site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Kaalay hora wadaadadu maxay u diidaan !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Kaalay hora wadaadadu maxay u diidaan !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Anigu waxaan layaabanahay niman iyo naago dhahaayo heesuhu waa xaraam iyaga oo aan haysan qiiiil cajiiib!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Anynomous,

Haye haye, yaa yiri qiil majiro?

Qiil waa jiraa plenty!

Salamu alaikum

Dr wHo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAACIIL

Unrecorded Date
Aslaamu calaykum. Salaan kadib walaal carabku ww shar iyo khayr meel kuwada yaal hadba saad uga faa,iidaysatona weeye.Allaah nimcada carabka waa uu ina xasuusiyay(miyaanaan uyeelin carab iyo bushimo) hadii aanay bushimuhu jirin hadalku caadi manoqdeen. Marka carabku waa waxa janada lagu galo naartana lagu galo.
Hadaba walaal yaakugu yiri wadadadu qiil uma hayaan xaaramaynta heesaha.
Allaah wu xuu kuyiri suuratulLuqmaan(dadka waaxaa kamida qaar iimsanaya sheekada middeeda lahwiga ah iyaga dadka kaga leexinaaya jidka toosnaa)
Hadaba C/laahi ibnu mascuud oo ahaa ragii tafsiirkooda aan laga daba hadli joirin isla markaana joogay meeshii ay ku soo degtay WUXUU KU DHAARTAY LAHULXADIITHKU INUU YAHAY HEESAHA.
Nebiguna wuxuu yiri xadiith saxiix ah (Waxaa soo bixi doona qolo umadayda ka mida oo xalaasan doona khamriga iyo boongaha macaasifta iyo heesaha wayna ku waa bariisandoonaan iagoo loo nasakhay khaansiiro iyo daanyeero)waxaa xadiithkaa saxiixiyay SH.ALBAANI KITAABKIISA QAAYATULMARAAM.
Hadaba walaal heesuhu waa
codkii shaydaanka sidii uu yiri abuubakaralsidiiq.
Waa waxa kaa mashquulinaya dikriga allaah
Waxaadna ogaataa waxaad ku hadashay oo dhan waa laqorayaa waana lagaa abaal marindoonaa.
Waxaa jirta dad culimo sheeganaya inay ku doodaan waa banaantahay heesuhu iyagoo weligood raac raaca rukhhsadaha iyo shuduudaaadka culimaddii hore
waxayna daliil ka dhigtaan SH IBNUXAZMI laakiin wuu ku gefay masaladaa gef weyn allaah ha u denbi dhaafee meehsa uu ku qilaafay culimadii oo dhan khaasatan afarta iimaam oo isku raacasan inay xaraam tahay.INTAAS AYAAN ARKAA WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fartuun

Unrecorded Date
walaal waad ku mahadsanthay sidaad nooga qancisay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salan maryo

Unrecorded Date
war wadaad wareersaday ayaa kabuuxa wadaadadee
ha laiska jiroy!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Run-Sheege

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!
Walaalkeen Ismail ayaa arrintaas runta ka sheegay sidaas ayna u cadahay.

Walaal sideedaba xaaraanta waa wax la xisaabi karo balse xalaasha tiro ma laha sidaad og tahayna wixii sideedaba aad ka shakido waxaa fiican inaad isaga tagto taasina ma aha micnaheedu hadaad in badan oo xalaal ah ka shakido inaad ka cararto ee waa inaad dadka cilmiga u leh wareestaa. Hadaba heesuhu shaki ma galaan waana la ogsoon yahay inay xaraan yihiin. Nabiga (SCW) wuxuu xadiis saxiix ah ku yiri "Hadaad ilaahey iyo maalinta khiyaame runaysay, khayr ku hadal amaba hadalka ka soon." Dhab ahaantii waxaa laga maarmaan ah hadii nalaga helo labada shardi ee xadiisku sheegay inaan intiisa kalena si fiican ugu dhaqano. Taasi ayaan u maleynayaa inay tusin karto in heesuhu xaaraan yihiin aanana heesh lagu sheeki karin "kheyr" inkastoo uu erayga hees caribu amaba shacigu erayo badan oo la mid ah jiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
TO: ANONYMOUS
SALAANTA ISLAAMKA KADIB
walaal heesta inay xaaraantahay miyaad moogtahay??
walaal intaadan bayj cusub furin waxay ahayd
inaad gaar ahaan qaybtaan si fiican u fiir fiiriso waayo meela badan ayaa looga hadlay inay heestu xaa raan tahay nas iyo daliil cad ayaana
loo hayaa heestu marnaba inaysan banaanayn
marka walaal
rasuulkeenii (scw) wuxuu yiri
wanaaga gaal iyo munaafaqba wuu samayn karaa
balse xumaanta wax ka tigi karaa majiro ilaa axad ilaahay dartiis oga tagaya maa'hee
waxaa xumaanta ka taga axad mu'mina is og inuu adoon ilaahay yahay wixii alle farana far tooma wixii alle ka reebana ka reeban

marka adigu bal is tijaabi inaad mu'min tahay
oo isku day inaad xumaanta lillaahi caza wajala
wajigiisa oga tagi karto iyo in kale

heestuna waa xaaraaan
ee isku day inaad ka tagto alle dartii
walaashaa deeqo
<<<<<degan sweden>>>>


TO: SALAN MARYO"""""

ITAQILAAH
ITAQILAAH
ITAQILAAH
ITAQILAAH ILAAHAY KUN IYO KOW JEER KA BAQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mire

Unrecorded Date
As/calaykum dhamantiin.
Guud ahaan iyo gaar ahanba intiina ilaahay xaqa
Fahansiiyey inta kale wali dhimana waxan ilah uga
Baryaynaa inuu soo hanuuniyo xaqa fahansiiyo.
Dadka heesaha xalaaleeyey waxaan oran lahaa alle
Ka cabsada oo ka fogaada waxyabaha munkarka ah
Yaa baneeyey in hees la dhagaysto war ilaahay
Ha laga baqo waxaan banaanay ha laga haro.
Walaal deeqo aad iyo aad ayaad u mahadsantahay
Adiga iyo cadii ka soo hor jeeda wax yaalahaas.
Waa mire oo degan u.s.a

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Suuradda layihdaaho LUQMAAN akhrri adigaa garan doona heesuhu inay xaaraan yihiin iyo in kale'e.
Salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
Walaal sida aad wada ogsoon nahay in ay badidooda heesaha ay xaaraan yihiin. Laakiin lama oran karo kuligooda waa Xaaraam. Sideedaba heesaha waxaa ay ka koobmaan LABA SHEEY.

1.Muusiko
2.hadal

Marka hadii ay noqoto "hadal xun" iyo "Muusik",
waa cadahay in ay xaaraan tahay.
Laakiin.. Hadii ay noqoto mid muusik aan laŽheeyn
iyo hadal fiican oo aan ka soo horjeedin diinta ISLAAMKA, waa xalaal in la dhageeysto.
Waxaa ka mid ah.
1. Nabi Amaanada
2. Xorriyadda Falastiin (Xamaas)heesahooda.IWM. heesahaas oo la socda Gurbaan.
Arintaas waxeey ku qoran tahay kitaabka AL-XALAAL
WAL XAARAAM, oo u qoray DR.Yusuf Al-Qaradawi.
wallahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
To: iskandanefia,

Ka joog baabka aad gashay ayaan ku odhan lahaa, suuradda layidhaaho LUQMAAN akhrri, markaad dhaafto ilaa saddex ilaa afarta aayadood ee Ilaahay cadamadiisa ka sheekaynaya iyo dadka mu'miniinta ah waxaad gelaysaa aayadda ah (wamina Al-nnaasi man yashtarii lahwal xaddiithi li yudhilla can sabiilillaahi wa yatakhidahaa husuwan ulaa'ika lahum cathaabun aliim), oo micnaheedu yahay dadka waxaa ka mid ah kuwo iibsanaya sheekooyin ama hadallo ciyaar ah si ay dadka uga lumiyaan ama uga mashquuliyaan ilaahay jidkiisa oo ay ka dhigtaan jees jees iyo niiko, kuwaasi waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
Sababta ay ku soo degtay aayaddani waxay ahayd, markii ninkii munaafiqiinta u madaxda ahaa ee Waliid bin Muqiira uu soo shiriyey gabdhihii magaalada ugu quruxda badnnaa ee uu khamrro intuu ka dherjiyey yidhi heesa intuu durbaan dabo garaacay oo uu ku soo wareejiyey magaalada Maka, isagoo rasuulka N.N.K.H. ku xumaynaya iyo diinta ILAAHAY.
Haddaba, ninka aad sheegtay ee Qardaawi waa nin culimda sunniyiinta ahi duraan kuna eedeeyaan inuu xisbi ka tirsanyahay, markaa ma mateli karo qur'aanka iyo axaaddiista, fatwadaana kama qaadan karro, ragga khatarta ah ee cilmiga fiqiga iyo axaaddista loogu iman karo waxaa ka mid ah Sheekh Maxammed Naasiru Diin ALbaani ILAAHAY ha u naxariistee, ardaygiisa Sheekh Muqbil Bin Haaddi AL waadici, Maxammed Ibnu cutheymiin, raximahumullahu.
Raggaas sunniyiinta ah ha laga qaato diinta, ee aan xisbi iyo cidnna ku daba tukan.
Ilaa xilli dambe salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Unrecorded Date
alla badanaa mid diinta ka fahmay xizbiyo iyo masaa,il khilaaf ah isna mooda caalim.
xattaa aanan aqoon shuruuda waysada iyo salaada
war wixii idin anfaco qaata .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandaneefiya

Unrecorded Date
To enough
Ninkaaga orananaayo waa LAHWAL XADIIS qofkii ku heesaa sida "alaahu akbar, alaahu akbar, IYO
salalaahu calaa Muxamed, sala laahu caleehi wasalam",,,,, waa yaab. Nimankiina aan fahmin ISLAAMNIMADA ka daaya INXIRAAFKA DIINTA.

U noqo taariikhda Islaamka. Goortii lagu soo dhaweeyay RASUULKA magaalada MADIINA. Soo looma qaadin hees iyo lama garaacin gurbaan????. AKHRI SIIRADA, yaan indha lagaa xirin.

Miyuusan RASUULKA daawad siinin CAŽISHA (RC), nimankii XABASHIDA ahaa oo ku cayaaraayen masaajidka.
WAA YAAB, maanta haddaan ka xeeyo XAASKEEYGA oo soo daawano kubadda cagta, dad baa ila yaabaayaan.

Waligiin yaaba (idim Allah), kuwaas waxba kama qaato aniga, waa kuwii nala dhacay XABAD anagoo gaajeesan, oo daan daansaday cadaw naga xoog badan, ka dibna orod ku soo galay wadan keen(Itoobiya)oo nala BAMBEEYAY.

AKHII BARAARUG, OO INDHAHAAGA FUR................

Ninka aad ku tilmaameeyso in u yahay XIZBI, idinkuba ma dhaan taan ee XIZBI ayaad tihiin....

Laakiinse dad baad laayseen idinku, iyagu maŽaysan
laayin shacab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Ama iska indho tir ama ha iska indho tirin, aayadda qur'aanka ah, tafsiirkeeda iyo sababta ay ku soo degtay ayaannu kuu sheegnnay xujo ayeyna kugu tahay. Allaahu ma hal ballaqtu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Unrecorded Date
alla maxaa wadaad soomaali ah carab u dhaansan.
ku walba jeebkuu wuxuu ku wataa wadaad carab ah war immisa soomaali ah oo culimmo ah oon la ixtiraameyn war wadaadka adeerkaa ah xaqiisa garo ka dib u dhaadhac wadaad kale.
ma ogtihiin muqbilkaad la taagan tihiin meel walba inuu nin soomaali ah oo muxaddith wax soo baray , tol-la,ay ummaddayda goormay is ixtiraami oo umadaha kale ka soo hari.

cafis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
War Mim walaalow illaahey kheer allaha ku siiyo, laakiin waxaa la yidhi waano abuuris baa ka horeeysay,ee haday soomaali is ixtiraamayso ma bur-burneen ee walaalow mala yaabtay,nimankaan siday wadaad shisgeeye udaba ordaan!!!!!!!


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Mim.

walaal aad baan ula dhacay soo jeedintaada ah in culumada soomaaliyeed si gaar ahaaneed looga dambeeyo una walaaloobaan oo dhibaatada waddankooda meel uga wada duulaan diintana qilaafaadka laga dayo. Maalmahaan dambe waxaa badatey risaalooyin sheq walba fikradiisa ku xoojinaayo oo inta dhallinyarada aqrisato nooga dhigto shey muqaddis ah oo haddaad tiraahdo kuma raacsani sheeqa warkaan walaal tinimadii iyo salaantii baalagaa goosanaya.

Skandaneefiya.

shey hadduu ilaahey xaaraantinnimeeyo wixii usoo dhow dhowna waa la isaga cararaa. waxaan arkey kuwo leh wadaaddaan nahay oo tv-ga somali community leedahay riwaayad kasoo daayey, ciyaaal yar yar oo qaarkod gabdho asturan ku jiraanna safka ka muuqdaan oo ay qaadayaan hees diini ah, oo mazaamiirtii laga digey leh.

Waxaad tiri naagteyda haddaan kubadda u wado si ay iila daawato waa la ila yaabaya. Hadaaban kula yaabbanahay. Qiiro makugu jirto miyaa naagtaada nimanka kale eegeegaaya. sUUQA IYO DUKAAMADA LA GAREY IYO MEELAHA WAX LAGA BARTO LAAKIIN MAXAAD U DALIISHATEY MEEL RAG DHOOBAN YAHAY INAAD DHEX GEYSO HAWEENEYDAADA?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
To: Bashir Abdi
Walaal keeygiyow hore ayaan kugu sheegay daliilkey oo waa tan ka sugnaatay Rasuul iyo CaŽisha markii ay daawanaayeen nimankii XABASHIDA ahaa.

Tan kale qasab maŽahan in aan dhax galno ragga, miyeey san jirin meelo dadka ay ku yar yihiin???
Sida boosaska waaweeyn (qaliga ah).
Ninkii xalaal doonaayo waa heli karaa walaal, ee
waxaa daran qofka in u inŽdhaha is tiro.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.