site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waa maxay waxa ugu horreya ee marka aa Allah hor istaagto uu kuwaydiinayo

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Salat (Prayers): Waa maxay waxa ugu horreya ee marka aa Allah hor istaagto uu kuwaydiinayo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 08:26 am
Type by Aqoonjecel
Qofkii su'aashan ka jawaaba, waa ruux yaqaana waddadiisa. Su'aashuna marlabaad waxay tahay:
Waa maxay waxa ugu horreya ee marka aad Allah hor istaagto uu ku waydiinayo? Ma waxaa weeyaan:
a. Qof aad dishay(qof aad dishay ood nafta kaqaaday)
b. Sina aad gashay (gogolgal aad la samayso qof haween ah oon xaaskaaga ahayn)
c. Riba aad cuntay ( lacata dulsaarka ah ee qofka lagu dhiig miirto)
d. Been aad sheegtay.
e. Xoolo aanad lahayn ood cuntay.
f. Intaaba midna ma'aha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi-korosato

Friday, December 01, 2000 - 01:24 pm
salaamucalykum walaal waxay tahay waxa ugu horaysa oo nala waydiin doono maalinta qiyaama waa YUU YAHAY ILAAHAA? IYO YUU YAHAY MOHAMED(CSW)? marka aan xadiithkii ku noqdo marabo in aad wax qalad idiin qoree laakiin waan soo qori markale insha allaah markaan soo hubsado wixii la is oran lahaa. waslaamu calaykumwarxmatulaah wabarakat!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Monday, December 04, 2000 - 11:19 am
ASALAAMU CALAYKUM ANON BRO /SIS WAXAAN WAAYE INTAASBA MIDNA MAAHA LAAKIIN WAA SALAADA HADAY SALAADAADA WANAAGSANAATANA ACMAASHAADI KALOO DHAN WAY WANAAGSANAANAYAAN HADAY XUMAATANA ACMAASHAADA KALOO DHAN WAY XUMAANAYAAN. WALAAHU ACLAM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 06, 2000 - 09:25 am
Type by Aqoonjecel To: Khadiija, and all
brothers and sisters
in Islam

Walaal Khadiija, waa sida aad sheegtay, Allah waxaan kaaga baryayaa in uu kuu siyaadiyo cilmigaaga Diinta Islaaka aad u leedahay, Aamiin.
Salaadu waa camalka ugu horeeya ee Rabbi inna waydiin donno maalinta Aakhiro. Waxaan jeclaan lahaa in aan walaaladay aan la qaybsado celmigooda, sidaa darteed, waxaan jeclay in aan idin waydiiyo su'aashan.

Waa maxay camalka faradka ah ee kulansaday wixii looga baahnaa shanta tiir ee islaamka, ma waxaa weeyaan:

a. Sadaqada.
b. Hijrada.
c. soonka.
d. Jihaadka.
e. Salaada.
f. Zakada.
g. Midna ma'aha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aisha

Friday, December 15, 2000 - 04:14 pm
salaam alaykum

walaalayaal iga gudooma salaan islaam dhamaantiin

walaal anon waxaan jecelaan lahaa in aan kaaga jawaabo su'aasha uku danbeeyso oo aad weeydiisay

Camalka Faradka oo lagu weeydiinayo waa:

Soonka Iyo salaanta inta kale waa haddii aad awood u lahaato

wa salaam alaykum waraaxmatulaahi wabarakaatu

Ramadaan kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 18, 2000 - 05:30 am
To: Aisha
From: Aqoonjecel

Walaal Aisha, jawaabtaada ma'aanan fahmin. Mawaxaad ka wadaa,soonka iyo salaanta;mise waa soonka iyo salaadda?
Asalaamu calaykum waraxmatullaah
Nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lula

Monday, February 12, 2001 - 12:12 pm
asalaamucaleykum waraxmatulaahi warakaatuhu.
walaal jawaabtu waa:
1-waa in aad ilaah qirtid kalimadiisa iyo

waa in muhamed(scw) aad qirtid rasuulnimadiisa.

2_waa in kutubtii rabi soo dajiyey aad
qirto:furqaan,injiil,towreed, sabuul.

3_in malaaigta aad qirto.

4_in aad qirto maalinka yoomol qiyamaha .

5_in qadarka shar iyo qeyrba rabi qadaro.
wabilaahi watowfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, April 09, 2001 - 09:44 am
To: Lula

Walaaleey ma'aanad garan su'aashaas jawaabteed. Haddaba, su'aashaas jawaabteedu waxay tahay:
Camalka faradka ah ee kulansaday wixii looga baahnaa shanta tiir ee islaamka ah waa (e) Salaada.
Walaalayaalow aad ayaan uga xumahay maqnaanshihii aan ka maqnaa internetka iyo ka jaaabid la aantii aanan ka jawaabin su'aashaas.
Hadda qudhadeeda waan mashquulsanahay oo idinma sheegi karo sababta ay salaadu u tahay jawaabta saxda ah, balse waxaan idinka jawaabi markaad i soo waydiisaan ; hadduu Allah idmo
Sidaas iyo nabad galyo
Wasalaamu calaykum
Nabad iyo caano.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.