site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Iga caawi wax Guurka ku saabsan

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Islamic Way of Life - Nolosha Islaamka: Iga caawi wax Guurka ku saabsan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 12:31 am
Salaama calaykum

Waxaan ahay qof ku nool cariga Mareykana oo doonaya inuu dhawaan guursado. Waxaa dhankan aad uga socda tartan la isagu tartamo xaflada arooska.
Hadaadan la socon waxaa la isagu faanaa Hoteelka lagu dhigo, dadka ka heesa, dharka gabadha ay qabto iyo faraantigeeda qiimahooda. Dumarka meesha yimaada waa ay qaawanyihiin, niiko (gadaal rux rux) iyo waxyaalo oo aan halakan lagu soo koobi karin ayaa habeenkeer la hayaa. Aroosyada gaalada iyo kuwa Soomalida oo aan arkay waxa y ku kala duwanyihiin qamrada.

Inkastoon dhalinyarnahay waxaan go'ansanay inaan xaflad Islaamiya iyo tu Soomaliyan oo aan dambi laheyn dhigano. Walaalayaal anakoo og in qaarkiin ay waxaa mareen wixii waano ah noo soo jeedsha. Eebana abaalkeeda ha idin siiyo.

Wasalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faraax

Thursday, December 07, 2000 - 10:24 am
Asalaamu Caleykum

Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay fursada aad inaga siisay inaan kaga hadalno guurkaada waxaan isku dayayaa inaan wixii aan ka garato iraahdo. Adiga waxaad iska ilaalisaa talo doon inaad noqotid hadana taladii lagu siiyo mida ugu fiican aad garab martid ama iska indha tirtid maxaa yeelay waxaa jira dad badan ayaa laga yaabaa inay taladii aad u baahneyd ku siiyaan marka kuligood intaad akhrisid tan ku qancisa qaado hadii kale xaqa markii laguu sheego XUJO ayuu kugu noqonayaa oo adigaa dushaada ku oogay ama XUJUU kuu noqonayaa maalinta qiyaame.

Intaanan u guda galin, Nabiga ayaa inoo sheegay in guur oo dhan uu afar wax isugu soo biyo shubto kuwaasoo ah, in gabadha/wiilka ay isu doortaad ilamaa afar shey, Maal, Nasab, Qurux iyo Diin, hadaba midee adiga ku dooratay inanta aad rabtid in meherkeeda aad falanqeysid. Afartaas wax kasoo haray oo naag/nin isku doortaan ma jiraan. Waxaan u maleynayaa hadii su'aashaas si dhab aad uga jawaabtid waxyaalaha kale oo dhan inay hagaagayaan. Hadii aad ku doortay maal/qurux/nasab, intaba wixii aad kala kulantid adigaa eedeeda leh maxaa yeelay meeshii lagu amray ayaad dabamartay waadna taqaan qofkii daba mara awaarimta rasuulka meeshuu ku dambeynayo. Hadii uu yahay qofkaas qof diin lagu sheego uma baahna tuso iyo tusaale balse in la xusuusiyo ayey u baahantahay loona sheego in diinta aysan kaliya aheyn salaado la tukado balse ay tahay nolosha oo dhan oo Alle loo duleeyo, waxa maanta suuqa ku badana ay tahay waxyaalahaan oo la caadeystay oo hodhowna la yiraahdo Ilaahaan uga towbad keeni "Ogow in naftu aysan ogeyn goorey dhimaneyso" Hadii aad qofka guursaneysid uu yahay qof aad ku dooratay diin, waxaan ku dhihi lahaa, choicekaada wuu fiican yahay ee khaatimo xumo yeysan kugu dhicin naagaad macsi ku raali galisayna ogow inaysan caaqibo laheyn bal hadeyba kuula timaado wax macsi ah, Ilaahey xusuusi hadii ay ka laaban weydona ka sabir oo soonna laasim, ilaaheyaa kheyr qabo kugu badalayee.

Waxaan kaaga digayaa inaad gurigaaga ku dhiso wax Alle xaaraantimeeyay gurigiii aasaaskiisu noqdo macsina ku bishaareyso inuu fashil u dambeeyo walowba sidii doono ha la iskugu kalsoonaadee. Ilaahey wuxuu yiri "AFAMAN ASSASSA BUNYAANAHUU CALAA TAQWAA MINA LAAHI WARIDWAANIN KHEYRUN AMAN ASSASSA BUNYAANAHU CALAA SHAFAA JURUFIN HAARIN FANHAARA BIHI FII NAARI JAHANAMA." Caro Alle uu kuu caroodo iyo macsi ha u barbar dhigin, niyadana gali hadii aad Alle ka careysiiso adigoo dadka raali galinaya waa kuwii kuu carooda walowba aad wax walba siisid laakiin hadii aad Ilaahey raali galiso ayagana taas ay ka careysiiso ha u bixin Ilaaheybaa raali galisay ayana Ilaahey baa raali kaaga dhigaya. Waxaan ku oran lahaa cajaladaha culumada ka duubtay mowduucaan ka dhageyso walaahi hadii aad cajaladahaas qaarkood dhageysatid waabad la yaabi laheyd. Waxaad tagtaa http://www.islam-qa.com taabo Arabic Lecturers wuxuu ka yiri sheikha bal dhagahaaga ku maqal waana Carabi. Iga raali ahaada waan ku dheeraaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NICEMAN

Friday, December 08, 2000 - 10:19 am
Aslaamucelykum brothers and sister

waxaad shageeysin intaba waan soo arkey. Xataa arinta toolsha afka la'isgalinyo iyo hadan la'issa shuminaayo. arkaskan ama kuriga ladhisaa yo hadii lugu bilaabo waxaa an be raali keheen waxa badan madhisnaado kurgaas marka sidaad dareeded iska ilaali muusgi iyo wixaa lahalmaam. Wiilsha durkii qada ha cinaan gabdhahan habeen kii cash ha cinaan intaa wixii dhafsiisan aniga mugi.

waxaa kuu soharey walka kabdha kuursanyo, gabadha ha ahaato mid diina lahe iyo mid kuxinan reer diinle hadan ka warqabta nolsha manta lugnooleyhey hadii ey dhoqto mid reer kelbada(western style) ama mida diinta (rielagen), Gabdha walka kuursanysa sidoo kelto waxaad manta inban maqleysaa ninkaas asiga maley lacag,Baajilor digree,Dr engeenring ama gaari iska dhacaaye maleeyehey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NICEMAN

Friday, December 08, 2000 - 10:22 am
BROTHER AND SISTER IF U HAVE ANY COMMINTS AND QUESTION U CAN DROD SOME LINE IN HERE Abukarh@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.