site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SUAL QUSEYSA DADKA DIINTA YAQAAN

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Understanding Islam - Fahamka Islaamka: SUAL QUSEYSA DADKA DIINTA YAQAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yonis

Monday, December 04, 2000 - 08:02 am
SALAMU CALEYKUM
wallan i caawiya
waxaan ahay wiil somaliyeed oo da diisu tahay 30 jir ku nool yurub mudo gaareyso ilaa 16 sano
walaal waligey ma aanan soomin salaadna daa hadalkeeda walaal maantatan waa aan soomanahay
su aasheydu waxay tahay intii soon laygu lahaay sideen u gudi karaa maxaasa igu waajibo oo aan sameyn karaa
fadlan iga siiya faahfaahin buuxda idinkoo mahadsan
salaamu caleykum
yoonis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shiikh Abdi

Monday, December 04, 2000 - 03:32 pm
Waa su'aal culus. In kastoo aan wax ka sheegi kari lahaa, haddana markaan adaan kula safanayaa si aan kuula faa'ideysto. Waxaan sugnaa waa aqoon kororsi iyo culimadda oo noo hagar baxda, ajar Allaha ka siiye!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2M.A

Thursday, December 07, 2000 - 11:36 am
Waa salaaman tihiin, Yonis iyo SH. cabdi:
Haddii aan isku dayo jawaabta su'aashaan waxay ila tahay mid aan sidaa u cuslayn.waxaan isku dayaa yaa in aan bayaansho arinta anigoo kor ka soo galaaya.
a- qofkii muslim ah waajibbay ku tahay soonka kiyo salaaduba. wax marmarsiiyo ah labaduba ma laha, markii laga saaroo xaaladaha diintu cadaysay
sida soonka; jiro,caadada,safarka,hilmaanka,jihaadka,gabowga ect. Hadaba saaxiibow xaaladahaas la soo sheegay kuma jirto arintaada ah in lagaa rabo waxii kaa tegay, iyo sidii aad u gudi lahayd. Haddii aad kaskaada u dhaaftid maalin soon ma ka daba tegi kartid . Soon qalayntu sharuudo bay leedahay, sida kuwa kor ku qoran.
b- Salaaduna waa sidoo kale hilmaan, hurdo,caado,jiro aadan kici karin ect. arimas waxii ka baxsan lama qalayn karo.

Hadaba saaxiibow waxii tegay waa tageen Ilaahay u daa xukunkeeda,tan hadda taagan ku dadaal tii horana bembi daaf weligaaba waydiiso.

C- Shardiyada towbad dhaafku waa seddex 1- in aad ka qawmamaysid dembigii aad gashay. 2- in aadan dib weligaa intaa nooshahay ugu noqon. 3- haddii aad kadaba tegi kartid in aad saxdo arintii.
Hadaba arintaada shardiga towbad keenka waxaa ka khuseeya labada hore . tan 3aad arin taada soonka ma khusayso waayo waa wax aad u bareertay.
Arinta 3aad waxay khusaysaa dembigii aad ka gashay bani aadamka sida, xanta, xatooyo,dil,daba maryeyn
ect.

Waxaan saaxiibow u malaynayaa in aan ka jawaabay arimtaadii balse aqoon yahanadu waa badan yihiim eeiska sii warso haddii aadan midaan ku qancin.

Diintu cagli-cagli ma aha ama sidaan rabno kama yeelan karno ee waa cilmi,xikmad,xujo,daawo,nuur,xal,nabad,jacayl,edeb ect. Waxay u baahab tahay in loo rafaado,oo naf iyo mmalba loo huro.
NABADAY. CU.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed hassan

Thursday, December 14, 2000 - 12:19 am
Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu, Ramaddaan wanaagsan waxay walaalaheey weydiinayaa in ay iga jaahil bixiyaan arin ku saabsan beeca, waxaan rabaa inaan bedasho taleefoon nooca gacanta loo yaqaano NOKIA 5110 oo aniga aan leeyahay kuna bedasho NOKIA 3120 ama 3310 oo labaduba noocyo iga danbeeyay ah haddaba keyga waxaa leyguugu qiimeeyey qiyaastii 50$ kuwa aan rabana waa ilaa 100-150$ waxaan ku darayaa oo kaliya inta iga dhiman waana dukaan ka mid ah kuwa iibiya taleefoonadda ee maha shaqsi ama qof aan cilmi u laheyn. haddaba maxey ka qabtaa beecaasi marka la eegaya diinta(beeca). waxaan ka sugayaa saaxiibadey iyo culamaudiinta wax ka taqaan arintaani aad ayaan ugu baahanahay ? !!!! wasalaamu caleykum w.w.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, December 23, 2000 - 06:54 am
To yonis and shiikh cabdi
assalaamu calaykum
walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad xaqqa u doonaysaan ilaahay hana waafajiyo wixii xaq ah , walaalayaal arinta ah soonka iyo salaada waa arin uu alle uu ku adoon saday banii'aadamka , waxaa jira qofka hadii hore gaal uu ahaan jiray ka dibna uu soo islaamay culimada waxay ka yiraahdaan laba qowl oo kala ah qofkaas wuu soo celinayaa wixii salaad iyo soon uu ka tagay culimada qaarna waxay leeyihiin lagama rabo in uu soo celiyo soonka iyo salaada maadaama uu hada soo islaamay, laakiin waxaa laysku waafaqsan yahay in qofka haduu muslim ahaan jiray oo aqoon dari uu uga tagi jiray ama uu kas uga tagi jiray in uu soo celinaayo walaalkayga yoonisna waxaan u maleeynayaa in aad aqoon dari uga tagi jirtay oo aad muslim ahayd idan walaal waxaa lagaa rabaa in aad soo celiso soonka iyo salaada laga bilaabo maalinta aad qaangaartay ilaa iyo maalinta uu ilaahay xaqqa uu ku tusiyay arintaan aan kuu sheegayo walaal ma aha wax aan jeebkayga kala imid ee waa arin aad ka heli kartid dalaa'ilkeeda kutubta axaadiista rasuulka s.c.w, walaal habka aad u soo celinaysid waa soonka inta sano oo ay kaa fakatay ayaad soo celinaysaa iyadoo bilbil ah micnaheedu waa sano walba hal bil ayaa lagaa rabaa salaaduna iyada waxaad niyeeysanaysaa in aad gudi doontid inta aad nooshahay ka dibna salaad walba salaad ayaad ku daraysaa ilaa ay kaa wada gudmaan oo ay kaa wada dhacaan inta lagugu leeyahay.
to max'ed xasan
walaal arintaada waa banaan yahay maadaama uusan ahayn badar ama raashiin .
to 2m.a
walaal aad ayaad u mahad san tahay sida wanaagsan ee aad uga jawaabtay su'aasha ee walaal bal ku laabo jawaabtaada qaybteeda danbe.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Tuesday, January 02, 2001 - 04:40 am
to mohamed hassan

Assalaamu caleykum...

haddii aad dooneysid in laga jawaabo su'aashaada, waxaan kugula talin lahaa in aad furato bog kuu qaas ah. boggaan waxaa furtay yonis ee u daa ha gelin mowduuc kale.

assalaamu caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2M.A

Friday, January 05, 2001 - 09:10 am
to: Xaaji, waad ku mahadsan tahay adiguna.

ma aanan garan qaybta meesha aad ula jeedid, waayo ma aadan tilmamin. waxaan u fahmay in aad ka wadid qaybta (c).

C. waxaan ka hadlayey shuruudaha tawbat keenka. si towbad keenka qofku u noqdo mid buuxa, waa in uu qofku buuxiyo shuruudaha towbad keenka oo kala ah.
A- in uu ka shalaayo dembigii uugalay.
B- in uusan dambigaas dib ugu laaban.
C- in uu gudo hadduu ka daba tegi karo dembigii; qaytaan sedexaad waxaa loola jeedaa dembiga uu galay hadduu saameeyo ama ku toosnaa shaqsi waa in uu cafis ,mag dhaw, qirasho,etc, uu ulatago dadkii ay khusaysay.

balse haddaan shuruudahaan ku dabaqo suaalasha mawduuca oo ahayd,soon ama salaad aad kaskaa u dhaaftay, qofkaas waxaa khuseeya labda(2) shardi oo hore. tan dame ma khusayso waayo cidna dembi kama gelin
, waa isaga iyo Ilaahay.

Suaasha mawduuca haddaan ku soo laabto, diinta waa la iga badiyaa balse intii la i baray haddaan isticmaalo jawaabtu waxay tahay qofkii si kas ah uga taga soon iyo salaad, ma ka daba tegi karo, waayo maba kaa tegi karto markii laga saaro shuruudaha diintu ogoshay oo caanka ah .

dhanka salaada waxaad ka daba tegi kartaa oo keliya hilmaan iyo hurdo.

dhanka soonka shuruudaha aad uga daba tigi kartid hadduu kaa tago waxaa ka mid ah, jiro, safar, jihaadka iyo hilmaan. jawabtaydu waxay ku saabsan tahay raga. kama hadlin xaaladaha dumarka.

waa la iga badiyaa cilmiga diinta. hadaba saaxiib waxaan qabaa in uusan qofku ka daba tegi karin soon iyo salaad uu kas uga tegay. qofka waa u furan tawbad keen iyo cibaado badsi waxaan ula jeedaa in uu Ilaahay mar walba cafis waydiisko, waayo dembiga uu qofkaani galay waxuu ka dhexeeyaa isaga iyo Ilaahay. waxii tagay waa tageen, mana kaa tegi karaan haddaa dan kas u samayn, sidaa darteed wax marmarsiinyo ah ma laha, diintana kama dhex heli karo marmarsiinyo noocaas ah.


DADKA KALE EE NAGU DHAAMA CILMI INTAA DHEER WAXAAN KA CODSANAYAA IN AY IYAGUNA NUGU CAAWIYAAN WAXAY KA YAQAANAAN ARINTAAN OO AH SOON IYO SALAAD AAD KAS UGA TAGTAY MA LAGA DABA TEGI KARAA?


NABADAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Tuesday, January 09, 2001 - 10:38 am
Assalaamu calaykum...
dhammaan.

marka hore anigu maahi caalim umana dhawwi, laakiin waxaan jeclaan lahaa in aan arin yar caddeeyo kadib sheego tii ila raajixsan labada rayi ee walaalaheen(xaaji iyo 2m.a).

walaalkeen YONIS fatwadee buu raacayaa?

culimadu waxey sheegaan markii qof su'aashii isku qilaafaan labo caalim tee buu qaataa?

1- waa inuu raacaa tan ad-adag sabata oo ah xaqu waa culus yahay sidii ilaahey quraan ku yiri "INAA SANULQII CALEYKA QOWLAN THAQIILAA".

2- waa inuu raacaa qowlka fudud sabata oo ah riwaayad saxiix ah ayaa tiri "MAA KHUYYIRA BEYNA AMREYNI ILLAKHTAARA AYSARAHUMAA, MAA LAM YAKUN ITHMAA", nebigu SCW kala dooran jirin laba arrin illaa wuxuu dooran jiray teeda fudud haddii dembi ka imaaneyn.

3- waa inuu su'aalaa caalim saddexaad kadibna qaataa wuxuu yiraahdo (macnuhu waa haddii caalimkaa saddexaad ku raaco labadii hore midkood, tan loo batay ayaa raajax ah).

marka anigu shaqsi ahaan waxaan raajaxay tan sahlan (fatwadii walaalkeen 2M.A), "YURIIDU-LLAHA BIKUMUL YUSRA WALAA YURIIDU BIKUMUL CUSRA", ilaahey wuxuu idinla doonayaa waxa sahlan, idin lama doonayo waxa adag.

Waxaan kaloo tanbiih ku sameynayaa...

Walaalaheen (xaaji iyo 2m.a) waxay soo bandhigeen jawaabo culimaduba isku qilaaf sanaayeen beri hore. marka waxaa iga talo ah, meeshaa yaan leysku raddin, qaacido fiqi ayaa jirta oo tiri "Laa khilaafa fil-umuur al-ijtihaadiya", umuurta ijtihaadiga khilaaf magasho, waa "beyna sawaabeyni" sawaab oo labo ajar ah, ama khata' oo hal ajar ah. markaa walaalkeen(yonis) u rifqiya, haqaato tuu kabixi karo, ilaahey dambigiis iyo kenaba hadhaafo 'AAMIIN'.

Asaalamu caleykum...

Walaalkiin

ibnukhalif

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2MA

Sunday, January 14, 2001 - 03:30 am
to: ibnukhalif. waad ku mahadsan tahay wlaal. anigu wax dood ah ma qabo. walaal keen xaajina Illahay ajar ha ka siiyo jawaabta uu siiyey walaakeen suaasha qabay. kulligiina waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/wali

Tuesday, January 16, 2001 - 05:53 am
To ibnukhalif
waxaa wanaagsan qofka muslimka ahi markii la waydiiyo arima quseeya shareecada Isaamka in uu ulaabto maraajicda diinta Isaamka oo uusan is ka fatyoon biqayrcil taas oo sababta in aad kii wax su,aalanayay dhumisid adigauna dhunsantahay.
marka u haraysa hadii aan farta kufiiqo arintii walaakay Yoonis oo ahayd ma qadayn karaa salaadii iyo soon kii iga tagay waxaanad ugu jawaabtay maya
taasuna ma,ahan arin ama mas,alo aad kasoo naqlisay kutubta Islaamka ee waxaan u arkaa in aytahay mid adiga ra,yigaaga ah maxaa yeelay waa irin qawaacida Isaamka khilaafsan. tan labaad waxaad Yonis kasoo qaaday in uu gaal ahaa xiliyadii usan soomijirin ama uu san tukan jirin.
oo waxaad ku xukmisay xugunkii qofku markuu soo islaamo lagu xukmin jiray oo ahaa in qofka soo islaamay aan waxaba lagu lahayn wixii uu gaalnimada ku sameeyay ama kuwaajibilahaa hadii uu muslim ahaan lahaa. mana aadan kalasaarin waa ibnukhalife.Marka halkaan hakad ayaan galinayaa oo waxaan jawaab buuxada kasugayaa Yonis in uu yoonis muslim ashahaata ahaa intii usan tukan jirin iyo inkale. jawaataas yonis kadib ayaan insha alaahu waxaan halkaan kasoo bandhigi doonaa
waxaa diinta islaamku kaqbto arimaha noocaan ah.
Laakiin ta,kiidin marlabaad ibnukhalifoow hadhumban dad biqayrcilmi. isha-allaahu waxaan arintaada dabagal fiican kusamaynaynaa markii aan yonis uu noo soo jawaabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Friday, January 19, 2001 - 12:35 pm
To C/wali

waxaan sheegay in labada jawaab lasiiyey walaalkeen yonis ahaana, masaa'il culimadu isku khilaafsaned qadiiman-wa-xadiithan, waxaa shaki ku jirin in labada mas'ala yihiin ijtihaadi, ee qofku qaadanayo tii laraajax ah, ee cidna ku laasimi karin qofka kale tii asaga la raajax ah.

Marka adiga warkaada waxaan ka fahmay in aad iska dooneyso in haddeer halkaa lagu furo lucba dood ah. Marka waxaan maleynayaa in aad hayso waqti taa lagu lumiyo, ee dadka kalese miyey hayaan? waa su'aal.

Laga yaabo qaabka aad u hadleyso iney daacad kaa tahay, sida, inaad rabto taada in kulligeen nagu laazinto. waxaan ku dhihi lahaa nagu laazin waxaad doonte ee (a'anta anzalta minas-samaa?).

Assalaamu caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, January 24, 2001 - 09:27 am
to 2m.a
assalaamu calaykum
walaal ilaahay ajir iyo xasanaad hakaa siiyo sida dadaalkaaga iyo aqoontaada diineed aad u muujisay walaal qaybta aan ula jeeday in aad ku laabatid waa (saaxiibow wixii tagay waa tagay alle u daa xukunkiisa ee wixii taagan ku dadaal) walaal arintaasi waa qofka gaalka marka uu islaamo laakiin qofka markiisa hore islaam uu ahaa waa in uu soo gudaa waxaana u daliil ah axaadiis oo farabadan oo aad ka heli kartid kutubta waxaa ka mid ah (fadaynul llaahi axaqqu bill qadaa'i) xadiiskaas waxay ku timid qof ayaa weydiiyay rasuulka s.c.w waalidkayga wuxuu geeriyooday asagoo ku nadray in uu xajjiyo maka xajjinaayaa.
to inukhalif
walaal waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan oo aad u bayaanisay sida arimaha khilaafka loo raajixiyo laakiin marka khilaafka ugu horeeyo waxaa loo celiyaa kitaabka iyo sunnaha,
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnu khaliifah

Saturday, January 27, 2001 - 08:07 pm
To: ibnukhalif; "Waxaa shaki ku jirin in labada mas'ala yihiin ijtihaadi." Walaal waxaan filayaa in walaalkeen Yonis waydiiyey waxa arintiisa diinta Islaamku ka qabto not your ra'yi. Marka waxaan la yaabanahay oo aan weli qaadan kari la'ahay aniga oo arkay meesha aad shareecada islaamka ka joogto inaad bixiso fityada waynankaa leh. Laakiin waxaa ilaahay mahadii ah inay kaa qabteen culumo sharciga islaamka aqoon u leh. Waxaadna ugu jawaabtay dood baad rabtaa halkii aad uga mahad naqi lahayd oo Ilahay u towbad keeni lahayd. Tani waxay cadayn u tahay in aan joogno ama u dhwnahay saacatul qiyaamah.
Mahad sanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Thursday, February 01, 2001 - 09:01 am
To: kaas isku magacaabay ibnu khaliifah

Adiga maalinba magac kale noola imow, marna sheekh isku tilmaan, marna arday. sidaas ayaan kugu ogahay...

Garabkaa alaha galo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.