumar yuu yahay Abzahaas?
waa nin caraba oo aynu mowlo ahaynoo la xoreeyay!
cumar: ma ahlul makaad waxaad uga timid nin mowle ah oon iyaga ka dhalan?
waa nin caalim ahoo kitaabka ilaahay si fiican u yaqaana oo qiraa á wanaagsan!
cumara: sax hadii aanan ka maqli lahayn rasuulkii alle c,s,w kitaabkan nina alle kor ayuu ugu qaadaa nina hoos kaamaan yeeleen
markaa ninkaasu waxu ka mid ahaa dadkii alle kor ugu qaaday asagoo nin qariiba oo wax casiiro ama ehela aan maka kulahayn ayuu waxuu aqoontiisa ku mutaystay quraanka alle uu bartay dartiis inuu culamaa'ul quraysh uu amiirkooda noqdo.

shu hadaa ú uxud ayaa waxaa aad u badnaa tirada dadka la'aasayay waxaana yarayd oo tabar yarayd tirada dadka wax aasaysay waxaa loo aasayay 3/4/5 qofba hal god ayaa laiskula xabaalayay markaas ayuu nabiga c,s,w waxuu amrayay in qiblada loojeediyo kooda ugu quraanka badan
waxaan filayaa sharaxad uma baahna marhadii noloshii intaan noolnahay nalagu sharfayo markaan dhimanona nalagu sharfay jawaab teenu waa falillaahilxamd iyo inaanu barashadiisa iyo aqriskiisa badino.

aayad quraana ayaa waxay leedahay sharafbuu idiin yahay waxaa loola jeedaa nabiga adiga iyo umadaadaba waana la idan waydiin doonaa"

salaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.